halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-02-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo looga hadlay xaaladda dalka Congo DRC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay, Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka EAC, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya in ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.
Ugu dambayn, Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda Ururka EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqooonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub
Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.
Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:
1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.
Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.
Soomaaliya oo ka mid noqotay guddiga fulinta ururka xoghayaasha Baarlamanka Carabta
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo Magaaladda Qaahira ee Caasimadda wadanka Masar u jooga ka qeyb galka meertada 45-aad ururka Xoghayayaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa loo doortay xubinimada Guddiga fulinta ee Ururka xoghayaasha Baarlamaanadda Carabta.
Shirka oo qeybtiisa hore ay yeesheen Xoghayaasha Guud ee Baarlamaanada wadamada Carabta ayaa lagu diyaariyay wax ka bedelka xeerka ururka iyo doorashada Guddoomiyaha Ururka, waxaana xubnaha kulanka ka qeyb galay ay isku raaceen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka ururka.
Ugu dambeyn Xoghayahaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa Guddoomiyaha Ururka u doortay Mudane Maxamed Daakhil al-Madhiiri oo u dhashay wadanka Baqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana uu ururka hogaamin doonaa afarta sano ee soo socota, sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabir) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta ee ururka labada sano ee soo socota, waxaana Guddiga fulinta ee ururkan Soomaaliya kula jira wadamada Masar, Ciraaq iyo Baxreyn.
R/Wasaare Kuxigeenka XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qorshaha kutalagal ee dowladda
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Saalax Axmed oo habeen hore qabtay kulan furan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay ku tallaabsadeen Xukuumadda Danqaran ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud.
Kulankaasi oo ay goob joog ka ahaayeen saxafiyiinta waxaa r/wasasre ku xigeenka uu faahfaahiyay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha amniga,dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod.
Saalax Axmad Jaamac,waxa uu sheegay in lagu guuleystay xalka barnaamijyo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo kuwa muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya ee la jaanqaadi kara dalalka caalamka.
Mas’uulkaasi waxa uu qiray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka barnaamijyada kutalagal ee loo qabanayo shacabka iyo kuwa khuseeya hirgalinta doorasho madax bannaan oo qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay buugga tacsida marxuum Ugaas Cabdi-Daahir
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka qeyb galay gogosha tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur ayaa dhamaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saxiixay buuga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur.
Danjire Fatxudiin Ospito oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Tajakistan
Madaxweynaha Dalka Tajikistaan Mudane Emomali Rahmon ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospito.
Munaasabaddii wareejinta waraaqaha aqoonsiga ayaa lagu xusay xoojinta xiriirka labada dal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Tajikistan, taas oo dhabaha u xaareysa kor u qaadista iskaashi dhinacyo badan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaabkii loo yelan lahaa wadashaqeyn xagga dibolomaasiyadda ah iyo la socodka arrimaha kale ee la xiriira bini’aadanimada.
Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospito oo fadhigiidu yahay magaalada Ankara ee Dalka Turkiye, waxa uu Soomaaliya uga wakiil yahay dhowr dal oo caalamka ah.
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madaxda hay’adda UNOPS
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Madaxda xafiiska Bangiga Adduunka (World Bank) u qaabilsan Mashruuca Nagaad ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha Muqdisho.
Hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystiraayo iyo qorshaha lagu dhisaayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha February la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.
Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisaayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha Magaalada Muqdisho xilli roobaadka, asigoona faray madaxda howlaha guud iyo hay’addaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhisamaha biyo mareennada magaalada Muqdisho.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-02-25
....