halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30/1/25

0
Thursday January 30, 2025 - 09:41:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30/1/25

    ..........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceedyo la qaatay madaxda ka qaybgashay shirka tamarta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Bulshada Bariga Afrika.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ghana Mudane John Dramani Mahama, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Mudane Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.

"Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan, waxaan rajeynayaa in aad ku socon doontaan jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay ugaasku.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey qoyska Marxuumka uu ka baxay.

Mudane Xamsa, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip