halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 27/1/25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Nabadoon Faarax Cabdi Waare
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada.
"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Safiirka JFS ee dalka Cumaan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wasiir Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Cumaan, Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Cumaan, Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari,
Waxeey ka wada hadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada Arimaha diinta iyo awqaafta
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Safiirka isagoo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Cumaan iyo Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimada ay leedahay is dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinacyada awqaafta iyo arrimaha diinta ee labada dal,
Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay Saldanada Cumaan ku bixiso horumarinta nabadda iyo wadajirka, isagoo muujiyay sida uu uga go’an yahay inuu waddankiisa ka shaqeeyo xiriir iskaashi oo dhanka dhaqanka iyo dhinacyo badan leh.
Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka oo gaaray Baydhabo
Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay wafdigan magaalada Baydhabo u gaaray dardargelinta doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa yiri "Waxaan Baydhabo usoo gaarnay sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiskii Guddiga Doorashooyinka ee halkan oo muddo aan lagu shaqeyn iyo in aan guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad oo guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.
Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku aadan hormarinta karanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeega bulshada iyado wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.
Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha
Tababar lagu baranayo habka maamulka garsoorka oo laga daahfuray Muqdisho
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Sulayman Mohamed ayaa ka qeyb galay daahfurka Tababar ku saabsan habka Maamulka Garsoorka oo lagu tababarayo Kaaliyeyaal cusub oo ka howl geli doona heerarka kala duwan ee Garsoorka Dalka.
Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka tababarka Garsoorka Dalka ayaa mudada uu socdo tababarku waxaa lagu tababari doonaa kaaliyayaasha Hawlaha shaqo ee Garsoorka, heerarka ay Maxkamadaha kala leeyihiin, masuuliyadaha shaqada iyo ilaalinta xogta shaqada, tababarkan ayaa socon doona muddo saddex toddobaad ah.
Kusimaha Gudomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim ayaa u furay kaaliyaal cusub oo Heer Federaal ah tababarka, isla markana kula dardarmay kaaliyayasha inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo, masuuliayadna iska saaraan adeegga caddaaladeed ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Dowladda Fedaraalka oo abaabulkii ugu cuslaa oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan
Taliyaha ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.
Masuuliyiintaan oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka u sheegay iney u diyaar garoobaan dagaalka Al-shabaab looga xureynayo qeybaha ay ka joogaan Hiiraan.
Taliyaha ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo furimaha hore ee dagaalka kula hadlay ciidamada iskaashanaya ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa Al-shabaab.
"Waxaa la idinka doonaya inaad qeyb muhiim ah ka qaadataan dagaalka lagu xorreynayo dalka, waxaa lagama maarmaan ah inaan iska qabano dadka ku dhexjira Al-shabaab ee anagana nagu dhexjira, waxaan rabna cadawga inaan meelaha uu joogo ugu tagno, kuwa dhibaatada ay ku hayaana aad ka xureysan" ayuu yiri Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali.
Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Sahal Cabdullaahi Cumar oo dhankiisa la hadlay ciidamada is garabsanaya ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay wax walba oo ku baxaya sidii dalka looga xureyn lahaa Al-shabaab.
"Maanta fursad baad haysataan, shalay hawshii billaabatay oo xoogaa hakatay darteed cadowga waa soo duulay oo soo noqday, maanta waxaa fursad ah Dowladdii Soomaaliyeed, Ciidankii xoogga dalka iyo Nabad sugidda dhamaan garabkiina la yahay, waxaana diyaar u nahay haddaad Saad,Hub, Rasaas iyo wax kasto oo ku baxayo nimankaas Khawaarijta dalka looga saarayo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar.
Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka Macawiisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa faray ciidamada in laga sugayo guulo la taaban kara iney kasoo hoyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee markale dib uga bilaabanaya Hiiraan.
Ugu dambeyntii abaabulka masuuliyiintaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilowgii bishan Janaayo guud ahaan amniga gobolka Hiiraan lagu wareejiyay lagu wareejiyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qalliinka wadnaha furan oo marki ugu horreysay laga sameeyay Soomaaliya
Markii ugu horeeysay Isbitaal Kalkaal ee magaalada Muqdisho, ayaa shalay laga fuliyay qalliinka wadnaha furan, kaas oo ay dadka Soomaalida intooda awoodda ay u aadi jireen dibadda gaar ahaan wadamo ay kamid ahaayeen India iyo Turkiga.
Qalliinnadi u horreeyay ayaa waxaa lagu sameeyay laba canug oo yar yar oo Soomaali ah, Waxaana fuliyay dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga, Dhaqtarka Qalliinkaan sameeyay ayaa sanadkii 2023 u yimid magaalada Muqdisho inuu baaritaano caafimaad u sameeyo caruur la daalaadhaceysay xanuunka dhinaca wadnaha ah.
Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ee Hormuud Salaam Fundation iyo Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin inay arkaan in Soomaaliya gudaheedi lagu sameenayo qalliinadii loo aadi jiray wadanka Dibadiisa.
Madaxa Xarunaha isbitaalkaasi Kalkaal Dr. Gallad Shiil Ducaale ayaa sheegay in howsha ay bilaabeen ay tahay mid ay Soomaalida uga maarmi doonaan safaradii lacagaha badan ee Dibadda uga bixi jiray sida Visa soo saarka iyo Ticket yada, waxaana uu carabka ku dhuftay in laga yaabay in muwaadinka Soomaaliyeed ay Kharash ahaan ka gasho Lix Kun ilaa Todoba Kun ee Doolarka Mareykanka balse iyagu ay lacag intaasi ka yar ay ku sameeyn donaan qalliinada dhanka wadnaha ah.
Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha.
Qaramada Midoobay oo shaacisay in Israa'iil Gaza ku dishay in ka badan 13 kun oo Caruur ah
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada Caruurta ah ee lagu dilay dagaalada Gaza ka socday 15-kii bilood ee lasoo dhaafay iney ka badan tahay ilaa 13,000 oo Caruur Falastiiniyiin ah, islamarkaana kuwa dhaawacmay ay gaareen 25,000.
Xafiiska Iskuduwida arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegay in tirada meydadka ilaa iyo hada la aqoonsaday ee gudaha Gaza iney kor u dhaafayaan 40,000 oo Falastiiniyiin ah, islamar ahaantaana saddex meelood hal meel yihiin Caruur.
Hay'adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Caruurta ayaa dhankeeda sheegtay xogo ay isla ururiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza in tirada Caruurta ee ku dhaawacmay dagaalada Gaza ay gaareyso 25,000 oo canug.
Qaramada Midoobay kal sii horeysay ku tilmaamtay Gaza iney tahay meesha ugu halista badan guud ahaan Caalamka oo ay Caruur ku noolyihiin.
Waxyaabaha aadka u argagaxa badnaa ee Gaza ka dhacay waxaa ka mid ahaa weerarkii Israa’iil ay ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee dhacay 17-kii bishii Oktoobar 2023-kii, kadib gantaallo culus oo ay ku dhufteen Isbitaalka ayna kuna naf waayeen ugu yaraan 500 oo ruux oo rayid ah una badnaa Caruur.
Inta badan Caruurta reer Falastiin ayaa lasoo wariyay iney Isbitaalada Gaza ugu dhinteen nafaqo daro ba’an, maadama ay adkeyd in wax gurmad gargaar ah ama daawo ah la gaarsiiyo dadka ku noola magaalada Gaza.
Ugu dambeyntii xaalada Gaza ayaa ah dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid degan, kadib heshiis xabbad joojin ah oo ay kala saxiixdeen Isra’il iyo Xamaas oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay is weydaarsaday sii deynta maxaabiis ay kala heysteen labafa dhinac.
Puntland oo qaadday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ajaanibta sharci-darrada ah
Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ay ajaanibta sharci-darrada ahi ku hayaan amniga Puntland, kaddib markii la ogaaday in ajaanib badan ku biireen kooxda Daacish.
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo amarkan soo saartay, ayaa mamnuucday in dadka sharci la'aanta ah ay sii joogaan Puntland, kuwa imaanayana la joojiyo.
Go’aankaan ayaa sidoo kale saameynaya dadka ku shaqaysta dawarsiga, waxaana si buuxda looga mamnuucay inay istaagaan goobaha bulshada sida masaajidda, waddooyinka, iyo xarumaha ganacsiga.
Sidoo kale, Puntland ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta inay joojiyaan furista taleefoonnada dadka aan lahayn aqoonsi rasmi ah iyo dammaanad sugan. Waxaa kaloo la faray inay xiraan akoonnada iyo lambarrada aan sharciga waafaqsanayn ee hadda shaqeeya.
Go’aankan cusub ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay ganacsiyada yaryar ee ajaanibta, kuwaas oo aan haysan oggolaanshaha maamulka, waxaana la sheegay in si buuxda loo mamnuucay in ay sii shaqeeyaan iyada oo aan la hubin sharciyadooda.
Go’aankan ayaa kusoo beegmay maalin ka hor markii magaalada Boosaaso ay ciidamada ammaanku ku dileen nin ajnebi ah oo kasoo dalka Yemen, kaasoo doonayay inuu miino ku aaso magaalada Boosaso.
Ninkan ayaa la ogaaday inuu ahaa dadka wareejiya alaabaha ay kamidka yihiin tusbaxyada iyo catarada, waxaana hoygiisa laga helay bombo gacmeedyo iyo agabka qaraxyada laga sameeyo.
Mukhtar Shariif oo Soomaali reer minnesota ah oo lagu xukumay 17 sano xabsi ah
Mukhtaar Maxamed Shariif, 34 jir, reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay 17 sano iyo 6 bilood oo xabsi ah, ka dib markii uu lunsaday 47 million oo dollars, lacagtaasoo loogu tala galay in lagu quudiyo carruurta Soomaaliyeed.
Sida uu ku dhawaaqay ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick, ninkaan ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo magdhaw dhan $47,920,514.
"Eedaysanuhu waxa uu geystay khiyaano aan gabasho lahayn oo si sharci-darro ah uu u lunsaday lacago loogu talo galay in lagu quudiyo carruurta xilliga uu jiray safmareenka caalamiga ah ee Covid19. Wuxuu jeebkiisa iyo kuwa shisheeyaba ku shubtay malaayiin dollar. "Maxkamaddu waxay sidoo kale ogaatay in uu ku sii adkeystay dambigiisa isagoo carqaladeeyey sharciga. Xukunkan adag waa digniin cad oo ku socota cid kasta oo isku dayaysa inay ku xadgudubto barnaamijyada dowladdu maalgeliso,” ayay tiri Lisa D. Kirkpatrick.
Sida lagu caddeeyey maxkamadda, ninkan iyo kuwa la shaqaynayey ayaa lunsaday malaayiin dollar ah oo ahayd lacag ka timid Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Dowladda Federaalka Maraykanka.
Mukhtar, oo ah maareeyaha guud ee shirkadda Afrique Hospitality Group, waxaa lagu helay inuu si sharci-darro ah u helay oo u isticmaashay malaayiin dollar oo loogu talogalay kharashaadka cuntooyinka carruurta. Waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay waraaqo been abuur ah oo muujinaya tirada carruurta iyo cuntada lagu siiyey goobaha barnaamijku taageerayay, iyagoo sidoo kale keenay qaan-sheegyo iyo liisaska carruur been abuur ah oo aan jirin.
Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Dowladda Federaalka, oo ay maamusho Waaxda Beeraha Mareykanka (USDA), ayaa loogu talogalay in lagu bixiyo cuntooyin lacag la’aan ah oo loogu talay carruurta baahan. Intii lagu jiray COVID-19.
Gudoomiye Kuxigeenkii amniga iyo Siyaasadda Baled Xaawo oo u Geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qarax miino
Mas'uuliyiinta maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyay Geerida Gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Baled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo qarax miino oo lagula eegtay gudaha degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in shalay miino nooca dhulka lagu aaso ah ay la kacday isaga, Askar iyo masuuliyiin kale oo la socday xilli ay kasoo laabteen garoonka diyaaradaha ee degmada Baled-Xaawo oo howlo shaqo iyo kormeer ay ku tageen.
Dadka degaanka iyo goob joogayaal ayaa sheegay in Dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen qaraxaasi lala eegtay Gudoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Degmada Beled Xaawo.
Mas'uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in Dhaawaca uu gudoomiye ku xigeenka kasoo gaaray qaraxaas uu u geeriyooday maadama ay ciriiri badan uu ka jiray dhanka diyaaradaha kadib waxaa suurtagashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay keentay magaalada Muqdisho waxaana la xaqiijiyey in markii la keenay kadib uu ku geeriyooday Isbitaal Muqdisho ku yaalla.
Illaa iyo hadda majirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi, inkastoo weerarada noocaani oo kale ah ee mas'uuliyiinta lala bartilmaamaysado ay sheegtaan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab.
Caqabaddii ugu weyneyd oo soo wajahday heshiiska xabad joojinta Gaza
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii qaaday tallaabo khatar ku ah in si sax ah loo dhaqangeliyo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga, iyadoo aan la gaarin labada weji ee soo socda.
War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Israel aysan ogolaan doonin in barakacayaasha Falastiiniyiinta ay dib ugu laabtaan guryahooda waqooyiga Marinka Gaza.
Netanyahu ayaa ku andacoonaya in Xamaas aysan shalay sii deynin gabadha lagu magacaabo Arbel Yehoud, iyadoona uu xafiiskiisu sheegay inaanay Falastiiniyiinta ku soo laaban doonin guryahooda waqooyiga, illaa laga soo sii daayo gabadhaasi.
Xamaas ayaa iyana ku andacooneysa in lagu heshiiyay in qaybta labaad ee maxaabiista la is dhaafsanayo ay ku sii deyso afar dumar ah, dumarkiina ay sii deysay, gabadhaasina ay dib xorriyaddeeda u heli doonto toddobaadka soo socda.
Heshiiska labada dhinac ay 15-kii bishan ku gaareen dalka Qatar ayaa ogolanaya in laga bilaabo Axaddan ay Israel qaaddo xayiraaddii ay ku haysay isu socodka koonfurta iyo waqooyiga Gaza, taasoo ay hadda Tel Aviv ka hortimid.
Tani waxay caqabad ku noqoneysaa kumanaan Falastiiniyiin ah oo isku diyaarinayay in maanta ay dib ugu laabtaan guryahooda.
Ciidamada Israel ee ku sugan Isgoyska Netzarim ee kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza ayaa is hortaag ku sameynaya Falastiiniyiintii isku diyaarineysay inay ku noqdaan guryahooda.
Ciidamada Israel ayaa saacado ka hor rasaaseeyay Falastiiniyiin isugu timid Netzarim, oo iyagu doonayay inay noqdaan barakayaashiisii ugu horreysay ee soo gurya noqda.
Ugu yaraan nin Falastiin ah ayaa ku dhintay rasaastaasi. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay toogasho ku dileen ninkaasi.
War ka soo baxay Militariga Israel ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rideen rasaas digniin ah, si dadkaasi ay u kala eryaan, isla-markaana aysan ka warqabin cid wax ku noqotay.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in Israel ay qaadi doonto dib-u-dhac kasta oo ku yimaada hirgelinta heshiiska iyo wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa wada dadaalo ay isku dayayaan in lagu xakameeyo xiisadda soo korortay.
Waa xiisaddii ugu horreysay ee soo kala dhex gasha labada dhinac, tan iyo markii xabad joojinta ay si rasmi ah 19-kii bishan uga bilaabatay Marinka Gaza.
Tani waxay kaloo imaneysaa, iyadoo markii horeba ay dadku shaki ka muujinayeen, sida lagu gaari karo labada wareeg ee xiga wejiga koowaad heshiiskan oo socon doono lix isbuuc.
Israel iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah oo looga gol leeyahay in si buuxda loogu soo afjaro dagaalka Gaza.
Dad badan ayaa qaba in dhameystirka heshiiskan uu noqon doono wax mucjiso ah, marka aad eegto cadaadiska Netanyahu ka haysta axsaabta midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumadda uu hoggaamiyo.
Hoggaamiyaha xisbiga xagjirka ah ee National Union–Tkuma ahna Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa Netanyahu culeys ku saaraya in dagaalka dib loogu laabto, marka uu dhammaado 42 maalmood ee uu soconayo wejiga hore ee heshiiska.
Smotrich ayaa geed ka go’an u arka in dagaalka Gaza uu dib u bilowdo bisha March, haddii kalena ay salfan doonaan mustaqbalka siyaasadeed ee Netanyahu.
Xisbiga National Union–Tkuma oo ka baxa isbahaysiga dowladda ayaa waxay soo dedejineysaa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, tani oo Netanyahu uu ka gows-adeygayo.
Smotrich ayaa xukuumadda wadaagga ah kula gorgortamaya in la sii wado dagaalka uu sheegay in lagu burburinayo awoodda militari ee Xamaas.
Mareykanka waa dalka ugu weyn ee ballanqaaday xaqiijinta heshiiska, waana dalka ugu muhiimsan ee xulafada dibadda ee Israel. Ma cadda waxa Madaxweyne Donald Trump uu ka yeeli doono arrintan, kaas oo horey u sheegay in uu isagu yahay kan ka shaqeeyay in heshiiskan la gaaro.
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Ugu Ambabaxay Waddanka Imaaraatka Carabta
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarkiisii ugu horreeyay saaka ugu ambabaxay waddanka Isutaga Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa usoo dirtay diyaarad khaas ah. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka loo dhaariyay 12 December, 2024. Waxa horay loo filayay in safarkiisa koowaad uu ku tagi doono Jabuuti ama Itoobiya.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ahayd xukuumadihii xisbiga Kulmiye, taas oo sababtay in ay boqollaal milyan oo dollar uu Imaaraatku ku maalgeliyo dib u dhiska Dekedda Berbera, Madaarka Berbera iyo waddada isku xidha Berbera iyo magaalo-ganacsiyeedka Wajaale.
Madaxweyne Cirro ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn uga soo horjeeday maalgelinta DPWorld ee Dekedda Berbera, isaga oo u arkayay in aanay faa’iido weyn u yeelan doonin dekedda. Laakiin madaxweynaha ayaa fikirkiisa beddelay kadib markii dekedda la ballaadhiyay.
Imaaraatka ayaa ka mid ah waddamada xafiisyada matalaada ah ku leh Hargeysa. Sidoo kale, Somaliland ayaa xafiis matalaadeed ku leh Imaaraatka Carabta. Lama oga waxa uu daaran yahay safarka madaxweynuhu ilaa hadda.
13,000 oo carruur ah oo lagu dilay dagaalka magaalada Gaza
-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta lagu dilay dagaalka Gaza 15-ki bil ee lasoo dhaafay ay gaarayaan in ka badan 13,000, halka ay qiyaasta carruurta dhaawacmay ay gaartay 25,000.Jowhar souvenirs.
Xafiiska Iskuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay, in tirada meydadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday gudaha Gaza ay taarayaan 40,717 oo Falastiiniyiin ah. Saddex meelood hal meel ayay hey’addu sheegtay in ay carruur yihiin.
OCHA ayaa Jimcihi sheegtay in tirada khasaaraha rasmiga ah ay kasoo xigatay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Laanta Carruurta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNICEF ayaa iyaduna sheegtay, in qiyaasta dhaawacyada carruurta Gaza o ah 25,000 oo canug ay ka kusaleeyeen xogo ay isla ururiyeen iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Ku xigeenka danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay James Kariuki, ayaa dhawaan u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in Gaza ay noqotay goobta ugu halisan guud ahaan dunida ee ay carruuri ku nooshay.
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed ayaa sheegtay in ku dhawaad 19,000 oo carruur ah loo dhigay cusbitaallada Gaza nafaqo-xumo ba’an afartii bilood ee ka horreysay Disembar.
Xaaladda Gaza ayaa maalmahan xasilloon, kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo ku meel gaar ah oo ay kala saxiixdeen Isra’il iyo Xamaas.
Dowladda oo ka warbixisay weerarkii qorsheysnaa ee Shabaabku ku qaadeen Masagawaa
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Somalya, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka ay maleeshiyada Al Shabaab Sabtidii ku qaadeen deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka hortaggeen weerarka qorsheysan ee maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay fashiliyeen weerarkaasi, kaas oo ujeedkiisu ahaa in Shabaabku ay ku qabsadaan deegaankaasi.
"Weerar fashilmay ayay kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud. Waxaa ka war helay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee fariisimahooda uu halkaasi yahay iyo dadka deegaanka, waxayna u sameeyeen dhaba-gal, waxayna ku fashiliyeen kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo damacoodu ahaa inay Magaalada Masagawaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhibaateeyaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay haatan gacanta ku hayaan Masagawaa, Shabaabkii soo weerarayna ay dib u caabiyeen.
"Waxaan u mahadcelinaynaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo si wadajir ah isaga kaashaday difaaca deegaanka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada. Sidaas oo kale waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Galgaduud ee la soo wadaagay Ciidanka Xoogga Dalka xogta sugan.” Ayuu yiri Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalya.
Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan leenahay in badan oo Khawaarijta ka mid ah ayaa halkaasi lagu khaarijiyay. Markay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay xogta heleen oo cadowga ay ka fashiliyeen hawlgalkii u qorsheysnaa, waxaa Masagawaa iyo nawaaxigeedaba gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si buuxda ayayna gacanta ugu hayaan.”
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhowr jiho ka soo weerareen deegaanka, balse aysan u suurtagelin inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday ay diyaarado dagaal dhinaca hawada ka garaaceen Shabaabkii soo hujuumay deegaanka. Xaaladda Masagawaa ayaana ah mid degan.
Dhanka kale ma cadda khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda, balse dhaawacyada askarta ayaa diyaarado loogu qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan oo xoog leh uu ka socdo Gobolada Dhexe, kaas oo la xiriira wejiga labaad ee dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 27/1/25
......