halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28/1/25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tanzania uga qaybgalaya shirweynaha Tamarta Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magalada Daarusalam ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo Shirweynaha Tamarta Afrika ee "Mission 300”, oo shalay furmay.
Shirkan oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda sare ee dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo khubarada ku xeel dheer arrimaha tamarta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madasha ku soo bandhigi doona aragtida iyo qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay ka leedahay horumarinta tamarta, iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.
Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo daneeyeyaasha ka qaybgalaya, isaga oo muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashiga ee dhinaca tamarta si kor loogu qaado horumarka waara ee dalka.
Guddoomiyaha maxkamadda sare oo Qaahira uga qaybgalay shir caalami ah
Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shirkii 8-aad ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Dastuuriga ah ee wadamada Afrika, oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkan ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay doorka dib-u-eegista dastuuriga ah ee garsoorka iyo horumarinta bulshada, Waxaana ka qeybgalay 44 dal oo Afrikaan ah, wufuud ka socota dalalka Carabta iyo sidoo kale hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, dib-u-eegista dastuurka iyo horumarinta bulshada.
Inta uu socdo shirka waxaa la jeedin doonaa khudbado iyo doodo muhiim ah oo la xiriira mowduuca shirka, iyadoo la is-weydaarsanayo waayo aragnimada iyo caqabadaha heysta Maxkamadaha sare iyo hay’adaha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.
Shirkan oo socon doona muddo laba cesho ah ayaa diiradda la saarayaa xoojinta kaalinta Garsoorka ee ku aaddan horumarinta dastuurka iyo sare u qaadista adeegyada cadaaladda ee bulshada.
Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay safiirka sucuudiga u fadhiya Muqdisho
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Muqdisho Amb.Axmed Bin Muxamed Al Muqallad.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga kaas oo ku qotoma ixtiraam iyo wax wada qabsi.
Wasiirka ayaa ku ammaanay safiirka sida uu ugu heelan yahay xoojinta taageerada Sacuudiga uu siiyo Soomaaliya.
"Waxaan u kuur-galnay sida iskaashigeenu u gaarsiisan yahay qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yiri wasiir Daa’uud.
Xiriirka iskaashi ee dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinacyadu iska kaashaadaan sidii horumar waara u gaadhi lahaayeen shucuubka labada dal.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay kulanka guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Shiekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa shalay guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.
Kulanka oo bishani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer Federal kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriirta howlaha Wasaaradda Amniga, Xasliinta iyo waxqabadka guddiga muddadi uu jiray.
Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada laga xoreeyey Cadowga Al-shabaab, waxuuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego guud ahaan umadda Soomaaliyeed, laguna tagaerayo hortabinnada dowladda Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta oo qaabilay wakiilka KMG ee Qaramada Midoobay
Wasiirka wasaarada warfafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee KMG ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.
Wasiirka iyo Danjire Swan ayaa ka wadahadlay doorka Warbaahinta Qaranka ay ka qaadaneyso ajandayaasha muhiimka ah ee dalka, sida dagaalka dalka looga ciribtirayo Al-shabaab, arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka iyo arrimaha kale ee hortebinta u Ieh Soomaaliya.
Wasiirka iyo wakiilka ayaa sidoo kale dul istaagay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka amniga iyo sida Ciidamada Qalabka Sida ay diyaar ugu yihiin in marka uu dhamado Hawlgalka AUSSOM la wareegida amniga dalka.
Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaaray hawlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan -sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.
Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay DFS, isago xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.
Waasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday Kaydka Dhexe ee Cajaladaha ee Warbaahinta Qaranka.
Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartay arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya 30kii sanno ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada.
Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.
Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Al-shabaab, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya.
Hay’adda socdaalka iyo INTERPOL oo kala saxiixday heshiis wada shaqeyn
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa shalay kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah. heshiiskan ayaa diiradda saari doona dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah:
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28/1/25
.........