halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29/1/25

0
Wednesday January 29, 2025 - 08:45:26 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29/1/25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey shirweynaha Tamarta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowlada Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

"Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Shalay dadkayagu kala bar "50%”ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa shalay laga soo saaray "Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.

Ra’iisul Wasaaare ku xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha istaraatiijiyadda wasaaradda amniga

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.

Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo hey’addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, hey’addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.

Wasiir Fiqi " Masar waxay naga taageeri doonta dagaalka Kooxaha Argagexisada"

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku raja weynyihiin mar uun inay gaaraan in Ciidamada Soomaaliya ay badalaan Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya u jooga inay xasiliyaan, waxaana uu wax wanaagsan ku tilmaamay dhinaca kale in Masar ay Ciidamo usoo dirto Soomaaliya waxayna xoojin doonaan dagaalka ay Dowladda kula jirto Kooxaha Argagexisada.

Wareysi gaar ah oo siiyay Wasiir Fiqi Wariye Nashat Al-Dihi ee barnaamijkiisa gaarka ah ee la yiraahdo "Qalin iyo Warqad” ee laga sii daayay kanaalka TeN, fiidnimadii Isniinta ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay bilihii la soo dhaafay ay la kulmaysay cadaadis ku aaddan in aan la aqbali karin ka qeyb galka Dowladda Masar ciidamadeedi howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkaan ka bilowday Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Wasiir Fiqi in dadka ka soo horjeeda imaanshiyaha Masar ee Soomaaliya ay sabab uga dhigeen cabsida ay ka qabaan xurgufta Masar iyo Itoobiya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay ka qeyb qaadan doonto sidii looga takhalusi lahaa kooxaha argagixisada iyo dib u habeynta ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay aqbalaan in Ciidamada Masar qeyb ka noqon doonaan Howlgalka cusub, waxaana uu ku micneeyay inay howlgalkaan ka qeyb qaataan in lagu gaari doono guulo aan horey loo arag.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay ka dhaceen shirqoolo balse ay hadda ka soo kabaneyso, dhibaatadoodana ay hadda tahay Argagaxiso oo ay ugu horeeyso Daacish, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii Argagexisada looga xoreeyn lahaa dhulka ay wali kaga harsan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkaan waxa ay sheegtay in Masar ay soo dhameystirtay dhamaan howlihii farsamo ee ay ugu soo biiri lahayd Howlgalka AUSSOM ayna mar dhow ciidamo usoo diri doonto Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay xubnon ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa shalay soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar waxaana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay madaxa xafiiska guddiga doorashada Hirshabelle Mudane Maxamed Xuseen Maxamuud.

Xubnaha Guddiga ee shaqada u yimid waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdi Caddoow Maxamed.

Masuuliyiintan ayaa loo soo gelbiyay xarunta madaxtooyadda halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

"Doorasho qof iyo cod ah waa mudnaanta shacabka Hirshabeelle waana lagama maarmaan inaan ku hoggaamino haddii uu Alle idmo.”

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa muddada ay joogaan waxa kale oo ay kulan la qaadan doonaan qeybaha bulshada waxa kale oo ay booqan doonaan goobaha loo asteeyay inay doorashada ka dhacdo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qaabbilay Madaxa Boliiska Qaramada Midoobay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Faisal Shahkar oo ah Madaxa Boliiska Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socday Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Taliyaha iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa looga hadlay sidii Boliiska Soomaaliyeed uga qeyb noqon la haayeen howlaha nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, dib u dhiska awoodaha Boliiska heer Qaran iyo heer dowlad goboleed, xoojinta iskaashiga Boliiska iyo Qaramada Midoobay si kor loogu qaado la dagaalanka kooxaha Khawaariijta ciidamaduna ay u helaan qalabeyn iyo tababarro sare oo kor u qaadaya xirfaddooda.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shaaciyey deegaannada lagu qabanayo doorashada golaha deegaanka

Guddoomiyaha guddiga madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay deeganada lagu qabanayo doorashada golaha deegaanka ee lagu wado dhawaan in la qabto.

Guddoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaar u yahay guddiga hirgalinta doorashada golaha deegaanka, waxa uu xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada golaha deegaanka kuwaas oo ka dhici doona maamullada dalka.

"Doorashada golaha deegaanka waxaan ku qabaneynaa Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, SSC-khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir,” sida uu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in xarunta guddiga ee magaalada Muqdisho ay ka socota diiwaangalinta xisbiyada cusub, iyo cusbooneysiinta xisbiyadii hore oo uu shaaciyey tiradooda in ay kor u dhaafayaa 100 urur siyaasadeed, kuwaas oo hore u diiwaangashanaa.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qeyb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga, si ay dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow xooggan ugu jira sidii loogu qabanaa lahaa doorashada golaha deegaanka, xilli madaxda gobolka iyo kuwa degmooyinka ay wadaan abaabulka doorashada la doonaya in markii ugu horreysay Caasimadda ay ka dhacdo.

Guddiga Qaran ee doorashooyinka oo kormeer shaqo ku maraya dowlad goboleedyada

Wafdi ballaaran oo ka socda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku jooga dowlad goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa la kulmaya madaxda, siyaasiyiinta, hoggaanka dhaqanka, culimada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Kulamada guddiga ayaa looga tashanaayaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa hirgelinta doorashooyinka dowladaha hoose, wuxuuna guddigu kormeeri doonaa goobaha doorashada (Seejooyinka).

Wakiillada madaxda ka ah xafiisyada guddiga ee dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale qayb ah safarka, kuwaas oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyay xubnaha guddiga.

Kormeerkan ayaa qaadan doona muddo 5 cisho ah, iyada oo la filayo in qorsho midaysan laga yeesho sidii loogu dhaqaaqi lahaa hirgelinta doorashooyinka dawladaha hoose.

Waxaa joogto noqon doona safarrada shaqo ee guddiga, iyagoo tegi doona dowlad goboleedyada dhiman si loo dhamaystiro seejooyinka, amniga iyo howlaha doorashooyinka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ballaaran ugu jirta sidii ay dalka ugu hirgelin lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddooyin interlock ah

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagaxdhigay dhismaha Wadoyin interlock oo laga hirgelinaayo Waaxda Tima-cadde ee Degmada Wadajir.

Guddoomiye Yabooh ayaa boogaadiyay qorshaha isku tashiga oo ay Maamulka iyo bulshada degmada wadajir ku dhisanayaan Kaabayaasha waddooyinka xaafadaha, si bulshada ay ugu fududaato isku socodka, isla markaana sare loogu qaado bilicda degmada.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimeyaal, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray xarunta gobolka Banaaadir

Xubno ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa kormeer shaqo ku tagay maamulka gobolka Banaadir.

Xubnaha ayaa la kulmay maamulka gobolka waxayna ka wada hadleen dardar galinta u diyaar garawga doorashooyinka dawladaha hoose.

Guddiga ayaa maalmaha soo aaddan kormeer ku tagi doona goobaha loo asteeyey diiwaangelinta codbixiyaha ee gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa u mahad celiyay madaxda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in ay ugu istaagaan ka qaybgalka ololaha doorashada iyo la shaqaynta guddiga.

16-ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay bariga gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada hawlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Al-shabaab.

Hawlgalka oo xoogiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-shabaab, iyada oo ciidamada maalintii daraad gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar.

Ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Al-shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomalia.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo wali ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan

Hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab Al-shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah.

Goobaha laga xoreeyay Al-shabaab waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalladan ku dileen malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, waxanay ciidanku burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa cadowga.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Al-shabaab.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka si looga ciribtiro Al-shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Puntland oo xukuntay labo nin oo baraha bulshada caan ka ah oo ku eedaysan inay Daacish taageeraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa xabsi u dhexeeya 5 illaa 10 sano ku xukuntay Maxamed Yacquub Siyaad iyo Cali Axmed Cali (Iley) oo kamid ah dadka caanka ah baraha bulshada.

Sida ay maxkamaddu shaacisay, Maxamed Yacquub Siyaad ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Cali Axmed Cali (Iley) lagu xukumay 5 sano xabsi ah.

Labadan nin, ayaa lagu soo eedeeyay inay baraha bulshada ka taageereen kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay bulshada la wadaageen warar marin habaabin ah oo u adeegaya danaha kooxda Daacish, dhabar jabna ku ah howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka lagu riday labada eedeysane iyagoo maqane ah, maaddaama ay ku sugan yihiin dalalka Germany iyo Sweden.

Xukunkan ayaa noqonaya markii ugu horraysay oo Puntland ay xukunto dad lagu eedeeyay inay baraha bulshada ka taageeraan kooxda Daacish.

Puntland ayaa dhawaan ku goodisay inay tallaabo cad ka qaadayso cid kaste oo baraha bulshada ku faafisa warar lid ku dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish.

Somaliland oo Sheegtay In ay Xoojinayso Xidhiidhka Ay La Leedahay Dowladaha Dunida

Afhayeenka Xukuumada Somaliland, Xuseen Aadan Cige Dayr, ayaa sheegay in Madaxwenaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta, uu ku dadaalayo horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo dunida.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Cirro, uu doonayo in Somaliland ay xidhiidh fiican la yeelato caalamka oo dhan "Madaxweynaha Somaliland waxa uu xaqiijinaya himiladiisa hagarla'aanta ah ee uu ku doonayo in uu kor ugu qaado meeqaamka ay Somaliland ku leedahay caalamka" ayuu yidhi Dayr.

Dhinaca kale, Lataliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweyne Cirro, Danjire Maxamed Haggi, oo ka mid ah xubnaha waftiga madaxweynaha, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Imaaraatka Carabta.

"Kulamada socdaalkan ku dhexmaraya dowladaha Somaliland iyo Imaaraatka Carabta, waxa la rajaynayaa inay noqdaan kuwii ugu wax-ku-oolsanaa uguna guulaha badnaa iswaydaarsiga diblumaasiyadda labada dhinac," ayuu yidhi Danjire Haggi.

Waxa uu sheegay in maxsuulka ka soo baxa wadahadaladani uu horseedi doono iskaashi iyo isbahaysi istiraatejiyadeed, taasi oo wadada u xaadhaysa horumar iyo barwaaqo la wada gaadho.

Hadalka Danjire Haggi ayaa ah warkii ugu horreeyay ee waftiga madaxweynaha laga helo tan iyo markii uu Axadii ka dhoofay magaalada Hargaysa, iyada oo madaxtooyadu aanay bulshada wax wargalin ah siinin kadib markii uu dhoofay waftigu.

Puntland oo mamnuucday dhibaateynta ajaanibta ku sugan degaanadeeda

Puntland ayaa shacabka degaannadeeda ka mamnuucday inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan Puntland.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlayay weriyayaasha, ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay maamulka iyo ciidamada amniga uga dambeeyaan howlgallada ka dhan ka ah ajaanibta si sharci darrada ah ku jooga Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku gooddiyey in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan shacabka oo la arko iyadoo dhibaato u geysanaysa qof ajnebi ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii dad shacab ah oo caro joogitaanka ajaanibta ay magaalada Garowe ku bartilmaameedsadeen ajaanibta Itoobiyaanka, iyagoo tacaddiyo jirdil ah u geystay.

Dhinaca kale, Puntland ayaa xabsiyada u taxaabtay boqolaal muhaajiriin ah oo sharci la’aan ku joogay degaannadeeda.

Maamulka ayaa sheegay inay ka welwelsan yihiin ajaanibta ku biiraysa kooxaha argagixisada sida Daacish, kuwaas oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland.

Jubbaland oo maxkamad soo taagtay sarkaal ciidankeeda ka tirsanaa lana shaqeenaayay Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa kusoo waramaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee Jubbaland u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland isla markaana loo heysta la shaqeynta Kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gaashanle Sare Cabdullaahi Maxamud Ibrahim aya furay Fadhiga Maxkamada asagoo sheegay in dhinacyada Dacwada ay u furan tahay soo bandhigista Dacwadooda ku aadan eeda loo heysto Mukhtaar Cabdi Aadan.

Maxkamadda waxaa la horkeenay eedaha ninkaani lagu haysto, Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Al shabaab uu soo bilaabay Sanadka 2021-kii Waxa uuna u qaabilsanaa gudbinta xogaha Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland sida barista kiiskaan ay ku ogaadeen Xafiiska Dambi barista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.

Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanaha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.

Midowga Yurub oo lagu wareejinayo Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo howlihii kormeerka ee Isgoyska Rafah oo ku yaala xadka uu Marinka Gaza la wadaago Masar.

Tani ayaa qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xabad joojintii 19-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in Wasiirada 27-ka dalka ee ururka ay isku raaceen in gacan laga gaysto sugidda amniga ee isgoyskaasi.

"Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo bilaabo howlihii kormeerka ururka ee Isgoyska Rafah, taasoo door muhiim ah ka qaadan karto taageeridda xabad joojinta.” Ayay tiri Kaja Kallas oo gelinkii dambe ee Isniintii Warbaahinta kula hadashay Magaalada Brussels.

"Hawlgalka ayaa bilaaban doono bisha February.” Ayay tiri Kaja Kallas oo intaa raacisay "Tani waxay u ogolaaneysaa dhaawacyada iyo dadka bukaanka ah in laga daadgureeyo Marinka Gaza, si ay u helaan daryeel caafimaad.”

Midowga Yurub ayaa sanadkii 2005 hawlgal rayid ah ka sameeyay Isgoyska Rafah, waxaase la hakiyay laba sano ka dib, markii Ururka Xamaas uu la wareegay gacan ku haynta Marinka Gaza.

Dalalka ururka qaarkood ayaa hadda qorsheynaya in ay saraakiil u diraan halkaasi, iyagoo la hawlgalaya sideed shaqaale maxali ah.

Dalalka Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain ayaa sheegay inay soo diri doonaan saraakiil, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka lagu hubinayo dhaqdhaqaaqa xuduudda Rafah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ka jawaabayaan codsi kaga yimid Israel iyo Maamulka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay taageero buuxa ka heleen Dowladda Masar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeedka koowaad uu yahay in la isku-duba rido, lana fududeeyo socodka maalinlaha ah ee dhaawacyada iyo bukaanada kale, hubinta gargaarka iyo ilaalinta dadka nugul ee xaaladda degdegga ah ay la soo dersaan. Illaa saddex boqol oo qof ayaa la doonayaa in si maalinle ah looga kaxeeyo Gaza, iyadoo markaasi la gaynayo dalka Masar, si dadka ay xaaladdoodu liidato halkaasi looga sii dhoofiyo.

Ciidamada Israel ayaa bishii May ee sanadkii 2024 la wareegay deegaanka Rafah oo ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, markaas oo Gaza ay ka go’doomiyeen dhinaca Masar, waana xuduuddii keliya ee dadka reer u furneyd.

Qabsashada Israel ee Rafah waxay ka dambeysay, ka dib markii hawlgal dhinaca dhulka ah ee ay ciidamadeeda ka bilaabeen bariga deegaanka Rafah, iyagoona hakiyay gargaarkii ka imanayay dhanka Masar ee Gaza ka soo gelayay Rafah.

Israel ayaa xilligaasi dhegaha ka fureysatay baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan dagaalka ku fidin Rafah, maadaama ay hay’adaha caalamiga ah u tixgelinayeen aag bani’aadantinimo, isla-markaana ay gabaadsanayeen 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

DeepSeek: Barnaamijka Shiinaha ee dunidu hadal hayso

Barnaamijka lagu sheekeysto ee garaadka macmalka ahi ka shaqeysiiyo ee chatbot oo ay soo saartay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee DeepSeek ayaa durba noqotay app-ka lacag la'aanta ah ee loogu soo degsasho badan yahay Apple store, kadib markii lagu sii daayay suuqa Mareykanka bishan Janaayo.

Caannimada degdegga ah ee app-kan, iyo sidoo kale qiimeyaasha hooseeya ee la soo sheegay ee DeepSeek marka la barbardhigo kuwa shirkadaha garaadka macmalka ah ee Mareykanka daggan, waxay ku ridday suuqyada maaliyada hubanti la'aan badan.

Dhaqaaleyahanka Silicon Valley ee lagu magacaabo Marc Andressen ayaa u hambalyeeyay DeepSeek maadaama ay tahay buu yiri "mid ka mid ah guulaha ugu cajiibsan" garaadka macmalka ah.

Shirkaddu waxay sheegeysaa in moodalladeeda garaadka macmalka ah ee AI ay la siman yihiin moodallada hormuudka ah ee shaqadaan ee gudaha Mareykanka – sida ChatGPT – ayadoo lagu hagaajiyay qeyb un ka mid ah qiimihii ay ku kaceen.

Cilmibaareyaal ka dambeeyay app-ka ayaa sheegay in lagu bixiyay $6m (£4.8m) samaynta, taasoo aad uga yar balaayiinta ay bixiyeen shirkadaha garaadka macmalka ah ee Mareykanka.

Waa maxay DeepSeek?

DeepSeek waa shirkad ka shaqeysa garaadka macmalka ah oo laga leeyahay Shiinaha oo laga aasaasay gudaha Hangzhou, taasi oo ah mid ka mid ah caasimadaha koofurta bari ee dalka Shiinaha.

Shirkadda ayaa la daah furay Luulyo 2023, laakiin app-keeda caawinta ee caanka ah ee garaadka macmalka ah laguma sii deyn gudaha Mareykanka wixii ka horreeyay 10kii Janaayo, marka loo eego Sensor Tower oo ah raadeerka app-ka.

Waa kuma Liang Wenfeng, aasaasaha DeepSeek?

Liang Wenfeng ayaa qeyb ahaan maalgashay DeepSeek asagoo isticmaalay qarash maalgaliyeyaal laga soo kala uruurshay lacagtaasi oo uu sidoo kale daahfuray.

Ninkaasi oo 40 jir ah, ahna qof ka soo qalin jebiyay injinerinka korontada, ayaa sida la soo tebiyay sameeyay keydka qalabka chips-ka ee elektaroonigga ah ee kaararka u eg ee Nvidia A100 chips, oo haatan la mamnucay in loo dhoofsho Shiinaha.

Khubaro ayaa aaminsan in soo uruurintaa – oo lagu qiyaasay ilaa 50,000 – ay horseeday daahfurka DeepSeek, ayadoo lagu darayo chips-kaas kuwo ka qiime jaban, oo ka yara taya hoseya oo wali lasoo dejin karo.

Mr Liang ayaa dhawaan lagu arkay shir u dhexeyay khubarada shaqadasi qabilsan iyo raisulwasaraha Shiinaha Li Qiang.

Yaa isticmaalaya?

App-kaas ayaa laga soo degsan karaa Apple App Store iyo internetka gaar ahaan mareegta shirkadaas.

Adeegga oo bilaash ama lacag la'aan ah ayaa durba noqday waxa ugu badan ee lagala soo dego Apple store, inkastoo ay jiraan warbixino ku saabsan dad inay diiwaan gashadaan ay ku adag tahay.

Sidoo kale wuxuu noqday barnamij app ah oo aad iyo aad looga helay loona amaanay gudaha Mareykanka kaasi oo ku jira Apple app store.

App-kaasi muxuu qabtaa?

DeepSeek waxay caan ku noqotay kaalmadeeda xooggan ee garaadka macmalka ah ee AI oo u shaqeysa sida ChatGPT.

Marka loo eego sharraxaadeeda kujirta App Store, waxaa loogu tala galay "ka jawaabitaanka su'aalaha iyo sare u qaaditanka waxtarka nolosha".

Fikrado ay ka so dhiibten isticmale-yasha oo buundooyin siiyay app-ka aya shegay "in qoraalka u siiyo app-ku caanimo inti hore ka badan".

Laakiin chatbot ayaa jaray ama u gooyay oo aanan ka jawaabin hal su'aal o dhanka siyasada ku saabsan oo xasaasi ah.

Markii BBC ay su'aashay app-ka waxa ka dhacay Tiananmen Square 4 Juunyo 1989, DeepSeek ayaa ku jawaabtay: "Waan ka xumahay, oo anigu kama jawaabi karo su'aashaas. Waxaan ahay cawimaad

dhanka garaadka macmalka ah oo bixisa jawaabo cawimad badan oo aan dhibaato lahayn."

Maxaa dhib u geysanaya shirkadaha Mareykanka sida Nvidia?

DeepSeek waxaa la soo sheegay inay ku samaysay qeyb un ka mid ah qiimaha ay shirkadaha Mareykanka ee tartanku kala dhexeeyo ay ku sameeyeen barnaamijyada kaa la mid ah – boqolaal milyan oo doollarka Mareykanka ah ayaa farqiga u dhexe-eyahi yahay – tasi oo keentay su'aalo ku saabsan mustaqbalka awoda garadka macmalka ah ee Marekanka.

Kharashadka hoseya sida suurta-galka ah ee shirkada ayaa qasay suuqyada maaliyadda 27kii Jan, taasi oo horseeday miisaanka culus ee teknoolojiyada Nasdaq inuu hoos u dhaco in ka badan 3 boqolkiiba iibin ballaran o ay ku lug lahaayeen dadka sameeya chips-ka iyo xarumo internet o ku kala yala daafaha calamka.

Nvidia, oo ah shirkad fadhigedu yahay Marekanka oo sameysa chips-yada awoda badan e mamula garadka macmalka ah, ayaa u muuqata in ay gartay khasarihi ugu darna.

Waxay lumisay ku dhawaad $600 oo bilyan qiimaha suuqa Isniintii – taasoo ah hoos u dhaca hal maalin ee ugu weyn ee shirkad kasta taariikhda Mareykanka - iyadoo qiimaha saamiyadeedu uu hoos u dhacay 17% intii lagu jiray maalinta.

Nvidia waxay ahayd shirkadda ugu qiimaha badan adduunka, marka lagu qiyaaso suuq-geynta, laakiin waxay ku dhacday kaalinta saddexaad ka dib Apple iyo Microsoft Isniintii markii qiimaha suuqeedu hoos ugu dhacay $2.9 tiriliyoon halkii uu ka ahaa $3.5 tiriliyoon, Forbes sida ay soo tebisay.

DeepSeek waxay isticmaashaa chips korontada yara gudbiya oo ka yara taya hooseeya kuwa ay soo saartay Nvidia.

Guusha ay gaartay waxay hoos u dhigtay aaminaada ah in miisaaniyadaha waaweyn iyo chips-yada heerka sare gaarsiisan ay un yihiin siyaabaha kaliya ee lagu hormarinayo garaadka macmalka ah, waana rajo abuurtay hubanti la'aan weyn oo ku saabsan baahida iyo mustaqbalka chip-waxqabad sare leh.

XIGASHO BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip