halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-12-24

0
Saturday December 28, 2024 - 08:15:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 1200
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 2 2
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-12-24

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Dorashoyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka oo uu hogaminayay Gudomiyaha Guddigga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho iyo Doorka uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadanayo doorashoyinka Dowladdaha Hoose.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka, si Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo Caasimada dalka, asigoona sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamulada dalka.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qeybaha Bulshada Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqonyah-anada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale, si uu ugu dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira Maamul Wanaga, Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha, Dhismaha waddooyinka, Hirgelinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka Musuqa.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay xalay soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada Caasimadda, asigoona ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii Magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa Magaalooyinka kale ee dunida.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qabatay kulan la xiriiray falanqeynta baaqii Ankara

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno Somali ah, kaas oo khuseeyay Baaqkii Ankara ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya:

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah si ay u qiimeeyaan saameynta Baaqa Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallanqeeyay Isbarbardhigga nuxurka uu xambaarsan yahay Baaqii Ankara waxaa Ka qaybgalay Danjire Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ,Wasiir ku xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal,Xoghayaha Joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo Ku-simaha Safiirka Suudaan danjire Ammar Ahmed Babiker.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay dhacdadii Ceelbaraf

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaalia, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay weerarkii ka dhacay deeganka Celbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada iyo qoysaska ciidankii ku dhintay

weerarka, wuxuuna caafimaad u rajeeyay askartii dhaawacyadu soo gaareen.

"Waxaan murugada la qaybsanayaa qoysaska iyo ehellada geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalka. Ciidanka dhaawaca ah waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono kooxihii ka dambeeyay weerarka, isagoo ballan qaaday in 48 saacadood gudahood la soo qaban doono dambiilayaasha.

"Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in cid walba oo ku lug leh falkaas aysan ku harsan doonin geyiga Soomaaliyeed iyaga oo xor ah,” ayuu ku adkeeyay wasiirka.

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray South Sudan

Xulka 17-jirrada Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray tartanka isreeb-reebka koobka qaramada Afrika ee da’yarta (U-17 AFCON CECAFA Qualifiers) oo ka socda dalka Uganda, kaddib markii ay gool-ku-laad 4-2 ah kaga adkaadeen xulka South Sudan.

Ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbaro 2-2 ah, balse Soomaaliya ayaa bandhig wacan ka sameysay gool-ku-laadyadii, taas oo u sahashay inay kaalinta saddexaad ku guuleystaan tartanka, iyagoo taariikh cusub u sameeyay kubadda cagta dalka.

Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Muqdisho ka dhiseyso Hotel Caalami ah

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan oo ku yaalla dunida ayaa ku dhawaaqday dhismaha Hotelkii u horreyay oo Five Star ah oo laga hirgallinayo Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Amb Xuseen Cabdi Xalane iyo Mas’uuliyiinta ayaa goobjoogayaal ka ahaa saxiixa heshiiskasi oo dhexmaray Maamulaha Premier Bank Jabriil Hassan Mohamed iyo madaxda shirkaddaasi.

Mashruuca lagu dhisayo Hotelka Rotana iyo adeegyada kale ee casriga ah ee uu yeelanayo Mashruuca Gateway Complex ayaa noqon doona mid taariikhi ah oo daabooli doona baahida kala duwan ee dhanka ganacsiga iyo adeegyo bulsho sida hoolalka shirarka, cisbitaal,dugsi,qolal la jiifto iyo mool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka daahfurtay Mashruuca Gateway Complex, kaas oo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkadda Rotana Hotel Management Corporation PJSC waa shirkad maamusha huteello badan oo ku yaal qaar kamid ah dalalka Bariga Dhexe, kuwa Balkanska, Afrika, iyo Turkiga.

Labada Gole oo ka qeybgalay xus loo sameeyay hey’ad samofal oo qaabilsan agoonta iyo naafada

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeyb galay xus loo sameeyay sanad guurada 14-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ha’yad samofal oo ka shaqeysa Arrimaha Agoonta iyo Naafada.

Maxamed Cali Ameerika oo ah aasasihii hey’ada Yaasimin foundation ayaa ugu horeyn ka hadlay xafladdaasi, isagoo ka warbiciyay dadaalkii loo soo galay hey’addaasi samofal iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato agoonta iyo dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Sportiga Maxamed Barre, xildhibaan Prof Cismaan Maxamuud dufle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo qiray ahmiyadda hey’addaasi u leedahay bulshada iyo sida ay uga qeybqaadan karto adeegyada ay u naahan yhiin dadka qaba baahiyaha gaarja ah.

Xafladdaan lagu maamuusaayey xuska 14 aad ee hey’adda Yaasmiin Foundation waxaa kaloo ka qeybgalay qaar kamid ah gudoomiyaasha Degmooyinka, Duqii hore ee Gobolka banaadir iyo martishafar kale.

Heyadda Yaasmiid Foundation waxa ay ka howlgashaa qaar kamid ah degmooyinka dalka, sida kuwa gobolka banaadir, Afgooue,Warshiikh iyo kuwo kale.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo boogaadisay wiil Soomaali ah oo galay kaalinta 2 aad ee tartanka feerka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa ka qayb gashay daawashada tartanka feerka ee heerka dhexe, kaas oo uu wiil Soomaali ah ka galay kaalinta labaad tartan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi.

Xiritaankii tartankaasi kadib, Safiirka ayaa Kulan dhiirigalin ah la qaadatay Cabdo Mudalib oo ku guuleystay kaalinta labaad ee feerka dhexe, waxayna intaa ku daray in guushaasi ay Soomaaliya uga dhigan tahay kaalinta koowaad.

Fardowsa Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dhallinyarada Somaaliyeed ee dadaalka ugu jira horumarkooda, iyadoo xustay in ay garabtaagan tahay cid kasta oo dooneysa in ay guul u soo hooyaan dalka.

Cabdul Mudalib waxa uu ka qeybgalay 12 tartan oo xagga feerka ah,wuxuuna kaligii dadaal ku bixiyay Sidii guul u qalanta Soomaaliya uu u keeni lahaa.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ogolaaday Daabolidda Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday in dalka lagu soo daabulo shaqalaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Hawlgalkan cusub ayaa taageero ka heli doona UNSOS.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay go’aankiisa ku aaddan in la taageero xasilloonida, amniga, iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab ah ee Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Dorashoyinka Qaranka iyo Sohdimaha, waxaana looga hadlay Doorka Boliiska kaga aadan qabsoomidda Doorashada Qof iyo Cod.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan sugidda amniga Doorashada waxayna awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod bixinta iyo habsami u socodka Doorashada dhawaan la rajeynayo in Dalka laga hirgeliyo.

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolada oo la dilay.

Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu qaarajiyay Horjooge Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobollada.

Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Al-shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Al-shabaab Al-Shabaab 2009-kii.

Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah, kuwaas oo dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhamaystiran.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee Al-shabaab looga ciribtirayo deeganada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo ciqaabta iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La yeeshey Madaxweynayaashii Hore iyo Ku Xigeenadoodii

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulan wadatashi ah madaxtooyada kula yeeshay madaxweynayaashii hore, qaar kamid ah ku xigeenadoodii iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan oo lagaga warbixiyay warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayay wadatashi la xidhiidha arrimaha muhiimka ah ee hadda taagan, iyada oo aan faahfahin dheeraad ah laga bixin.

"Arrimaha muhiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadlay madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee muhiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland," ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Marka laga yimaado warbixinta kooban ee kasoo baxday madaxtoyada, waxa loo badinayaa in laga wada hadlay ammaanka guud ee Somaliland, sida colaadaha gobollada bari ka taagan iyo colaadda magaalada Dacawalay ee Itoobiya oo saamayn ku leh Somaliland.

Waxa kulanka kasoo qaybgalay Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi; Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin; Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad, Axmed Yuusuf Yaasiin; Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax; iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Waxayna u suurtogelin in ay kulankan ka qayb galaan Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad, Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo hooyadii ku geeriyootay Boorama. Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland, Xasan Ciise Jaamac, ayaa kulanka kaga maqnaa xaalad caafimaad.

Somaliland iyo Itoobiya oo Isku Afgartay Sidii Loo Xallin Lahaa Colaadda Dacawaley

Xukuumadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa is afgarad buuxa ka gaadhay sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka taagan degaanka Dacawaley ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Is afgaradkan ayaa lagu gaadhay kulan ay Jigjiga ku yeesheen madaxda amniga Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Cabdalle Sandheere, iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Aagga Bari ee Ciidamada Itoobiya Jeneral Afgado iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka.

"Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay xaaladda degaanka Dacawalay iyo degaannada kale ee ku xeeran. Waxay labada dhinac ka gaadheen isfahan buuxa oo ku saabsan xaaladda Dacawalay, iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiigga daadanaya, xaaladdana lagu dhameyo xal nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax dambe u dhicin," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyey in ciidanka federaalku uu la wareego amniga Dacawaley, in ciidanka Liyuu Booliska laga fogeeyo degaanka, in baadhis lagu sameeyo tacadiyada ay Liyuu Boolisku ka geysteen degaanka, iyo in xal buuxa laga gaadho muranka dhulka ee u dhexeeya dadka degaanka, kaasoo sababay colaadan oo ay dad badan ku dhinteen.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa weerar ay ku qaadeen degaanka subaxnimadii 25 December ku dilay dad badan oo rayid ah, iyaga oo dab qabadsiiyey qaybo kamid ah guryaha shacabka. Sidoo kale waxay qafaasheen odayaal Hargeysa ka tagay oo degaanka u joogay nabadeyn iyo baabuurtoodii.

Xukuumadda Somaliland ayaa falka ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska ku tilshalayy 'xasuuq,' iyadoo ku baaqday in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd dhacdadan. Somaliland ayaa soo fara-gelisay colaadda Dacawaley, maadaama degaanka ay ku nool yihiin shacabka ka soo jeeda Somaliland iyo Itoobiya labadaba.

Israel oo in ka badan 60 ruux ku dishay Gaza iyo Yemen

Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee woqooyiga Gaza ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israelku fulisay dhismo ku dhow cisbitaalkaasi oo ay ku sugnayen dad barakacayaal ah.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ku jireen shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, kadib weerar cagga cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday halkaasi sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Dagaalka Israel ka sokoow cunuggii afraad oo falastiiniyiin ah ayaa u dhintay qabow ba’an oo ka jira Gaza 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo boqolaal kun oo qof oo ku barakacay dagaalka Israa’iil ay u halgamayaan inay kullaalaan teendhooyin jilicsan, sida ay sheegtay Wafa.

Dhanka kale ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay Yemen,sida uu xaqiijiyay Madaxa Hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan Caafimadka Adduunka (WHO) oo ku sugnaa Magaalada Sanca.

Tirada dhimashada Gaza ayaa ma gaartay 45,399 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,940 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

António Guterres oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Xuuthiyiinta iyo Israel

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in uu ka xun yahay weerarada sii kordhaya ee u dhaxeeya Ururka Xuuthiyiinta iyo Maamulka Israel.

"Waxaan ka xumahay xiisadda u dhaxeysa Yemen iyo Israel, waxaana ka walaacsanahay khatarta sii kordheysa ee gobolka.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa wax laga naxo ku tilmaamay weerarada Israel ee ka dhanka ah kaabeyaasha dhaqaalaha Yemen, oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha Sanca iyo dekedaha dalkaasi ee saaran Badda Cas.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymahaasi, daraasiin kalena ay ku dhaawacmeen.

Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in isku dhacyada sii kordhaya ay khatar ku yihiin nolosha dadka rayidka ah, xasilloonida gobolka iyo xorriyadda socdaalka badda.

Mr. Guterres ayaa dhinacyada ugu baaqay inay joojiyaan ficilada militari, isla-markaana ay muujiyaan xakameynta ugu badan.

"Waxaan ku celinayaa baaqayga dhammaan dhinacyada inay joojiyaan ficilada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan.” Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa yiri "Waa in la ixtiraamaa sharciga caalamiga ah. Dadka rayidka ah iyo shaqalaha bani’adanima-da wa in an marnaba la bartilmamedsan.”

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa billihii u dambeeyay si toos ah gantaaladooda ugu weerarayay gudaha Israel, iyagoo maamulkaasi ku cadaadinaya in ay joojiyaan xasuuqa ay ciidamadooda ka gaysanayaan Marinka Gaza, ka dib muddo ay beegsanayeen maraakiibta ku sii jeedda dekedahooda.

Israel ayaa daba-yaaqadii bishii July bilowday inay bartilmamedsato kaabey-asha rayidka ee dalkaasi Yemen. 8-dii maalmod ee la soo dhaafay ayayna weraradi ugu badna ka gaysatay dalkasi, waxana ku dhintay ku dhawaad 20 qof, halka illaa 60 kalena lagu dhaawacay.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ugu hanjabay inuu kordhin doono weerarada ka dhanka ah.

Kororka weerarada labada dhinac ayaa sii hurinaya xiisadda muddada shan iyo tobanka bilood ah ee ka jirta Bariga Dhexe. Xiisaddan ayaa ka dhalatay weerarada nafaha badan galaafanaya ee ay Israel ku beegsaneyso Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.

Madaxweyne Erdogan oo hanjabaad culus u jeediyay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya

Madaxweynaha Turkiga ayaan ka tagin in Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya uu ugu baaqo inay hubka dhigaan, si aysan gacan adag oo militari uga la kulmin ciidamadiisa.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay, haddii taasi la wayo in ay isla aasi doonaan Xoogaga YPG iyo hubkooduba, sida uu yiri.

Madaxweynaha oo Arbacadii ka hadlayay kulan uu la yeeshay Xildhibaanada Xisbigiisa AK ayaa ku hanjabay in Ankara aysan aqbali doonin in YPG ay qayb ka noqoto is bedelka siyaasadeed ee Suuriya.

"Dilaaga gooni-goosadka ah ama waxay macsalaamayn doonaan hubkooda ama waxaa lagu aasi doonnaa dhulka Suuriya, iyaga iyo hubkooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa yiri "Waan ciribtiri doonnaa ururka argagixisada ah ee isku dayaya in ay darbi dhiig ah na dhex dhigaan annaga iyo walaalahayaga Kurdiyiinta.”

Turkiga ayaa ka carooday weerar ay xoogagaasi Talaadadii ku qaadeen Ciidamada Xorta Suuriya ee Ankara ay taageerto, kuwaa oo qayb ka ahaa ridistii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Bashar Al Assad.

Tan iyo ridistii taliskii Assad oo xukunka laga tuuray 8-dii bishan, Turkiga ayaa ku adkeysanayay in ay kala tagaan Xoogaga YPG, isla-markaana aanu ururku meelna ku lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee Suuriya.

Turkiga ayaa YPG u tixgeliya koox argagixiso oo xiriir la leh Jabhadda Kurdiinta PKK ee mudada dheer werarada ka gaysaneysay dalka Turkiga.

Turkiga ayaa ka feejigan in Suuriya ay noqoto meel ay PKK ka soo weerarta dalkiisa, waana taas sababta uu horaan ciidamadiisa ugu soo daabulay xuduudda uu la wadaago dalka Suuriya, isla-markaana uu taageerada militari u siiyo Ciidamada Xorta Suuriya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa la filayaa in ay kordhiyaan hawlgalada lagu beegsanayo Kurdiyiinta Suuriya ee cilaaqaadka la leh Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK. PKK waa urur ka mamnuuc ah gudaha Turkiga.

Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa PKK u aqoonsan koox argagixiso, waxayna Ankara marar badan ugu baaqday xulafadeeda NATO ee Washington iyo kuwa kale inay joojiyaan taageerada ay siiyaan YPG.

YPG ayaa ah qaybta ugu weyn ee Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee SDF, kuwaa oo Mareykanka uu taageero, ciidamadiisa ku sugana dalka Suuriya kala qayb qaata la dagaalanka Ururka Daacish.

Ankara ayaa YPG ku shabadeysay laanta PKK ee Suuriya, wax kasta oo dhacana aysan ogolaan doonin joogitaankeeda dalkaasi.

Taliyaha Ciidamada SDF, Mazloum Abdi ayaa toddobaadkii hore markii ugu horreysay qiray in dagaal-yahano ka tirsan PKK ay ku sugan yihiin dalka Suuriya oo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah Daacish, dibna ay ugu laaban doonaan dalkooda.

PKK ayaa tan iyo sanadkii 1984-kii dagaal kula jirta Turkiga, waxayna Ankara ay aaminsan tahay in YPG iyo Maamulka Gobolka Kurdistan ee Ciraaq ay gabaad siiyaan PKK.

Erdogan ayaa PKK ku eedeeyay in muddo dheer ay shacabka Turkiga ku dhibaateynaysay koonfur bari dalkaasi.

Israel oo duqeymo ku dishay shan weriye iyo dad kale oo ku sugnaa Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan wariye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Sidoo kale Israel ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza, waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof.

Dhakhaatiirta Gaxa ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran, kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof.

Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda, halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku edeeyay kooxda Falastiiniyinta in ay abuureen caqabado cusub.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo Calawiyiinta Suuriya ay la galeen ciidamada

Xoogaga Islaamiyiinta ee la wareegay dalka Suuriya iyo bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa ku dagalamay Magalada Tartus, iyadoona dad askar u badan lagu dilay dagalkasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagalka uu ka dambeeyay, ka dib markii Calawiyiinta ay is hortaageen Sarkaal ka tirsanaa dowladdii la riday oo ciidamadu ay donayen inay soo xiraan.

Ciidamada nidaamka is bedelka ee Suuriya ayaa Sarkaalkan la xiriiriyay in uu qayb ka ahaa tacadiyadii ay dowladdii hore ka gaysatay Xabsiga Sednaya e duledka Magalada Dimishiq.

Maamulka dalkaasi ayaa sheegay in 14 ka mid ah ciidamadooda la dilay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen, dagaalkan oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay Tartus.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Mohammad Abdul Rahman ayaa sheegay in ciidamadu ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen haraadiga taliskii hore, iyagoo gudanaya buu yiri waajibaadkooda sugidda amniga.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya ee SOHR ayaa sheegtay in 17 qof ay ku dhinteen dagaalka Tartus, ka gadaal markii ciidamadu ay damceen inay soo xiraan Sarkaalka hore.

SOHR ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay 14 ka mid ah ciidamada iyo saddex nin oo hubeysan, oo ku dagaalamay deegaanka Khirbet Al-Maaza ee Tartus.

SOHR waxay sheegtay in ninka la raadinayay uu ahaa Mohammed Kanjo Hassan, kaas oo soo qabtay jegada Agaasimaha Waaxda Caddaaladda Militariga iyo Gudomiyaha Maxkamadda Sare.

Inkastoo Hoggaamiyaha Suuriya, Ahmed Al Sharaa (Abu Mohammed Al Jawlani) uu ballanqaaday inaanu jiri doonin wax aargoosi ah, haddana waxa uu dib ka soo saaray war uu ku sheegayo in sharciga lala tiigsan doono saraakiishii ku lugta lahayd dembiyada iyo xadgudubyada ka dhacay Suuriya, muddadii uu xukunka hayay Madaxweyne Assad.

"Waxaan raadin doonnaa saraakiisha sarsare ee militariga iyo kuwa amniga ee ku lugta leh dembiyada dagaal, oo ay ku jiraan kuwa dalka ka cararay.” Ayuu yiri Ahmed Al Sharaa maalin ka dib, markii xoogagiisu ay la wareegeen gacan ku haynta Caasimadda Dimishiq.

Hadalkiisan ayaa ka dambeeyay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee lagu arkay Xabsiga Sednaya, oo dadka dalkasi ay u yaqanan (Kawankii dadka).

Mucaaradka ayaa 8-dii bishan furay albaabada xabsigaasi, ka gadaal markii xoogaga ay hoggaamiso Hayat Tahrir Al-Sham ay 13 sano ka dib oo dagaal sokeeye ah ay soo afjareen Dowladdii Shiicada ee caanka ku ahayd xasuuqa iyo caburinta dadkii dhigayay mudahar-adyadii lagaga so horjeday dowladdasi.

Waa dagaalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee dhex mara ciidamada maamulka cusub iyo bulshada Shiicada ee laga tirada badan yahay ee Calawiyinta, tan io markii la afgembiyay dowladi sanadaha badan ka ariminesay Suuriya.

Wararkii ugu dambeeyay kororka weerarada Israel iyo Xuuthiyiinta Yemen

Israel iyo Xuuthiyiinta Yemen ayaa kordhiyay weeradooda ka dhanka ah midba midka kale ee ka dhashay duulaanka Tel Aviv ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Khamiistii iyo Jimcahan garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca, kaas oo ah midka ugu weyn ee dalkaasi Yemen.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ay sidoo kale beegsadeen Xarunta Tamarta Hezyaz ee koonfurta Sanca iyo dekedda, xarun shidaal iyo xarun koronto oo ku yaala Gobolka Hudaydah ee galbeedka dalkaasi.

"Goobahan ayay Xuuthiyiinta u isticmaalayen melo lagu kaydiyo hubka Iran ay gayso dalkaasi.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.

Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay dhinteen, 40 kalena ay ku dhaawacmen duqaymahaasi.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa ku dhaawacmay weerarada xagga cirka ee ay Israel ka gaysatay Garoonka Diyaaradaha Sanca, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Madaxa Hay’adda WHO, Tedros Ghebreyesus iyo xubno la socday ayaa isku diyaarinayay inay ka dhoofaan garoonkaasi, xilligii Khamiistii uu weerarku dhacayay.

Tedros Ghebreyesus ayaa u joogay Caasimadda Sanca, si uu Saraakiisha Xuuthiyiinta uga la hadlo sii deynta xubno ka mid ah Shaqalaha Qaramada Midobey o xiran iyo wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee dalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa Jimcahan sheegtay masuuliyadda weerar ay sheegeen inay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Magaalada Tel Aviv.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarkodu uu jawaab u yahay duqayn ay subaxnimadii hore ee shalay ay diyaaradaha dagaalka Israel u gaysteen garoonka weyn ee Sanca, isla-markaana ay si sax ah u bartilmaameedsadeen garoonka ugu weyn ee Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay soo rideen gantaal shalay lagaga soo tuuray dalka Yemen, ka hor inta aanu soo gelin hawada Israel.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in Israel ay kordhin doonto bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah Xuuthiyiinta.

"Sida aan sheegnay qof kasta oo na waxyeeleeya waan dhaawici doonnaa. Waxaan ugaarsan doonnaa dhammaan Saraakiisha Xuuthiyiinta, waxaana u dili doonnaa, sida aan meelo kale ka samaynay.” Ayuu yiri Katz.

Xuuthiyiinta ayaa bayaan ay shalay soo saareen ku sheegay in weerarada uga imanaya Israel ay keliya xoojin doonaan go’aanka shacabka Yemen ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in dhegahooda aysan maqlin hanjabaadaha Israel.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in mowqifkodu uu cad yahay, isla-markana ay sii wadi doonan weerarada ka dhanka ah Israel, inta ay xasuuqa ku hayso dadka reer Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa toddobaadkan weeraradii ugu badnaa ka gaystay gudaha Israel, iyadoona ay noqoneyso markii saddexaad oo Israel ay weerarto Garoonka Diyaaradaha Sanca iyo galbeedka dalkaasi, 8-dii maalmood ee ugu dambeysay.

Duqaymaha xagga cirka ee ay dhinacyadu is weydaarsanayaan ayaa waxaa muuqata inay kordhayaan, taaso uga sii dareysa xiisadda gobolka ee la xiriirta colaadda Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa bartilmamedsanaya maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, iyagoo si joogta ah u sheega in weeraradooda ay ku garab taagan yihiin dadka Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip