Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 11-12-2024
Madaxweynaha JFS oo u safray Turkiga
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedralka ah ee Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ka dib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.
Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.
Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Raysulwasaaraha Itoobiya.
Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa wajibka ka saaran ilaalinta Madaxbananida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka galidoonin ilaalinta Midnimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho
Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimada doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Sooma
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo dorashoyinka dadwenaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.
Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Al-shabaab ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddo oo interlock
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo interlock oo laga hirgeliyay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka iyo Bulshada Degmada Hodan iskaashiga ay ku dhisteen waddooyinkaan oo muhiim u ah isku socodka iyo bilicda Degmada, asigoona sheegay in Degmada Hodan ay tusaale muuqda u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee shalay la xarig jaray ayaa loogu magacdaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona munaasabadda xarig jarka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Axmed Faarax, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Wasiir Biixi oo shir ku saabsan dhaqaalaha Afrika uga qaybgalay Marocco
Wasiirka Maaliyadda
XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay ka qeyb galay dood heer keedu sareeyo
oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika
iyo aqoon yahano ku xeel-dheer arrimaha dhaqalaha, dooddaas oo diiradda lagu
saaray arrimaha deymaha iyo sidii maalgalin u heli lahaayeen dalalka gobolka,
xili maalinkii 2-aad uu soconayo shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 11-12-2024
.......