HALKAN KA AQRSIO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 12-JAN 2025
madaxweyne xasan sheekh oo kampala kaga qeyb-galay shirka caalamiga ah ee horumarinta beeraha ee afrika (caadp)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray mag -aalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).
Madashan oo maalmahan ay fadhi yeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afri ka ayaa haatan Madaxdu waxay ka wa da hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa -muud oo khudbad muhiim ah ka jeedi yay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuri yadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblumaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dalladaha ururrada bulshada rayidka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtoo yada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururra da Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeyb galay ka dhageystay aragtidooda iyo talooyin kooda la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorash ooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhinacyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamkii qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumari nta dhaqaalaha, la dagaallanka argag axisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgelinta doorashooyinka tooska ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himillada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.
Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka al-shabaab, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo dowlad dhiska.
Wasiir Cali Xoosh: In ay Daacish awood ku yeelato Puntland waa fashilka hoggaamineed ee Saciid Deni
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulkiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu muddo dheer indhaha ka qarsanayay halista dagaalka argigixisada, gaar ahaan Daacish taas oo sababtay in kooxda Daacish ay awood ku yeelato deegaano ka tirsan Puntland.
"Waa mas’uuliyad dusha ka saaran hoggaanka Puntland, maaddaama ay awoodi waayeen in ay si dhab ah u wajahaan dhibaatada amni ee ka jirta gobolka," ayuu yiri wasiir Cali Xoosh.
Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo shacabka reer Puntland inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa.
Cali Xoosh ayaa xusay in dowladn imada Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinacyo badan, ayna lagama maarmaan tahay in Puntland ka noqoto hormuud siyaasadeed oo qeyb ka qaadata wadajirka iyo midni mada qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sanad kadib booqasho ku tagay Dalka Itoobiya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Booqashadu waxay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada mas'uul inta uu kulankoodi soconayo waxay isla soo hadal qaadi doonaan qodobadii kuxusnaa heshiiskii Ankara ee xusaayay in Itoobiya ay hesho marin biyood ganacsi ah oo ay muraaqabeeneyso Dowladda Soomaaliya.
Heshiiska Ankara waxa uu dib albaabada ugu furay inay Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka hadli karaan danaha labada dal iyo mida geeska Afrika iyadoo la ogsoonyahay in Itoobiya ay qeyb ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee nabadeeynta Soomaaliya.
Booqashadaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya, tan iyo markii uu dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday horaantii sanadkan 2024-ka, ka dib markii ay xiisad ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea oo lasoo gaba gabeeyay
Shirkii sadax geesoodka ee u dhaxee -yay Wasiirada arrimaha dibadda ee Dowladaha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea kaa oo shalay ka dhacay ma gaalada Qaahira ayaa laga soo saaray war murtiyeed.
Shirkaan oo hal maalin ahaa kaliya ayaa wasiirada waxa ay diirada ku saa reen dardargelinta qodobadii kasoo ba xay heshiiskii Dowladahaani ku dhex maray magaalada Asmara Bishii Octob -er ee 2024kii.
Saddexda wasiir ayaa ka wada had -lay tillaabooyinka fulineed ee kor qaadida ammaanka Geeska Afrika iyo mida Badda Cas, iyo ilaalinta midnima da iyo madaxbannaanida dalalka gobol ka kuyaala.
Wasiiradaan ayaa soo dhoweeyay ho rumarka laga gaaray horumarinta isk aashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soo maaliya, Masar ayaa ka qeyb qaada naysa dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya.
Saddexda wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowlad da Soomaaliya, si ay awood ugu yee shaan ciribtirka argagaxisada, sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dham maan deegaannada uu ka kooban ya hay, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed iyo baddeed ee ay leedahay.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Masar Abdel-Ati ayaa uga mahadceliyey taa geerada Ereteriya iyo Soomaaliya ay u fidiyeen musharaxa Masar ee u tar tamaya jagada Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled El-Enany.
Shirkaan kan xiga ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Muqdisho wa xaana sidaasi shaaciyay Wasiirka Arr imaha Dibadda ee Masar.
Ganacsade Soomaaliyeed oo shalay Gaarigiisa Qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho
Ganacsade Ibrahim Mahamed Abd -ulahi, oo ka mid ah ganacsatada Soom aaliyeed ayaa shalay ka badbaaday isku day dil oo lagu beegsanayay, ka dib markii gaarigiisa lagu xiray qarax miino. Falkaasi ayaa ka dhacay xilli uu marayay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa sababay burbur xooggan oo gaariga ka dhacay, waxaa na gabi ahaanba jajabay muraayadaha gaariga, taasoo muujinaysa baaxadda iyo xoogga uu lahaa qaraxa la rabay in lagu dilo Ganacsade Ibrahim Maha med Abdulahi. Si kastaba ha ahaatee, nasiib wanaag, ganacsaduhu wuu ka badbaaday falkaasi isku dayga dilka ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deg mada Deyniile ayaa xaqiijiyay dhacdad aasi qaraxa ah, waxaana sidoo kale sawirro laga soo qaaday goobta qara xa ay muujinayaan burburka weyn ee gaariga.
Dhanka kale, waxaan xiriir la samey nay Ganacsade Ibrahim Mahamed Abdulahi oo ka badbaaday qaraxaasi, waxaana uu inoo xaqiijiyay in isku daygaasi dilka uusan ahayn kii ugu horreeyay. Wuxuu sheegay in dhowr jeer hore uu ka badbaaday isku dayo dil oo la xiriira qaraxyo iyo weerarro kale.
29-kii May 2021, ayaa loogu beegsa day gaarigiisa qarax, taasoo sababay dhaawac culus oo ka soo gaaray, gaar ahaan kallidiisa oo laga saaray sababo la xiriira dhaawacaasi. Waxaana sidoo kale dhaawacyo kale oo dhanka garbaha ah kasoo gaaray Ganacsade Ibrahim.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran oo kormeeray Xafiisyada Hay’adda
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa manta kormeer ku sameeyay xafiisyada Hay’adda oo ay ka socota howlaha u qidmaynta shacabka Soomaaliyeed.
Inta uu socday kormeerka Gudoom iyaha oo ay ku wehliyeen gudoomiye ku xigeenada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa kulamo lagu dardar galinaayo shaqada hay’ad da waxaa ay la qaateen, agaasimay aasha, maamulada waaxyaha iyo qaar ka ah shaqaalaha hay’adda.
Guddoomiyaha cusub eeHay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran ka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa maamulka iyo shaqaalaha faray in dar dar loogu adeego muwaadiniinta Soo maaliyeed iyo Qaxootiga sharciga ku jooga dalkeena, wuxuu intaa ku daray inay kormeero ku sameen doonaan nolasha dadkeena danyarta si had iyo jeer ay u helaan garab siinta dowladda.
Dowladda Fedaraalka oo Baledweyne ka bilaawday kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al-shabaab
Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dow -ladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Bat roolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa -hir Shire Maxamed iyo Taliyaha hay'ad da Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ka Soomaaliyeed NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Baledweyne ka wada kulamo lagu dardar galinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Masuuliyiintaan oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa qeyb aha kala duwan ee bulshada reer Bal edweyne kala hadlay in dib loo bilaabo dagaalka dalka looga xureynaayo koox da Al-shabaab.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlaayay kulan ay la qaateen dhallinyarada gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in dib loo abaabulo kacdoonka ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab.
"Dhammaanteen waa in aan ka shaq eynaa amniga, jidadkana dib loo furo, shaqo weyn oo ah la dagaalanka Al-shabaab ayaan dooneyna inaan dib u furno wixii kale ee caqabad jiray waa naga soo dhamaadeen waa inaan u jiheysanaha xureynta dalka oo qof walba masuuliysad ka saaran tahay” ayuu yiri Taliyaja NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Taliye Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ka dalbaday dhallinyarada gobolka Hiir -aan iney la shaqeeyaan ciidanka dowl adda Fedaraalka ee la wareegay amni ga guud ee magaalada Baledweyne si loo helo nabadgalyo waarta.
Dhallinyarada gobolka Hiiraan oo qaarkood kulanka ka hadlay, lana wa daagay masuuliyiinta dowladda caqa badahii jiray ayaa dhankooda waxay balan qaadeen in ciidanka dowladda kala shaqeynayaan hagaajinta amniga guud ee magaalada Baledweyne.
Ugu dambeyntii amniga guud ee magaalada Baledweyne ayaa waxaa si rasmi ah maalmo ka hor ula wareegay ciidamo isku dhafan oo isugu jira Nab adsugid, Booliis iyo Militari, waxaana talaabadaan si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay Rag iyo Dumar ku eedeysan falal la xariira dil, dhaawac iyo dhac dad weyne
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdsho kusoo bandhigay 23 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ku eedeysan iney geysteen falal la xariira dil, dhaawac, kufsi iyo dhac dad weyne.
23-ka eedeysane oo midi haweeney tahay ayaa lagu soo qabqabtay howlgalo ciidamadu ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay qaar ka mid ah degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.
"Hay’adda ha amiga Gobalka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaa wac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Warka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu shee gay in 23-ka eedeysane si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda.
Ugu dambeyntii Booliiska Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney lasoo wadaagaan xogaha la xariira kooxaha geysta falalka lidiga ku ah amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland oo Badhasaabo iyo Ku-Xigeeno Cusub u Magacaabay Gobollada
Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa gobollada kala duwan u maga caabay 12 badhasaab iyo 11 ku-xi -geen.
Wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Cirro oo kasoo baxday Madaxtooyada, ayaa lagu magacaa bay dhammaan badhasaaba da iyo ku-xigeennada gobollada. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Prof. Axmed Maxamed Cadaad Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, halka Wali Cabdi Jaamac Kheyrre uu u magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka gobolkaas.
Sidoo kale, Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) ayuu u magacaabay Badhasaabka Gobolka Awdal, halka Daahir Axmed Jaamac Buraale loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal. Intaa ka dib, Badhasaabka Gobolka Saaxil waxaa loo magacaabay Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane, halka Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Togdheer. Sidoo kale, Siciid Axmed Maxamed Raage ayaa loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.
Dhanka Gobolka Sool, Axmed Faarax Cismaan Cabdi ayaa loo magacaabay Badhasaabka, halka Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sool. Dhinaca kale, Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed ayaa loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag. Badhasaabka Gobolka Gebilay waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh), halka Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno) loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gebilay.
Waxaa kale oo Badhasaabka Gobolka Saraar loo magacaabay Prof. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare), halka Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar. Gobolka Salal ayaa isagana Badhasaab looga dhigay Cabdi Siciid Faahiye Allaale, halka Cismaan Cumar Nuur Aare loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Salal.
Dhanka Gobolka Badhan, Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay Badhasaabka, halka Cali Maxamed Axmed Cadami loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Badhan. Badhasaabka Gobolka Hawd waxaa loo magacaabay Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), halka Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd.
Ugu dambayn, Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed ayaa loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Xaysimo, halka Maxamed Dayib Yuusuf Aadan loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daadmadheedh. Dhinaca kale, Mustafe Ibraahim Axmed Faarax ayaa loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Buuhoodle.
Ciidanka puntland oo cagta mariyay fariisimahii Daacish ee gobolka bari
Ciidamada ciribtirka argagixisada ee deegaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo al-shabaab Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Howlgal saacadihii u dambeeyey ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad ayaa lagu burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleys an jireen kooxaha argagixisada ah, waxanay goobahaasi ugu carareen hub iyo saanad fara badan.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay Khawaarijtu u isti cmaalayeen in ay ciidanka ku basaas -aan.
Wasiirka madaxda iyo howlwadeennada Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cumar Cali Axmed
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo ehellada uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Cali Axmed oo mudooyinkan ku xanuunsanaa Muqdisho.
Wasaaradda waxa ay si gaar ah tacsi ugu direysaa Agaasime C/shakuur Cali Axmed oo ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ay geerida walaalkii uga tacsiyeynayaan .
Mas’uuliyiinta Wasaaraddu waxa ay marxuumka Alle uga baryayaan in uu naxariistiisa janno siiyo, ehellada iyo qoyska uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo .
INNAA LILAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN.
Puntland: Dowladda Federaalka kuma aamini karno xogta howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab
Puntland ayaa si rasmi ah uga cod satay saaxiibada caalamiga ah ee So -omaaliya in laga caawiyo howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda qeybo kamid ah gobolka Bari.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaa radda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay codsatay in ciidamadeeda dagaalka kula jira Daacish laga taageero duqeymaha cirka, rasaasta, iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah si loo baabi’iyo khatarta kooxda Daacish.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa muujisay walaaca uu ka qabo wada shaqeynta dowladda federaalka ah (DFS), iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalku mid aan lagu aamini karin xogta howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.
Puntland waxay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inay xilal u magacowdo xubno horey uga tirsa naan jiray Al-Shabaab oo isku dhiibay, taas oo ay sheegtay inay keentay kals ooni darro weyn.
Puntland waxay ugu baaqday bulsha da caalamka in si toos ah loo taageero maamulkeeda si ay u xoojiso awood deeda dagaalka ka dhanka ah argagi xisada.
Booliiska Somaliland oo Gacanta kusoo Dhigay Ragg Ku Eedaysan in Ay Hooyadood Dileen
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay laba nin oo ku eedaysan inay hooyadood ku dileen deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer, 23-kii December, 2024.
Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay inay midi ku dileen labo wiil oo ay dhashay, kadibna ay aaseen. Booliiska gobolka Togdheer oo ka hawlgalay fal dambiyeedkan ayaa gacanta kusoo dhigtay eedaysanayaa sha.
"Arrintaa booliiska ayaanu u dirnay, waanu baadhnay, islaanta marxuuma dda ah ee la odhan jiray Aamina Yuu -suf Ismaaciil waxa aanu usoo xidhnay labo wiil oo ay dhashay" ayuu yidhi sarkaal booliis u hadlay. "Markii aanu usii kuurgalay waxa naloo sheegay in ay 7 tooriyood ku dhaceen,"
Sarkaalku waxa uu sheegay in mid kamid ah eedaysanayaashu uu qirtay dambiga: "Ereyada laga qoray ninka ay islaantu dhashay waxa kamid ahaa, 'Aniga ayaana ugu horeeyay, geerideedana aniga ayaana ugu danbeeyay'".
Kiiska dilka ah oo ah mid axmaqnimo ah ayaa ka nixiyay bulshada kadib markii uu soo shaacbaxay, maadaama oo la sheegay in marxuumadda la aasay kadib markii la dilayna si degdeg ah loogama warhelin dhacda dan.
Wararkii ugu danbeeyay ee dabka xooggan ee duleedka Los Angeles
Dabaylo aad u xooggan oo riixayay dabkii qabsaday qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ayaa ugu dambayn hoos u dhacay habeenimadii Jimcaha, kuwaasi oo waxoogaa nasiyay kooxaha dab demiska, laakiin dabkii ugu waynaa ayaa la sheegay in uu u leexday jiho kale, taasi oo keentay amaro cusub oo daadgurayn ah.
Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof, iyadoo uu dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn guri ka guri ah.
Habeenimadii Jimcaha, wargeyska Los Angeles Times ayaa sheegay in Dabka Palisades ee ka kacay cirifka galbeed ee magaalada uu u weecday jiho cusub, taasi oo keentay in uu soo baxo amar ka bixitaan ah oo quseeya inta badan xaafadda Brentwood iyo San Fernando Valley.
"Dabka Palisades ayaa olol horleh ka helay qaybta bari waxaana uu u wareegayaa waqooyi-bari,” ayuu Kabtanka Waaxda Dabka ee Los Angeles Erik Scott u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee KTLA, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka LA Times.
Ka hor ololka cusub, dab-demiyeyaasha ayaa soo sheegay horumar laga gaaray bakhtiinta Dabka Palisades iyo Dabka Eaton ee buuro-hoosaadyada bari ee magaalada.
Ka dib markii uu maalmo socday, inkastoo ay dadaal u galeen boqolaal dab-damis ah oo dabka hawada iyo dhulkaba ka deminayay, Dabka Palisades ayaa la xakameeyey 8%, halka Dabka Eaton isna la xakam eeyay 3%.
Si kastaba ha ahaatee, labada dab ee waaweyn ayaa marka la isku daro waxa ay gubeen 35,000 acres (14,100 hektar), ama 54 mayl oo laba jibaaran.
Iyada oo kumannaan qof ay hoy la’aan noqdeen, qiiquna uu sii kordha yo, saraakiisha Mareykanku waxa ay ku dhawaaqeen xaalad caafimaad oo degdeg ah.
Ilaa 153,000 oo qof ayuu quseeyaa amarka daad-gureynta, iyadoo 166, 800 kalena ay helayaan digniino daad-gureynta, waxaana bandow lagu soo rogay dhammaan aagagga daadgurey nta, ayuu yiri Sheriff-ka Koyntiga Los Angeles, Robert Luna.
Israel oo duqeymo ka geysatay Yemen, Lubnaan iyo Gaza
Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa saacadihii u dambeeyay lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, sida ay ku warameen ilo-wareedyo caafimaad oo la xiriray shabakadda Al Jazeera.
Sidoo kale Milateriga Israa’iil ayaa weeraray goobo ka tirsan Yemen oo ay maamulaan dagaalyahannada Xuuti yiinta,waxaaba meelaha la duqeeyay ku jira xarun koronto oo u dhow caas imadda Sanca, iyo dekedaha Xudeyd -ah iyo Ras Isa.
Dhowr qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan,xilli Israel ay garwaaqdan tahay in heashiis xabbad-joojinta ah ay la gashay Lubnaan.
Weerarada xagga cirka ah ee ciidamada Israel ay ka geysteen Yemen, Lubnaan iyo Gaza,waxaa ku shintay in ka badan 41 ruux,halka dhaawacana lagu sheegay tiro badan.
Dhinaca kale,dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa ka digtay xaalad masiibo ah oo soo wajahday bukaannada ku jira isbitaallada Gaza ,kadib markii la tilmaamay in ay dhamaadeen sahaydii shidaalka korontadda.
Soomaaliya oo u sharaxan ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika
Soomaaliya ayaa kuu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyad oo uu matalayay erg ayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Dan jire Abuukar Cus -maan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.
Muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaasi, ayaa la sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya khuseeyo.
Waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo, iyadoo muddada labada sano ah ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.
Maadaama ay ku fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay Dowladda Soomaaliya haddana ku dhawaaqday in ay u tartameyso Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Midowga Afrika, waxaana loo aas aasay in ay ka shaqayso sugidda nabadda, xallinta khilaafaadka, iyo ilaalinta xasilloonida Qaaradda Afrika. Golaha wuxuu u shaqeeyaa sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo mas’uul ka ah qaadashada go’aamo ku saabsan khilaafaadka iyo amniga Afrika, iyadoo ay xaqiijisay musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka, kadib War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:
Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.
Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.
Soomaaliya waxa ay sidoo kale leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan taageeridda halgamadii xornimada, la dagaallanka midab-takoorka, iyo difaaca madax-bannaanida waddamada Afrika.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in DF ay ka shaqeyn doonto:
In ay horumariso howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyada oo ka faa’iideysanaysa casharradii ay ka baratay waaya-aragnimadeeda gaarka ah.
In ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee keenaya khilaafaadka si loo abuuro nabad waarta oo qaaradda ka hana qaada.
Iyo In ay dhaqaajiso xoojinta awoodda lagu maaraynayo xaaladaha degdegga ah ee ka yimaada khilaafaadka.
Haddaba waa maxay muhiimadda uu Kursigan u leeyahay Soomaaliya? Muhiimadda uu kursigan u leedahay Soomaaliya ayaa ah in ay door muuqda ka qaadato ajendaha nabadda iyo ammaanka ee Afrika, taasi oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habeynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism-ka; Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aas-aasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taasi oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.
Aan dib u milicsanno Shaqada Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU:
Ka Hortagga Khilaafaadka: Golaha wuxuu qaadaa tallaabooyin lagu xallinayo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka hor inta aysan noqon kuwo halis ah.
2. Dhexdhexaadinta iyo Xallinta Khilaafaadka: Wuxuu u xil-saaran yahay dhexdhexaadinta dhinacyada is haya, si loo gaaro heshiis nabadeed.
Ciidamada Nabad-ilaalinta: Wuxuu go’aamiyaa in ciidamo loo diro dalalka ay ka jiraan colaadaha, si loo ilaaliyo nabadda.
Dabagalka iyo Falanqaynta: Golaha wuxuu qiimeeyaa xaaladaha amni ee Qaaradda Afrika, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda.
Ka Shaqeynta Caddaaladda: Golaha wuxuu taageeraa tallaabooyin lagu xaqiijinayo caddaalad iyo isla xisaabtan.
Haddaba sidee loogu tartamaa Kursigaan?
Tartanka Golaha waxaa ka qaybqaata dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana loo tartamaa sida soo socota:
Shuruudaha Musharraxiinta:
Xubinimada Midowga Afrika: Dowladdu waa in ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Afrika.
Xasiloonida Gudaha Dalka: Dowladdu waa in ay ku jirto xaalad xasiloon oo aan laheyn khilaafaad gudaha ah ama mid dibadeed oo culus.
Taageeridda Nabadda iyo Amniga: Dowladdu waa in ay soo bandhigto taageerada iyo ka-qaybgalka mashaariicda nabadda ee Afrika, sida ciidamo nabad-ilaalin ah ama taageero dhaqaale.
Maalgelin iyo Firfircooni: Dowladdu waa in ay bixiso waajibaadka dhaqaale ee Midowga Afrika, isla markaana ay ka mid noqoto dowladaha firfircoon ee u adeegaya Qaaradda.
Habka Doorashada:
Kursiyo Joogto ah iyo Kuwo Wareegaya: Golaha waxaa ka kooban 15 xubnood, oo 5 ka mid ah yihiin kuwa joogto ah (oo seddex sano kursiga haysta) iyo 10 kursi oo aan joogto ahayn (oo laba sano kursiga haysta).
Xulashada Gobolka: Xubnaha waxaa loo qeybiyaa si gobollada Afrika ay u helaan matalaad loo siman yahay (Bariga Afrika, Galbeedka Afrika, Koonfurta Afrika, iwm).
Codeyn: Golaha Wasiirrada Midowga Afrika ayaa u codeeya musharraxiinta ka socota dowladaha kala duwan. Dowladaha helaya codadka ugu badan ayaa ku guuleysta kuraasta.
Ololaha Musharraxiinta:
Xiriirka Diblomaasiyadda: Dowlad kasta oo u tartamaysa kursi waxay sameysaa olole diblomaasiyadeed oo ay ku kasbaneyso taageerada dalalka kale.
Soo Bandhigida Taariikhda Guulaha:
Musharraxiinta waxay muujiyaan doorkooda hore ee nabad-ilaalinta, amniga, iyo taageerada Midowga Afrika.
Isbahaysi Siyaasadeed: Dowladuhu waxay la sameeyaan isbahaysiyo dowlado kale si ay u helaan codad badan.
Golaha Nabadda iyo Amniga waa mas’uul muhiim ah oo kaalin weyn ku leh sugidda nabadda Afrika, waxaana u tartamaya dowladaha doonaya inay qayb ka noqdaan xallinta dhibaatooyinka Qaaradda.
Tartanku wuxuu ka dhigan yahay fursad dowladuhu ku muujiyaan doorkooda hoggaamineed ee dhanka amniga iyo nabadda ee Qaarada Africa.
HALKAN KA AQRSIO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 12-JAN 2025
.