HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 8 JANUARY 2025

0
Wednesday January 08, 2025 - 08:24:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 8 JANUARY 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiir Maareeye oo soo xiray kulan lagu dhiirrigelinayo tacbashada beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada iyo tacbashada Beeraha.

Wasiirka oo ka hadlayay gabagabada kulanka ayaa sheegay in Barnaamijkan diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta dhallinyarada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay door muhiim ah uga qaataan horumarinta iyo tacbashada beeraha.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ay u dhaqaaqday dhinaca taageerada beeralayda Soomaaliyeed iyadoo xoogga saareysa kor u qaadista wax soosaarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada xirfadaha leh.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in lafdhabarta dhaqaalaha dalka oo ah beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiguba ay haysato dhibaato xooggan oo dhanka maalgelinta ah loona baahan yahay in sare loo soo qaado si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda ayaa ku celiyay ballanqaadka Wasaaradda ee ku aaddan taageerada beeralayda iyo dhallinyarada, isagoo ku boorriyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed in diiradda la saaro horumarinta iyo tayeynta wax soosaarka dalka.

Dhulgariir geystay waxyeello badan oo ku dhuftay Tibet

Wakaaladda wararka Xinhua ee Shiinaha ayaa ku warramaya in dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobolka Tibet ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray 62 qof .

Dhulgariirkaan oo cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa ruxay saddex magaalo Changsuo, Quluo iyo Cuoguo oo ku yaal Shigatse ,kuwaas oo ku xeeran degmada Tingri, halkaasina waxaa ku burburay dhismayaal badan, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah .

Ilaa 1,500 oo dab damis ah iyo samatabbixiyaal ayaa la geeyay gobolka galbeedka Shiinaha iyo gobolka deriska la ah ee Nepal si ay dadka uga baadi goobaan burburka, sida ay sheegtay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka.

Deegaanada uu ku dhuftay dhulgariirka ayaa la sheegay in ay yihiin tuulooyin buuraleey ah oo aad u fog, waxaana aad u adag in la tago halkaasi sababo la xiriira qabowga jiilaalka iyo suurtagalnimada burbur soo gaaray waddooyinka.

Wasiir Cali-xoosh oo bogaadiyay howlaha ay bulshada u hayso hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’adda SoDMA u hayso dadka ay waxyeellada kasoo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha ka dib kormeer shaqo oo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Muusiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin oo Wasiir Cali Xoosh kusoo dhaweeyay Xarunta ayaa Wasiirka siiyay Warbixin ku aaddan arrimaha maaraynta Musiibooyinka dalka oo ay Hay’adda ku guulaysatay muddada ay shaqaynaysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Wasiirka la wadaagay warbixinta xaaladda abaaraha dalka, dedaallada gargaar ee socda iyo qorshayaasha wadajir loogu wajihi karo howlaha bani’aadannimo.

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay dedaallada Hay’adda SODMA ayaa faray howlwadeennada hay’adda in la dardargaliyo arrimaha Maareynta Musiibooyinka dalka oo ay SODMA u xilsaaran tahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay kulan looga hadlayay horumarinta Caasimadda

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Caasimadda iyo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhiggay sida uu uga shaqeeyo caasimada Jowhar mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashadaan Dowladda Soomaaliya, UNDP, UN-HABITAT iyo UNICEF.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay amniga, bilicda, dhismayaasha, dhiirragelinta dalxiiska iyo maamul-wanaaga magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku ammaanay howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqada baaxada leh ee ay gacanta ku hayaan.

"Wadajir aan ugu guntano horumarka caasimada, dhawaan dhismaha waddooyinka ayaa soo idlaan doono haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa faray dhammaan dhinacyada ay quseyso horumarinta caasimada in lagula xisaabtami doono howlaha ay gacanta ku haayaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo Kormeeray Wasaaradda Cadaaladda XFS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka isagoo ka dhageystay warbixinta howlaha wasaaradda oo ay ka mid yihiin dhaqangelinta istiraatiijiyadda cadaaladda dalka, dib-u-habaynta shuruucda iyo latashiyada bulshada ee dhamaystirka dastuurka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray waaxaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo warbixinno ka dhageystay hormuudka waaxaha, wuxuuna bogaadiyay dedaallada wasaaradda gaar ahaan dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda ka qeyb-galinta dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha muhiimka ah ee wasaaradda ay waddo, isaga oo ku ammaanay hufnaanta iyo shaqada baaxadda leh ee ay qabtaan.

Puntland oo abaabul shacab iyo hawlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wadda gobolka bari

Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee deegaanada Puntland ayaa hawlgallo culus ka sameeyay deegaanka Xamurre ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid saf mar ah ayey ciidanku ku gaareen deegaannada ku teetsan gobalka bari, hakaas oo ay kooxda khawaarijta ah ee Daacish ka geysato falal lagu dhibaataynaya dadka shacabka ah.

Dhanka kale, Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka la yeeshay dadka deegaannadaas.

Saraakiisha ayaa shacabka halkaasi ku dhaqan ku war geliyay in ay ka hortagaan fikirrada khawaarijta, iyagoo uga digay in aysan la shaqayn ka fogaadaan ficillada gurracan ee kooxaha nabad-diidka.

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo warqadaha aqoonsiga Danjiranimo u gudbiyay agaasimaha habmaamuuska Qaranka ee dalkaas

Danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday dalka Hindiya , mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjiranimo u gud-biyay agaasimaha habmaamuuska Qaranka ee dalka Hindiya, Mudane Mr. Anshuman Gaur.

Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowladda Hindiya ku soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowaa, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyay hannaanka looga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjiranimo.

Intaas ka dib, Labada masuul ayaa yeeshay kulan gaar ah oo la isku weydaarsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhaxeeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xiriir bulsho, sidoo kale, abada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo xoojinta iyo sare uqaadidda xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kampala

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamza Haadow, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Kampala, Uganda, iyadoo ay ku soo dhoweysay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Fardowso Kanyare.

Wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP). Shirkan heerka sare ah ayaa isu keenaya hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, loo xoojiyo amniga cuntada, loogana dhigo kobaca dhaqaale mid waara dhammaan qaaradda.

Ka qeybgalka firfircoon ee Soomaaliya waxa uu muujinayaa go’naanta aan leexashada lahayn ee ay u leedahay iskaashiga gobolka iyo go’aankeeda ah inay kaalin ku yeelato dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu gaarayo isku filnaanta cuntada iyo adkeysiga.

Kaaliyaha Guutada 14-ka October oo gaaray degmada Awdheegle

Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye oo gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kormeer guud ugu kuur-galay Xaaladda degmadaas iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Shacabka deegaanka iyo Ciidanka Xoogga.

Kormeerka G/ dhexe Munye waxaa qeyb ka ahaa booqasho iyo dhiirra-gelin uu ugu tagay Ardeyda wax ka barata Iskuulada Awdheegle oo tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga degmadaas ka saareen Khawaarijta sameyneysa horumaro dhinacyada Arimaha bulshada ah oo waxbarashada ugu horreyso, Taliyaha ayaa Ardeydii uu la kulmay kula dardaarmay inay muhiimad siiyaan, kuna dedaalaan waxbarashada.

Booqashadan waxaa Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Munye ku wehliyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku kala sugan deegaanka Bariirre iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waajid: Ciidamada Amniga oo Mudo Laba Sano Ah Aan Helin Mushaar iyo Xuquuq

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ee ku sugan magaalada aysan muddo dheer helin wax mushaar ah ama xuquuq kale.

Saraakiisha amniga ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay labadii sano ee ugu dambeysay ku shaqeynayeen xaalad mutadawacnimo ah, iyaga oo aan helin taageero dhaqaale ama xuquuq ay u qalmaan.

Taliyaha Booliska magaalada Waajid, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamadaasi, tan iyo markii la aas-aasay, aysan waligood helin mushaar rasmi ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid horseedi karta niyad jab weyn. "Ciidanku waxay u shaqeeyaan iyagoo ku tiirsan dhiirigelinta wadaniyadda oo kaliya, balse ma sii wadi karaan dadaalkooda haddii aan laga jawaabin baahiyahooda,” ayuu yiri Taliyaha.

Saraakiishu waxay ugu baaqeen madaxda ugu sarreysa dowladda inay arrintan si degdeg ah uga jawaabaan, iyaga oo codsaday in xuquuqdii ciidamada loo raadsho.

Taliyuhu waxa uu ka digay in haddii xalka aan la helin, ay suurtagal tahay in difaaca magaalada uu wiiqmo, taas oo halis gelin karta amaanka magaalada Waajid oo muddo 8 sano ah go’doon ugu jirtay weerarada Al Shabaab.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xaaladda magaalada Waajid ay tahay mid adag, maadaama ay cunaqabateynta kooxda Al Shabaab ku hayaan magaalada saameysay dhinacyada nolosha iyo gaadiidka sahayda.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada difaaca magaalada ay yihiin tiir muhiim ah, balse loo baahan yahay in xuquuqdooda si dhakhso ah loo daboolo si ay u sii wataan hawlahooda shaqo.

Duqa Muqdisho oo kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada suuqyada Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada suuqyada Magaalada Muqdisho oo maalmahii lasoo dhaafay dalbanayay sixista nidaamka qaadista canshuuraha.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Feysal Maxamed Xaashi ayaa ugu horeyn waxaa warbixin laga dhageestay xubna ay iska soo xuleyn ganacsatada suuqayada Gobolka Banaadir kuwaas oo sheegay in ay codsanaayan sixista nidaamka qaadista canshuuraha iyo in hoos loo fiiriyo daruufaha ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed daruufihii adkaa oo ay kusoo shaqeeyeen iyo kaalintooda ku aadan dib usoo kabashada dalka, gaar ahaan dib udhiska Caasimadda, isagoo intaa kadib sheegay in uu xooga saari doono xalinta codsiga ganacsatada suuqyada Muqdisho.

Xildhibaano Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ciidamo qalqalgelin ah ku diyaarineyso xadka Soomaaliya iyo Kenya

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland ayaa ku eedeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku tilmaameen shirqoolo iyo abaabulada ay ka wadaan xuduuda dheer ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Bayaan ay si wada jir ah ay maanta usoo saareen Mudanayaashaani ayaa waxa ay shaaca uga qaadeen in ay si dhaw ula socdaan qorshe ay sheegeen in Madaxda Dowlada Federalka iyo qaar kamida ah saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo shakhsiyaad horey deegaanada Jubaland uga soo shaqeyn jiray ay wadaan kuna howlan yihiin abaabulka iyo qorista ciidamo maleeshiyaad ah.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay dhaqaale iyo hub ay ku bixineyso maleeshiyaadkaan oo ay ku diyaarinayso dhulka xuduuda ah ee u dhexeeya Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland iyo Kenya, si ay uga dhex abuuraan qalalaase iyo amni xumo iyo in ay gudaha Kenya galiyaan ciidamo maleeshiyaad ah oo sida jabhadaha u hawl gala, si ay weeraro uga fuliyaan deegaanada nabdoon ee xuudada labada wadan ku teedsan.

Waxa ay Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Madaxda Dowlada Federaalka uga digeen in ay ka waantoobaan qorshahaas, isla markaana ay dib usoo celiyaan shakhsiyaadka ay hore u geeyeen deegaanada xuduudka ku teedsan.

Ugu dambeyn waxa ay xildhibaanadaan bayaan koodi ugu baaqeen Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Shacabka Jubaland inay ka feejignaadaan Shirqoolo ay sheegen inay Xukuumada federaalka ka abaabuleyso degaanada Jubaland.

Taliye Sanbaloolshe oo soo afjaray khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganeey

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey.

Mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi ah uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku ah qaranimada dalka.

Taliye Sanbalooshe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii mad madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.

"Waxaa maanta soo afjarnay kulamo mudo soo socday oo ugu dambeyn sababay in deegaankooda dib ugu soo laabtaan walaalkey Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa oo horay Maxkamadaha dowladda waaran ugu jareen, heshiiskaan waa mid ay og yihiin madaxda ugu sareysa dalka, waana dhameyn doona inta dhiman sida waarankii loo jaray marka aan Xamar tagno aniga iyo Xildhibaan Raaxeeye" ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay mad madowga siyaasadeed.

Ugu dambeyntii Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

"Waxaan ku faraxsanahay in Walaalaheyga Taliye Sanbaloolshe iyo Xildhibaan Raaxeeye ay soo afjareen maanta kulamo mudo dheer inoo soo socday oo lagu dhameynayay mad madowgii dowladda Fedaraalka iyo anaga noo dhaxeeyay, sido kale wan u mahadceliya walaalahey, waxaana maanta kadib cadeynaya inaan si buuxdo ula shaqeyn doono dowladda" ayuu yiri Siyaasi Cabdullaahi Ganey.

Ganacsatada Xoolaha iyo Gaadiidleyda oo ka horyimid go'aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha

Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ganacsatada Dhoofisa Xoolaha Nool, Gaadiidleyda iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa looga soo horjeestay Nin Carab ah oo la sheegay in dowladda u xirtay dhoofinta Xoolaha.

Ninka Carabka ee la tilmaamay in dowladda Soomaaliya u xirtay dhoofinta Xoolaha ayaa magaciisa lagu sheegay Abuu Yaasir Alyamani.

Ganacsatada ayaa talaabada ninkaan Carabka ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha ku tilmaamay arin qalad ah oo aysan qaadan karin, iyagoona ugu baaqay madaxda dowladda iney ka laabtaan talaabadaas.

"Anigu Xoolaha si fican ayaan u kala garanaya oo Xoolaleey ayaan ahay dhoofka Xoolaha waxaa ku nool 5 qeybood oo kala ah kuwa keena kuwa baaburta saara kuwa soo qumiya, kuwa raro iyo kuwa carada u diyaariyo intaas oo qeybood meel ay kuwada nool yihiin in hal nin oo hadana carab ah in loo xiro waa nasijb daro ee madaxweynahu ma carab ayuu madaxweyne u yahay mise Soomaali" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee gobolka Hiiraan.

Xubnahii kala duwana ee ka hadlay kulanka ayaa dhamaantood ku dhaliilay madaxda dowladda in dhoofka Xoolaha u xiraan shaqsi carab ah, taasoo ay ku tilmaameen in dowladdu ay dooneyso iney duugto mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka.

"Xoolaha waa isha kaliya ee dadka Soomaaliyeed dhaqaalo ka helaan, hadii nin carab ah gacanta loo galiyayna taas macnaheeda waa yaan la noolaanin ee dowladda arinkaas haka fiirsato" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Shirkaan ay Baledweyne ku yeesheen Ganacsatada Dhoofisa Xoolaha Nool, Gaadiidleyda iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Ku dhawaad ​​100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cambaareeyay go'aanka ganacsadaha Carbeed loogu xiray dhoofinta Xoolaha.

Puntland oo ku dhawaaqday in aysan cafis siin doonin ajaaniibta kooxda Daacish

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uusan wax cafis ah siin doonin kooxaha ajaanibta ee ka tirsan Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaan ee gobolka Bari.

Go’aankan ayaa kusoo beegmay kaddib markii dhawaan 12 xubnood oo ajaanib ah oo ka tirsan Daacish ay weerar ka geysteen deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari. Weerarkaas ayaa khasaare gaarsiiyay ciidamada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay inay fursaddii ugu dambeysay siiyeen xubnaha Soomaalida ah ee Daacish ka tirsan si ay isu soo dhiibaan kahor inta aysan ciidamada qaadin weerar milateri.

"Argagixisada ajaanibta ah ee ka timid dalal kala duwan looma fidin doono wax cafis ah," ayuu yiri General Cabdiraxman oo ka tirsan saraakiisha ciidanka PMPF (Puntland Marine Police Force).

Dhinaca kale, ciidamada amniga Puntland ayaa howlgallo ka bilaabay buuraha Calmiskaan. Howlgalladan ayaa looga golleeyahay in lagu burburiyo saldhigyada qarsoodiga ah ee Daacish ay ku leeyihiin buuraha.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku fidiyay jihooyin kala duwan si ay u bartilmaameedsadaan xubnaha kooxda ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Dowladda Fedaraalka oo Baledweyne ka bilaawday dadaalo lagu qaadayo Isbaarooyin sharci darro ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka.

Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah.

Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah Ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan.

"Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire.

Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka.

Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka.

Tirada dhimashada dhulgariirkii Tibet oo gaartay 126-qof

Ugu yaraan 126 qof ayaa ku dhimatay, 188 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Shaqaalaha samatabbixinta ayaa qodaya burburka si ay u helaan dad badbaaday ka dib markii dhulgariirku burburiyay in ka badan 1,000 dhismo oo ku yaal Tibet, oo u dhow buurta Everest.

Hawlgal ballaaran oo samatabbixin ah ayaa wali ka socda aagga uu ka dhacay dhulgariirka, iyadoona heerkulka ka hooseeyo 16C (3.2F).

Gobolkaas waxaa ku badan dhulgariirka sababo la xiriira halka uu ku yaal, balse dhulgariirkaan ayaa dilay dadkii ugu badnaa ee Shiinaha sanadihii la soo dhaafay.

Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 7.1, ayaa ku dhuftay bad qotodheer oo gaaraya 10 kilomitir (lix mayl), sida lagu sheegay xogta laga helay Sahanka Jiyoolajiga ee Maraykanka, sidoo kale waxa laga dareemay Nepal iyo qaybo ka mid ah Hindiya, oo xuduud la leh Tibet.

Siyaasiga midigta fog ee Faransiiska oo ku geeriyooday da'da 96 sano.

Siyaasiga midigta fog ee Faransiiska Jean-Marie Le Pen ayaa ku geeriyooday da'da 96-sano.Xigashada Sawirka,EPA

Qoraalka sawirka,Siyaasiga midigta fog ee Faransiiska Jean-Marie Le Pen ayaa ku geeriyooday da'da 96-sano.

Siyaasiga midigta fog ee Faransiiska Jean-Marie Le Pen ayaa ku geeriyooday da'da 96-sano.

Le Pen waxa uu gacan ka gaystay dhismaha xisbiga National Front ee Faransiiska kaas oo la aasaasay sanadkii 1972-dii xisbigaas oo aad uga soo horjeestay danbiyada gudaha iyo socdaalka.

Ninkaan ayaa ku sifoobay waddaniyad adag taas oo dadka muwaadiniinta ah ay u arkayeen mid soo jiidasho leh, balse marar kala duwan ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira hadallo cunsurinimo leh iyo nacayb.

Dhanka kale marar kala duwan ayaa lagu ganaaxay kicin dadweyne.

Le Pen, waligiis kuma uusan guuleysan awoodda balse mar ayuu gaaray wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha.

Mareykanka iyo Taliban oo wadaxaajood uga furmay is-weydaarsiga maxaabiis

Warbixin ay soo saartay Wall Street Journal ayaa sheegtay in xukuumadda Madaxweyne Joe Biden ay wadaxaajood kula jirto Afghanistan si la isku dhaafsado maxaabiis Mareykan ah oo lagu hayo dalkaas iyo hal maxbuus oo caan ah oo lagu hayo xabsiga Guantanamo Bay, kaas oo lagu eedeeyay xiriir uu la lahaa hogaamiyihii hore ee al-Qaacida, Osama bin Laden.

Aqalka Cad iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaan weli ka jawaabin codsi ku saabsan inay ka faalloodaan warbixintan. Sidoo kale, wakiillada Taliban ayaan ka jawaabin codsi la xiriira arrintan.

Mareykanka ayaa ku dadaalaya soo celinta saddex muwaadin oo Mareykan ah oo la qabtay 2022 kuwaas oo kala ah Ryan Corbett, George Glezmann, iyo Mahmood Habibi, iyadoo lagu beddelayo Muhammad Rahim al-Afghani, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Corbett iyo Habibi ayaa lagu xiray Afghanistan bishii Agoosto 2022, hal sano kadib markii Taliban ay la wareegtay magaalada Kabul xilli uu Mareykanka si qalalaaso leh uga baxayay. George Glezmann ayaa isna la xiray dabayaaqadii 2022 isagoo dalxiis ku joogay Afghanistan.

Iran oo xukun dil ku fulisay 901 qof sanadkii 2024

Iran oo xukun dil ku fulisay 901 qof sanadkii 2024Xigashada Sawirka,Reuters

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, Iran ayaa sannadkii 2024 fulisay 901 xukun dil ah, oo ay ku jiraan 31 haween ah taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd tan iyo 2015.

Warbixinta ayaa tilmaantay in kiisaska intooda badan ay la xiriireen dembiyo maandooriye, balse sidoo kale waxaa ku jiray mucaarad siyaasadeed iyo dad ka qeyb qaatay mudaaharaadyadii ka dhashay geeridii Mahsa Amini, oo gudaha Iran ka horseeday kacdoonkii ugu weynaa sannadihii dambe.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay tiradan sii kordheysa mid "aad u naxdin badan," waxayna ugu baaqday Iran inay joojiso mowjadaha isa soo taraya ee fulinta xukunnada dilka ah.

Waxay sheegtay in dadka qaar, gaar ahaan haweenka, lagu dilay eedaymo la xiriira dilidda raggooda oo si xun ula dhaqmay ama guur ku qasbay.

Warbixintan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waji-gabax ku eedaysay Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, oo 2024 lagu doortay ballanqaadyo uu ku sheegay inuu horumarin doono xuquuqda haweenka.

Suuriya iyo Urdun oo iska kaashanaya xoojinta amniga xuduudaha

Suuriya iyo Urdun oo iska kaashanaya xoojinta amniga xuduudahaXigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Al-Shibani (Midig), Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun, Ayman Safadi (Bidix)

Dowladaha Urdun iyo Suuriya ayaa bilaabay iskaashi cusub oo ay ku sugayaan xuduudda ay wadaagaan, si ay uga hortagaan tahriibka hubka iyo daroogada, isla markaana ula dagaalamaan in kooxda Daacish (ISIS) ay dib ugu soo laabato gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun, Ayman Safadi, ayaa ku tilmaamay guddi-wadaagga cusub ee amniga inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul.

"Waa tallaabo loo qaaday dhinaca wada-shaqeynta iyo hagaajinta xaaladda guud ee amniga xuduuddaha," ayuu yiri Safadi, isagoo sidoo kale ka hadlay muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Al-Shibani, ayaa fursaddan uga faa’iidaystay inuu mar kale ku celiyo baaq uu ku codsanayo in cunaqabataynta Mareykanka ee saaran Suuriya laga qaado.

Wuxuu ku adkeystay in cunaqabatayntani ay tahay sababta ugu weyn ee hor istaagtay dadaallada dib u dhiska iyo soo kabashada Suuriya, taas oo ka dhalatay burburkii dagaalka sokeeye ee muddada dheer socday.

Sida ay wararku sheegayaan, guddiga wadajirka ah ee amniga ayaa xoogga saaraya in si gaar ah loola dagaallamo tahriibka daroogada, taas oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira xuduudda Urdun iyo Suuriya.

Macron:"Hogaamiyeyaasha Afrika 'waxay illoobeen inay u mahadceliyaan Faransiiska"

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalalka Afrika ay " illoobeen" inay u mahadceliyaan Faransiiska sida uu dalalkooda uga badbaadiyay inay maamulaan kooxaha hubeysan.

"Waxaan u maleynayaa inay illoobeen inay noo mahadceliyaan, laakiin waa caadi, waxay imaan doontaa waqtigeeda," Macron ayaa yiri sidaa.

Midkoodna ma yeelan lahaayeen dowlad madax-bannaan haddii uusan Faransiisku ciidankooda u soo dirin gobolkan,” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha Faransiisku.

Faallooyinkiisa ayuu ku sheegay kulan sanadle ah oo ka dhacay magaalada Paris oo ay isugu yimaadeen safiirada Faransiiska, waxaana diirada lagu saaray siyaasada arrimaha dibadda ee Faransiiska ee sanadkan 2025-ka.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Shiinaha ku dhuftay oo korortay

Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka ka dhacay dalka Shiinaha taas o gaartay ugu yaraan 95 qof, halka dhaawucuna uu marayo 130 qof. Dhul-gariirka xoogiisu waxaa uu ka dhacay gobolka Tibet sida warbaahinta dowladda Shiinuhu ku warrantay.

Dhulgariirka ku dhuftay magaalada Shigatse ee Tibet ayaa dhacay saacaddu markay ahayd 09:00 xilliga maxalliga ah ee dalkaas, waxaana cabbirkiisu ahaa 7.1 sida laga soo xigtay xogta sahanka dhulka ee Maraykanka, taasoo sidoo kale muujinaysa cabsi ah in dhul-gariir kale uu dhici karo.

Askar Israa'iiliyiin ah oo waqooyiga Qasa lagu dilay

Waqooyiga Qasa ayaa dhacdadaani ka dhacdayXigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Waqooyiga Qasa ayaa dhacdadaani ka dhacday

Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in laba askari ay kaga dhinteen laba kalena ay si xun uga dhaawacmeen iska horimaadyo ka dhacay waqooyiga marinka Qasa shalay gelinkii dambe.

.Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in askarta dhintay uu ka mid ahaa Captain Eitan Israel Ashkenazi, oo 24 jir ahaa, kaasoo ahaa taliye ku xigeenka qayb ka tirsan guutada 932-aad ee Nahal.

Wargeyska oo soo xiganaya ciidanka ayaa sheegay in magaca askariga labaad aan la shaacin.

Ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in laba askari oo kale oo ka tirsan guutada 932-aad ay si xun ugu dhaawacmeen isla dhacdadaas ka dhacday Beit Hanoun oo ku taalla waqooyiga Qasa.

Ruushka oo sheegtay in uu qabsaday magaalo muhiim ah oo ku taalla bariga Ukraine

Ruushka ayaa ku andacoonaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada jiidda hore ee Kurakhove ee bariga Ukraine ee gobolka Donetsk.

Magaaladu waxa ay xanbaarsan tahay horumarka Ruushka bilihii la soo dhaafay waxana ay jaranjaro u tahay xudunta saadka ee magaalada Pokrovsk.

Ukraine ma aysan qiran in laga qabsaday Kurakhove, oo 35km koonfur ka xigta Pokrovsk.

Dagaal ba’an ayaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Kursk ee dalka Ruushka kadib markii Ukraine ay qaaday weerar rogaal celis ahaa maalintii Axadda.

Maxay ku kala duwan yihiin ama isaga mid yihiin fayraska cusub ee Shiinaha ka dilaacay iyo Covid 19

Toddobaadyadii la soo dhaafay, muuqaallada isbitaallada Shiinaha oo ay buux dhaafiyeen dad wejiyada soo duubtay ayaa ku wareegayey baraha bulshada, taas oo dhalisay welwel laga qabo masiibo kale oo ah fayrus kale oo faafa .

Beijing ayaa tan iyo markii ay qiratay kor u kac ku yimid kiisaska fayraska wax yeeleeya neef mareenka (metapneumovirus) ee hargabka u eg (HMPV), gaar ahaan carruurta, u sababeeysay kororka xilliyeed.

Laakiin fayraska HMPV ma aha sida Covid-19, khubarada caafimaadka bulshadu waxay yiraahdeen, iyagoo xusay in fayrasku uu jiray tobanaan sano, iyada oo ku dhawaad ilmo kasta uu ku dhacay cudurka marka uu shan jir ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah carruurta aadka u yaryar iyo dadka habdhiska difaaca jirkoodu uu daciif yahay, waxay u keeni kartaa jirro kasii daran.

Muxuu yahah HMPV sideese u fidaa?

HMPV waa fayras horseedi kara caabuq fudud oo xagga neef-mareenka sare ah oo dhab ahaantii aan la kala saari karin isaga iyo hargabka - dadka intooda badan.

Markii ugu horreysay fayrsaka waxaa lag helay dalka Netherland sanadkii 2001, fayrasku wuxuu ku faafaa xiriir toos ah oo dhexmara dadka ama in la taabto meel uu fayrasku ku dhex noolyahay.

Calaamadaha dadka qaba fayraska intooda badan waxaa ka mid ah qufac, qandho iyo sanka oo xirmo.

Kuwa aadka u yaryar, oo ay ku jiraan carruurta da'doodu ka yar tahay laba sano, ayaa ah kuwa ugu nugul fayraska, iyo dadka uu hab-dhiskooda difaaca uu daciif yahay, kuwaas oo ay ku jiraan dadka da'da ah iyo kuwa qaba kansarka daran, ayuu yiri Hsu Li Yang, oo ah dhakhtar cudurrada faafa oo ku sugan Singapore.

Haddii uu cudurku ku dhaco, "qayb yar laakiin aad muhiim u ah" taas oo ka mid ah difaaca jirka ayaa keeni karta cudur aad u daran halkaasoo oo uu saameynayo sambabada, waxaana uu leeyahay hirraag iyo neefqabatim.

"Qaar badan ayaa laga yaabaa in ay u baahdaan daryeel isbitaal, iyadoo qayb yar ay halis ugu jirto inay u dhintaan caabuqa," ayuu yir Dr Hsu.

Waa maxay sababta kiisaska fayrasku ay Shiinaha ugu soo badanayaan?

Sida cudurro badan oo neef-mareenka ku dhaca, fayraska HMPV waxa uu aad ugu firfircoon yahay xilliga jiilaalka qaboobaha iyo xilliga gu'ga - khubarada qaar ayaa sababta ku sheegay in fayrasyadu uu si fiican ugu badbaadaan qabowga ayna si fudud dadku iskugu gudbin karaan, maaddaama dadku inta badan joogaan guriga.

Waqooyiga Shiinaha, sare u kaca HMPV ee hadda wuxuu ku soo beegmayaa heerkul hoose oo la filayo inuu sii socdo illaa bisha Maarso.

Dhab ahaantii waddamo badan oo ku yaal cirifka woqooyi, oo ay ku jiraan laakiin aan ka xaddineyn Shiinaha, ayaa waxa ka jira koror baahsan oo HMPV, ayay tiri Jacqueline Stephens, oo ah khabiir ku takhasustay cudurrada faafa ee Jaamacadda Flinders ee Australia.

"In kasta oo tani ay khusayso, kororka baahsan, waxay u badan tahay inay tahay koror xilliyeedka caadiga ah ee qaboobaha ," ayay tiri.

Xogta laga helay mas'uuliyiinta caafimaadka ee Mareykanka iyo UK ayaa muujineysa in dalalkan, sidoo kale, ay la kulmeen koror ku saabsan kiisaska HMPV tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

HMPV ma la mid yahay Covid-19? Intee in le'eg ayayse tahay in aan ka walwalno?

Cabsida laga qabo qaabka safmarkan leh astaamaha 'Covid-19' ayaa ah mid xad dhaaf ah, khubarada aya asheegay, iyagoo xusay in safmarkan uu sida caadiga ah ka dhashay cudur-side cusub, oo aan ahayn kiiskii HMPV.

HMPV waa mid caalami ah oo soo jiray muddo tobanaan sano ah. Tani waxay la macno tahay in dadka adduunka oo dhan ay ila iyo xad leeyihiin "waxoogaa difaaca sabababtaasna lagu ogaaday cimi baarisyadii hore",ayauu yiri Dr Hsu.

Paul Hunter, oo ah barfasoor caafimaad oo wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Anglia ee Ingriiska ayaa yiri "Ku dhawaad ilmo kasta waxa uu qaadi doonaa ugu yaraan hal caabuqa HMPV marka ay gaaraan da'da shanaad ee dhalashadooda , waxa aanan filan karnaa in ay dib u qaadaan caabuqyo badan inta ay nool yihiin".

"Marka guud ahaan, uma maleynayo inay hadda jiraan calaamado muujinaya dhibaato caalami ah oo kasii darta ."

Weli, Dr Hsu waxa uu kula talinayaa in la sameeyo taxaddarka guud ee caadiga ah sida xirashada af-xirka meelaha dadku ku badan yahay, ka fogaanshaha meelaha dadku ku badan yahay haddii ay suurtogal tahay in qofku halis aad ah ugu jiro jirro caabuqyada fayraska neef-mareenka ku dhaca , fayadhowrka gacmaha oo si wanaagsn logu dadaalo, iyo qaadashada tallaalka hargabka.

Dr Mohamed Haji Abdullahi Beldaje oo ah dhaqtar Soomaali ah oo ka howlgala Magaalooyinka London iyo Nairobi ayaan wax ka weeydiinay waxa aynu ka naqaan ilaa iyo hadda fayrsakan waxana uu kaga jawaabay: Human metapneumovirus (HMPV) waa fayrus ku dhaca hawo mareenka oo badanaa sababa hargab ama duray. calaamadahiisa waxaa ka mid ah qufac, xiiq, duuf iyo dhuun xanuun, xaaladihiisu badanaa waa fududyahay oo waa iska tagaa, hase yeeshee marar aan badnayn ayuu isku badali karaa xaalad khatar ah oo nafta halis galin karta, gaar ahaan caruurta, waayeelka Iyo dadka difaacoodu hooseeyo. Laakin Labada fayraus ee HMPV iyo Covid 19 waxay u faafaan si isku mid ah waxayna badanaa ku dhacaan hawo mareenka waxayna keeni karaan bronkiito Iyo infekshinka sanbabada.ayuu sheegay Dr maxamed Xaaji.

"Walwalka ugu wayn waa inuu is bebedel (mutation) sameeyo sida badanaa dhacda fayruska. Waxaa laga walwalsan yahay sida uu ugu faafay China Iyo wadamada dariska la ah" ayuu yiri Dr Mohamed haaji oo intaa ku daray in saameeynta uu ku yeelan karo Soomaaliya oo kale ay tahay in dalku aanu weli lahay caafimaadka asaasiga, haddii uu saameeyana wuxuu culays ku noqon karaa adeega caafimaad ee yar ee haddaba jira, sidoo kale dalku ma laha isbitaalo ku filan oo la tacaali karaa xaalladaha caafimaad daro ee soo wajahda dalka sanado babada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip