Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 12-12-2024
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Ankara
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowlada iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aadan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.
Madaxweyne Erdogan oo madaxtooyada Ankara ku soo dhaweeyey madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socda xarunta Madaxtoyada Turkiga ee magaalada Ankara.
Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wafdiga uu hoggaaminayo Madax-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soom-aaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Hay’adda IMF oo oggolaatay in 10 Milyan oo Doollar la siiyo Soomaaliya
Guddiga Sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa soo gabagabeeyey wada tashigii iyo dib u eegistii labaad ee hoos timaada nidaamka deyn cafinta (ECF) ee Soomaaliya.
Dib u eegistan kaddib, Guddiga sare ee IMF ayaa u oggolaaday Soomaaliya in si degdeg loo siiyo qiyaastii lacag dhan $10 milyan, taasoo wadarta guud ee lacagaha IMF siinayso ka dhigaysa $60 milyan.
Taageeradan dhaqaale ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo xasilloonida kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Dib-u-habayntan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ka dib markii Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sarreeyey ee Hindisaha Waddamada deymaha badan lagu leeyahay.
Ku-xigeenka Agaasimaha Mamulka IMF, Mr. Bo Li, ayaa bogaadiyay dib u habeynta joogtada ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyada, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda maareynta deymaha.
"Xoojinta abaabulka dakhliga gudaha ayaa weli ah mid muhiim ah iyadoo deeqaha dibadda ay hoos u dhacayaan, Soomaaliyana waxay sii wadaysaa inay wax ka qabato baahiyaha ballaaran ee bulshada iyo horumarinta," ayuu yiri.
Hay’adda IMF ayaa sidoo kale bogaadisay dadaalka dib loogu dhisayo awoodda bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo diyaarinta dib u soo celinta lacagta shilinka Soomaaliga, oo ay taageerayaan IMF iyo Bankiga Adduunka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir Mareeye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda. Intii uu halkaas ku sugnaa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ammaanay dadaalka wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda, gaar ahaan doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen Madashii Qorshaha Qaranka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay.
Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha ay soo bandhigtay qorshayaal wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku boorriyay in la kordhiyo wax-soo-saarka beeraha si loo yareeyo saboolnimada, loona gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kormeeray waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, oo ay ka mid tahay waaxda badbaadada dhirta iyo sheybaarka wasaaradda. Halkaas ayuu warbixin kaga dhageystay agaasimaha waaxda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha sheybaarka, isagoo bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee uu sheybaarku u qabto dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Beeraha ayaa balanqaaday in la horumarin doono sheybaarka si loo ballaariyo adeegyada uu bulshada u qabto.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladdu la leedahay dadka beeraleyda ah.
Wasiirka Caafimaadka XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Adan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad ee Dalka Ciraaq Halkaas oo u joogo Howlo Shaqo.
Wafdiga wasiirka oo gaaray Magaalada Baghdad ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Bagdhad kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Ciraaq isagoo maalmaha soo aadan ka gayb galaya Meertada 61-aad ee Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay tahay xubin muhiim oo ka tirsan Golahan.
Wasiirka ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Ciraaq waxa uu kulan doceedyo loogu qareemayo horumarinta caafimaadka la yeelan doonaa dhigiisa dalalka ku bahoobay jaamacada Carabta.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan gaar ah la
qaatay madaxweyne ku-xigeenka Hey’adda
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 12-12-2024
.....