halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 25/1/25
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta
Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.
Dhankiisa, Gudomiyaha Barlamanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta.
Sidoo kale, wuxuu ammaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.
SOOMAALIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIISYO MUHIIM AH
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Abdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.
Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatij-iyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.
Dhanka waxbarashada, Jaamaca-daha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.
Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab
halkaan ka aqrison wararka wargeyska mogtimes 25/1/25
.....