
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-02-25
Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiiragalin ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Asad Xaajiyow oo kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal abuurka leh islamarkaana si adag oo geesinimo leh uga gudbay fal gurcan oo ay u geesteen Al-shabaab.
Asad Xaajiyow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir sida sare ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo dhiiragalintiisa, islamarkaana dardaaranka guddoomiyaha ay wax weyn kusii kordhin doonto sii wadida hal abuurnimadiisa iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bilad sharaf gaar ah gudoonsiiyay Asad Xaajiyow, isaga oo ku dhiiragaliyay adkeysigiisa iyo sida uu tusaalaha ugu yahay in Al-shabaab aysan hor istaagi karin horumarka Bulshada.
Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa shalay xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyayn iyo qalabayn.
Howshaan dib u casriyaynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ah howlaha sanadkaan lagu hormarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyaynta lagu sameeyay Studiyaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.
"Shalay waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Wafaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.
Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hor dhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.
Safiirka Tanyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagantahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna Wasaaradda Warfaafinta ay kala dhaxayso wadashaqayn balaaran.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa Shahaado Sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyaynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA TALYAANIGA U FADHIYA SOOMAALIYA.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada baarlamaanadda labada wadan.
Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay iskaashi wadaagga Siihayaha Safaaradda Norway
asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa shalay oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kor u qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo ballaarinta wax wadaag ku suntan danaha labada dal, iyadoo diiradda la saarayo u saldhigidda iskaashi muddo fog ah oo nacfi wadaag leh.
Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada mudane, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods.
Kormeerkan ayaa lagu eegayey sida xaruntu u shaqeyso, gaar ahaan habka kaydinta iyo maaraynta cuntada. Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Malco Foods, iyagoo uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen Wasaaradda ka go’nanshiyaha wadashaqeynta Wasarada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Malco ayaa in mudo ah ka shaqeyneeysay ilaalinta tayada iyo kaydka cuntada.
Intii uu socday kormeerka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee xaruntu ka qaadan karto xasilinta sugnaanta cuntada iyo wax soosaarka dalka. Wasiirka Maareeye ayaa xusay in iskaashi dhow loo baahanyahay si loo horumariyo nidaamka keydka cuntada, halka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada uu carabka ku adkeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta deeganka iyo la jaanqaadka isbeddelka cimilada.
Ugu dambeyn, booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso in la xoojiyo sugnaanta cuntada iyo horumarinta wax soosaarka gudaha.
Turkiga oo ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023
Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku sharfay Dowlada Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023.
Munaasabad lagu xusayay sanadguradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka oo lagu qabtay Gobolka Adiyaman, ayaa Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdirixiin Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda Xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hogaaminaya waftiga dowlada Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galaya meertada 6-aad ee shirka Arab Regional Platform for DRR oo looga hadlayo yareynta khataraha musiibooyinka aya kulan hor-u-dhac u ah furitaanka shirka la yeeshay madax iyo wufuud ka kala socota Dowladaha Kuwait, Emaraatka, Mauritania, madaxa Hay’adda UNDRR iyo madaxa Hay’adda WMO.
Kulankaan hor-u-dhaca u ah shirka madal-goboleedka Lixaad ee Carabta ee yaraynta khatarta musiibooyinka oo labadii sanaba mar qabsooba ayaa diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halis wadareedka iyo maalgalinta kaabayaasha u adkaysta, iyadoo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu madasha la wadaagay waxqabadka Hay’adda ee la xariira EW4ALL iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka.
Shirkaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee yareynta khataraha musiibooyinka (UNDRR) iyo Jaamacadda Carabta wuxuuna berri si rasmi ah uga furmi doonaa caasimadda dalka Kuwait, halka la soo gaba-gabayn doono 12-ka bishaan February, markaas oo la soo saari doono kharaar wax ku ool ah oo ku wajahan yareynta khataraha iyo dhisidda adkaysiga bulshada.
Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada
Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’adanimada oo ay diyarisay Wasarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.
Hindise Sharciyeedkan ayaa ah Xoojinta Iskaashi ku Salaysan Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.
Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Gargaarka, mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah. oo uu kamid yahay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo go'aan ka gaartay kiiska Lamaane ka tirsana Al-shabaab
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaartay kiiska lamaane ka tirsana kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kasoo muuqday Maxkamadda.
Maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay Xafso Maxamed Macalin oo gacanta lagu soo dhigay dhawaan iyada oo u socotay degmada Ceel buur oo uu ku sugnaa Seygeeda Abshir Aadan Maxamed.
Sii deysmada lamaanahaan ayaa timid kadib markii Abshir Aadan Maxamed uu arkay in xaaskiisa ay saaran tahay maxkamadda ciidamada, taasina ay keentay inuu go’aansado inuu kasoo baxo Al-Shabaab oo uu isku soo dhiibo dowladda.
Abshir Aadan Maxamed oo ay hareerahiisa taagnaayeen Xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka Maxkamada, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii ku jira koxda Al-Shabab.
"Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay. Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato” ayuu yiri Abshir Aadan Maxamed.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sii deysmada lamaanahaan kadib ku dhawaaqday iney taageereyso guurkooda oo haatan la qorsheynayo, waxaana sidaas si la mid ah ah dhankooda taageeray guurka lamaanahaan wasiiro iyo xildhibaano ku sugnaa maxkamadda ciidamada, kuwaas oo lacag ku wareejiyay lamaanaha si ay u dhameystiraan guurkooda.
"Abshir waa nin dhalinyarro ah, waana la marin habaabiyay balse hadda waxaa uu arkay in hadda ay dowladnimo jirto” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi.
Ugu dambeyntii kiiska lamaanahaan ayaa ka mid noqonaya kiisaska la yaabka leh ee la horkeeno Maxkamadda ciidanada qalabka sida, waxaana kiiskaan uu ahaa maalmahii lasoo dhaafay mid si weyn u qabsaday hadal heyntiisa baraha bulshada.
Howlgal ay ka qeyb qaateen Ciidanka Danab oo Al shabaab badan lagu dilay oo ka dhacay Jubadda Hoose
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Gaarka ah ee Danab ay si wadajir ah howlgal qorsheysan uga fuliyay deegaanka Wayaanta ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay sheegeen in jab xoogan ku gaarsiiyeen Kooxda Al shabaab.
Saraakiil la hadashay warbaahinta Jubaland ayaa sheegtay in Howlgalka uu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bartilmaa-meedsado godad dhulka hoostiisa ah oo ay Al shabaab ku dhuumanayeen, iyadoo howlgalku ku bilaabmay madaafiic xooggan oo lagu riday goobta, kadibna ciidanka ayaa si toos ah ula wareegay deegaanka.
Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa ku guuleystay in ay dhulka la simaan godadkii ay Al shabaab ku dhuumanayeen, iyagoo awoodi waayay in ay meydadkoodii iyo saanadoodii qaataan godadka ayaana loogu tagay kuwii ka geeriyooday Al shabaab oo godadka dhex daadsan.
Saraakiishaan ayaa tilmaamay in Ciidanku ay weli ku daba jiraan firxadka Al shabaab ka carartay godadkoodii, iyadoo la filayo in hawlgalku sii socdo ilaa si buuxda aagaasi looga ciribtirayo Kooxdan.
Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Jubaland ay ugu jirto sidii looga dabar jari lahaa Degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland kaga sugan yihiin Kooxda Al shabaab.
Puntland oo ka laabatay inay aqbashay Qorshaha Trump ee martigelinta Shacabka Gaza
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in ka Puntland ahaan aysan diyaar u ahayn martigelinta Shacabka reer Gaza iyadoo la eegayo qorshaha Dowladda Mareykanka ay ku dooneyso inay dadkaasi uga barakiciso dhulkoodi si qaxooti ahaanna laga fakaraayo in la geeyo meelo kamid ah Soomaaliya sida degaanada Puntland iyo Somaliland.
War saxaafadeedka kasoo baxay oo ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu yiri "Waxaan meesha ka saaraynaa hadal uu wasiir ku xigeenka warfaafinta u sheegay wargeyska Telegraph ee soo baxay February 8, 2025. hadalka uu jeediyayna kaliya waa aragtidiisa gaarka ah oo aan matalin mowqifka Dowlad Goboleedka Puntland.".
Sidoo kale waxaa intaas lagu daray warsaaxafeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Puntland in Puntland ay ixtiraameyso xuquuqda Falastiiniyiinta si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan dhulkoodi.
Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa xustay in Soomaaliya ay leedahay ballan taariikhi ah oo lagu taageerayo Falastiin maadama ay haysato Xubinnimada Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC .
Hadalka kasoo yeeray wasaaradda warfaafinta ayaa imaanaya maalin kadib markii uu Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland uu u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Dalka UK in ka Dowlad Goboleedka Puntland ahaan ay ku faraxsan yihiin in ay marti galiyaan qaxootiga Gaza, ilaa iyo inta ay si iskood ah u imaanayaan.
Dagaal beeleed khasaare geystay oo shalay ka dhacay degmada Luuq
Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka, waxaana ku dhaawacmay 2 ruux oo kale.
Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa haatan wada dadaalo ku aadan daminta dagaal beeleedkaan khasaaraha kala duwan geystay.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeled ayaa kuso aadaya, iyadoo dhawaan uun heshiis nabadeed la kala dhex dhigay beelaahaan walalaaha ah ee wada dega degmadaas.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Degmada Luuq oo ku aadan dagaalka shalay markale dib uga soo cusboonaaday magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Militariga oo cadaadiska ku kordhinaya Shabaabka Jicibow
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee labada dacal ka jooga deegaanka Jicibow ayaa gurmad ka helaya deeganada kale e bariga Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa gurmadka xoogiisa ka helaya deegaanada hoostaga Degmoyinka Buuloburde iyo Halgan, si loo xojiyo gulufka ballaaran ee lagu qabanayo deegaanka Jicibow oo dhaca bariga Webiga Shabelle.
Gurmadka ayaa gaaraya jiidda hore, xilli labada ciidan ay Jimcihii maleeshiyada Al Shabaab dagaal culus kula galeen inta u dhaxeyso dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow. Sabtidii dagaalo goos goos ah ayaa laga soo sheegay in ay ka dhaceen aagaggaasi.
Habeen hore diyaarado aan duuliye lahayn ayaa duqeeyay difaacyada ay maleeshiyada Al Shabaab ka difaacayaan deeganka Jicibow oo saaran qarka webiga.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa laba jiho kaga sii siqaya Jicibow, oo hadda ay ciidamadu diiradda saarayaan, sidii Shabaabka looga saari lahaa.
Ciidamada ayaa Jicibow ka jooga dhanka hawdka ee Beera-yabaal iyo dhinaca kale ee duledka Degmada Halgan.
Shabaabka ayaa sameynaya iska caabin ay ku doonayaan inay ku difaacdaan deegaankaasi, haddii uu yahay kan ugu weyn ee ay haatan ka joogaan bariga gobolkaasi.
Weerarka ay ciidamadu ku hayaan Jicibow ayaa laga dareemay deegaanada ka fogfog, waxaadna arkaysaa in Saraakiisha Ciidamada ay halkaasi gaynayaan ciidamo fara-badan.
Jicibow ayaa ah furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya bariga gobolkaasi ee Shabaabka looga sifeynayo hareeraha webiga.
Dhanka kale dhallinyaro is xilqaamay ayaa daraad deeq gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ee labada daraf ka joogo Jicibow.
Dhallinyaradan oo ah dhallinta Degmada Halgan ayaa raashiin garsiiyay ciidamada, si ay garab istaag ugu muujiyaan, isla-markaana ay ugu daydaan bulshada kale ee gobolka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku sugan jiidda hore ayaa isna sheegay in hawlgalkoodu uu geba-gabo marayo.
Israel oo shalay ciidamadeeda kala baxeysa Netzarim
Ciidanka Difaaca Israel ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay isaga baxaan saldhiggii ay ka sameysteen Isgoyska Netzarim ee Marinka Gaza.
Ciidamada Israel oo Sabtidii oo dhan diyaargarow waday ayaa la filayaa in Axaddan ay ka qalab qaataan saldhiggaasi.
Sida ku cad heshiiska xabad joojinta Gaza, maalinta 22aad ee dhaqangelintiisa, Militariga Israel ayaa looga baahan yahay in ay banneeyaan saldhiggaasi.
Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas ayaa 19-kii bishii January ka dhaqangalay guud ahaanba Marinka Gaza.
Ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Netzarim waxay calaamad u tahay inuu si wanaagsan u shaqeynayo wejiga koowaad ee heshiiska iyo dib u gurashada militari ee Israel ee qaybaha dhexe iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Saldhigga Netzarim ayaa ahaa mid ay Ciidamada Israel ku xadidayeen isu socodka shacabka ee koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Dadka reer Gaza ayaa dareemi doona ammaan, marka Israel ay si dhameystiran ciidamadeeda uga la baxdo Isgoyska Netzarim.
Falastiiniyiinta ayaa ugu yeeri jiray Netzarim dariiqa dhimashada. Tan iyo markii Ciidamada Israel ay halkaasi qabsadeen waxay Falastiiniyiinta ka mamnuuceen inay hore iyo dib ugu socdaan.
Ciidamada Israel ayaa waddada ka sameystay jidgooyo ay ku dhibi jireen dadka shacabka ah. Marar badan ayayna ku dileen dad rayid ah oo laga soo barakaciyay waqooyiga Gaza, laguna khasbay inay konfurta iyo bartamaha taggaan.
Ciidamadan ayaa burburiyay guryo fara-badan oo halkaasi ku yiilay. Dadka guryahooda la burburiyay ayaa awoodi doona inay soo eegaan.
Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale galaangal u yeelan doona inay si xor ah isugu kala gooshaan koonfurta iyo waqooyiga.
Cadaanka Koofur Afrika oo si cad u diiday qorshaha Trump uu ku doonayo in loo raro Mareykanka
Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu soo raro dalkaan Mareykanka.
Hase yeeshee, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ku jawaabay, "waad mahadsantahay laakin maya”. Waxay sheegeen in aysan qaada doonin dalabka Trump ee dib u dajinta caddaanka South Africa loogu sameynayo Mareykanka.
Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika. Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay "ku xad-gudubka xuquuqda” qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.
Waxuu kaloo ku eedeeyay, in dowladdu soo saartay sharci lagula wareegayo beeraha caddaanka, iyadoo aanan wax magdhaw ah la siin.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay in ay jiraan weerarro wadajir ah oo lagu qaaday beeraleyda caddaanka ah, iyaga oo sheegtay in sifaha Trump ee sharciga cusub ee dhulka ay ka buuxan macluumaad khaldan iyo marin-habaabin.
Caddaanka Koonfur Afrika ayaa weli guud ahaan ka nolol wanaagsan kuwa madowga ah, in ka badan 30 sano kaddib markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee caddaanka tirada yar ku hayeen dadka madow, kaas oo soo gaba gaboobay sannadi 1994-kii.
Daraasad uu 2021-kii soo saaray guddiga xuquuqul insaanka ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay, in 1% dadka caddaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo marka la barbardhigo 64% dadka madowga ah.
Duqeynta Daacishta Soomaaliya iyo dhowr iyo toban waxyaabood oo Trump iyo kooxdiisu ay sameeyeen toddobaadkan
Toddobaadkii saddexaad ee xil haynta markii labaad ee Donald Trump ayaa calaamadiyey tallaabooyin badan oo waaweyn oo madaxweynenimadiisa ah isaga iyo kooxdiisa.
Laga soo bilaabo soo bandhigidda yoolalka Mareykanka ee mustaqbalka Qasa, amarka duqeynta Daacishta Soomaaliya, iyo go'aanka weyn ee hoos u dhigidda hay'adda caawinta shisheeye ee Mareykanka ilaa faragelinta Muranka golf, Trump, la-taliyahiisa Elon Musk iyo xubnaha kale ee kooxdiisa waxay sii wadeen ajandahooda.
Waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay in lagu socdo - marka halkan waxaa ku xusan dhowr tallaabo oo muhiim ah oo ay sameeyeen toddobaadkan.
Qorshaha Maraykanku "kula wareegayo" Qasa
Shir saxaafadeedkii wadajirka ahaa ee Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netahnyahu ee aqalka Cad Talaadadaii, Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu "la wareegayo" "lahaanshaha" Qasa qorshe dib u dajinna loo samaynayo dadka reer Falastiin.
Qorshaha Trump ayaa soo jeediyey in la hormariyo dhulkaas oo ku burburay shan iyo toban bilood oo dagaaal ah oo u dhaxeeyey Israa'iil iyo Xamaas lagana dhigo"dhul qurxoon oo Bariga Dhexe ah".
"Marinka Qasa wuxuu noqonayaa mid uu Maraykanku kala wareegayo Israa'iil marka uu dagaalku dhammaado" ayuu Trump ku celiyey Khamiistii, isagoo ku adkaystay in fikraddaasi ay la micno tahay dib u dejinta Flastiiyiinta xilligan ku nool halkaasi.
Trump wuxuu soo jeediyay in isbeddelkaasi noqon doono mid joogto ah, laakiin mas'uuliyiinta maamulka ayaa ka dib sheegay in dib u dejintaasi ay kaliya noqon doonto mid ku-meel-gaar ah.
Musaafurin kasta oo qasab ah oo shacabka ah ayaa noqonaysa sharci-jabin caalami ah.
Qorshaha fasax-gelinta kumannaan shaqaalaha USAID ah
Kumannaan ka mid ah shaqaalaha hay'adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID, oo ah hay'adda ugu weyn ee dawladda u qaabilsan gargaarka dibadda, ayaa la filayaa in saqdii dhexe ee Jimcaha la fasaxo.
Taasi waxay ahayd ilaa uu garsoore si ku meel gaar ah u horjoogsaday qorshaha Madaxweyne Trump, saacado ka hor inta aan la gaarin.
Garsoore Carl Nichols ayaa soo saaray amar xannibaad ku meel gaar ah oo "xaddidan ", taasoo ka jawaabaysa dacwad daqiiqaddii ugu dambeysay ay gudbiyeen labo urur oo isku dayaya inay badbaadiyaan hay'adda.
Joojinta la soo jeediyay waxay saameyn doontaa inta badan shaqaalaha hay'adda, iyadoo kaliya boqol ama laba boqol oo shaqaale ah oo muhiim ah ay ka hartay, iyadoo guud ahaan tirada shaqaalaha ay ka yihiin ku dhawaad 10,000 oo qof caalamka oo dhan ah.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii shaqaalaha loo sheegay inay ka maqnaadaan xarunta hay'adda ee Washington DC, horraantii toddobaadkan.
Go'aannada lagu dhimayo shaqaalaha ee hay'adda ayaa burburiyay nidaamka caawinta adduunka, iyadoo barnaamijyo badan ay horey u hakad galeen dalal kala duwan.
Canshuuro lagu soo rogay Shiinaha, iyo hanjabaado loo jeediyey dalalka deriska ah
Trump ayaa ku soo rogay canshuur dhan boqolkiiba 10 badeecooyinka ugu yimaada Maraykanka dalka Shiinaha taladadii balse ka laabtay hanjabadiisii ahay in boqolkiiba 25 uu canshuurayo badeecaha ka yimaada dalalka Canada iyo Mexico soddon cisho gudahahood, kadibse madaxda dalalkaasi ay ballan qaadeen inay xoojinayaan ammaanka soodimaha.
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ogolaaday in la xoojiyo xadka Mareykanka iyo Canada si loo xakameeyo socdaalka iyo qulqulka daroogada.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum, ayaa Iyana ogolaatay in la xoojiyo xuduudka waqooyi ee dalka iyo ciidamada, taa beddelkeedana Mareykanka uu xaddido qulqulka hubka ee Mexico.
Qorshaha lagu dhiirigelinayo shaqaalah federaalka inay iskood isku casilaan
Maamulka Trump ayaa bixiyay dhiirrigelinno si shaqaalaha federaalka ay iskood ugu is casilaan kahor dhammaadka Khamiista habeenkedii, taas oo qayb ka ahayd dadaal lagu doonayo in lagu yareeyo cabbirka dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, garsoore Mareykan ah ayaa si ku-meel-gaar ah u joojiyay qorshahan saacado ka hor dhammaadka muddada, isagoo hakiyay ilaa dhageysiga Isniinta si loo go'aamiyo xaqiiqada dacwad uu soo gudbiyay ururrada shaqaalaha federaalka, sida ay warbixisay CBS News, oo BBC ay dhanka Mareykanka wada-shaqeyn kala dhaxayso.
Cunaqabataynta Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICJ
Khamiistii ayuu Trump saxiixay amar ah in cunaqabatayn lagu soo rogo qaar ka mid ah shaqaalaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Cunaqabatayntu waxay saaraysaa xayiraad dhaqaale iyo fiisaha shakhsiyaadka iyo qoysaskooda ka caawiya baadhitaannada ICC ee muwaadiniinta Maraykanka ama xulafada.
Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague waxay soo saartaa dacwado caalami ah oo lagu soo oogo xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo dembiyada dagaalka. Dhowaan ayay ahayd markii ay soo saartay amar lagu soo xirayo taliye ka tirsan Xamaas iyo Netanyahu oo Israa'iil ah oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo Qasaka dhacay, taasoo Israa'iil ay beenisay.
Ku dhawaaqista Trump ayaa timid xilli Netanyahu uu booqanayay Washington DC.
In ka badan 120 waddan, oo ay ku jirto UK, ayaa xubin ka ah ICC, inkastoo Mareykanka iyo Israa'iil aysan xubin ka ahayn.
Amriddii duqaymo cirka ee lagu qaaday kooxda Daacish ee Soomaaliya
Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay 1-dii Febraayo in diyaaraha dagaalka ee Maraykanku duqayn la beegsadaan sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda ee waqooyi bari Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in "argagixiso badan" la dilay "iyagoon sinaba u dhibaateyn shacabka". BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto wararka sheegaya khasaaraha.
Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee baraha bulshada ayaa soo dhaweeyay "taageerada hagar la'aanta ah ee Mareykanka uu ka siiyo la dagaalanka argagixisada caalamiga ah".
Ka bixitaankii hay'adaha Qaramada Midoobay
Trump ayaa sidoo kale qaaday tallaabo uu ku joojinayo ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dhowr hay'adood oo Qaramada Midoobay ah.
Talaadadii, Trump waxa uu saxeexay amar fulineed oo uu Maraykanka kaga baxayo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, ee UNRWA, taas oo Israa'iil ay aad u dhaleecaysay.
Isla amarkaas ayaa lagu sheegay in Maraykanku aanu mar dambe ka qayb-geli doonin Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (UNHRC), isla markaana Maraykanku uu dib u eegis ku samayn doono xubinimada Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) 90 maalmood gudahood.
U diriddii Guantanamo diyaaraddii ugu horreysay ee dad la tarxiilay sidday
Mareykanka ayaa kooxdii ugu horreysay ee muhaajiriin ah u diray Guantanamo Bay Talaadadii, ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ballaariyo xarigga muhaajiriinta ee saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Cuba.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in maxaabiista ay ka tirsan yihiin kooxda Tren de Aragua - burcad asal ahaan ka soo jeeda xabsiyada Venezuela. Toban maxbuus ayaa la diray, sida ay sheegtay CBS, iyadoo soo xiganaysa saraakiil badan oo Maraykan ah.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Trump uu amray in xabsiga hadda jira ee muhaajiriinta ee saldhigga la balaadhiyo si loogu xiro ilaa 30,000 oo qof.
Dalabka ah in Ukraine ay bixiso agabka dhagaxyada qaaliga ah
Isniintii, Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Ukraine ay dammaanad qaaddo bixinta dhagaxyada qaaliga ah ee badan, iyadoo lagu beddelayo $300 bilyan (£240 bilyan) si loo taageero dagaalka ay kula jirto Russia.
"Waxaan rabnaa in waxa aan bixineyno ay noqdaan dammaanad... waxaan dooneynaa inaan heshiis la galno Ukraine, halkaas oo aan ku xaqiijin doono waxa aan siinayno iyaga iyagoo leh dhagaxyada qaali ah (macdanta) iyo waxyaabo kale," ayuu Trump yiri.
Ukraine waxay leedahay kayd waaweyn oo uranium, lithium iyo titanium ah, kuwaas oo loo isticmaali karo difaaca iyo soo saarista elektiroonigga, sida ay warbixisay CBS.
Jawaab ahaan, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisu uu furan yahay maalgelinta shirkadaha Mareykanka.
Sii daynta biyaha ee biyo-xireenka California
Trump Isniintii ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo balaayiin galaan oo biyo ah oo laga soo saarayo laba balli oo ku yaal Dooxada Dhexe ee California, kadib dabka kaymaha oo ka kacay Los Angeles bishii Janaayo.
Trump ayaa ku eedeeyey California inay xayirtay biyaha kuwaas oo caawin lahaa la dagaalanka dabka basle mamaulka California ayaa arrintaasi muran ka keenay sida ay CBS warisay.
Biyaha ayaa lagu siidayey haro qallalan oo masaafo 160km k afog halka dabka. Khubaro iyo mas'uuliyiin ayaa CBS u sheegay inay biyahaasi aysan gaari doonin Los Angeles, isla markaana ay suuragal tahay inay noqdaan kuwo kharibmaya.
Hawl-wadeenno lagu dhawaaqay si ay wax uga qabtaan 'eexda Masiixi-diidka'
Trump ayaa khamiistii saxiixay amar fulin oo ujeeddadiisu ahayd "in la ilaaliyo xoriyada diimaha ee dadka Maraykanka ah iyo in la joojiyo hubka ka dhanka ah Masiixiyiinta ee dawladda".
Wuxuu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bond oo dhawaan la xaqiijiyay inuu hoggaamiyo koox hawleed si loo cirib tiro waxa uu ugu yeeray "eexda Masiixiyiinta" ee dowladda federaalka.
Trump ayaa saxiixay amarka ka dib markii uu khudbad ka jeediyay Quraacda Salaadda Qaranka ee Washington DC.
Ka saaridda isbaddelka cimilada baraha internet-ka ee dowladda
Laga soo bilaabo toddobaadkii hore, maamulka Trump ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay qaar ka mid ah shabakadaha hay'adaha dowladda Mareykanka in ay meesha ka saaraan tixraacyada isbeddelka cimilada.
Waxay saamaysay shabakadaha waaxaha gaadiidka, gaashaandhigga, gobolka iyo beeraha, kuwaas oo maamusha adeegga kaynta, sida ay sheegtay Guardian.
Qaar ka mid ah waxyaabaha ku jira cimilada ayaa ku haray Wakaalada Ilaalinta Deegaanka (EPA), Nasa iyo goobaha waaxda tamarta.
Caddaymaha amniga Joe Biden oo meesha laga saaray
Trump ayaa laalay nadiifinta amniga Joe Biden iyo gelitaanka warbixinnada sirta ah ee maalinlaha ah Jimcihii - wax uu Biden sameeyay Trump afar sano ka hor.
"Ma jirto baahi loo qabo in Joe Biden uu sii wado helitaanka macluumaadka sirta ah," Trump ayaa ku qoray qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee runta ah.
"JOE, WAA LA eryay," ayuu jamhuurigu ku daray isagoo tixraacaya weedha uu ka yidhi barnaamijka dhabta ah ee TV-ga, The Apprentice.
Xigashi BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-02-25
..........