HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 9 JANUARY 2025

0
Thursday January 09, 2025 - 08:15:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILYNEWSPAPER 9 JANUARY 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baledweyne u tagaya xal u helista tabashada reer Hiiraan ka qabaan Hirshabeelle

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ugu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobol ka Hiiraan siduu xal ugu heli lahaa taba shada dadka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Baledweyne oo haatan ay ku sugan yihiin mudo dhowr cisho ah masuuli -yiin sar sare oo ka tirsan dowladda Feda raalka ayaa sidoo kale wararku sheegay -aan in halkaas la dhigayo gogol uu madax weyne Xasan Sheekh ku dhageysanayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan hanaanka awood qeybsiga Hirshabeelle mudo ku dhaw 10 sano.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey oo ka mid ah Xildbibaanada deegaan doorashoo du tahay gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Odayaasha reer Hiiraan inuu fariin ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayna u diyaar garoobaan wadahadalo ku aadan tabashadooda.

Xildhibaan Gureey ayaa xusay inaanay suuragal noqon karin in siyaasad ahaan la kala qeybsamo iyadoo la heli karo xal waara oo laga gaari karo tabashooyinka soo taagnaa tan iyo markii la dhisay maa mulka Hirshabeelle.

"Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaad nay aaya ah in Amniga Dowladda lagu wa reejiyo oo gogol la dhigo Baledweyne, wi -xii jira in laga hadlo oo lagu saxo, Dowlad da Federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa kusoo aada ya, iyadoo Shalay galinkii dambe Odoyaa sha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo qeyba ha kala duwan ee bulshada gobolka ay amniga guud ee magaalada Baledweyne ku wareejiyeen gacanta dowladda Feda raalka Soomaaliya, si meesha looga saaro is qabqabsiga u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo xaalad jahwareer ah galiyay mudooyinkii dambe magaalada Baledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxa med Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaa bilay shalay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasi maha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa drdargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyara da, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soo maaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horu marin doono wada shaqeynta labada dhi nac iyo howlaha lagu taageerayo horuma rinta Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxa med Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin umma da Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taagee radooda la xariira mashaariicda horuma rineed.

Wasiir Maareeye oo cadeeyay sababihii keenay in 2 Cagaf lasiiyo Puntland

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraa -bka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxa med Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay ka hadlay hadal hayn weyn oo ka dhalatay in Maamulka Puntland uu laba cagaf kaliya kaga soo aaday Mashruuca ka Soo Kabashada Qalalaasaha, Dhibtaada ee Soomaaliya (SCRP) ee uu maalgeliyo Bankiga Aduunka.

Wasiirka waxa uu shaaca ka qaaday sha raaxadna uu ka bixiyay qaabka habka ay Puntland ku heshay labadaasi Cagaf waxa uu qoraalkiisa ku yiri " Sida ku cad Warqa dda 6-dii Cagaf ee Soomaali oo dhan wada lahayd, Puntland waxaa laga siiyey 2 Xabo, sidoo kale Mashruucii FSRP ee Maamul Goboleedyada kale looga soo gaday 20-ka Cagaf, DFS waxay Puntland gooni u siisay $16 milyan iyadoo tixgelinay sa duruufaha Siyaasadeed ee jira, una danaynaysa shacabka ay dowladda u tahay iyo Beeraleyda danyarta ee degan Puntland."

Hadalka Wasiirka ayaa yimid maalin uun markii ay arintaasi qeylo dhanaan ay ka muujisay Puntland balse Wasiir maareeye waxa uu sheegay in aysan eedadaasi iyagu qaadi doonin waxaana uu tilmaamay in eeda Wasaaradda loo jeediyay ay tahay mid runta ka fog, waxaana uu shaki ka muujiyay suurtagalnimada in lacagtii loogu talagalay Beeralayda Puntland in Cagafyo loogu iibiyo si kale loo isticmaalay.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Pun tland ayaa sheegtay in aan horay lagu soo wargelin, waxna kala soconin iibka iyo hab raaca loo maray labada (2) cagaf-cagaf ee loogu talagalay beeraleyda Degmada Isku -shuban oo ah deegaan ka mid ah deegaa nada Puntland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Bee raha iyo Waraabka Puntland ayaa waxa ay ku tilmaamtay in ay ayaan darro tahay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS aysan la soo wadaagin Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland wax mac lumaad ah ee la xiriira mashruuca SCRP ee Bangiga Aduunka. Waxaana ay shaaca ka qaaday inay muuqato in mashaariic kala madaxbannaan la isku-dhax karinayo si dadka loo marin-habaabiyo.

Wasiir Cali-xoosh oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee hey’adda qaxootiga iyo guddoomiyihii hore

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa shalay xilka u kala wareejiyey mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda mar -wo Safiya Xasan Maxamed.

Mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay guddoom iyaha Cusub mudnae Axmed Xuseen Cil mi dardargelinta shaqada hey’adda Qaxoo tiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo mu -hiimadda gaar ah u leh Qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii ho -re marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.

Mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoom iyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo hadal koo ban goobta ka jeediyay ayaa sheegay in uu daradar galin doono u qidmaynta Qara nka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dad keenna tabaalaysan gaar ahaan Barakac yaasha, Qaaxootiga iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo la kulmay safiirka Mareykanka

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxu low oo ay wehliyaan agaasime waaxeedya da hay’adda ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.

ulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowla dood ee ku saabsan dhanka socdaalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci darrada ah, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyey taa geerada dowlada Mareykanka ay ka geysato horumarinta kaabayaasha Hay’ad da, Waxaana uu sidoo kale uu codsaday in sare loo sii qaado iskaashi dhexmara hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee labada dal.

Dhanka kale, Safiirka dowladda Marayk anka ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida taageerada ay la garab taagantahay horumarinta HSJ, isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga dhex mara labada dal ee dhinacyada isdhaaf siga khibradaha, Arrimaha Socdaalka iyo taageerida Aqoon kororsiga Socdaalka.

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland Mu dane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay la kulmay Safiirka Dowladda China ee Soo -maaliya Amb. Wang Yu Ambassador iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biya ha Mudane Liibaan Muuse Boqor iyo Wasi -iru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ee ma amulka Puntland.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadl een sidii ay dowladda Shiinaha kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Wasiir Khadiija Makhsuumi oo qaabishay Madaxa Ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee hawlgalka UNTMIS)

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horma rinta xuquuql Insaanka dowladda FS Khadija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa shalay xafiiska ku qaabishay Kirsten Young madaxa ilaalinta xuquuqda Aadana ha hawlgalka KMG QM ee Soomaaliya .

Kulankan oo looga hadlay xoojinta iyo ilaalinta arimaha Xuquuqul Insaanka Soo maaliya waxaa Wasiiradda ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoys ka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Max amed Bashiir Cumar iyo La taliyaha sare ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maryan Qaasim oo horey usoo noqotay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo Digniin Culus Kasoo Saaray Isbaarooyinka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa digniin culus kasoo saaray isbaaroo yinka sharci-darrada ah ee yaalla qaybo ka mid ah magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Odawaa oo la hadlayay bulshada maga alada Baladweyne, gaar ahaan odayaa sha dhaqanka, ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan marnaba aqbali karin xaaladda ay waddooyinka gobolka ku sugan yihiin. Isagoo ka hadlayay arrintan, wuxuu yiri: "Kuma fiirsan karno, in isbaarooyin waddo -oyinka daadsan yihiin.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in isbaarooyin -kaasi ay fursad siin karaan kooxda Al-Shabaab, maadaama ay sii hurin karaan khilaafyada jira, taasoo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

Wuxuu xusay in magaalada Baladweyne iyo gobolka Hiiraan ay door muhiim ah ka qaateen kacdoonkii lagu xoreeyay dalka, isagoo yiri: "Magaaladan Baladweyne iyo guud ahaan gobolkan Hiiraan waxaan ognahay kaalintii ay ku lahaayeen kacd oonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay. shalay in aan amnigeeda walaac ka muujinayno, waa nasiib darro weyn.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa bulshada gobolka farriin adag u diray, isagoo ku boorriyay inay ka qayb qaataan nabadda iyo xasilinta magaalada Baladw eyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Wuxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo ciidama da amniga si meesha looga saaro caqab adaha amni ee jira.

Guud ahaan, hadallada Taliyaha ayaa u muuqda kuwo si cad u muujinaya go’aan ka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo sugi lahaa amniga Hiiraan iyo meesha looga saari lahaa isbaarooyinka sharci-darrada ah ee khatar ku ah horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Imaaraat-ka oo hay’adda SoDMA ku wareejisay 700 Ton oo raashiin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md. Maxa muud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Ima -araadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi kala waree gay deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SoDMA oo xoojineysa dadaalla da looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay mag -aalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaark aan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna k u xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhul ka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dhe -er ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo soo dhoweysay guulaha ay gaartay DFS

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain ayaa si weyn u taageertay guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Cumar Xasan Cali oo ka mid ah hormudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiri -iska ayaa warbaahinta Qaranka u sheeg ay in ay bogaadinayaan ka jaaliyad aha an guulaha taariikhiga ah ee ay dowlad du gaartay.

Guulahaas oo ay ka mid yihiin doorashada qof iyo codka ee laga qabanayo dalka, ka qaadista cuna qabatayta hubka, ku biiristii Golaha Ammaanka ee QM, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha deyn cafinta ayuu sheegay in ay aad u bogaadinayaan taariikhdana ay geli doonto.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

Xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe oo Muqdisho ku Geeriyootay

Xaaska fanaanka Dayax Dalnuur Farxiya Cabdirixiim ayaa shalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiiji -yeen eheladeedi, marxuumada ayaa maal mihii lasoo dhaafay waxa ay ku xanuunsa naysay isbitaal ku yaala magaalada Muqdi -sho.

Maalmihii ay ku jirta isbitaalka fanaanka ayaa barta uu ku leeyahay Facebook wa xa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsa day in xaaskiisa loosoo duceeyo oo xanuu nsanaysay balse ugu dambeyn shalay ayay Geeriyootay.

Qaar kamid ah ehelada Farxiya ayaa war baahinta u sheegay in maalinta Khamiista oo maanta ah marxuumadda lagu aasi doo no Qabuuraha Isbitaal Madina.

Madax hore usoo martay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra'iisul Wa saarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Taliyihii hore ee NISA Mahad Sa laad, Siyaasiyiin, fanaaniin, bahda caanka ka ah baraha Bulshada ayaa intaba uga tacsiyadeeyay fanaan Dayax Dalnuurshe iyo qoyskii ay ka baxdayba marxuumad Farxiya oo ifka uga tagtay Hal Gabar oo ay fanaanka u dhashay.

Wadajirkoodi iyo yagleelidii Qoyskaan ee Dayax iyo Farxiyo dhowr jeer ay ka shee keysay waxa ay tilmaamtay in daruufo adag ay nolosha soo mareen markii damb ese ay uga baxeen kalsooni, kalgaceyl, samir iyo isku duubni.

Farxiya oo ahayd qof dhalinyaro firfircoon ayaa si weyn looga yaqaanay bulshada dhexdeeda, waxaana geerideeda kadiska ah si weyn looga hadal hayaa baraha bul shada, halkaas oo dadka ay tacsi iyo duco ugu dirayaan.

Wasiir Ku-xigeenka qorsheenta oo ka qeyb galay kulanka machad-ka qorsheenta carabta ee kuwait

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshe ynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dha qaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dal ka Kuwait kaga qayb galay kulanka ugu horreeya ee Guddiga Maamulka Machad ka Qorsheynta Carabta ee sanadka 2025.

Kulanka oo muhiimad weyn u leh dalalka xubnaha ka ah machadka ayaa lagu soo bandhigay Tusmada Kharashaadka Dowl adda ee dalalka Carabta, taas oo ah aalad muhiim ah oo lagu cabbiro hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada kharashaadka dowlada ha Carabta.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasima ha Guud ee Machadka Qorsheynta Carab ta, Mudane Cabdalla Shami iyagoo ka wa da hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada machadka uu u fidiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta dhaqaalaha, horumarinta aqoonta iyo dhismaha hay’ad aha.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Agaasi maha Guud ee Machadka taageerada ay Soomaaliya u fidinayaan, isagoo xusay in iskaashigan uu gacan weyn ka geysan doono xaqiijinta qorshayaasha horumari need ee dalka.

Somaliland: Askari Booliis Ah oo Lagu Dilay Magaalada Gabilay

Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somal iland, gaar ahaana qaybta nabadgalyada wadooyinka, ayaa shalay galab lagu dilay magaalada Gabilay.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Buux Ismaciil Mirre, ayaa markii la dilay kasoo baxay Jaamacadda Timada Cadde ee magaalada Gabilay, oo uu wax ka ba ran jiray isla markaana uu imtaxaan ku lahaa.

Cabdi yusuf, oo ay isku fasal ahaayeen ayaa sheegay in uu baabuurkiisa kusii qaaday abaaro 4:30 galabnimo, si ay u galaan imtaxaanka, kadibna ay kasoo baxeen 5:30 galabnimo, lakiin Buux aanu soo raacin oo uu u sheegay in uu soo lugaynayo kadibna la dilay intii uu dhexda soo socday.

"Imtixankii waxaanu ka soo baxnay 5:30 kadibna wuxuu igu yidhi iska tag aniga iyo inamo kale ayaa soo lugaynayna, subxanala sacaada ka buuxday dhexda markan soo marayay ayaa la ii sheegay in la togtay Alle ha u naxaristo" ayuu yidhi Yuusuf.

Xakiin Furre, oo ay aqoon isku lahaayeen Buux, ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay in Buux uu asxaabtiisa u sheegay in ay nin bajaajle ah is laayeen ka hor intii aanu jaamacada iman, isla amarkaana uu doonayay in uu xidho lakiin uu imtaxaanku kasoo gaadhay oo aanu wakhtigu u saamixin.

"Waxa uu u sheegay midka mid ah ardayda in ay nin bajaajle ah islaayeen, isla markaaana uu doonayay in uu xidho lakiin uu wakhtiga imtaxaanku kasoo gaadhay" ayuu yidhi Furre.

Ninka askariga dilay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana ku raadjooga Ciidamada Booliiska Gobolka Gabilay.

Wasiir Fiqi oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kampala

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa booq day Safaaradda Soomaaliya ee magaala da Kampala intii uu ka qeybgalayay Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee CAADP.

Wasiirka oo ay wehliyeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Di badda, Hamza Aadan Haadow, ayaa hal kaas si diirran loogu soo dhaweeyay. Safii rka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardow sa Maxamed Kanyare, iyo shaqaalaha sa -faaradda ayaa ka qeybgalay soo dhawey nta wafdiga Wasiirka.

Booqashada Wasiirka ayaa lagu muujiy ay sida ay uga go’an tahay dowladda Soo maaliya inay xoojiso xiriirka caalamiga ah iyo taageerada ay siiso jaaliyadda Soom aaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay shaqaalaha safaarad da xirfaddooda iyo dadaalkooda ku aad dan horumarinta himilooyinka diblomaasi yadeed ee Soomaaliya. Waxa uu ku amm aanay Danjire Fardowsa Maxamed Kanya re hoggaankeeda wax-ku-oolka ah iyo guu laha muhiimka ah ee ay gaartay tan iyo markii ay xilka la wareegtay. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay doorka muhii mka ah ee safaaraddu u leedahay Sooma alida ku nool Uganda, isagoo sheegay in safaaraddu ay tahay xidhe muhiim ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda.

Booqashada Wasiirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada qunsuliyadda ee loo fidiyo muwaadiniinta iyo jaaliyadda Soom aaliyeed ee Uganda. Waxaa lagu falanq eeyay qorsheyaal lagu hagaajinayo xiriirka bulshada, kor loogu qaadayo adeegyada waxbarashada iyo ganacsiga, iyo in la xoojiyo is-dhexgalka dhaqanka. Arrimahan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ah in jaaliyadda Soomaaliyeed loo diyaa riyo inay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarka dalka martida loo yahay iyo Soomaaliya labadaba.

Puntland oo sheegtay inay hayaan ajaanib katirsan kooxda Daacish oo isisoo dhiibay

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxa -muud Caydiid Dirir, ayaa shaaca ka qaaday in ajaanib katirsanaa kooxda Daa -cish ay isku soo dhiibeen gacanta maamu lka Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in socdaan qor shayaal dalalkooda loogu celinayo ajaan ibta isa soo dhiibtay, iyadoo arrintaas ay kala shaqeynayaan hay’adaha socdaalka sida IOM iyo Bisha Cas.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa tilmaamay in qorshahaan lagu soo celinayo ajaanibta uu yahay mid hadda socda, balse faah faahin kama bixin tirada dadka isa soo dhii btay, dalalka ay ka soo jeedaan, iyo xilliga rasmiga ah ee dib loogu celinayo.

"Ajnaab way jireen isa soo dhiibtay oo uu socdo hannaankii dalalkooda loogu dhoo fin lahaa oo IOM-ta iyo Bisha Cas ay naga la shaqeynayaan,” ayuu yiri Wasiir Maxa muud Caydiid Dirir.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in dad ka aan u dhalan Soomaaliya iyo kuwa ma waadiniinta ah ee isa soo dhiiba kana tir san kooxaha ay Puntland la dagaallamay so ay sharciga u siman yihiin marka laga eego dambiyada ay galeen.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu beeniyay warar sheegayay in aan cafis loo fidin doo nin dagaallameyaasha ajaanibta ah. Wux -uu adkeeyay in cafiskii uu horey ugu dhaw aaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu weli furan yahay, gaar ahaan ku wa goobaha dagaalka iska soo dhiiba iyo kuwa isa soo dhiiba xilli nabadeed.

Dhawaan sarkaal katirsan ciidanka amni ga Puntland ayaa sheegay in aanan la ca fin doonin ajaanibta lagu qabto dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Maraykanka oo ka hadlay weerar duqayn ah oo lagu dilay 10 ka mid ah Alshabaab

Howlgalka Africom ayaa shaaciyay in weerar dhinaca cirka ah oo ay codsatay dowladda Soomaaliya lagu dilay 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Beer Xaani oo 35 km waqooyi galbeed ka ga beegan magaalada Kismaayo, Jubba da Hoose.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo dhacay Dec. 31, 2024, uu ahaa isdifaacid wadajir ah oo Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka fuliyeen goobtaas, iyadoo sidoo kale ciidamada Mareykanka ay gacan ka siiyeen ciidamada Soomaa liya daad-gureynta askartii la weeraray.

Africom ayaa sidoo kale shaacisay in Dec. 24, 2024, duqeyn kale lagu dilay Maxa -med Mire, oo ahaa hoggaamiye sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Mire, oo loo yaqaanay Abuu Cabdirax maan, ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sannadkii 2022 u aqoo nsatay argagixiso caalami ah.

Taliyaha Africom, Gen. Michael Langley, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar caalami ah, taasoo Mareykanku ku la dagaallamayo iyada oo lala kaashanayo waddamada gobolka si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida.

Maxaa ka jira eedeynta ah in dhoofka xoolaha Soomaaliya loo xiray shaqsi ajnabi ah

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baa -rlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaa reeyn ku aadan dowladda Xigas

Warar aanay BBCdu u xaqiijin karin si madax banana ayaa sheegaya in dhoofka xooolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soo maaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baar lamaanka Dowladda Federaalka Soomaa -liya .

Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cam baareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go'a ankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale.

Waxay ku doodeen in go'aankankaasi uu wiiqayo ganacsigii xoolaha gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya.

Maxay Canada iyo Denmark ka dheheen damaca Trump ee ah inay ku biiraan Mareykanka?

Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka jawaabay hadalka Donald Trump ee ah inuu u adeegsan doo no "awood dhaqaale" si Canada uu ugu soo daro Mareykanka isagoo sheegay ina ysan fursad yar uga bannaaneyn in labada dal ay isku biiraan.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump ee ku wajahan siyaasadda arrima ha dibadda ee wax ballaarsiga ayaa caro ku abuuray dalalka ay saameyneyso, sida Canada, Panama iyo Denmark.

Goor sii horreysay, Mr Trump ayaa soo celiyay hanjabaadihiisa ahaa inuu la wa reegi doono Greenland iyo marin-biyoodka Panama.

"Waad ka takhaluseysaa qadkaas mac malka ah, waxaadna eegeysaa sida ay u muuqan karto, sidoo kale aad bey ugu fiic naan lahayd ammaanka qaranka," Trump ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay hoteelkiisa ku yaalla Florida ee Mar-a Lago.

Puntland oo shaacisay waxa ay ka yeelayso haddii ajaanib Daacish ka tirsan ay isku soo dhiibaan

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar baahay oo sheegayay in aan cafis loo fidin doonin dagaallameyaasha shisheeye ee isa soo dhiiba, xilli maamulkaas uu dagaal kula jiro ururka Daacish ee ka dagaallama dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in cafiska oo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni dhowr jeer ku celceliyay una fidiyay kooxaha ka soo horjeeda uu yahay mid weli furan ciddii goob dagaal iska soo dhiibaysa iyo ciddii isa soo dhiibaysa xilli aanu dagaal jirin.

Wuxuu tilmaamay in sharciga dagaalka uu leeyahay maxaabiis la qabto oo la cafiyo iyaguna ay taa raacayaan. Wasiir Cadiid ayaa intaas ku daray,"Cafisku waa uu furanyahay towbadda Ilaaheybaa aqbala qofka inta naftu aaney kalxamaha soo gaarin Ilaaheyba towbadda wuu ka aqbalaa, sharciga dagaalkana maxaabiisu cafis waa leedahay,".

Isagoo xoojinaya in Puntland aanu ka soo yeerin hadda hadalka faafay ee ku saabsan in aaney cafin doonin ajaanibta qaybta ka ah dagaalka Daacish ay kula jirto maamulkiisa, ayaa wasiirku waxaa uu yiri: hadalkaasi hadda maaha, waxaan filayaa ninka dhalinyarada ah ee ciidanka wacyi gelinayay,xilligaas dhowr sano ayaa laga joogaa, wuxuuna ciidanka ka wacyi galinayay in nimankaan aaney ka tanaasulin caqiidadooda,".

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo laga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo

Danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u soo magacaw day dalka Hindiya , mudane Dr. Cabdulla hi Maxammed Odowa ayaa shalay oo taariikhdu tahay 07/01/2025, ugudbiyay Nuqul kamida Warqadaha Aqoonsiga Danj irenimo, Agaasimaha Hab maamuuska Qaranka ee dalka India, Mudane Mr. Anshuman gaur

Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowl adda Hindiya ku soo dhaweeyay danjiraha cusub.

Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa isna dhiniciisa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo kulanka gudbinta Warqada ha Aqoonsiga Danjirenimo.

Labada masuul ayaa inta uu kulan koodu socday is dhaafsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhax eeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xidhiidh kale oo bulsho.

Labada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo sii xoojinta iyo sara uqaa dida xiriirka labada dal

Saynisyahannada oo sheegay xilliga ugu fiican ee cabidda kafeyga laga helo faa'iido caafimaad

Waa la cusbooneysiiyay 8 Jannaayo 2025

Saynisyahannada ayaa sheegay in suurto-galnimada faa'iidada caafimaadka ee kafeyga ay ku xiran tahay xilliga aad cabto.

Daraasad 10 sano socotay, ayaa lagu she egay in dadka subixii caba kafeyga ay bo qolkiiba 16 khatar ka yar ugu jiraan inay xanuunno u geeriyoodaan marka loo eego dadka aan cabin kafeyga.

Muddo 450 sano ah, bunka ayaa ahaa wax aan laga aqoon dalalka Galbeedka. Waxa uu asal ahaan ka soo bilowday dal ka Itoobiya, dalkaas oo uu si weyn uga ba xo geedka bunka.

Dadkii xilligaa ku noolaa Itoobiya ayaa ogaaday in marka la qalajiyo miraha bun ka laga sameyn karo cabitaan madaxa dej iya. Kadib waxa uu si weyn ugu faafay dal kaas.

Dhulgariirkan lagu qiyaasay 6.8 oo ka dhacay Gobolka Tibet ee dalka Shiinaha

Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu sa matabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo hal kaasi ka dhacay Talaadadi.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabir ka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dha cay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyi kaga bee gan buurta Everest oo ah buurta ugu dhee -r aduunka. Gariirka wuxuu sidoo kale ru xay dhismayaal ku yaal Nepal, Bhutan iyo Hindiya oo deriska la ah.

Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in Talaadadi ilaa iyo saakay oo Arbaca ah lasoo badbaadiyay in ka badan 400 oo qof, halka ilaa 30,000 oo kale dib u dajin loo sameeyay.

Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul gariirka halka dhaa wacyadu ay marayaan 188 guud ahaan gobolka Tibet. Dhanka dalka Nepal wali lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sahan hordhac ah ayaa muujiyay in 3,609 guri ay ku burbureen magaalada Shigatse ee Tibet, oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.

Diyaar-garowga Caleema-saarka Donald Trump oo Ka Socda

Magaalada Washington, D.C waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga loogu jiro xafladda caleema-saarka madax weynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, taasoo dhici doonta 20-ka Janaayo 2025. Munaasabaddan oo ah mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waawe yn ee Mareykanka, waxaa ka qeyb-galaya madax ka socda daafaha caalamka, xub no matalaya dowladda Mareykanka, iyo ku -mannaan taageerayaashiisa ah.

Qaban-qaabada xafladda caleema-saarka ayaa si xoog leh uga socota magaalada. Waddooyin badan oo muhiim ah ayaa la gu soo rogay xannibaado si loo xaqiijiyo amniga, waxaana la diyaariyay ciidamo gaar ah oo sugaya nabadgelyada gooba ha muhiimka ah. Garoomada diyaaradaha iyo xarumaha martida ayaa si gaar ah loo gu diyaargaroobay soo dhaweynta madax da caalamka iyo martida kale ee sharafta leh.

Waxaa sidoo kale la diyaariyay barnaamij yo dhaqan iyo heeso wadani ah oo lagu soo bandhigi doono munaasabadda calee ma-saarka. Naadiga milateriga iyo kooxa ha fanka dhaqanka Mareykanka ayaa door muhiim ah ka qaadan doona xaflad da.

Mareykanka oo ku eedeyay xasuuq kooxda reer Suudaan ee RSF cunaqabateyna ku soo ragay hoggaamiyahooda

Mareykanka ayaa ogaaday in ciidamada fallaagada Suudaan iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suu daan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib col aad ay ku dhinteen kumanaan qof, malaa yiin kalena ay ku barakaceen.

Cunaqabataynta ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo qo -yskiisa in ay u safraan Maraykanka iya doo la xayirayo hantidooda.

Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiy aan sawirkooda iyo sheegashada sharciya dda, oo ay ku jirto dhisidda dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay gacanta ku hayso.

Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafir tay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxa yna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka bax san kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ba yaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo in taa ku daray in dadka qaar loo dilay isir kooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaa rkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

Dowladda Mareykanka ayaa horay cuna qabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cun aqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay soc deen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

"Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas'uul ka yahay xushalay iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa," ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabatey n ku soo rogay toddobo shirkadood oo la ga leeyahay Imaaraadka Carabta isla mar kaana RSF ay hub ka iibsadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip