halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 26/1/25
Ra”iisulwasaare Xamse oo magacaabay isu-duwaha arrimaha haweenka ee xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).
Safiir Ilyaas oo ka qayb galay kulanka diyaargarowga Shirka tamarta Afrika
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya Amb Ilyaas Xasan Cali ayaa ka qaybgalay kulanka u diyaar-garowga shirweynaha tamarta ee (Afrika Energy Summit) Kaas oo ka dhici doon Daarasalaam 27-28 bishan,shirkan ayaa waxa ka soo qayb geli doono ilaa 40 Hoggaamiye oo ka socda dalalka Africa iyada oo diiradda lagu saarayo dardargelinta helitaanka tamar ku filan Afrika oo dhan.
Shirkan oo ay marti galisay Dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya ayaa waxa sidoo kale qayb ka ah Bankiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.
Shir-madaxeedka ayaa fursad u ah dawladaha, hoggaamiyeyaasha qaybaha gaarka ah, la-hawlgalayaasha horumarinta, iyo bulshada rayidka ah si ay u horumariyaan hadafkooda.
In ku dhow oo 300 milyan oo qof ayaa la qorshaynayaa in koronto la siiyo sanadka 2030-ka – oo loo yaqaan Mission 300 – bartilmaameedkan ayey ku dhawaaqeen kooxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo kooxda Bangiga Adduunka bishii Abriil 2024.
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabad loogu dabaal degayey Aqoonsiga xeer Ciise
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Abdiwahab Cumar Caananuug ayaa magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uga qeyb galay munasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO
Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay "Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamuusayay xeerkan ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay in xeerka la aqoonsado, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo hormarinta dhaqamada soo jirenka ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO ayaa dhowaan xeerkan aqoonsatay, iyadoona lagu daray dhaqamada dunida ka jira ee lama taabtaanka ah, waxaana si gaar ah xeerkani u wadaagaya bulshada Ciise ee degta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jibuuti.
Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa bulshada Somaliyed ugu hambalyeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Masagawaa
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Macalin Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii shalay ka dhacay Masagawaa iyo howlgalo kale oo ka dhacay meelo ka mid ah gobolada dalka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay weerar aroornimadii hore ee shalay kooxda Al-shabaab ku qaaday magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka iney fashiliyeen oo ay ka hortageen weerar qaraxyo ku billaawday oo ay Al-shabaab ku qaaday gudaha magaalada Masagawaa.
"Ciidamada Amniga iyo kuwa deegaanka oo ka war qabay dhagarta Al-shabaab ayaa fashiliyay weerar cadawga uu la rabay inuu ku dhibaateeyo shacabka magaalada Masagawaa, ciidamada ayaa hada si buuxda gacanta ugu haya magaalada Masagawaa” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abukar Macalin Maxamud.
Afhayeenka Wasaraadda Gaashaandhigga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee weerarka shalay ka dhacay Masagawaa looga dilay kooxda Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale guulo waa weyn ka sheegay howlgalo ciidanka Daraawiishta Puntland kula wareegeen Taliskii ugu muhiimsana Daacish ee gobolka Bari Tuursamaale.
Gabagabadii afhayeenka ayaa bogaadiyay howlgalada lagu dagaalamayo Al-shabaab iyo Daacish ee ciidamada ka fuliyeen maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka kala tirsan Hiiraan, Galgaduud iyo gobolka Bari.
Hiiraan oo uu ka socdo abaabul dagaal oo lagu soo af jarayo al-shabaab
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Al-shabaab kaga dhuumanayso deegaanada gobolka Hiiraan.
Agaasimaha Haya’adda NISA Cabdillaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo ay weheliyaan ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidamada deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa amarkii u dambeeyey ee dagaalka faray saaka Qaybaha kala duwan ee Ciidamada.
Agaasimaha Haya’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka oo halkaas kala hadlay Ciidamada ayaa yiri "Wixii hadal iyo diyaargarow ahaa waa dhamaadeen, diyaar noqda dagaalka waa galeynaa”.
Maalmaha soo aadan guud ahaan Hirshabelle waxaa dib uga bilaaban doona howlgalka cirib tirka kooxda Al-shabaab
Ciidanka Ammaanka Boosaaso oo dilay xubin ka tirsan Al-shabaab
Ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Al-shabaab Daacish oo gudaha magaalada ku aasayay Qarax Miino oo uu doonayay in uu shacabka ku dhibaateeyo.
Ciidanka ayaa xaqiijiyay in dhagarqabaha la toogtay uu ahaa ajnabi ka tirsanaa Daacishta ku sugan Gobolka Bari.
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmahaan kordhiyay baacsiga cadowga Al-shabaab ah ee Daacish kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee Daacish.
Ciidamada amniga Puntland oo kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada
Ciidamada amniga gobolka Bari oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada Bosaaso ayaa soo bandhigay Qaraxyo Bambooyin iyo agabyo kale oo loo isticmaalo qaraxyada, Kuwaas oo laga helay Gurkha ninkii Ajnabiga ahaa ee habeen hore ciidanku dileen isagoo Qarax aasaya.
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa Bulshada Bosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan soona sheegaan qofwalba ay ka shakiyaan si lana shaqeeyaan laamaha amaanka.
Ciidamada ambiga maamulka Pubtland ayaa kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha ee ku dhuumaeysanaya deegaannada maamulkaas.
Al-shabaab oo weerar qarax ku bilaawday ku qaaday magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii hore ee shalay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku qaaday gudaha magaaladaas, waxaana xigay dagaal toos ah oo halkaasi ku dhexmaray labada dhinac.
Wali si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo lasoo warinayo inuu ahaa mid aad u xoogana, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan iney jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas iyo qaraxa ka horeeyay.
Dowladda Fedaraalka ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada is kaashanaya ay fashilyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Al-shabaab ku qaaday Masagawaa.
"Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Difaaca ee Ku Sugan Magaalada Masagaway Ee Gobolka Galgaduud ayaa Fashiliyey Weerar Gaadma ah oo ay al-shabaab Soo Qaadeen Waxaana lagu dhuftay Dharbaaxo Kulul" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta magaalada Masagawaa deegaanada kale ee hoostaga, taasoo sii adkeyneysa in si dhab ah loo helo warar madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka is xigay.
Cali Jeyte "Dagaal qabiil baa la galaa oo cadaabta lagu galayo ee mid Janno lagu galayo ayaa jiree maan galno"
U qeybsanaha Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal ciidan ah oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawiisleyda.
Cali Jeyte Cismaan guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan ayaa faray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney u diyaar garoobaan duulaan ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Jeyte ayaa sidoo kale u sheegay ciidamada in howlgalada haatan bilaabanaya ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu afjari lahaa xubnaha maleeshiyaadka Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka ku nool goobaha Al-shabaab joogaan iney isaga soo guuraan.
"Meesha aan Al-shabaan xabadda ugu ridno cid kasta oo joogta waa Shabaab, shalay fursad ayaa jirta waana dareemayaa duruufta jirta ee aan ka faa’iideysano, Dagaal qabiil baa la galaa oo cadaabta lagu galayo, mid janno lagu galayo ayaa jiree ee maan galno, hala is cafiyo oo niyad aan dagaalka ku galno” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Hadalkaan kasoo yeeray u qeybsanaha Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Hiiraan uu ka socda dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee lagu doonayo iney bilaawdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay abaabulkeeda wadaan Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, kan Dhulka iyo Saraakiil kale oo isugu jirta kuwa xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka.
Gabdho Soomaali ah oo ku biiray Daacish oo xukun xabsi lagu riday dalka Norway
Wararka ka imaanaya dalka Norway ayaa sheegaya in Maxkamad ku taal dalkaasi ay xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kaddib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.
Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano, ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka, wararku waxa ay tibaaxeen in Gabadha weyn lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah, oo mid ka mid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.
Sida ay qoreen warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa shaaca ka qaadaya in Xukunnadan ay waafaqsanaayeen codsigii xeer-ilaaliyeyaasha, Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasoo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.
"Maxkamaddu waxay go'aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri," ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.
Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya, Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay - sida ay markii dambe ku sharraxeen email - uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad, Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.
Shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka cabanaya qiimaha xajka ee sannadkan oo aad u badan
Dadka ku nool Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa si aad ah cabasho waxa ay uga muujiyeen qiimaha sanadkaan ay xujeeyda ku xajin doonaan, waxaana arrimahaasi loogu sababeeyay in qiime dhaca lacagta Itoobiya ay saamayn xooggan ku yeelatay lacagta sannadkan lagu aadayo xajka, taas oo noqonaysa laba jibbaar qiimihii sannadkii la soo dhaafay.
Lacagtii ku baxday dadkii gutay waajibaadka xajka sannadkii hore, oo ahayd 329 kun oo Birr ayaa hadda noqon doonta 625 kun oo ah lacagta Birr-ta ee Itoobiya, sida ay shaaciyeen golaha sare ee arrimaha Islaamka ee deegaanka Soomaalida, Tani waxa ay la micne tahay in kharashaadka laga rabo qofka gudanaya xajka uu gaaray halkii ugu sarreeysay taariikhda dalka Itoobiya.
Maxamed Cabdiraxmaan, madaxa arrimaha xajka ee Deegaanka Soomaalida oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in tani ay tahay go'aan ka soo baxay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya, ka dib markii la darsay isku beddelka labada lacagood ee Doollarka iyo lacagta Birr-ta ee Itoobiya.
"Xajku ma aha mid laga xajinayo Itoobiya gudaheeda ee waxa la tagayaa waddan dibadda ah. Sidaa darteed, lacagta xajka lagu aadayo ma aha Birr ee waa Doollar. Arrinatn waxa sabab u ah isbeddelka ku yimid isku sarrifka lacagta Birr-ta iyo Doollarka. Sanandkii hore waxa xajka lagu aadayay 329,000 Birr oo u dhigantay $5772. Halka shalay lacagta la qaadayo ay u dhiganto $4921 oo sarrifka shalay noqonaysa 622,014 Birr. Markaas meesha ay dadku wax ka dareemayaan waa lacagtii Doollarkii oo cirka isku shareertay iyo tii Itoobiya oo dhulka tagtay. Laakiin marka la eego nidaamka xajka loo shaqaynayo sannadkan ayay jaban tahay" ayuu yiri.
lacagta Itoobiya ayaa wajaheysa qiimo dhicii ugu weynaa ee taariikhdeeda, waxayna taasi saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee nolosha dadka ku nool Itoobiya, Si gaar ah, waxa ay tallaabadani u saamaysay dadka raba sannadkan in gutaan waajibaadka xajka.
Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddida Dib u Habaynta Ciidamada
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo dib u habayn ku samayn doona ciidamada kala duwan.
Guddidan oo ka hawlgali doonta hawlaha horumarinta ciidamada ayaa kala ah Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Maaliyada, Cadaalada, Kalluumaysiga, la-taliyaha Amniga, iyo la-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha.
"Waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhamaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay hawshani," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa amray taliyayaasha ciidammada kala duwan in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawsha loo xilsaaray, oo ay ka mid tahay in ciidanka tirakoob buuxa lagu sameeyo, isla markaana tayadooda kor loo qaado.
Madaxweynaha ayaa 50% kordhiyay mushaarka ciidammada isaga oo amray in tirakoob rasmi ahna lagu sameeyo iyada oo la sawirayo bu'da isha askarta. Sidoo kale, waxa uu u ballanqaday tababaro iyo qalab casri ah.
Somaliland oo Trump Ku Tilshalayy Nin Ku Dhac Leh oo Aqoonsi Siin Kara
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo.
Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Cali Ayaale, ayaa sheegay in Trump ay ka rajaynayaa in uu Somaliland aqoonsado, taasina ay suuragal ka dhigi karto in isbadal fiicani uu gobolka ka dhaco.
"Donald Trump oo run sheeg ah, ku dhac leh ayaa Maraykankii qabsaday, waxaan leenahay ku dhiiro, aan danaha is dhaafsano, aqoonsiga Somaliland ku dhawaaq dunidana isbal ayaa ka dhacaya markaa" ayuu yidhi Wasiirku.
Bilihii u danbeeyay waxa warbaahinta qabsaday in Maraynkanku uu Somaliland u aqoonsan doono dal gaar ah marka uu Trump xukunka yimaado, rajadaas oo ay qabaan shacabka Somliland iyo siyaasiyiin Somaliland taageera oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee hada talada la wareegay.
Inkasta oo aan laga warhayn talaabooyinka uu Trump qaadi doono, hadana waxa jira dadaalo ka socda Golaha Wakiilada Maraykanka oo guddiyo iyo xildhibaano ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh toos ah kula yeelato Hargaysa.
Ololahan cusub ayaa waxa dabada ka riixaya warwarka uu Maraykanku ka qabo saamaynta sii kordhaysa ee uu Shiinuhu gobolka ku yeelanayo. Shiinaha ayaa hada saaxiib dhow la ah dowlada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda lacag badan ku bixinaysa ka hortaga xidhiidhka Hargaysa iyo Washington, iyada oo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanku uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu dhibaato ku noqon karo wadashaqaynta ay la leeyihiin Washington.
Hay’adda NRC oo qaylo dhaan ka muujisay hawlgalka Daanta Galbeed
Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa walaac xoogan ka muujisay rabshadaha sii kordhaya ee Daanta Galbeed, tan iyo markii ay xabad joojinta ka dhaqangashay Marinka Gaza.
Agaasimaha Hay’adda NRC ee Bariga Dhexe, Angelita Caredda ayaa qaylo dhaan ka muujisay hawlgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin.
Waxay sheegtay in ay arkaan qaabab qas ah oo si sharci darro ah ay Israel awood ugu adeegsaneyso Daanta Galbeed ee la haysto.
"Waxaan aragnaa qaabab qas leh oo xoog si sharci darro ah loogu isticmalayo Daanta Galbeed, isla-markaana aan kala sooca lahayn, taasoo aan loo baahneyn.” Ayay tiri Angelita Caredda.
Angelita Caredda ayaa sheegtay in awoodda xad dhaafka ah ee Israel u adeegsaneyso Magaalada Jenin uu u dhigmo tabihii ay ciidamadeeda u adeegsadeen Marinka Gaza.
"Tani waxay bidhaamineysaa tabaha ay Ciidamada Israel uga shaqeeyeen Gaza.” Ayay tiri Angelita Caredda oo intaa raacisay "Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Israel waa in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo afjartaa xoogga ay ku haysato dhulka Falastiiniyiinta.”
Angelita Caredda ayaa ku baaqday "Illaa iyo intaas, Israel waa inay si buuxda u fulisaa waajibaadkeeda awood la qaybsashada, oo ay ku jirto ilaalinta rayidka.”
Iyadoo Israel qaar ka mid ah ciidamadeeda ay kala baxday Marinka Gaza ayay u soo jeedsatay dhulka kale ee Falastiiniyiinta, gaar ahaan Magaalada Jenin oo taariikh u leh isku dhacyada.
Dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay hawlgalka Ciidamada Israel ay 21-kii bishan ka bilaabeen Jenin, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Falastiiniyiinta laga sii daayay xabsiyada Israel oo qaarkood la musaafurinayo
Israel iyo Xamaas ayaa shalay is dhaafsaday qaybtii labaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee labada dhinac.
Xoogaga Xamaas ayaa sii daayay afar hablood oo reer Israel ah, iyagoona ku bedeshay 200 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel.
Xoogaga Xamaas ayaa hablahaasi oo askar ahaa ku wareejiyay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyaguna gaadiid ku geeyay xuduudda waqooyi ee Gaza la leedahay Israel. Militariga Israel oo halkaasi kula wareegay maxaabiista ayaa u qaaday gudaha Israel.
Sidoo kale Israel ayaa xabsiyadeeda ka sii deysay 200 Falastiiniyiin ah, kuwaa oo qaarkood ku xukunaa xabsiyo dhaadheer iyo xabsi daa’in.
Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa gaadiidkooda xabsiyda Israel kaga soo qaaday maxaabiista Falastiiniyiinta. Heshiiska ayaa dhigaya in maxaabiista ay Israel khatarta u aragto laga musaafuriyo Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.
Israel ayaa waxay xaqiijisay in ay Laanqeyrta Cas ku wareejisay 200 oo maxbuus, si waafaqsan shuruudihii ay Xamaas heshiiska ku gashay.
Falastiiniyiinta la sii daayay qaarkood ayaa lagu helay in ay dilal u gaysteen dad Israeliyiin ah.
Falastiiniyiintan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed, halka Israeliyiintana lagu soo dhaweeyay Magaalada Tel Aviv.
128 ka mid ah ayaa loo ogolaaday inay ku laabtaan guryahooda Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Inta kale ayaa loo musaafurin doonnaa Marinka Gaza iyo Masar.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dadka la gaynayo Masar looga sii gudbin doono dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar ama Algeria.
Qaramada Midoobey oo ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee Daanta Galbeed
Qaramada Midoobey ayaa digniin ka soo saartay xaaladda sii xumaaneysa ee ka jirta Daanta Galbeed, ka dib markii Ciidamada Israel ay hawlgal ka bilaabeen Magaalada Jenin, isla-markaana ku fidaya magaalooyinka kale ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Kuxigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ka walaacsan tahay nooca hawlgal ee ay Israel ka waddo Daanta Galbeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ee ka socdo dhulka ciriiriga ah ee Jenin uu halis ku yahay nolosha dadka rayidka ah.
Waxa uu tilmaamay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) uu ka digay in mar kale la adeegsado xeelado dagaal oo halis ah, taasoo kor u qaadeysa walaaca laga qabo isticmaalka awood ka baxsan heerarka fulinta sharciga.
Farhan Haq ayaa Israel ugu baaqay in ay ilaaliso dadka rayidka ah, isagoo tixracaya dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ay ciidamadeda ka gaysten Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Hawlgalka Darbiga Birta ee Jenin uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo, waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada ee halkaasi ku sugan.
Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaase walaac xoogan ka muujiyay qaabka loo fulinayo hawlgalkan, waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaareysa iyo barakacinta lagu sameynayo.
Thameen Al Kheetan oo ah Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey (OHCHR) ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin adeegsiga xoogga wax gumaada ee sharci darrada ah ee Jenin.
Afhayeenka ayaa sheegay in Israel ay gaysaneyso duqaymo badan oo xagga cirka ah iyo in sida muuqata ay ciidamadeda tooganayaan sida uu yiri dadka deegaanka ee aan hubaysneyn ee isku dayaya inay baxsadaan amaba ay badbaado helaan.
Afhayeenka ayaa xusay in tan iyo markii uu hawlgalka bilowday ay Ciidamada Israel dileen ugu yaraan 12 Falastiiniyiin ah, 40 kalena ay dhaawaceen, kuwaas oo la sheegay buu yiri inaysan hubeysneyn.
Al Kheetan ayaa ku waramaya inaanan loo baahneyn hawlgalka maquuninta ee Israel, oo sida uu sheegay abuuray walaac culus oo ka dhashay xoogga ay adeeg-saneyso, waxaana uu xadgudub ku yahay buu yiri sharciga caalamiga ah ee xuquqda adanaha, xerarka iyo herarka lagu dabaqi karo holgalada fulinta sharciga.
Diyaarad drone oo Israel ay leedahay ayaa Jimcihii gantaal ku dhufatay gaari marayay meel u dhow Magaalada Qabatiya ee Daanta Galbeed, waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ah, sida ay xaqiijisay Wasarada Caafimadka Falastiin.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA aya ku warantay in weerarku uu dhacay, wax yar uun ka hor, inta aysan Ciidamada Israel xoog ku gelin Magaalada Qabatiya.
Kamal Abu Al Rub, Barasaabka Jenin ayaa labada qof ee dhintay ku sheegay Mahmoud Kamil iyo Hamoud Zakarneh.
Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in baabuurka la duqeeyay ay la socdeen xubno argagixisada ka mid ah, iyagoo aan caddeyn ah soo bandhigin.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tan iyo Talaadadii ay Ciidamada Israel dileen 14 qof, halka 50 kalena ay dhaawaceen.
Militariga Israel ayaa korontada iyo biyahaba ka jaray xerada qaxootiga Jenin, iyagoo sidoo kalena is hortaag ku haya wax kasta oo la gaynayo magaalada.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku shaqeynaya waqti adag, maadaama aanay isbitaalada ka jirin wax koronto ah, sida uu xaqiijiyay Barasaabka Jenin.
Dhanka kale Hay’adda OHCHR ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay xireen waddooyinka laga soo galo magaalooyinka qaar ee Daanta Galbeed, sida Hebron.
OHCHR waxay sheegtay in Ciidamada Israel ay baaritaano shakhsi shakhsi ah marsiinayaan dadka gaadiidka la socda, taasna ay keentay in ciriiri uu ka dhasho isu socodka magaalooyinka.
Tobanaan Falastiiniyiin ah ayaa laga qabqabtay Magaalooyinka Hebron, Nablus, Tulkarm & Ramallah ee Daanta Galbeed iyo weliba Bariga Qudus, sida ay sheegen Ururka Maxaabiista Falastiniyiinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (PPS).
Dowladda Jordan oo xad la leh Daanta Galbeed ee xoogga lagu haysto ayaa cambaareysay hawlgalkan.
Ololaha militari ee Darbiga Birta ee ka socdo magalada waqoyiga Daanta Galbed ku taala ee Jenin aya galay malintiisii 5aad.
Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin
Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Israel ay ballaarisay hawlgalka militari ee ay ciidamadeeda Talaadadii ka bilaabeen Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu dhowr guuto geeyay magaaladaasi, isla-markaana ay diiradda saarayaan xerada qaxootiga Jenin iyo deegaanada ku xeeran.
Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan holgal ay xeradaasi kaga sifeynayaan, waxa ay ku shegen koxaha argagixisada ee ku sugan.
Ciidamada Israel ayaa xiray dhamanba waddooyinka soo gala xeradaasi, ka hor inta aysan qaybtood maalin ka hor bilaabin in ay gudaha u galaan xeradaasi. Israel ayaa magaalada ka jartay adeeggii biyaha iyo korontada, iyadoona saamaynta ugu badan laga dareemay goobaha cafimadka.
Cagaf-cagafyada Ciidamada Israel iyo kuwa wax qoda ayaa burburiyay guryo iyo waddooyinka qaar ee Jenin.
Jimcihii, rasaasta ayaa is qabsatay xerada, iyadoona la maqlay qaraxyo ka dhashay miinooyin iyo duqaymo ay halkaasi ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel.
Kooxaha wax iska caabinta ayaa sheegay in ay burburiyeen tiro ka mid ah gawaarida Ciidamada Israel, ka dib markii ay la beegsadeen miinooyin ay horey ugu sii diyaariyeen hareeraha waddooyinka.
Uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareertay meelo ka mid ah xaafadda Al-Hadaf ee xerada, xilli gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel ay isku dayayeen inay ka gudbaan.
Militariga Israel ayaa sheegay in Jimcihii ay dileen in ka badan 10 nin oo ka tirsan kooxaha hubeysan, isla-markaana ay soo xireen 20 kale oo la tuhunsan yahay. Militariga ayaa qoraal ku sheegay in ay la wareegeen hub iyo saanad kale, intii uu socday hawlgalka Jenin.
Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacan, iyago ka jawaabaya awaamiirta Militariga Israel ee ku aaddan in ay halkaasi banneeyaan.
Qoysas fara-badan ayaa la arkayay iyagoo lugeynaya oo isaga baxaya xaafadaha xerada qaxootiga. Dadkan ayaa garowsaday in aysan haysan waddo aan ahayn in ay ka cararaan dagaalka lagu soo fidiyay deegaanadooda.
Qoysaska barakacayaasha ayaa sheegay inaysan garaneyn goorta loo ogolaan doono in ay dib ugu soo laabtaan guryahoda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay u sheegeen in ay ku soo laaban karaan muddo 7 maalmood ah. Qaar kale ayaa sheegay in ciidamada ay u sheegeen inaysan soo laaban karin gebi ahaanba.
Falastiiniyiinta ayaa ka walaacsan in Israel ay u socoto inay xoog kula wareegto guryahooda, sidii horeyba uga dhacday qaybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed.
Israel ayaa hawlgalka Jenin ugu magac-dartay (Hawlgalka Darbiga Birta), oo xeradaasi lagaga sifeynayo sida ay sheegtay kooxaha hubeysan.
Xerada qaxootiga Jenin ayaa ku taala dhul fidsan oo luuqyo ciriiri ah, halkaas oo in muddo ahba ay ku soo xoogeysanayeen kooxaha wax iska caabinta.
Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Israel Katz ayaa sheegay in Tel Aviv ay sii wadi doonto hawlgalka ciribtirka argagixisada iyo burburinta kaabeyaashooda Jenin.
Wasiirka ayaa xoojiyay warka militariga ee la xiriira in ay hubinayaan in kooxaha hubeysan aysan dib dambe ugu soo laaban Jenin, marka uu dhammaado hawlgalka.
Israel ayaa bilowday hawlgalkan laba maalmood uun ka dib, markii Gaza ay ka dhaqangashay wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.
halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 26/1/25
..........