
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-02-25
Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo meelmariyay ajandayaasha golaha
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo uu wehelliyo Gudomiye ku xigeenka labaad Mudane Abdullahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajandaha kulanka shalay ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo golaha, metelaadda shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib la meel mariyay ajandaha golaha iyo qorshe hawleedka guddiyada ee kalfadhiga lixaad.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.
Wasiirka qorsheynta XFS oo qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, iyadoo si gaar ah loo faaqiday fursadaha maalgashi ee istiraatiijiga ah ee la jaanqaadaya qorshaha isbedelka Qaranka (QIQ) kuwaas oo dhiirrigelinaya kobac dhaqaale oo joogta ah.
Wasiir Cali Xoosh oo qaabbilay safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane, Wang Yuu.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, xoojinta wada shaqaynta gaar ahaan dedaallada wadajirka ah ee xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.
Soomaaliya oo ka digay halista maarayn xumida biyaha ka gudba soohdimada
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa sheegay caqabadaha ka dhalan kara ku takri falka kheyraadka biyaha ee xuduuda isaga gudba, isagoo ka digay inay keeni karto amni darro iyo inuu xumaado xiriirka ka dhaxeeya dalalka.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shalay aqoon isweydaarsi ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ee isticmaalka iyo ilaalinta biyaha iyo harooyinka xuduudaha ka gudba oo lagu qabtay Muqdisho ayaa caddeeyay kaalinta muhiimka ah ee biyaha ay u leeyihiin noolaha iyo baahida loo qabo iskaashi maamul si looga hortago khilaafyada, loona hubiyo in si siman biyuhu u gaaraan marinnada ay ku qulqulaan.
Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sh, Cali Dhuxuloow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda ku qaabbilay safiirka dowlada Sweden u fadhiya Somalia, Amb; Joachim Waern.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Kulan looga hadlayo xaaladda bani’aadannimo ee dalka oo ka dhacay Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay gudomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aa-danimo ee dalka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray warbixinta abaarta La-nina, saameynta taban ee durba ka dhalatay taageerada qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka oo istaagtay iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee waddanka.
Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo doorka hoggaamin ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda xogga lagu saari doono sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa malxadda ban’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS oo ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar.
Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.
Wasiir Asad ayaa kulan doceedyo la yeeshay Wasiirrada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq, isagoo kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale wasiirka beeraha ee Ciraaq kala hadlay dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.
Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar.
Xuska maalinta Kansarka adduunka oo lagu qabtay Muqdisho
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-02-25
........