halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-02-25

0
Sunday February 09, 2025 - 09:39:38 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-02-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta

Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

"Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in Kooxdii Daacish ee lagu jabiyay Ciraaq iyo Syria inay ka dagaalamayaan Puntland

Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Abdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shalay qeyb ka ahaa Shir jaraa'id oo dhowr kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ku qabteen magalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagalka ka socda Buura Calmiskaad aysan wax Soomaali ah ka dagaalameyn balse ay yihiin dagaalamayaal ajaaniib ah oo kuso jabtay dagaalkii kooxdaasi lagula galay Wadamada Ciraaq iyo Siriya.

Wasiir Fartaag waxa uu shaaca ka qaaday in shacabka Somalia ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish inta aysan isku soo faafin degaano kamid ah Somalia, waxana uu balan qaaday in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay dagaalka ku garab istaagto Ciidamada Puntland.

Wasiir Fartaag ayaa uga digay Shacabka Soomaaliyeed inay maalgeliyaan argagexisada oo ay siiyaan lacagaha baadda ah ee ay weydiistaan Shacabka Kooxda Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay go'aankii Khamiista ee kasoo baxay fadhigii Golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya kaas oo garab istaag loogu muujinayo Ciidamada Puntland si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish ee ku jirta Buurta Calmiskaad.

Dagaalo xoogan ayaa tan iyo Bishii lasoo dhaafay waxaa ay ka soconayaa degaanada Buuraha Gobolka Bari, waxaana Puntland ay qaaday howlgal weyn oo ay ku sheegtay inay kusoo afjareyso Kooxda Daacish ee saldhigyada ka sameystay Buuraha Bari, waxaana jirta dagaaladii ugu dambeeyay in lagu dilay saraakiil Cadaan ah oo ka barbar dagaalamaysay Kooxda Daacish.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha Xagjirka ah

Wasiirka Wasarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shalay magalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan socon doona afar maalmood oo ku saabsan doorka ururada bulshada ka qaadan karaan xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka Fikradaha Xagjirka ah.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo Agaasimay Hay’adda Qaranka ee ka Hortagga Fikirka Xagjirka ee TUBSAN iyo Hay’adda CCCPT-ASWAN FORUM ee Dalka Masar.

Wasiirka ayaa xusay muhimadda kulankaan aqoon is weydaarsiga ah oo uu sheegay inuu ka tarjumayo fulinta heshiiskii istaraatiijiyadeed ee dhawaan magaalada Qaahira ku wada saxiixdeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxwene Abdulfataax Al Sisi.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa intaa ku darey in kulankaan uu dhanka kale xoojinayo kaalinta ay ururada bulshada ku leeyihiin dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada iyo in dalka laga tirtiro Fikirka Xagjirka, taas oo qeyb ka ah saddexda tiir ee dagaalka Al-shabaab, kuwaas oo kala ah dagaalka Milateri, Xakameynta dhaqaalaha iyo habka fikirka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, sidoo kale waxa ka hadlay Wasirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Bare, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Cadaaladda XFS Mudane Ilyas Sheekh Cumar, Wakiilka Midowga Afrika Mohamed Al Emine Souef, Agaasimaha Guud ee TUBSAN Mudane Abdullahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay la macaamilka al-shabaab

Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga Guddaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa bulshada Sooma-aliyeed u soo bandhigay guullaha laga gaaray la dagaalanka al-shabaab.

Wasiiradda ayaa hambalyo u diray dhamaan geesiyaasha qaranka ee furimaha dagaalka ka soo hooyey guullaha, iyagoo sidoo kale shacabka Somaliyed ugu hambalyeey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka qaranka.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda hadafka koowaad u yahay la dagaalanka al-shabaabu, iyadoo intii dagaalku socday dhamaan lagu jabiyey furimaha dagaalka kooxda al-shabaab.

Sidoo kale wasiiradda ayaa soo bandhigay in kooxaha Al-shabaab looga adkaaday dagaalka maaliyadda, dagaalka warbaahinta, dagaalka fikirka iyo furimaha dagaalkaba.

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Cabdulaahi Fartaag oo ka hadlay shirka araa’id ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya Kooxaha argagixisada Sidoo kale wasiirka Amniga XFS ayaa shaaca ka qaaday in ay ka taageerayaan shacabka Puntland la dagaalanka kooxda al-shabaab.

Wasiirka Amniga XFS ayaa isticmaalay inta uu ku guday shirka Jaraa’id odhaah xigmad xambaarsan oo aheyd Maalkaada haku dilin Naftaada, isaga dhanka kale sheegay in laga xiray koontooyinki ay lacagta dhigan jireen al-shabaab, haya’addaha amnigana ay u taagan yihiin jid kasta qof kasta oo isku dayo in uu la shaqeeyo al-shabaab”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Muqtaar Roobow ayaa isaguna dhankiisa adkeeyey in aan marnaba la aqbalayn in cid bixiso dhaqaale lagu haligayo shacabka Soomaaliyeed

"Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdirixmaan Yuusuf Sheekh Al cadaala oo ka hadlay shirka jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiiradda ka tirsan XFS ayaa sheegay in dowlada ay heyso xog dad si toos ah iyo si dadban umaalgaliya Kooxaha qawaarijta ah ee Al-shaabab iyo daacish.

Ugu dambayn wasiiradda ayaa shacabka uga digay in kooxda al-shabaab xiriir lala yeesho, iyagoo amray in qofkii ay la soo xiriiraan al-shabaab uu la soo xiriiro laammaha amniga ee Dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa guud ahaan ggobollada dalka kawada guluf weyn oo kooxaha al-shabaab looga xoraynayo goobaha ay ku dhuumanayaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hogaaminayo gudomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaaray dalka Kuwait, waxaana wafdigan soo dhaweyay Sarreeye Guuto Maxamed AlQahtani oo ah Madaxweyne ku xigeenka Dab-demiska iyo Hay’adda Maarenta Musiiboyinka Kuwait.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha, ayaa daarran xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka banii’aadannimo, waxaana si gaar ah shirkaan looga hadlay xaaladaha banii’aadannimo ee dalka, jawaabta deg-dega ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya madaama istaageen gargaarkii qaar kamid ah hay’adaha ay siin jireen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Muuse Salaad: waxaan Maxaabiis ahaan u qabanay horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo faah faahin ka bixiyey dagaallo jab xooggan lagu gaarsiiyey Al-shabaab oo ka dhacay qeybo ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiye Muuse ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in dhamaan goobihii dagaalku ka dhacay ee lagu jabiyey al-shabaab ay gacanta ku hayaan geesiyaasha qaranka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa shacabka ugu hambalyeeyey in ay geesiyaasha qaranku dileen horjoogeyaashii dhagarta u maleegi jiray shacabka qaarkoodna la hayo iyagoo maxaabiis ah” wax aan dilay in ka badan 30 Al-shabaab ah sidoo kale wax aan qabanay 3 horjooge” ayuu yiri Guddoomiye Muuse.

Ugu dambayn Guddoomiye Muuse Salaad ayaa geesiyaasha Qaranka ugu hambalyeeyey guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Al-shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip