HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 13 JAN, 2025
Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaw eeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xa -san Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya.
Labada hoggaamiye waxa ay yee -sheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.
Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiya deed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaq -eeyo danta guud.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeya -y in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wada shaqayn xooggan oo ku dhisan kalsoo ni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaa miye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.
Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyad oo laga maanka lagu hayo halista ko oxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaa miye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadasha qayntooda si loo horumariyo xasilooni da guud ee gobalka.
Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaa higa dhanka dhaqaalaha, ganac siga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.
Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adke eyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.
Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu dane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaa niga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.
Guddoomiye Amiir iyo Danjire Pier Mario Daccò Coppi, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo skaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, waxayna sidoo kale, kale labada dhinac si qoto dheer kaga wada hadleen isku xirka Dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada iyo in Dowladda Talyaaniga ay qeyb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaas higa Caalamiga ee Soomaaliya, Danj ire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hor umarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howlgalka Midow ga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.
Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.
Dr. Badr Abdel Atty Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxba nnaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.
Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada iyo in la dhaqangeliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex maray Masar, Soomaaliya iyo Erete riya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka oo guddoomiyey kulanka Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Cabdisa -laan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganac siga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed.
Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Muda ne Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha gu ddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaa yeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay warbaa hinta Qaranka ayaa sheegay kama dambeys lasoo gabagabeynayo sahmi nta shidaalka Soomaaliya ee uu haa tan wado dalka Turkiga bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.
Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaa dadaalo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmu dug.
"Sida aan isku afgaranay Turkida sah minta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gaba gabeyno, waxaa na qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu yiri Guddoomiye Hay’adda Batroolka Soomaaliya
Sidoo kale marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaa qi doonaan qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.
wasiirka warfaafinta oo qaabilay wakiilka midowga afrika ee soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgal ka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine.
Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley Iskaashiga laba da dhinac, bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyo taageerada Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka AUSSOM uga warbixiyay horumarka dhanka amniga, siyaasad da, dhaqaalaha, bulshada iyo kuwo kale ee ay ku tallaabsatey Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan xasiloonida iyo horu marka gobolka.
Wakiilka ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Soom aaliya ay ku tallaabsaneyso, isagoo hoosta ka xariiqay in bilowga hawlgal ka cusub ee AUSSOM uu waddada u xaari doono in ugu dambeyn, Soomaa liya ay si buuxda ula wareegto hawla ha sugidda amnigeeda, kuna kalsoon yahay in Ciidamada Qalabka Sida ay waajibaadkaasi si hufan u gudan doonaan.
Dowladda Fedaraalka oo maanta si buuxda ula wareegtay xarumahii maamulka gobolka Hiiraan
Masuuliyiintii maamulka la baxay Hii -raan State Cabduqaadir Colow iyo Cabdirashiid Ilkacase ee halkii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haayay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baledweyne iyo xerada Militariga ee Lamagalaay ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay dhamaan xarumahaas masuuliyiin ka socotay dowladda Fedaraalka.
Xarumahaan ayaa waxaa lagu wareeji yay wafdi ka socda dowladda Fedaraal ka oo maalmahii laso dhaafay ku sug naa Baledweyne, kuwaas oo ay hog gaaminayaan Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.
Ugu horeyn masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State oo ka hadlay mu naasabad kooban oo ay xarumahaan ku wareejinayeen waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka ay ka sugayaan dhameystirka waxyaabaha dhiman oo ay ugu weyn tahay in la helo maamul loo dhan yahay oo ay dadka reer Hiiraan ku qanacsan yihiin.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Tali yaha NISA oo dhankooda ka hadlay goobta ayaa balan qaaday in dowlad da Fedaraalka ay ka shaqeyn doonto in dadka reer Hiiraan ay helaan nidaa -m loo dhan yahay.
Wasiir Daahir Shire iyo mas’uuliyiinta kale ka socota dowladda Fedaraalka ayaa ugu baaqay shacabka reee Baled weyne iney taageeraan dadaalada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, waxayna ballan qaadeen in xarumahaan ay ku same ynayaan dhib u dhis xoogan si loogu adeego bulshada.
Ugu dambeyntii ciidanka xoogga dalka ayaa maanta furay dhamaan wadooyin muhiimka ah oo xirnaa tan iyo markii magaalada Baledweyne lagu qabtay doorashadii Xildhibaanada Baarlama anka Soomaaliya ee deegaan dooras hadoodu aheyd Baledweyne bishii febr -aayo ee sanadkii 2022-kii, waxaana xirnaashaha wadooyinkaan ku dhib qabay dadka iyo gaadiidka.
Trump oo weli laga sugayo inuu booqdo meelaha dabku halakeeyay
Newsom, oo Dimuqraaddi ah, ayaa bartiisa X kusoo wadaagay warqad uu ku sheegay in Trump loo diray Jimcihii, si uu u arko meelaha dabku aafeeyay.
Dhanka kale, saraakiisha Los Angeles ayaa iyagana warqad casuumaad ah u diray Trump, balse aan weli laga helin aqbalaad.
Trump ayaa si cad ugu dhaliilay New -som iyo maamulka gobolka qaabka ay u xakameeyeen dabka. Madaxweyna ha la doortay ayaa ugu baaqay bara saabka California inuu iska casilo xilka, wuxuuna bartiisa Truth Social ku shee gay in dabku yahay kii ugu ba'naa ee dalkaas soo mara. "Ma demin karaan dabka miyaa? Maxaa ka khaldan?". Ayuu ku yiri qoraalka.
Shir looga hadlayay kor u qaadista tayada Barnaamijyada lagu dhisayo adkeysiga Bulshada oo lagu qabtay Muqdisho
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergayga gaar ka ah ee xoghayaha guud ee Qarama da Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howl gala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aad annimo ee Soomaaliya ayaa looga had lay is-waafajinta qorshayaasha hay’ adaha kala duwan ee ka shaqeeya arri maha bani’aadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijya da lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.
Dhinacyada, ayaa isku raacay xoojin ta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigali yo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hay’adaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeysti ran u gaaraan.
Ugu dambeyn; shirka waxaa lagu he shiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha bani ’aadannimo ee dalka.
Howlgallo Culus oo ka billawday Magaalada Baladweyne
Iyadoo la fulinayo balan-qaadka ma -daxda dowladda Federaalka Soomaali ya ee ku sugan magaalada Beledwey ne, ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bilaabeen hawlgallo lagu furo waddooyinka ku yaal xaafadaha magaalada, kuwaas oo muddooyinkii dambe u xirnaa kadib shaqaaqooyin ka dhacay.
Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baa kaay), ayaa hoggaaminayay ciidamada ku hawlan waddo furista iyo sugidda amniga ee ka bilowday magaalada Be ledweyne. Hawlgalkaan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu soo celiyo amniga iyo isku xirnaanta magaalada, taas oo muhiim u ah bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.
Magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa laga cabanayay isbaarooyinka iyo wad dooyinka xiran, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay isu socodka shaca bka iyo dhaqaalaha. Si looga hortago arrintan, ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ayaa si firfirco on u bilaabay hawlgallo culus oo lagu furo waddooyinka, taas oo loogu tal agalay in lagu soo celiyo xaaladda caa -diga ah ee magaalada.
Shalay ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ay si wadajir ah u bilaabeen howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka, si ay uga hortagaan caqabadaha waddooyinka iyo hubinta amniga shacabka. Hawlgal ladani ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo isku socod ka magaalada Beledweyne.
NISA oo xubin ka tirsan Xafiiska Qaraxyada Al shabaab ku baadi goobeysa $30,000
Hay'adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa war qoraal ah oo ah soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay si weyn ugu raad-joogaan Horjooge ka tirsan Kooxda Al shabaab kaa oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan Jeeri-Carab, kaas oo ka tirsan xafiiska qaraxyada ee Al shabaab.
Shaqsigaan ay NISA baadi goobeyso waxa ay sheegtay inuu mas'uul uga ahaa Al shabaab qaraxyada, sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ay Al shabaab ka fulin jireen Gobolka Banaadir.
Qoraalka NISA ayaa lagu cadeeyay jn Jeeri-Carab, uu ka soo qeyb qaatay weerarro argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rosa, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View iyo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top Coffee iyo School Polizio.
Hay'adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka NISA ay kusoo dhigeen Inta badan dhagar- qabeyaashii la shaqeynayay Jeeri-Carab, gaadiidkii ay adeegsan jireen iyo xubno ka mid ah qoyskiisa oo weli si dhaw ula socda dhaq-dha qaaqa Shaqsigaan isaga oo maalmihii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysan ayay nawaaxiga deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa loogu baaqay muwaadiniinta Soomaa liyeed hadii ay jirto cid macluumaad ka haysa inay xogta la wadaagi karto Hay'adaha amniga, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin lacageed oo gaa reysa Soddon kun oo doolar ($30,000).
FBI Maraykanka oo doonaysa inay Soomaaliya ka caawiso hirgalinta Nidaamkeeda Aqoonsiga Biometric
Xafiiska Dembi-baarista dalka Maray kanka (FBI), ayaa raadineya shirkado gaar ah ama hay'ado si ay gacan uga geystaan hirgelinta ama maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Auto -mated (ABIS) ee Soomaaliya.
Warkan ayaa lagu sheegay in FBI-du ay raadinayso iibiyayaal bixin kara ade egyo badan oo farsamo, sida saadka, iyo tababarada si ay u taageeraan hir gelinta iyo dayactirka nidaamka aqoon siga biometric ee Soomaaliya.
Nidaamka Aqoonsiga Biometric Auto -mated (ABIS) ee Soomaaliya, waa qa yb ka mid ah dadaalka loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee caddaaladda dembiyada iyo ka hort agga argagixisada iyada oo loo mara yo teknoolojiyad aqooneed oo horuma rsan oo biometric ah.
Hay’adda FBI-da ayaa doonaysa inay xoojiso awoodaha dhaqangelinta sharc iga ee Soomaaliya, hubinta xasillooni da iyo amniga gobolka iyada oo la xooj iynayo aqoonsiga biometric.
Hindisahan ayaa sidoo kale ka tarju maya in dowladda federaalka Soomaa liya ay ka faa'iidaysato tignoolajiyada horumarsan si wax looga qabto caqa badaha amniga caalamiga ah.
FBI-yadu waxay sheegtay in nidaam kan uu door muhiim ah ka ciyaaraa in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) uu awood u yeesho in uu si hufan u aqoonsado shakhsiyaadka lala xiriirin ayo fal-dembiyeedka ama falalka arga gixisada.
Maxay yihiin sharciyada caqabadda ku ah qorshaha Donald Trump ee ka dhanka ah soo galootida ?
Madaxweynaha dhowaan dib loo door tay ee Mareykanka Donald Trump ay aa wacad ku maray inuu Mareykanka ka nadiifin doono muhaajiriinta sida sharci-darrada ah ku galay dalkaas, balse xeerarka ku hor gudban qorshihii -sa.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in awoodda dowladda fede raalka ah ee lagu xakameynayo soc daalka ay caqabad ku yihiin sharciyo duugoobay iyo dhaqaale la’aan, wuxuu na soo jeediyay isbedello ay ka mid yihiin ballaarinta joogtada ah ee socd aalka sharciga ah iyo in la sameeyo dadaal looga hortagayo soo galootiga inay ku noolaadaan oo ay si sharci darro ah u shaqeystaan dalkaas.
Wargeyska oo xiganaya xeeldheere yaal arrimaha sharciga ah ayaa tilmaa may in masaafurinta tirada badan iyo dhimista heerka socdaalka aysan dani ugu jirin Ameerika, Sababtoo ah soo galootiga ayaa ah shidaalka dhaqaa laha iyo dhaqanka dalka sida lagu sheegay falanqeynta New york times.
Mareykanka ayaa waxaa sanad walba si sharci darro ah ku gala kumanaan muhaajiriinta ah oo ka taga dunida inteeda kale, balse Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu qulqulka dadkaas gacan bir ah uga hortagi doono.
Ugu yaraan 35,000 guri oo weli koronto la'aan ku ah Los Angeles
Ilaa 35,000 guri iyo ganacsiyo ayaa koronto la'aan ku ah Los Angeles, sida laga soo xigtay bogga u kuur-gala koronto la'anta.
Qiyaastii ugu dambeysay ee uu samee yay bogga Poweroutage.us ayaa muuji naya in ilaa 17,500 oo macmiisha koro ntada shirkadda South -ern California Edison ay yihiin koronto la'aan.
Waxaa intaa dheer, ilaa 17,700 oo macmiisha shirkadda Los Angeles Department of Water & Power iyo 100 macmiil oo ah shirkadda Pasadena Water and Power ay koronto la'aan yihiin.
Tirada dhimashada dabkiis Los Angeles oo korortay iyo dabka oo sii faafaya
xafiiska arrimaha caa fimaadka ee Los Angeles ayaa soo saaray faahfaah in cusub oo la xiriira tirada dhimashada dabka ee ay baaritaanka ku hayaan.
Ilaa iyo haatan 11 qof ayaa dabka ugu geeriyootay Eaton, halka shan kalena ay ku geeriyoodeen Palisades fire, ta noo wadarta guud ka dhigeysa 16. Sar aakiisha ayaa sheegay in tiradu ay intaa kasii kordhi karto.
Diyaaradaha biyaha ku buufinaya hola ca dabka ayaa xalay isku dayayay inay xakameeyaan, iyadoo laga baqayo inay soo laabtaan dabeylaha xooggan ee dabka hurinaya.
Nala sii jooga si aan idinkula socodsii nno wararkii ugu dambeeyay.
Howlgal ka dhacay Mudug oo lagu khaarajiyay 4 khawaarij ah
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashana ya ciidanka deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada Camaara ee gobol ka Mudug howlgalkaasi oo ay ku dil -een maleeshiyaad ka tirsanaa Alshaba -ab.
Howlgalka oo u dhacay sidii loogu tala galay ayey saraakiisha waxeey warbaa hinta dowladda u sheegeen in howlg alka lagu qaaday guri uu Camaara ka deganaa horjooge Ismaaciil Beerdile, oo Khawaarijta ugu magacaawnaa Maxkamad beenaadka Galgaduud.
Howlgalka inta uu socday ayaa lagu dilay afar dhagarqabe oo kamid ah maleeshiyaadkii Khawaarijta ee guriga ku sugnaa. Sidoo kale afar qori iyo rasaastii ay wateen ayaa laga soo furtay waxaana jira khasaaro kale oo soo gaaray maleeshiyaadkii guriga ku sugnaa.
Wadaad diinta Buddhism-ka oo xabsi loo taxaabay kadib markii uu Islaamka aflagaaddeeyay
Wadaad xagjir ah oo u dhashay dalka Sri Lanka aadna ay isugu dhowaayeen madaxweynihii xukunka laga tuuray Gotabaya Rajapaksa, ayaa lagu xuku may sagaal bilood oo xabsi ah sababo la xiriira inuu caayay Islaamka uuna kiciyay naceyb diimeed.
Galagodaatte Gnanasara ayaa Khamii -stii loo xukumay hadal uu jeediyay sanadkii 2016.
Sri Lanka ayay dhif iyo naadir tahay inay xukun ku ridaan wadaaddada Budhism-ka, balse waa markii labaad ee xukun lagu rido Gnanasara, oo si joogto ah loogu eedeeyo dembiyada nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.
Xukunka, oo maxkamadda Colombo ay ridday, ayaa imaanaya kadib markii cafis madaxweyne loo fidiyay sanadkii 2019 oo xabsi lix sano ah loo jaray sababo la xiriira inuu u hanjabay maxkamadda.
Gnanasara ayaa bishii December loo xiray hadallo uu ka sheegay shir jaraa -'id uu qabtay isagoo Islaamka wax ka sheegay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dham maanba muwaadiniinta dalkaas ay xaq u leeyihiin xornimada diinta ay aami nsan yihiin sida uu qabo dastuurka dal kaas.
Wadaadkan ayaa sidoo kale lagu xuku may ganaax dhan 1,500 oo rubiga Sri Lanka ah ($5; £4).
Diyaaradaha biyaha buufinaya iyo dab-damiyeyaasha oo la daalaa-dhacaya xakameynta dabka
Dab-damiyeyaasha ayaa dadaalkooda oo dhan isugu geynaya deminta dabka dhimashada sababay ee kusii faafaya Los Angeles si uusan u gaarin mid ka mid ah meelaha ugu fiican deegaannada deriska la ah magaalada.
Diyaaradaha ayaa sidoo kale biyo iyo walxo kiimiko ah ku buufinayay buuraha si loo qaboojiyo faafidda dab ka, oo gaaray ilaa 1,000 eekar haatan na kusii wajahan magaalada Brentwo -od.
Saraakiisha ayaa sheegay in dab-dami yeyaasha ay dadaalkooda u hurayaan sidii ay dabka u demin lahaayeen bal se ay ka careysan yihiin sida aysan xaaladdu u fiicneyn.
Dabeylo ayaa mar kale la filayaa inay magaalada soo gaaraan, kuwaasoo sii holcinaya dabka ay ku dhinteen 16-ka qof.
Maxay Soomaaliya ka faa'iidaysaa go'aannada laga soo saaray shirka horumarinta beeraha ee Afrika?
Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa shir caalami ah oo looga hadlayay hormarinta beeraha wuxuu shalay ugu soo gabagaboobay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayay horumarinta beeraha iyo nidaamka cuntada, taas oo ah isha ugu muhiimsan ee ay ku nool yihiin dadka qaaradda.
Madashaan oo maalmihii la soo dhaafay ay fadhiyeen wasiirrada beeraha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa aad loogu gorfeeyay fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee qaaradda Afrika.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka ka qayb galay ayaa BBC-da uga warbixiyay muhiimadda shirkaan uu Afrika u lahaa. "Muhiimadda shirka uu lahaa waxaad ka garanaysaa sida la iskugu yimid, muddada saddaxda casho oo uu shirku socday, maalin waxaa shiray wasiirada beeraha qaaradda Afrika, maalintii ku xigtay waxaa shiray wasiirada arrimaha dibadda, maalintii saddaxaad waxaa shiray madaxweynayaasha qaaradda Afrika," ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu gaarayay axdiyo iyo go'aamo adag oo la xiriira wax soo saarka cuntada iyo nidaamka soo saarista ama kordhinta tacabka.
Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in dunida dhan ay isku xiran tahay ayna soo wajahday cunto yari ka dhalatay isbaddalka cimilada iyo saamaynta dagaallada ka jira dunida.
"Adduunka hadda waxa u uku jiraa laba marxaladood oo kala ah colaado ka soo bilowday Ruushka iyo Ukraine, iyo colaadaha bariga dhexe, kuwaas oo qalqal galiyay waxsoosaarkii cuntada ee dunida, iyo qodobka labaad oo ah isbadalka cimilada oo isna saamayn xun ku yeeshay dunida dhan".
Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo la isku raacay oo ay kamid yihiin in la hormariyo nidaamka iyo qorshayaasha qaran ee cuntada in boqolkiiba toban daqliga dalalka Afrika loo qorsheeyo waxsoosaarka cuntada iyo in hay'adaha madaxa bannaan iyo ganacsatada ay ka qaybqaataan waxsoosaarka cuntada iyo qodobo kale oo muhiim u ah kordhinta cuntada qaaradda iyo guud ahaan dunida iyada oo la hiigsanayo sanadka 2063 sida uu BBC-da u sheegay wasiir Maareeye.
Maxay Soomaaliya ka faa'iidaysaa?
shirka hormarinta beeraha ee AfrikaXigashada Sawirka,Villa Somalia
Qoraalka sawirka,Shirka hormarinta beeraha ee Afrika
Wasiir Maareeye ayaa BBC-da uga warbixiyay waxyaabaha ay Soomaaliya ka faa'iidayso shirka hormarinta beeraha ee Afrika.
"Waxa ay ka faa'iidaysaa aragtida aan soo qaadanay ee iskaashiga lagu kordhinayo cuntada iyo wax soosaarka beeraha, iyo khibradda, waxaa kale oo aan codsanay in hay'ad ka shaqeysa cunto badbaado leh oo ka tirsan Afrika Soomaaliya la keeno, maadaama aan meel muhiim ah uu dalkeenna ku yaallo," ayuu yiri wasiirka.
Bogga madaxtooyada Soomaaliya oo lagu baahiyay qoraal iyo masawirro ku saabsan shirka hormarinta beeraha ee Afrika ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shirka uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo ujeedka shirka iyo Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa'iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka".
Shirka oo lagu gaaray istiraatiijiyad 10 sano ah iyo qorshe hawleedka lagu hirgelinayo barnaamijka horumarinta beeraha ee Afrika (CAADP), ayaa gabagabadii laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in dalalka Afrika ay ka go'antahay inay xoojiyaan wax soo saarka cuntada waara iyaga oo kordhinaya wax soo saarka beeraha 45 boqolkiiba illaa 2035 iyo hoos u dhigista khasaaraha boqolkiiba 50.
Sidoo kale waxaa la isku raacay in kor loo qaado maalgashiga iyo maalgelinta dhinaca beeraha, iyada oo la doonayo in sanadka 2035-ka la ururiyo 100 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.
CAADP waxaa la aasaasay sanadkii 2003, ujeedka ayaana ahaa si loo joojiyo gaajada iyo la dagaallanka saboolnimada, bilowgii dalalka Afrika waxay ballanqaadeen inay 10% miisaaniyaddooda qaran u qoondeynayaan beeraha, iyadoo diiradda la saarayo kordhinta maalgashiga cuntada.
Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 2,000 oo ergo ah, oo ay ku jiraan khubaro dhanka beeraha ah, wasiirro iyo madax ka kala socotay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Midowga Afrika, waxaana looga hadlay caqabadaha qaaradda iyo mustaqbalka ee dhinaca beeraha.
Digniinno hor leh oo laga bixinayo dabka Los Angeles iyo waxa laga cabsi qabo saacadaha soo socda
Dab-damiska ayaa wada dadaal dhan walba ah si ay uga hortagaan dabka ugu weyn kaas oo halis ku ah Los Angeles iyo inuu ku faafo mid ka mid ah xaafadaha qaar.
Shaqaalaha hawada ayaa buuraha ololaya ku shubayay biyo si ay u xakameeyaan dabka Palisades, kaas oo kusii ballaartay 1,000 eekar oo dheeraad ah oo hadda khatar ku ah Brentwood.
Dabaylo ayaa la filayaa in ay dib u soo laabtaan habeennimada, taas oo sii hurinaysa ololkii ay hore ugu dhinteen ugu yaraan 16 qof.
Fiidnimadii sabtida xilliga Mareykanka, mas'uuliyiinta degmada LA ayaa ku dhawaaqay in 11 ka mid ah dhimashada loo aaneeyay dabka Eaton iyo shan ka mid ah dabka Palisades.
"Degmada LA waxay la kulantay habeen kale oo argagax iyo qalbi jab aan la qiyaasi karin," ayuu yiri Kormeeraha Degmada Los Angeles Lindsey Horvath Sabtidii.
Dab-damiska ayaa horumar yar ka sameeyay tan ugu daran ee gubasho, Dabka Palisades, kaas oo gubay ku dhawaad 23,000 eekar.
Laakiin saameyntu waxa ay gaartay xaafadda Mandeville Canyon, taasoo keentay in la bixiyo amarrada daadgureynta ee Brentwood.
Sidoo kale aagga daadgureynta waxaa ku yaal Xarunta Getty, oo ah matxaf haysa in ka badan 125,000 farshaxan, oo ay ku jiraan farshaxannada Van Gogh, Rembrandt, Rubens, Monet iyo Degas. Dhismuhu ilaa hadda wax dhibaato ahi ma soo gaarin.
Dabka labaad ee ugu weyn, Dabka Eaton, ayaa baabi'iyay in ka badan 14,000 eekar waxaana la xakameeyay 15%. Dab-damiska ayaa inta badan gacanta ku dhigay dabka.
Laakiin Adeegga Cimilada Qaranka ayaa ka digay in dabaylaha xawliga ah ee Santa Ana ee kor u qaaday dabka bilowgiisii ay mar kale xoogeysan doonaan Sabtida iyo Axadda.
Toddobo gobol oo deriska ah, dowladda federaalka iyo Canada iyo Mexico ayaa gurmad u jooga California.
Ilaa hadda lama sheegin sababta ka dambeysay dabkaasi.
Ilaa 153,000 oo deganeyaal ah ayaa ku jira amarrada daadgureynta qasabka ah iyo 166,000 kale ayaa looga digay inay sidoo kale baxsadaan.
Saamayn siyaasadeed ayaa sidoo kale bilaabatay.
Jimcihii, Barasaabka Gavin Newsom, oo ah Dimuqraaddi, ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta kaydka muhiimka ah uu u shaqayn waayay iyo qaar ka mid ah biyo-mareennada dab-demiska ee qallalay.
Madaxa dab damiska Los Angeles Kristin Crowley ayaa ka cabatay yaraanta.
"Marka uu dab-demiye u yimaado biyo, waxaanu filaynaa inay biyo jiri doonaan," ayay tiri.
Chief Crowley waxa ay sidoo kale weerartay hoggaanka magaalada jarista miisaaniyada waaxdeeda oo meesha ka saartay boosas makaanik ah, taas oo ay sheegtay in ay sababtay in in ka badan 100 dabdamis ah ay shaqayn waayeen.
Sabtidii, duqa magaalada Los Angeles Karen Bass oo lagu dhaleeceeyay joogitaanka Ghana oo uu kaga qayb galayay caleema saarka madaxweynaha dalkaasi markii uu dabku ka kacay Los Angeles Talaadadii, ayaa ka dhawaajisay xiisadda iyada iyo Chief Crowley.
"Aan wax caddeeyo," Bass ayaa ku sheegay shir jaraa'id, "Aniga iyo taliyaha dab-damiska waxaan diiradda saarnay la dagaallanka dabka iyo badbaadinta nolosha, wixii khilaaf ah ee noo dhexeeyana waa mid aan si gaar ah uga shaqeyn doono."
In ka badan 70,000 oo qof ayaa saxeexay codsiga Change.org oo ay ku dalbanayaan in duqa magaalada ay si degdeg ah isu casisho.
Newsom ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inuu laba jibaarmi doono tirada Ilaalada Qaranka ee goobta ku sugan si "loo ilaaliyo ammaanka bulshada", iyadoo la geynayo 1,680 askari.
Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto marka guri guri loo baaro.
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 13 JAN, 2025
.