Dowladda Afghanistan oo Mamnuucday Daaqadaha Guryaha Si Aan Loo Arag Dumarka
Dowladda Taliban ee madaxda ka ah Afghanistan, oo ku caanbaxday soo saarista amarro isdaba joog ah oo dumarka khuseeya, ayaa go'aamisay in la awdo daaqadaha dhismayaasha ku yaalla xaafadaha shacabku deggan yihiin si raggu aanay u arag dumarka bilaa xijaabka ah.
Dowladda ayaa amartay in dhismayaasha dhaadheer ee xaafadaha ku yaalla aan hadda kadib loo samayn daaqado cusub, kuwa hadda daaqadaha lehna la awdo, si raggu aanay korka uga soo arag dumarka guryaha jooga.
"In dumarka la arko iyaga oo ka shaqaynaya jikada, daaradaha guryaha ama biyo kasoo dhaaminaya ceelasha waxay sababi kartaa falal anshax-darro ah," ayuu yidhi Afhayeenka Dowladda Islaamiga ah ee Afghanistan, Zabihullah Mujahid.
Dowladda ayaa sidoo kale codka dumarka ka mamnuucday suuqyada iyo goobaha ay dadku iskugu yimaadaan, iyadoo dumarka laga bilaabo hadda aan loo oggolaan doonin inay codkooda kor u qaadaan marka ay joogaan suuqyada iyo jidadka.
Taliban oo lagu dhaleeceeyo in ay si gaar ah u beegsato dumarka, ayaa horay u joojisay waxbarashada hablaha wixii ka sarreeya fasalka 6-aad. Inkastoo ay marar badan sheegeen inay soo celinayaan waxbarashada sare ee dumarka, haddana weli arrintaasi ma aysan suurtoobin.
Haweenka Afghanistan ayaan hadda qaban karin shaqooyinka badankooda, iyadoo awoodda iyo maamulka shaqooyinka dalka si buuxda loogu wareejiyay ragga. Waddamada Reer Galbeedka ee taageeri jiray Kabul, ayaa hada hakiyay taageeradooda, iyaga oo shuruud uga dhigay in dumarku ay helaan waxbarasho iyo xoriyado dheeraad ah.
Ururka Islaamiga ah ee Talibaan, oo muddo 20 sano ah dagaal kula jiray ciidamada Gaashaanbuurta NATO ee Afghanistan lagu daadgureeyay sannadkii 2001 kaddib weeraradii 9/11, ayaa dib u qabsaday waddanka kaddib markii ciidamada Reer Galbeedku ka baxeen 15-ka August 2021, iyaga oo soo rogay shuruuc ku dhisan fasiraadooda gaar ah ee Shareecada Islaamka.
Dowladda Afghanistan oo Mamnuucday Daaqadaha Guryaha Si Aan Loo Arag Dumarka
Dowladda Taliban ee madaxda ka ah Afghanistan, oo ku caanbaxday soo saarista amarro isdaba joog ah oo dumarka khuseeya, ayaa go'aamisay in la awdo daaqadaha dhismayaasha ku yaalla xaafadaha shacabku deggan yihiin si raggu aanay u arag dumarka bi