Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 14-12-2024

0
Saturday December 14, 2024 - 08:23:53 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 14-12-2024

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Sanad Kadib Gaariddii Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya

ayaa ku beegan sannad guuradii ka soo wareegtay markii Dowladda Soomaaliya ay gaartay barta kama dambaysta ah ee hannaanka deyn cafinta, oo ahaa dadaal socday muddo ku dhow toban sano.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku xusay guushaas taariikhiga ah iyo xaaladda dhaqaale ee dalka sannad kadib deyn cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in sannadkii la soo dhaafay aysan dowladdu wax deyn cusub ah qaadan, iyagoo diiradda saaray horumarinta dakhliga gudaha iyo dib-u-habaynta maaliyadda.

"Shalay oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado, iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markii nalaga cafiyay deyn dhan $5 bilyan oo curyaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay heshiisyo muhiim ah la saxiixatay dalalka ku jira Naadiga Paris iyo kuwa aan ku jirin ee Non-Paris Club, kuwaas oo qayb ka ahaa dadaallada lagu baabi’inayo deymaha lagu lahaa Soomaaliya.

"Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale, dowladdu waxay ka go’an tahay inay sii waddo dib-u-habaynta maaliyadda, xoojinta maamulka wanaagga, iyo kordhinta dakhliga si loo maalgeliyo adeegyada bulshada, sida shaqaaleysiinta macallimiinta iyo horumarinta adeegyada caafimadka,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Hannaanka deyn cafinta ayaa ahaa mid muhiim ah oo u suurtogaliyay Soomaaliya inay dib u hanato awooddeeda dhaqaale, iyadoo laga saaray culeysyo dhaqaale oo haystay muddo tobanaan sano ah.

Guddoomiye Madaale oo hoygiisa kulan qado sharafeed ugu sameeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hoygiisa kulan qado sharafeed iyo soo dhaweyn ugu sameeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Kulanka ayaa intiisa badan waxa uu daarnaa soo dhaweyn iyo kala xog-qaadasho, iyadoona labada mas’uul ay is-dhaafsadeen tallooyin ku aadan Horumarada ka jira Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka iyo howlaha hortabinta u leh Gobolka Banaadir.

R/Wasaare ku xigeenka XFS oo boogaadiyay natiijadii ka soo baxday shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Salaax Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara uu ahaa mid wax ku ool ah,isla markaana meesha ka saaray wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeyay labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada shaqeyn doonaan hannaan cusub oo wada ogol ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee dunida,isla markaana horay u sii riixaya danaha labada shacab iyo labada dal.

Mudane Salaax Jaamac ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ku tilmaamay mid guul ah oo wax u taraya labada dal iyo labada shacab,isagoo intaa raaciyay in mustaqbalka heshiiskaan uu keenayo in loo guuro jawi cusub oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Dalka Turkiye oo dadaal u galay isu soo dhoweynta labada dal iyo sidii loo gaari lahaa heshiis miro dhal ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya u horseeda in ay horay u wataan horumaradooda.

Wasiirka Gaadiidka XFS iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka heshiiska Hawada

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan Cigall iyo Wafdi ay hogaaminayso oo ka qaybgalaya shirka Todobaadka Amniga ee ICAO oo ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, ayaa inta uu shirku socday waxay kulan doceed la yelatay, Wasiirka Gadidka, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Saldanada Cumaan, H.E. Eng. Hamood Saciid Al Mawaali.

Waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka, Walaalnimo ee ka dhaxeeya Somaaliya iyo Cumaan ee dhanka Gaadiidka iyo Duulista hawada, iyo dhameystirka heshiiska Hawada Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo diiradda lagu saaray abuurista fursado cusub oo dhanka ganacsiga, dalxiiska iyo maalgashiga ah.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xidhiidh adag oo ka dhexeeya labada Wadan. Wasiir Fardowsa ayaa iftiimisay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ma ahan oo keliya gaadiidka iyo duulista ee sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, dekedaha, iyo meelaha kale ee faa’iidada u leh labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa u fidisay Casuumad, H.E. Eng. Al Mawaali WAsiirka Gaadiidka Ee Dalka Cumaan inuu bishan gudaheeda ku soo booqdo Soomaaliya, taasoo uu si wanaagasan u aqbalay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray fursadaha iskaashiga farsamo ee dhinacyada muhiimka ah ee duulista rayidka, oo ay ku jiraan dhisidda awoodda, amniga duulista, badqabka iyo adeegyada duulista hawada.

Ugu dambayn Wasiir Fardowsa ayaa aad ugu mahad-naqday Saldanadda Cumaan sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen iyada iyo Wafdiga ay hogaaminayso ee ka qaybgalka xafladda toddobaadka ammaanka ee ICAO, iyaga oo hoosta ka xarriiqay labada Masuul muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay horumarinta amniga duulista hawada adduunka. Ka-qaybgalkaani waxa uu astaan ​​u yahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashi faa’iido leh oo dhexmara Soomaaliya iyo Cumaan.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan looga hadlayay iskaashiga dhanka caafimaadka la qaatay dhigiisa dalka Ciraaq

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam oo Safar shaqo ku jooga magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq ayaa kulan looga hadlayay iskaashiga dhanka caafimaadka labada dowladood la qaatay dhigiisa Wasiirka Caafimaadka Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Latiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ciraaq mudane Cabdifatax Sheekh Axmed.

Wasiirka ayaa Dowlada Iraq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha Caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir soomaaliyeed taasoo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq isagoo xusay in ay si degdeg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay Deeqo-waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq.

Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahadnaqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay Dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti galinta meertada 61-aad ee shirka Golaha Wasiirada caafimaadka carabta, waxa uu sidoo kale bogaadiyay balanqaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada waddamada IGAD

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xildhibaan Sahra Yuusuf Cige iyo wafdi ay hogaminayso ayaa wadanka Djibouti kaga qaybgalay shirka Wasiirada wadamada midowga Urur Goboleedka IGAD, kuwaaso ansixinayeen Strategyada Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada 2025-2034.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay Intii uu socday shirkan oo galay maalinkiisa labaad, waxaana lagu ansixiyey qorshayaal muhiim ah oo lagu meel mariyay qorshe-hawleedka Sugnaanta iyo Nafaqada Cunnada ee Ururka Gobolleedka IGAD sannadka 2025-2034.

Kulankaan ayaa sii adkeeyndoono iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururka si loo xoojiyo dadaalada loogu jiro Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xilka Agaasimaha Guud ayaa loo magacaabay Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojinayso hay’adaha amniga iyo socodsiinta shaqooyinka muhiimka ah ee waajibaadka qaranka.

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guusha Dowladda Federaalka ee soo afjaridda khilaafka kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah.

"Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Shirka, oo saacado badan socday, ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in labada dal ay ku dhaqmaan is-qaddarin, dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo kulan la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa kulan la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Wasiir Yuusuf ayaa Madaxa (Saudi Fund for Development) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen qorshayaasha hor-tabinta u leh xukuumadda Danqaran iyo barnaamijyada horumarineed ee shaqo abuurka, taasi oo ay ugu horeyso dib-u-dayactirka dugsiyada farsamada gacanta ee dalka.

Madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada kala shaqeyn doonno arrimaha horumarinta farsamada gacanta isagoo intaas ku daray in tababaro la siin doono shaqaalaha dowlada iyo horumarinta adeegyadda aas-aasiga ee wax-tarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

Dooda Musharixiinta Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka Socota Addis Ababa

Xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa ka socota doodda musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Musharixiinta, oo goor horeba liiskooda la shaaciyey, ayaa ku tartamaya xilka ugu sarreeya ee ururka.

Saddexda musharrax ee xilkan u loolamaya ayaa kala ah Maxamuud Cali Yusuf oo ka socda Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo matalaya Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ka socda Madagascar. Qaybtii hore ee doodda musharixiinta ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo laga sugayo in doodda loo gudbiyo wareegga labaad.

Wareegga labaad ee doodda ayaa diiradda saari doona musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Afrika. Musharixiinta xilkan u taagan ayaa kala ah Salah Francis iyo Selma Malika oo Algeria kasoo jeeda, Amb. Mohamed Ahmed Fathi iyo Dr. Hanan Morsy oo ka socda Masar, Najat M. Elhajjaji oo Libya kasoo jeeda, iyo Latifa Akharbach oo Morocco metelaysa.

Waxaa la filayaa in doodaha iyo tartanka ay horseedaan go’aan muhiim ah oo saameyn ku leh hoggaanka mustaqbalka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan gaar ah la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay’adda USAID

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya Catie Lott oo ay wehliyeen Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wada shaqeyn ee ka dhaxeya SoDMA iyo USAID, sidii looga guul gaari lahaa barnaamijka haqab-tirka cuntada kaasoo ah mashruuc ay maalgelinayso dowladda Mareykanka gaar ahaan Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa Dowladda Maraykanka iyo Hay’adda USIAD uga mahadceliyay taageerada ku aaddan dowlad dhiska, hormarinta iyo bani’aadannimo ee ay muddada fog la garab taagan yihiin shacabka Somaliyed.

Imaaraatka Carabta oo soo dhoweysay heshiiskii Turkiga ee lagu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

"Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka.

Bayaankaan ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska, iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara, iyagoo xaqiijiyay ixtiraam iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga.

U diyaar garowga Xuska Aas aaska Ciidanka Booliska oo socoto

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyey shir ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aas-aaska Booliska oo ku beegan 20ka December.

Taliyaha Ciidanka Booliiska waxaa ku wehliyey Shirkaan Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socday Muqdisho iyo Guud ahaan gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa Warbixin laga dhageystey Guddiga uu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda, iyagoo Guddiga kulanka ku soo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan, oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo lagu soo dhaweeyay New Delhi

Danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Danjire, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur, Safiirada dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo ka mida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.

Intaasi kadib Safiirka cusub Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdiii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyaded oo qoto dheer, imaatinka Danjiraha cusub ayaa lafilayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dhinacNew Delhi (SONNA) – Danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Danjire, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur, Safiirada dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, dibloma-asiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo ka mida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.

Intaasi kadib Safiirka cusub Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdiii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, imaatinka Danjiraha cusub ayaa lafilayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Shiinaha oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Marwo Hodan

Shalay oo ay taariikhdu tahay 12-12-2024, Danjiraha Soomaaliya ee Dalwaynaha Shiinaha Danjire Marwo Amb Hodan Cisman Cabdi ayaa Madaxwenaha Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping si rasmiya uga guddoomey waraaqihii aqoonsiga.

Soomaaliya waxay ahayd dalkii ugu horeeyey ee ku yaal Bariga Afrika ee aqoonsada dalka Shiinaha sanadkii 1960-kii, ilaa hadana ku naaloonaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ganacsiga labada dal oo ah xiiriir taariikhiya kuna qotoma wax wada qabsi.

Bishii September ee sanadkaan intii uu socday Shirwaynihii Shiinaha iyo Afrika, ayaa sare loo qaaday xiriirka labada dal oo la gaarsiiyey heer istaraatiiji ah taas oo sii xoojineysa wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo wasiirka Cadaaladda Turkiga, mudane Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiska wareejinta Maxaabiista xukuman iyo heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada oo muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.

Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhammaystaan xabsigooda, si ay u arki karaan qoysaskoda iyo deegaankod.

Heshiiska Kaalmada Sharciga ee isku-kaashiga Dacwadaha Dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.

Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.

Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an kor u qaadista sarreynta sharciga iyo cadaaladda.

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mohamat ayaa soo dhoweeyay wadahadaladii uu garwadenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo lagu soo afmeeray khilaafkii labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha guddiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadan muhiimka iyo mas’uuliyadda adag ee ay qaadeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuun dhanka kale, dhiirageliyay in la fuliyo iyada oo aan dib loo dhigin tillaabooyinka muhiimka ah ee hore loo qaaday.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Moussa Faki, ayaa bogaadiyay kuna hambalyeeyay madaxweyne Erdogan taageeradiisa hagar la’aanta iyo martigelinta kulankan iyo dadaalkii uu ku bixiyay ka mira dhalinta xalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay oo meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb galay dalka Ciraaq

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, ayaa ka qayb-galay meertada 61-aad ee shirka golaha wasiirada caafimaadka Carabta oo lagu qabtay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha caafimaadka ee gobolka, iyadoo la adkeynayo iskaashiga iyo istiraatiijiyadda horumarinta adeegyada caafimaad ee waddamada Carabta.

Wasiir Cali ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dib u habeynta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xiriira hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimadka, iyadoo la xoojinayo tababarka iyo baahinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada joogtada ah ee dhinaca caafimaadka ee dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta.

Dufcaddii ugu horreysay oo u fariisatay imtixaanka Diploma Sare ee Diblomaasiyadda

Waxaa Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarrada ee Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ka qabsoomay Imtixaanka tijaabada Dufcadii ugu horeysay ee loo qaadanayo Diploma sare dhanka Diplumaasiyada oo uu Mac-hadku bilaabayo Bishan gudaheeda.

Imtixaankaan ayaa waxaa ka qeyb galay arday tiradadoodu dhan tahay 40 arday oo ka kala socday shaqaalaha Wasaarada Arimaha Dibada iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.

Munaasibada waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Machadka Danjire Abdulqadir Amin Sheikh, Agaasime ku xigeenka Machadka Prof Abdiqani Hassan Abdulkadir iyo dhammaan Howl Wadeenada Machadka.

Dhawaan ayaana la filayaa in si deg deg ah loo soo saari doonaa Natiijada Imtixaanka, iyadoo intaas kadib Qorshuhu yahay in Ardayda Baasta ay si toos u bilaabi doonaan Macadka.

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) u doortay Gudoomiyaha golaha, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Fatuma Taxadar Yusuf ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Hoggaanka la doortay ayaa ballanqaaday inay diiradda saari doonaan midnimada iyo horumarinta guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo doorka warbaahintu ku leedahay horumarinta bulshada iyo dalka.

Golaha Wasiirrada oo ku dhawaaqay baaris ku saabsan xiriirka Axmed Madoobe iyo Al-shabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyagoo guddi u magacaabay baaritaanka nooca xiriir ee ka dhexeeya eedeysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Al-shabaab, ka dib weerarkii uu ku qaaday Fariisin ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lahaayeen deegaanka Raaskambooni.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-Cadaala), oo ka warbixiyey qodobada shirka, ayaa sheegay in golaha si adag u cambaareeyay weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabo laga xumaado, isla markaana sheegay inay ka dhalan doonto cawaaqib iyo isla xisaabtan.

Ankara oo lagu soo gabagabeyey Shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara 12 December 2024: Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Somalia.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qaranimada, madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Shirkadda Hormuud Telecom oo mar kale taariikh sameysay

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa qortay bog cusub oo taariikh ah, ka dib markii ay tartan caalami ah kaga guuleysatay shirkado badan oo kula tartamayay abaalmarinta caalamiga ah ee waxtarka ama kaalmeynta bulshada.

Munaasabad habeen hore ka dhacday Magaalada London ayaa Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay shirkadda ugu wanaagsan ee taakuleysa bulshada.

Hormuud ayaa tartanka adag la gashay shirkado isgaarsiineed oo ka kala socday qaaradaha adduunka, waxaana tartanka isugu haray illaa sideed shirkadood, oo markii dambena ay kaalinta koowaad ku soo baxday Hormuud Telecom.

Abaalmarintan oo ah mid sanad kasta ay bixiso Shirkadda Total Telecom ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu bixiyaa qiimeynta ay sameeyaan khubaradeeda, iyadoo meelo kala duwan laga eegayo u khidmeynta bulshada.

Khubaradii wax qiimeysa ee Total Telecom oo baaritaankooda soo waday billihii u dambeeyay ayaa isku raacay in Hormuud Telecom ay tahay shirkadda ugu wanaagsan ee sanadkan 2024, iyadoona ka saamayn badatay 7-dii shirkadood ee kale ee kula soo haray tartanka, kuwaa oo ay ka mid yihiin Shirkadda GSM Systems ee Mareykanka, Telia ee Norway, SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed, Telecom Egypt ee Masar, Moldcell ee Moldova, PLDT & Smart ee Filibiin (Philippines) iyo Digicel ee dalka Jamaica.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in shirkaddu ay abaalmarinta ku muteysatay wax u qabashada bulshada.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in markii ugu horreysay ay noqoneyso oo Hormuud Telecom ay ku guuleysato abaalmarintan caalamiga ah, inkastoo sida uu sheegay ay shirkaddu ku guuleysatay abaalmarino kaloo caalami ah.

Bishii hore ee November ayay ahayd, markii Hormuud Telecom ay ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip