
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-02-25
Guddoomiyaha golaha shacabka oo furay kulanka banbaxa guddiga joogtada ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) aya furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo shalay si rasmi ah u furmay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo furitaanka kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada kulankan uu leeyahay, waxaana uu xubnaha guddiga kula dardarmay in maalmaha kulanka uu socdo ay muhiimad gaar ah siiyaan dejinta shurucda kulamada Golaha Shacabka kalfadhiga lixaad ee dhowaan furmi doona.
Kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah oo sedax maalmood socon doona ayaa inta uu socdo xubnaha guddiga joogtada waxa ay diyaarin iyo jadwaleynba ku sameyn doonaan shuruucda Golaha hortaala kalfadhiga lixaad, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.
Wasiir Fiqi oo Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo Turkiga ka socda
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane danjir Axmed Macalim Fiqi ayaa shalay oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.
Wasiir Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan u gudbiyay wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024.
Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kaluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.
Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda-jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor-u-qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga.
Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socda IOM
Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka dowladda FS Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa shalay xafiiska ku qaabishay wafdi ka socda hay’adda IOM oo uu hoggaaminayey Manuel M Pereira- oo ah madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo khuburada Wasaaradda qaarkood, ayaa looga wada hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda IOM, iyadoo Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay uga mahadcelisay hay’adda IOM wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.
Wasiir fiqi oo qaabilay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Wang Yu, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo dhinaclaha iyo qoto-dheereynta iskashiga labada dal ee saxiibada ah.
Dhowr arrimood oo muhiim ah ayaa la iskula soo hadal-qaaday intii uu kulanka socday, si gaar ah hormarinta iyo sare yeelidda wax wadaagga labada dal ee dhinacyada dano is-dhafsiga leh o ay ku jirto dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo dhaqanka, si loo gaaro iskaashi sal-ballaaran iyo kobac wadaag loo dhanyahay.
Madaxweynaha Kenya oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya
Madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta Madaxtoyada dalka Kenya ku qabtay kulan gaara uu kula kulmayay dublomaasiyiinta dalalka shisheeye ee jooga dalka Kenya, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaana Soomaalia kulankaas ku matalayey.
"Waxaa la igu casuumay ka qeybgalka kulanka xogwareysiga ah ee uu Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto la qaatay diblomsiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtoyada. Kulanka ayaa Dowlada Kenya ku so bandhigtay kuna mujisay aragtida istaraatiijiyadeed ee Kenya ee ku aaddan dhanka horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo in dib loo xaqijiyo sida ay Kenya uga go’ant-ahay sare u qaadida cilaaqaadka diblomasiyada iyo iskashiga nabadda ee Gobalka”. Ayuu yiri Danjire Jabril.
Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo daris ah kuwaas oo xiriirkoodu uu xiligan marayo heerkii ugu sareeysay. Madaxwene Ruto aya so hadalqaday xiriirka labada dal iyo doowrka Dalka kenya ee ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ku sugan dalka Kenya. Waxa uuna sheegay in uu si buuxda u garab taagan tahay dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo daah-furay Mashruuca Gole-kaab
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa marka hore bogaadiyay ururada bulshada rayidka oo soo qaban qaabiyay iyo dhinacyada ka taageeraya ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay in ururada bulshada rayidka laga qeyb geliyo kulamada Golaha Shacabka si ay goobjoog ugu ahaadaan shuruucda uu Golaha ka doodayo maadama Golaha Shacabka uu matalo shacabka Soomaaliyeed.
Furitaanka Mashruuca Gole-Kaab waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka iyo safiir kuxigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Hormarinta Dhaqalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta, iyada o uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-02-25
........