
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-02-25
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA UGANDA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa gaaray magalada Kambala ee caasimada dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa la kulmay dhigiisa Madaxweynaha Dalka Ugandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadlen xojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa shalay u amba-bixi doona magalada Daarus-alaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyada Dimuqradiga ah ee Koongo.
Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinaya dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo hormarka mandiqada.
Madaxweynaha JFS oo xoojiyay baaqa Golaha Wasiirrada ee dagaalka ka dhanka ah Daacish
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumada Federalka Somalia ee ku aadan holgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaleysanaysa buuraha Calmiskad ee gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in Dowlada Federaalka ah ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaanada lagu baacsanayo argagixisada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalaya kulan hordhac u ah shir madaxeedka Tansania
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka qeybgalaya shalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee urur goboleedyada EAC-SADC
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa shalay ka qeybgalaya kulan heer wasiir ah oo loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Urur gobole-dka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo la qorsheeyay inuu ku qabsomo magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socona doonana mudo labo cisho ah 07-08 Febraayo.
Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah o madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diirada lagu saarayo daminta xiisada joojinta colada, io xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.
Soomaaliya oo ah xubin aan joogto ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka go’an in ay ku baaqdo xal dibloma-asiyadeed oo ku qotoma nabad iyo wadahadal in lagu maareeyo qalalaasaha taagan.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.
Wasiirka Petrolka XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyradka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankan oo ka dhacay Istanbul ayaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka.
kulanka ayaa lagu sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa habeen hore casho sharaf ugu sameeyay Caasimadda Muqdisho wafdiga Azerbaijan ee booqashada ku jooga dalka oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Yalchin Rafiyev, tani oo caddayn u ah xiriirka diblomaa-siyadeed ee kobaca samaynaya ee u dhexeeya labada dal.
Booqashada wafdiga Azerbaijan ayaa astaan u ah xiriirka horu-socodka leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo ka marqaati ah ka go’naanshaha Soomaaliya iyo Azerbaijan taabagelinta iyo qoto-dheereynta iskaashi wadaag dhinac weliba leh.
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shir guddoomiyey kulanka gudidda joogtada ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur (Madobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Kulanka oo looga hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha joogtada looga dhageystay guddi walba qorshayaashiisa kalfadhiga lixaad iyo shuruucda uu gacanta ku haayo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad oo dhowaan furmi doona Golaha Shacabka ay horyaalaan howlo muhiim ah iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruuc kala duwan oo dowladnimada dalka muhiim u ah.
Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka ka codsatay in wixii taageero ah uu iyada toos u siiyo
Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ka codsatay in taageerada uu hore ugu soo marin jiray hay’adda USAID hadda kadib si toos ah loogu wareejiyo dowladda federaalka, oo aan gacan sadexaad loo soo marin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Xasan Carab, oo waraysi siiyay VOA Somali, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso in wax-ka-beddel lagu sameeyo habkii ay u shaqayn jirtay hay’adda USAID, taas oo hore gacan uga geysan jirtay horumarinta Soomaaliya, balse maamulka Trump uu albaabada u laabay.
"Gargaarka dowladda Soomaaliya toos looma siin jirin waagii hore, markaa waxaan dalbanaynaa in haddii dowladda Maraykanku go’ansato inay gargaarka sii waddo, si toos ah loogu wareejiyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya u diyaarsan tahay inay la wareegto mushaharsiiinta iyo taageeridda ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo hore Maraykanku u taageeri jiray. "Dowladda Soomaaliya waxay u diyaarsan tahay inay la wareegto baahiyaha ciidamada,” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.
Sida uu danjiruhu sheegay, hay’adda USAID oo mustaqbalkedu hadda mugdi ku jiro, waxay Soomaaliya ka caawin jirtay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha, iyo sidoo kale hormarinta beeralayda iyo wax-soo-saarka.
Maamulka cusub ee Donald Trump ayaa hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’ado wax ka tari jiray kaalmada iyo horumarka waddamada soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika. Hay’adaha kale ee kaalmada laga jaray waxaa kamid ah Hay’adda Caafimadka Adduunka (WHO).
Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar
Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa kulan la
xiriiray xoojinta xiriirka iskaashi iyo wada shaqeyn laga yeesho arrimaha
labada hay’adood la qaatay Madaxa Hay’adda Dhexe ee Hantidhowrka Masar
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 08-02-25
...........