halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-02-25

0
Tuesday February 04, 2025 - 09:45:01 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-02-25

    ..........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan ee Gaashaanle Ibraahim Macalin Cabdullaahi

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay wareegto uu soo saaray dib ugu soo celiyay dhamaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dib u soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taasoo ku saleeysan xeer Madaxweyne si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah.

"Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Talaabadaan dib loogu soo celiyay xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa timid, kadib markii uu Gaashaanlaha uu codsi u gudbistay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Gaashaanle Sare Ibraahim ayaa xaq u yeelanaayo dhammaan xuquuqda ciidan ee sharciga uu u oggolyahay, laga bilaabo shalay oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, iyada oo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa horay waxaa darajadiisa iyo xaquuqdiisa ciidan uga qaaday dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feederaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr.Rowaid Adil Mohamed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si diirran oo gacaltooyo leh ku soo dhoweeyay Danjiraha, ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isago adkeeyay garab istaagga gobonimo doonka shacabka reer Falastiin iyo sida ay xaqa ugu leeyihiin inay helaan dowlad la aqoonsan yahay oo iyaga metesha, taas oo u horseedda nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Safiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyay guddoomiyaha soo dhawaynta diirran, wuxuuna ugu hambalyeeyay ku guulaysiga ay Soomaaliya ku guulaysatay inay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM, taas oo uu sheegay inay faa’iido u tahay dadka reer Falastiin ayna ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ku meteli doonto qadiyadda Falastiin iyo xorriyaddooda.

Ugu dambayn, guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Falastiin in ilaahay xilka loo magacaabay uu u fududeeyo, dadaal dheerad ahna ku bixiyo horumarinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA FALASTIIN U FADHIYA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin usoo magacowday Soomaaliya Danjire Rowaid Adil Mohamed.

Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu safiirka kusoo dhoweeyay Dalka sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalaha Falastiin.

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay wafdi Sare oo ka socda wasaaradda Cadaaladda Dalka Masar

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dasturka ee XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee Masar, oo uu hogaaminayo Mudane Haytham Hegazy. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal iyo hormarinta nidaamka cadaalada Somalia.

Wasiiru-Dowlaha Cadaaladda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in kulamadan ay dhameystirayaan wadahadalladii dhacay safarkii shaqo ee uu ku tagay Masar bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay, iyadoo la isla gartay xoojinta iskaashiga tababarka garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar wada shaqeynta joogtada ah, isagoo muujiyay muhiimada iskaashiga garsoorka ee labada dal si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowlada FS Soomaalia mudane abdulqadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku qaabilay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan ayaa ka wada hadlay hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda iyo doorka ciidanka AUSSOM ka qaadanayaan sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee saaxiibada Somalia ay ku xoojinayan awooda Cidanka XDS, waxaana la isla xaqiijiyay sida ay Somalia uga go’an tahay amniga iyo bedqabka Soomaaliya iyo guud ahaan kan gobolka.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo wafdi la socday.

Wasiirka iyo ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa kawada hadlay horumarinta waxbarashada Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo kormeeray xarunta hay’adda socdaalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleyman Maxamed oo uu Wehliyo ku xigeenka xeer-Ilaaliye Yaxye Maxamuud Saciid ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaas oo ujeedkiisu ahaa waxka qabashada socdaalka sharci darada ah, tahriibinta iyo ka ganacsida dadka.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kusoo dhaweeyay xafiiska ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka warbixin ka siiyay shaqooyinka Hay’adda.

Kulan gaar ah oo ay ku yeesheen labada masuul xarunta Hay’adda ayaa looga hadlay wax ka qabashada danbiyada socdaalka sharci darada ah iyo Tahriibinta maadaama dhaawac weyni kasoo gaaray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta iyo Dhallinyara, taasoo keentay in Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka aas-aaso waax si gaar ah uga shaqeysa danbiyada Socdaalka sharci darada ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay duqeymo Daacish lagula eegtay buuraha Calmiskaad

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abdulqadir Maxamed Nuur ayaa faahfahin dheerad ah ka bixiyay duqemo diyaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in duqeymaha sidii loo qorsheeyay ay u dhaceen, islamarkaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buyraleyda ah.

"Puntland waxaa buuraha duqeyn lagu laayey Al-shabaab tiro badan oo ka tirsan Daacish, waxayna u dhacday sidii loo baahna, Mareykanka waan uga mahadcelineyna duqeynta waana saaxiib xili wanaagsan na garab taagan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad tababar loogu soo xiraayay Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab, taasoo ka dhacday xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland Mareykanka ay xaqiijiyeen in duqeynta ka dhacday gobolka Bari lagu dilay xubno badan oo ka tirsana Daacishta Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha dalka oo gaaray Turkiga

Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Turkiga , kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa wadankaas Ali Yerlikaya.

Booqashada wasiirka amniga Soomaaliya uu ku tegay wadanka Turkiga oo qaadan doonta muddo laba maalin ah ayaa looga golleeyahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarada iyo wadashaqeynta labada dal, waxaana wafdigu ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda sare ee wasaaradda amniga gudaha Turkiga.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo soo rogtay in dadka ka safraya ama imaanaya dalka ay 3 Tallaal qaadan doonaan

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro aan laga weecan karin oo taabanaya dadka imaanaya iyo kuwa ka safraya Soomaaliya, tallaabaani ayaa ah in ay qasab ku tahay in ay qaataan tallaallada ay ka midka yihiin kan looga hortago duumada, tallaalka dabaysha iyo tallaalka qaaxada maskaxda.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay dhaqan-gashay 1-da Febraayo ee sanadkan 2025, waxa ay xustay in Xarumaha Tallaalka laga qaadanayo ay qeyb ka yihiin goobaha laga soo galo dalka, sida: garoomada caalimiga ah, dekedaha iyo xarumaha kale ee caafimaad ee dowladdu asteysay.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "Wasaaradda Caafimaadka waxaa ka go'an ilaalinta caafimaadka iyo badqabka muwaadiniinta iyo dadka booqashada ku imaanaya dalka lyadoo haddaba, laga duulayo kororka cudurrada faafa ee caalamka iyo dhaqangelinta Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah ee la xariira isu socodka (IHR 2005)".

Tallaalka duumada waxaa loogu talogalay in looga hortago kaneecada taas oo khatar ku ah nolosha, Qaniinyada kaneecada ayuuna cudurka ku kala gudbaa. Tallaalka ugu caansan ee looga hortago duumada waxaa loo yaqaan Mosquirix.

War saxaafadeedka wasaaaradda Caafimaadka ayaa shaaca looga qaaday in Waqtiga tallaalka uu noqon doono ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka.

Tallaalka waa mid badqab ah oo waxtar leh kana hortagaya afarta nooc ee cudurka keena. Tallaalka waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhowr iyo toban jirada, dadka safraya iyo dadka qaba xanuunada gaarka ah, Marka aad qaadato tallaalka waxaad difaac u yeeshay naftaada sidoo kale waxaad ka qeyb qaadatay in aad joojiso faafitaanka cudurka.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo joojisay, sharci darrana ku tilmaamtay khidmadaha buugga caafimaadka

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa joojiyey khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka, kuwaas oo ay shalay soo rogtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

War-saaafadeed kasoo baxay wasaaradda Maaliyada ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo la sheegay inuu dhaqan-gali lahaa 03 Febaraayo 2025.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku dhawaaqday in khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo xiganaysay sharciga Maamulka Dakhliga 2019 iyo Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Maamulka Khasnadda Mideysan.

Waxay fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso in si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidmadaha noocaas ah.

"Haddii Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay doonayaan in rakaabka ka safraya ama u safraya dalka ay qaataan tallaal oo ay iibsadaan buugga caafimaadka, waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan codsi rasmi ah oo ay la socoto qiimeyn maaliyadeed oo faahfaahsan. Marka la helo codsigaas, Wasaaradda Maaliyadda ayaa samayn doonta dib-u-eegis, iyadoo la tashanaysa hay’adaha ay khusayso, ka hor inta aysan soo saarin khidmadaha rasmiga ah ee waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, shalay ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadku ay soo rogtay awaamiirtan, taasoo saamayn ku yeelatay rakaabka dalka ka baxayay iyo kuwa soo galaya, iyadoo abuurtay cabasho badan iyo jahwareer.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Barakacayaasha

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiila Urur goboleedka IGAD ee Somalia ayaa shalay Muqdisho ka daah-furay Shirweyne looga hadlayo sidii lo garab istaagi laha Qaxotiga, Barakacayasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, sigaar ah waxaa shirka diirada lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolal maalmeedka dadka barakacyaasha ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo daah furay madasha ayaa xusay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo dhaxal-gal u noqon doona qaxootiga, barakacayasha, soo labtayasha iyo bulshada martida loo yahay, iyada oo diiradda lasaari doono Kobcinta xirfadaha iyo shaqo abuurka dadka nugul.

Mohamed Kaarshe oo ah wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa carabaabay in IGAD ay ka go’an tahay sidii dowladda Soomaaliyeed loogu garab siin lahaa shaqo abuurka, isaga oo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ku ammaanay sida ay ahmiyad weyn u siiyeen dhinacyada Xalalka waara ee Barakacyaasha.

Hadafka guud ee shirkaan ayaa daarnaa sidii loo xoojin lahaa wacyi galinta, dib u eegista balanqaadyadii horay loo sameeyay, taageerada dowladda Soomaaliyeed siinayso shaqo abuurka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka shaqeenaya xalalka waara Barakacyasha, Qaxotiga, Barakacayasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Shir u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo IMF oo ka furmay Riyaad

Waxaa shalay magaalada Riyaad ee wadanka Sucuudiga ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax-soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu wadankeenu hodanka ku yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirka ka qeyb galaya oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta Maaliyadda, isagoo u mahadceliyay Sanduuqa IMF iyo Bangiga Adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya Hay’addaha Maaliyada Soomaaliya, taageerada farsamo iyo mid Maaaliyeed ee ay ku taageeraan Dowladda Federaalka.

Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amar ku socda Ganacsatada, Shirkadaha iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ku amray Ganacsatada, Shirkadaha iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ku sugan guud ahaan dalka iney qaataan warqadda dambi la'aanta ee C.I.D.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid kor loogu qaadayo amniga guud ee dalka iyo in laga hortago dhibaatada kooxaha nabaddiidka ah.

"Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha & Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisada, xogaha la helayo ayaa muujinaya in kooxaha Khawaariijta ah lacagihii laga xayiray ay dhexmarsanayaan Shirkado iyo Ururro” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Afhayeen Cabdifataax ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangal kiisa bilaaban doono 10-ka bishaan Febraayo, isagoona xusay in cidii u hogaansami weyda amarkaan laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay qaar ka mid ah hay'adaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay soo sarayeen digniino adag oo la xariiray inaan lala macaamili karin kooxaha loogu yeero aragagixisada.

Wafdi ka socda Turkiga oo Muqdisho u yimid maalgashi ay ku sameeyaan Kalluunka laga soo saaro xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Axmed Xasan Aden ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Dowladda Turkiga kuwaas oo u yimid dalka sidii ay Maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxana ay dhamaytirayaan heshiis ay horey wasaaradda ay ula gashay Dowladda Turkiga.

Mas'uuliyiinta ayaa diirada ku saaray kulamadoodi hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay ka faa'iidaysiga kheyraadka badda.

Wasiirka iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah (Fisheries Cooperation Agreement, MoU) kaas oo horseedaya in qeybta Kalluumeysiga ay kasoo xarooto balaayiin doolar, islamarkaana hirgalin doona fursado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo Kalluumeysiga guud ahaan dalka.

Wafdigaan ka socday Dowladda Turkiga ayaa dhinaca kale la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana ay ka mahadnaqeen fursadda loo siiyay inay maalgashi ku sameeyaan Xeebaha dalka.

Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay safiirka Thailand ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’ada maareynta musiiboyinka Maxamud Macallin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doonto Somalia Amb. Morakot Janemathukorn.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sida ay dowladda Thailand qeyb kaga qaadan karto howlaha gargaarka, taageerada farsamo iyo qalab ee ay u baahan tahay Hay’ada SoDMA.

Amb. Morakot Janemathukorn ayaa ballan-qaadday in Dowladdedu ka qeyb qaadan doonto tageerada howlaha bani’adanimo ee Soomaaliya, si dhowna ula shaqeyn doonto hay’adda SoDMA.

Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyey Shabeelaha hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa hawlgal qorsheysan oo sifeyn ah shalay ka fuliyey tuulooyin hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah looga fuliyey tuulada Gaala-war oo 5-km dhinaca qorrax udhaca ka xigta Afgooye iyo dhul keyn ah oo tuuladaas ku teedsan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dhuumaaleysanyeen Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow "Nur Farey” ayaa Xaqiijiyay in Geesiyaasha Qarankeenna ay ku guuleysteen inay Cagta mariyaan dhamaan goobihii gabbaadka u ahaa Al-shabaab, sidoo kalana ay kasoo maleegi-jireen falalka Amni darro oo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ay kamid yihiin.

Ciidanka Puntland oo qabtay horjooge sare oo ka tirsanaa Daacish

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad ayaa ayaa soo bandhigay madaxii dilalka qorsheysan ee kooxdaas xukumane Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) kaas oo ciidanka isku so dhiibay.

Laahoor oo ka soo baxsaday Daacish ayaa lagu soo bandhigay deegaanno hoostaga degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib markii uu u adkeysan waayay dagaalka kaga socdo dhinac walba.

Maxkamadda Ciidanka ee Puntland ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Laahoor oo lagu helay in uu ka mid ahaa Daacish , uuna hoggaaminayey Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

Jubaland oo sheegtay in howlgalka qorsheeysan ay ku dishay Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ay u daateen guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen Seddex kamid ah dagaalamayaal Al shabaab ah gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida ay ku warantay warbaahinta Jubaland.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in ciidamadaan ay hayeen xogta dagaalamayaashani, laba kamid ah ayay sheegeen saraakiisha inay howlgalka ku dileen mid kalana ay gacanta kusoo dhigeen.

Saraakiisha Jubaland ayaa laga soo xigtay inay ragaani qorsheenayeen in ay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland ka fuliyaan dilal qorsheysan io khaarijinta xubno muhiim ah.

Magaalada Kismaayo sidoo kale habeen hore waxaa ka dhacay howlgal ay ciidamada Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin qorshaha joogtada ah ee Ciidanka Booliska Jubbaland ay ku xaqiijinayaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo Agagaarkeeda, waxaana ay saraakiisha ku micneeyeem howlgalada noocani oo kale ah in looga hortagayo falalka Amni-darro iyo dhibaatooyinka kale oo ka dhici kara Magaalada.

Bannaanbax lagu taageerayo la dagaalanka Daacish oo ka dhacay Boosaaso

Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa shalay magaaladaasi ka dhigay bannaanbax ay ku taageerayaan holgalka ciribtirka maleeshiyada Daacish ee ay Ciidanka Puntland ka wadaan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Dadweynaha ayaa garab iyo taageeraba u muujiyay ciidamada dhulka buuraha ah kula dagaalamaya maleeshiyadaasi.

Masuuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo masuuliyiin kale ayaa shacabka uga mahadceliyay isu soo baxoodan lagu taageerayo hawlgalka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka mid ahaa masuuliyiintii dadka la hadlay ayaa reer Boosaaso ku ammaanay inay garteen in ciidamadu ay dartooda u dhimanayaan.

"Waxaad muujiseen meeshii ay idiinka mudneyd, waxaad taageerteen amnigiina, waxaad taageerteen ciidamadiina oo aad ogaateen inay idinka idiin dhimanayaan. Aad iyo aad baan idiinku mahadcelinayaa.” Ayuu yiri Taliye Dirir.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa dhankiisa sheegay in uu dhamaaday waqtigii dadka looga soo hanjabi jiray telefanada gacanta/moobelada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa fagaaraha ka sheegay in argagixisadu aysan ganacsade dambe lacago baad ah ka qaadi doonin, isla-markaana ay Daacish jabtay. Boosaaso ayaa ah xarunta ganacsiga Puntland.

"Reer Boosaaso, cadowgii waan jebinay, ciidankeennaa jebiyay.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "Reer Puntland oo dambe teleefan lagu baadi maayo oo xoolo looga qaadan maayo. Cadowgii mid jabay, mid jiis ah iyo mid isa soo dhiibay baa laga dhigay. Soomaali inteeda kalena waynu u gurman doonnaa, waana ka dulqaadi doonnaa.”

Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay inaysan aqbali doonin gumeysi iyo in nin ajnabi ah oo dalkiisa dembi ka soo galay buu yiri uu dalkeenna qabsado.

"Waxaa nagu soo duulay dembiileyaal dalkooda dembiyo ka soo galay. Waxey rabaan annaga inay nagu dul noolaadaan, waxeyna rabaan hantideenna inay boobaan iyo inay na gumeystaan. Yeeli mayno, waana muujinay.” Ayuu yiri Shaahdoon.

Duqa Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) ayaa Madaxweynaha Puntland ku ammaanay in uu qaatay go’aan masiiri ah oo dalka, dadka iyo diinta lagaga difaacayo sida uu yiri argagixisada dhiig miiratada ah ee ku soo duushay.

Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad dagaal kula jira maleeshiyada Daacish oo u badan dagaal-yahano shisheeye, waxaana uu ujeedku yahay in dalka laga sifeeyo.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guluf xoog leh ku kiciyay Daacishta Somaliya, kaas oo noqonaya colkii ugu weynaa ee ay la kulanto, muddadii ay ka hawlgaleysay Buuraleyda Silsiladda Golis.

Faraca Ururka ISIS ama Daacish ee Somaliya ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 lagaga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Daacishta Somaliya ayaa ka go’day Al Shabaab, ka dib markii hoggaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin Cali uu xiriir la yeeshay Hoggaamiyeyaashii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq, dalalkaas oo horaan ay Daacish ku xooganeyd.

Dabkii qabsaday Suuqa Gobonimo ee Hargeysa oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo

Waxa si buuxda loogu guulaystay bakhtiinta dab xoogan oo habeen hore ka kacay Suuqa Gobonimo ee magalada Hargeysa, dabkaas oo burburiyay qaybo ka mid ah suuqa.

Dabkan oo ahaa mid xooggan isla markaana khasare maaliyadeed u geystay suuqa ayaa ugu dambayn lagu guulaystay in la xakameeyo, sida uu warbaahinta u sheegay Maayarkii hore ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco.

"Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka dab-damiska, ciidanka booliska, iyo ciidanka milateriga oo dhammaantood ka wada qayb qaatay dadaalladii bakhtiinta dabka. Hadda waa la damiyay, waana la xakameeyay," ayuu yidhi Soltelco.

Mid ka mid ah ganacsatada haweenka ee ganacsiga yar yar ku leh suuqa ayaa iyada oo tiiraanyaysan, u sheegtay MMTV in ay garan kari weyday gobtii meheradedu ku taallay, maadama dabku gabi ahanba babi’iyay.

"Meheradaydii waxba kama garanayo, waxaan imid goobtii oo isku wada ekaatay. Waan hurday markii la ii soo sheegay warka," ayay tidhi.

Dadweynaha goobta ku sugnaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waddo xumida suuqa darteed ay ciidanka dab-damisku gali kari waayeen gudaha suuqa, taasina ay sababtay in dabku sii fido oo uu ballaadho.

"Qasaaraha ugu badan dadweynuhu iyagaa sabab u ah, suuqu malaha waddo gaadhi mari karo, xitaa kaaryoone ma mari karo," ayuu yidhi mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay HCTV.

Suuqa Gobonimo waa suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa, marka laga yimado Suuqa Waaheen oo laba sano ka hor gubtay, balse hatan dib loo dhisay.

Madaxweyne Cirro oo kormeeray Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa

Madaxwenaha Somaliland, abdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa booqday Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa oo habeen hore uu dib ka kacay.

Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa soo kormeeray suuqaasi, iyagoo u kuurgelaya khasaaraha maaliyaded ee dabkaasi uu gaystay.

Dabka ayaa si lama filaan ah saqdii dhexe ee habeen hore uga kacay suuqasi, iyado an la ogen waxa dhabta ah e sababe. Dabka ayaa babi’iyay goobo ganacsi.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo kaashanaya shacabka ayaa saacado ka dib ku guuleystay in la baqtiiyo dabka.

Ma jirto cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay dabkaasi, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somalilan, S/guto Axmed Maxamed Xasan (Sawaxili).

Madaxweyne Cirro ayaa soo arkay burburka hantiyadeed ee dabku uu gaystay, isagoona sheegay in xukuumaddu ay garab taagan tahay dadkii ku hantida beelay dabkaasi.

Madaxweyne Cirro ayaa shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan ganacsatada uu dhibku gaaray. Xukuumadda ayaana guddi u saartay inay ka soo warbixiyaan inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Madaxweynaha ayaa ku taliyay in dadku uu talo iyo qorshe ka yeesho, sidii looga hortagi lahaa dabka soo noqnoqday ee dhaqaale burburka ku haya bulshada.

Suuqan ayaa dacalka ku haya Suuqa Gobanimo, oo ah kan labaad ee ugu weyn Magaalada Hargeysa.

1-dii bishii April ee sanadkii 2022 ayay ahayd mid dab weyn uu cagta mariyay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Suuqan ayaa ah kan ugu weyn Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihi ugu dambeyay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.

Dabka oo inta badan si kedis ah u bilowda ayaa saacado yar gudahood ku gaysta burbur dhaqaale oo aad u ballaaran.

Dabka ayaa geyiga Soomaalida ka noqday wax masiibo ah, iyadoona aad mooddo in ganacsatadu aanay inta badan waxba ka kororsan dab illaa dab kale.

Dabka ololaya ayaa raadad xun xun uga taga suuqyada ganacsiga ee magaloyinka, waxaadna meelaha qaarkood arkaysaa inaanan si dhakhsa ah looga soo kabsan karan dhibtii iyo khasaarihii uu ka gaystay.

Trump oo wadahadallo dhanka canshuuraha ah la leh Madaxda Canada iyo Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in shalay uu la hadli doono dhiggiisa Mexico iyo Canada, maalin ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu canshuur ku soo rogay dalalka deriska ah iyo sidoo kale Shiinaha.

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya in wixii ka bilowda maalinka Talaadada ee berito la soo rogayo canshuur boqolkiiba 25 ah oo saaran Kanada iyo Mexico iyo sidoo kale boqolkiiba 10 oo lagu soo rogay badeecadaha ka yimaada Shiinaha.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu u safray Panama si uu ugu sheego hogaamiyaha dalkaasi inu so afjaro saameynta Shiinaha e uu ku leyahay kanalka Panama.

Trump ayaa dhinaca kale ka dhawaajiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Midowga Yurub lagu so rogayo canshuurro balse waxa uu ka gaabsaday in uu bixiyo waqti cayiman.

Ra’iisul wasaaraha Kanada Justin Trudeau, Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum iyo Shiinaha ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabo lamid ah tan Mareykanka ee lagu soo rogay canshuurahaasi.

Xamaas oo baaq u jeedisay Falastiiniyiinta Daanta Galbeed

Ururka Xamaas ayaa Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ugu baaqay inay la dagalamaan Ciidamada Israel ee hawlgalka ka wada Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu yeertay Falastiiniyiinta Daanta Galbed inay kordhiyan iska caabintoda ku wajahan Israel, ka dib markii galabnimadii Axadda ay ciidamadeeda burburiyeen in ka badan 20 guri o ku yiilay xerada qaxotiga Jenin.

Xamaas oo falkaasi cambaareysay ayaa sheegtay in Israel ay dooneyso inay niyad jebiso shacabka Falastiin, laakiin aysan sidaasi ku niyad jebi doonin dadkooda.

Bayaanka Xamaas ayaa lagu sheegay in ficilada Israel aysan Falastiiniyiinta ka horjoogsan doonin inay la dagaalamaan, iyadoona ku boorisay dadka Daanta Galbeed inay ka hortaggaan nidaamka gumeysiga.

Ciidamada Israel ayaa laba toddobaad hawlgal ka wada Jenin, waxaana uu taliskoodu sheegay in uu yahay hawlgal lagu beegsanayo kooxaha wax iska caabinta iyo kaabeyaashooda xerada, balse ay iyagu u yaqaanaan argagixisada.

Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay 50 ka mid ah dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, in ka badan 100 kalena ay ku soo xireen.

Militariga ayaa sheegay in hawlgalka lagu burburiyay tobanaan dhisme, oo sida ay sheegeen ahaa kaabeyaasha militari ee kooxaha argagixisada. Waxay kaloo sheegeen in la burburiyay waddooyin ay adeegsan jireen kooxahaasi.

Madaxwenaha Maamulka Falastiiniyinta, Mahmoud Abbas ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta falalkan burburinta ah iyo saamaynta xun ee ay reebi karaan.

Madaxweyne Abbas ayaa warsaxafaded u so saaray ku sheegay in ficilada guracan Israel e ka dhanka ah Falastiiniyiinta aysan cidina ku gari donin nabad iyo amaan.

Saraakiisha Maamulka Abbas ayaa Israel ku eedeeyay in ay barakacisay sideetan boqolkiiba (80%) dadkii ku noollaa xerada Jenin. Israel ayaa korontada iyo biyahaba ka jartay xeradaasi.

Israel ayaa Jenin u bedeshay goob dagaal, laba maalmood uun ka dib, markii ay xabad joojinta ka bilaabatay Marinka Gaza.

Hawlgalkan ayaan ku koobneyn Jenin oo keliya, balse Ciidamada Israel ayaa sidoo kale hawlgal ka wada qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Daanta Galbeed, sida Tulkarm iyo Tubas.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ayaa mararka qaarkood duqaymo ka gaysanaya magaalooyinkaasi iyo dhulka ka baxsan.

Xamaas ayaa hadda ku baaqeysa saddexda milyan ee Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed inay meel uga soo wada jeestan nidamka gumesiga ee Israel


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip