Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 10-12-2024
Duqa Muqdisho oo dalacsiin ka timid Madaxweynaha JFS u xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay daraja dalacsiin ah oo ka timid Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar kadib munaasabad ka dhacday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar General Maxamed Cali Carabow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha JFS dalacsiinta saraakiisha shalay dalacday ee darajada loo xiray kuwaas oo door muhiim ah ku leh hoggaaminta taliska.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda Caasimadda iyo ka hortagga maandooriyaha sidoo kale wax uu sheegay in had iyo jeer ay ka go’an tahay dhiiragalinta iyo tayeynta ciidanka.
Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo siday Hub sharci-darro ah.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo cambaareeyay Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha ayaa sidoo kale sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.
"Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo kamid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.
Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka.
"Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.
Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhoor jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taas uu kula kulmay waji kabax dhan kasta ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo Abu Dhabi shir uga qaybgalay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Isku-tagga Imaataatka Carabta uga qayb galay shirka Guddiga Joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta, kaasoo looga hadlay xadgudubyada lagu haayo walaalaheen Falastiin iyo sida ay Warbaahinta dalalka Carabta iskaashi uga sameyn lahayd.
Shirkan oo shalay soo gabagaboobay ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo sameyn lahaa Platform Baraha Bulshada ah oo dalalka Carabta leeyihiin kaasoo la jaan qaadaya Tignoolajiyada cusub, iyo in Warbaahinta Carabta iska kaashadaan la dagaalanka fakirka gurracan ee argagixisada iyo arrimo kale.
Guddigan oo hoos taga Golaha Wasiirada Warfaafinta dalalka Jaamacadda Carabta ayaa la go’aamiyay in caasimadda Kuwait loo aqoonsado in 2025 ay noqoto caasimadda Warbaahinta Carabta.
15 jirada Ciyaartoyda Soomaaliya oo shalay u safray dalka Uganda
Waxaa shalay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka ambabaxay Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 15 sano.
Da'yartaan matalaysa Qaranka Soomaaliya ayaa Magaalada Kampala Caasimadda dalka Uganda uga qaybgalaya isreeb reebka Koobka Iskuullada Afrika, gaar ahaan dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Ciyaartooydaan ayaa shalay si heer sare ah looga sagootigayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga rajeynaayo in tartankaan kasoo hoyaan guulo wax ku ool ah.
Masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo dadka daneeya Ciyaaraha ayaa ka qayb galay sagootinta da’yartaan magaca Xulka Badweynta Hindiya ku metalaya Soomaaliya tartamada isreeb reebka ah ee ka dhacaya dalka Uganda.
Tartankaan waxaa loo ciyaari doonaa qaab horyaal ah iyadoo dhamaan xulalka ka qeyb galaya ay is wada arki doonaan, waxaana guuleysan doona xulka ugu dhibcaha badan oo si toos ah uga qeybgali doona tartanka CAF African Championship ee dhici doona 2025.
Waa markii sadaxaad ee la qabto tartankaan ka dhici doona garoonka Ciyaaraha ee St. Marys Stadium oo ku yaala Magaalada Entebbe, waxaana ciyaartoydaan da'yarta hoggaaminaya macalinka lagu magacaabi Mahad Maxamed Xaaji ‘Maicon.
Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray
Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda, iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.
Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.
Shalay oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.
Dadka shalay ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo al-shabaab "Guulaha laga gaaray Dagaalka Al-shabaab, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Al-shabaab ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir jaamac.
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Al-shabaab wuxuuna intaa ku daray” Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Al-shabaab ku marin habaabinaysay Dadkeena”.
Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.
Masuu’liyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed "Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena”
Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri "Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Al-shabaab ay ku marin habaabinayaan bulshada”
Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.
Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.
Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.
Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee daraad galinkii dambe lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.
Safiirka Soomaaliya ee Tanzani oo kormeer kusameyay xarunta safaaradda
Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa kormeer kusameeyey qeyb kamid ah hantida maguurtada ah ee dalkeena ku leeyahay Tanzania oo ka kooban dhulka xaruntii hore ee safaaradda iyo guriga degaanka safiirka halkaas oo ay safaaradeenu si ku meelgaar ah hada ugu howlgasho.
Danjire Ilyaas ayaa sheegay in uu dhulkii Qunsulyadeenii hore ee Dar es Salaam iyo dhul ballaaran oo ay noogu deeqdey dowladda Tanzania oo sidoo kale kamid ah hantideena maguurtada taasoo muujineysa ahmiyadda uu leeyahay xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal.
"Insha Allah, waxaan diiradda saari doona Aniga iyo Teamkeyga safaarada soo celinta bilicda xarumahan iyada oo la kaashaneno Dowladena Soomaalia, Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankan Tanzania”. ayuu yiri danjire Ilyaas Cali Xasan
Taliyaha Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland oo ku baaqay in ciidanku ku milmin khilaafka siyaasiga ah
Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee ka howlgala deegaanada Jubbaland Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee ciidamada ineysan ku dhex milmin khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland.
Gaashaanle Carab Dheeg ayaa sido kale xusay in ciidanka Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland iney u baahan yihiin dalacsiin darajooyin ciidan ah oo ay mudan yihiin hadii ciidan la dalacsiinaayo.
Taliyaha ayaa tilmaamay inuu marar badan ka dalbaday madaxda dowladda in ciidamada ku sugan deegaanada Jubbaland ee dagaalka culus kula jira kooxda Al-shabaab iney helaan dalacsiin, hayeeshee aysan wax jawaab ah ka madaxda dowladda Fedaraalka.
"Madaxda ugu sareyso dalka kal hore ayaan ka codsanay inaan helo dalacsiin darooyin ciidan ah, mana nooga soo jawabin, balse waxaan aragnay ciidan ka tagay Daraawiishta Jubbaland oo si fudud dowladda ku siisay darajooyin dalacsiin ah, taasna wax wanaagsan maha in dowladda ciidankeeda dalacsiin weyso kuwa dano siyaasadeed ku yimidna si sahlan loo dalacsiiyo" ayuu yiri Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg.
Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale xusay in ka ciidan ahaan aysan ku milmi doonin khilaafka culus ee xiligaan u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka.
"Anaga shaqadeenu mahan inaan ku milano khilaaf siyaasi ah, cadawgeenu hal oo waa Al-shabaab ciidan kale waxba inagama quseeyaan oo way naga nabad galayaan, madaxdana waxaan leeyahay qori wax lagu xaliyay wali lama arkin ee xalka halkaas yuusan idinka galin, ciidankana waxaan leyahay khilaaf siyaasi ah wuu dhamaan doona ee howshiina qabsada" ayuu yiri Taliye Gaashaanle Carab Dheeg.
Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Ururka 162-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka maalin ka hor darajooyin ciidan ku abaal marisay ciidan dhawaan kasoo goostay maamulka Jubbaland oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay dhallinyaro tahriibayaal ah oo ku xirnaa Suudaan
Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay dhallinyaro tahriibtay oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Suudaan.
Dhalinyaradan ayaa muddo saddex bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif ee dalka Suudaan.
Dhalinyaradan, oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood), ayaa lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay si tahriib ah uga gudbaan xuduudaha dalka Suudaan.
"Dadaal ay dowladdu sameysay ayay ku timid idinkoo nabad qaba inaad dalka kusoo noqotaan," ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sii deyntooda ayaa suurtagal noqotay kadib dadaal wadajir ah oo ay bixiyeen Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM) iyo xafiiskeeda Portsudan oo kaashanaya hay’adaha amniga ee Suudaan.
Waxaa weli xabsiyada dalkaas ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah oo baaritaanno lagu wado, kuwaas oo la filayo in dhowaan la sii daayo si ay ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya.
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Axmed Suudaani ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xaaladaha adag.
Wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee fududeeyey sii deynta dhalinyarada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah.
Bandhigga Buugga "Macallinkeen Allow Kaal" oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay
Waxa Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Buugga " Macallinkeen Allow Kaal" oo uu qoray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, waxaana goob joog ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Mas'uuliyiin kale iyo ururada Waxbarashada dalka ah kuwaasi oo buux dhaafiyay hoolkii ay ka dhacday soo bandhigida Buuggaan.
Buuggaan oo ka kooban 8 Cutub ayaa ka hadlaya Doorka muhiimka ee Macalimka Bulshada ku dhex leeyahay iyo waxbarashada, waxaana uu xooga ku saaray qoraaga buuga heerarkii kala duwanaa ee Waxbarashada dalka ay soo martay iyo daruufihii Macalimiinta ay ku shaqeyn jireen.
Dr Cabdinuur ayaa sheegay in faa'idada buuggaan uu yahay in Jiilka naga dambeeya ay akhrisan doonaan, sidoo kale waxa uu dhiirigelin doonaan ardayda Soomaaliyeed oo ay ka helaan xikmado qiima leh, waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaan buuga meel la iska dhigin ee la akhriyo.
Buugaan waxaa ku qoran Wasiiradii Soomaaliya ee kasoo shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashada, sidoo kale Taariikhaha macalimiinta ee qaar kamid ah iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabadaan oo wasiiro, Xildhibaano iyo ururada Waxbarashada oo goobta ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Dr Cabdinuur sida uu isku xilqaamay xog uruurinta buuggaan ku jirta iyo qiimaha macalimka uu leeyahay waxa ay kasoo qeyb galayaasha ka codsadeen in buugaan loo qaato dhiirigelin sooyaalka Waxbarashada Soomaaliya sida laga dheehan karo Sawirka hore ee Buugga ku sawiran.
Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin ayaa safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo daah-furay Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa soo xiray shirka Madasha Bani’adanimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) kaas oo looga hadlayay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadanimo ee waddanka, kana dhacay magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.
Madasha ayaa isku keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, waxaana diiradda lagu saaray dadaallada ku wajahan la qabsiga saameynta La Nina, xoojinta dadaallada adkeysiga, iyo dib u habeynta qorshaha ka jawaabista baahiyaha bani’aadamnimada (HNRP) ee 2025.
Sidoo kale, shirka waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhammaan hay’adaha dawladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada, iyo bulshada rayidka ah si loo hagaajiyo howlaha diyaargarowga iyo xoojinta howl-gallada ka jawaabista.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa khudbadiisa soo xiritaanka shirka si weyn u boorriyay qodobbada laga dooday iyo sida ay madaxda iyo kala qeyb-galayaashaba kaga go’antahay u adeegista dadka danta yar iyo raadin xalal waara oo kama danbeys ah.
Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Maamulka Caasimadda, hoggaanka Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Dowlada Federaalka ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya.
Mudane Cabdifataax Nuur Mataan ayaa tilmaamay in dibadbaxyadii ka dhacay Gedo uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda iyo in garab taaganyihiin dowladda soomaaliya kana soo horjedaan xadgudubka gurracan ee Itoobiya.
"Shacabka Beledxaawo waxa ay garab taaganyihin dowladnimadda, waxa ayna mujiyeen sida ay u diidanyihiin xadgudubka itoobiya, anigoo ah kusimaha guddoomiyaha dhammaan xubnaha maamulkana waan ku garb taaganahnay dowaldda difaaca madaxbannanida dalka” ayuu yiri Cabdifataax Nuur Mataan.
Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in maamulka waqtigiisu dhammaaday ee jubbaland usan waxana ka qaban Arrimaha bulsahada, sida caafimaadka iyo waxabarashada, dowladana ay ka rajeynayaan in waxa ka qabato baahiyaha shacabka Degmada Beledxaawo.
Somaliland oo Markii Ugu Horraysay Yeelanaysa Xeer Warbaahineed oo Rasmi ah
Waxa shalay Golaha Wakiilada Somaliland la horgeyay xeer saxafaded oo lagu dhaqi doono warbaahinta Somaliland, kaasi oo noqon doona xeerkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay warbahinta Somaliland yeelato abid.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan,' oo xeerkan shalay horgeeyay Golaha Wakiilada, ayaa ka warbixiyay muhiimaddiisa, waxaana la aaminsan yahay in uu wax ka tari doono xadgudubyada loo gaysto wariyayasha iyo hay’adaha warbahinta.
"Xeerkani wuxuu saxaafadda siinayaa xorriyadaha aasaasiga ah ee dastuuriga ah. Sidoo kale, wixii xadgudub saxaafaddeed ayuu xaddidayaa ama lagula xisaabtamayaa qaab nidaamsan. Xeerkani waxa uu meesha ka saarayaa in haddii saxaafaddu ay xadgudubto loo maro xeerka ciqaabta; waxa loo marayaa nidaam madani ah," ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.
Xeerkan oo muddo badan qabyo-qoraal ahaa, ayaa waxa isku soo afgartay xukuumadda, Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA, iyo hay’ado caalami ah oo ku lug lahaa taabagelinta xeerkan. Xeerkan ayaa waxa si weyn u danaynayay guud ahaanba saxaafadda Somaliland.
"Waa xeer casri ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, diinta Islaamka, shuruucdeena, iyo dhaqankeennaba," ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan, isaga oo sharaxaad dheeraad ah ka siinayay Golaha tayada xeerkan cusub.
Xeerkan ayaa waxyaabaha uu xoogga saarayo waxa ka mid ah ilaalinta xuquuqda lahaanshaha, maadaama oo ay dhacdo in barnaamij uu saxafi ku tabcay ay cid kale iska baahisato ogolaansho la’aan. Sidoo kale, waxa uu saxafiyiinta ka ilaalinayaa in mulkiilayaasha warbaahintu ku xadgudbaan xuquuqdooda.
Sharcigan waxa kale oo uu saxafiga awood u siinayaa in uu xog ka heli karo hay’adaha kala duwan ama ilo-wareedyada. Sidoo kale, waxa uu mamnuucayaa in saxafigu qod qodo xogaha la xidhiidha amniga xasaasiga ah ee baahintoodu ay khatar keeni karto.
Baydhabo: Codka dhallinyarada iyo hindise-sharciyeedka ka hortagga leexinta gargaarka
Shir heer sare ah oo ka dhacay Baydhabo intii u dhaxeysay 5 ilaa 9 bishan Diseembar oo looga hadlayay ansixinta hindise-sharciyeedka ka hortagga leexinta gargaarka ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si weyn diirada loogu saaray muhiimadda matalaadda dadka laga tirada badan yahay iyo dhalinyarada.
Caa'isha Cumar Maxamed, oo ah 24-jir ka shaqeysa Wasarada Waxbar-ashada, ayaa ka mid ahayd dadka hadalka qaatay, iyadoo codkeeda u adeegsatay kor u qaadista arrimaha muhiimka u ah bulshadeeda.
"Markii aan soo galay madasha, ma hubin in codkaygu saameyn yeelan doono laakiin waxaan ogaa inaanan aamusi karin maadaama aan matalayo dad aan cod lahayn," ayay tiri Caa'isha.
Caa'isha waxay diiradda saartay sida leexinta gargaarka ay si gaar ah u saameyneyso bulshoyinka la haybsoco e ku tiirsan kalmoyinka bani’adamnimo. Waxay ku baaqday in la sameeyo hab-raacyo hufan oo hubiya in gargaarku gaaro dadka loogu talagalay.
"Leexinta gargaarku waa dhibaato ba’an oo saameysa dad badan oo aan haysan wax kale oo ay ku tiirsan yihiin,” ayay tiri, iyadoo dalbatay in talaabo sharciyeed laga qaado kuwa ku lug leh musuqmaasuqa noocaan ah.
Intii uu socday shirka, Caa'isha waxay su’aallo weydiisay madaxda dawlada, waxayna soo jeedisay in sharcigan muhiimka ah aan lagu koobin oo keliya Koonfur Galbeed balse loo baahan yahay in laga hirgeliyo dhamaan dalka. Waxay sheegtay in bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku nool gobollada kale ee Somaaliya ay la kulmaan dhibaatooyin la mid ah kuwa Koonfur Galbeed.
"Sababta aan su’ashaas u weydiiyay waxay ahayd inaan iftiimiyo in bulshadayda oo dhan ay mudan tahay in ay helaan xuquuqaha aas-aasiga, cadallad iyo sinnaan dhab ah,” ayay tiri.
Ka-qaybgalka Ca'isha wuxu muujiyey doorka dhalinyarada ee qaabeynta siyaasadaha Soomaaliya. Waxay iftiimisay in dhalinyarada laga tirada badan yahay ay si firfircoon uga qayb qaadan karaan dhismaha doladnimada Soomaaliya, haddii la siiyo fursado ay kaga qaybalaan madalaha noocaan oo kala ah, kuna cabbiraan fikradahooda.
Iyadoo shirka uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo loo qabto Koonfur Galbeed, Caacisho ayaa qirtay in waqtiga kulanka oo koobnaa u diiday inay soo bandhigto dhamaan aragtiya-deda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku faraxsan tahay in loo ogolaaday inay talooyinkeeda iyo su’aalaheeda ku gudbiso ciwan email ah oo loo sameyey uruurinta talloyinka ka qaybgalayasha.
Caa'isha, oo shahaadada koowaad ka qaadatay Jaamacadda Aden Cabdulle Cisman ee Muqdisho sanadkii 2023, aya caqabado bdan kala kulantay shaqo raadinta. Bilowgii sanadkan 2024 waxey fursad u heshay kamid noqoshada barnaamijka John Lewis Minority Fellows, kaas oo ka caawiyay helida tababaro iyo meeleyn shaqo.
Fursadan, waxey Caacisho siisay faham iyo door ay kaga falceliso caqabadaha la xiriira arimaha gargarka ee ay wajahayaan bulshooyinka la heebsooco iyo kuwa laga tirada badan yahay ee Koonfur-Galbeed. Waxay rajeyneysaa in sharcigan uu noqdo mid dhammeystiran oo difaaca xuquuqda kaalmooyinka bani’aadantinimo.
"Sharcigan waa bilow muhiim ah, laakiin weli naga horreeyay waddo dheer,” ayay tiri, iyadoo xustay inay sii wadi doonto dadaalka ay ku taagerayso dhismaha sharciyo dhowraya xuquqda dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Shirkan ka dhacay Baydhbo wuxuu muujiyay muhiimada matalaada dhamaan bulshooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaabeynta sharciyo iyo siyasado wax tar leh oo loo dhanyahay. Cododka dhallinyarada firfircoon, sida Caa'isha waxay tusaale u yihiin doorka dhallinyarada ee dhismaha dowladnimada iyo dedaalka qaran ee lagu xaqiijinayo helida xuquuq siman.
Maraykanka oo qaaday duqaymo lagu bartilmaameedsaday xeryo ay leeyihiin kooxda ISIS
Ciidamada Marekanka (CENTCOM) ayaa qaaday tobanaan duqaymo ah oo lagu bartilmaameedsaday xeryo ISIS ay ku leyihiin bartamaha dalka Suuriya.
Duqeymahan ka dhanka ah horjogay-asha, howl-wadeenada iyo xerooyinka Daacish, ayaa qeyb ka ah howlgalka looga hortago in kooxaha argagixisada ah ay fuliyaan howlgalo dibadda ah, isla markaana Daacish aysan dooneyn inay ka faa’ideystaan. xaaladda haatan ka jirta Suuriya.
Hawlgalku wuxuu gantaalo ku garaacay in ka badan 75 bartilmaamed. Waxaa socda qiimeynta khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiraan waxa muujinaya khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.
"Shaki kuma jiro -mana oggolaan doono in ISIS ay dib isku dhisto oo ay ka faa'iideysato xaaladda hadda ka jirta Suuriya. Dhammaan ururada Suuriya waa inay ogaadan inaan kula xisabtami doono haddii ay la shaqeeyaan ama taageeraan ISIS,” ayuu yiri General Erik Kurilla oo howlgalkan hoggaaminayay.
Maraykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono fulinta hawlgallada lagu dhimayo awoodda hawlgallada ISIS.
Madaxweynihii la afgembiyay ee Suuriya oo magangelyo ka helay Ruushka
Ka dib saacado badan oo dadku ay ku jahwareersanaayeen halka uu ninkaasi ku sugan yahay ayaa waxaa haben hore soo baxay warar sheegaya inu ku sugan yahay Magalada Moscow.
Madaxweyne Bashar Al Assad ayay dadku ugu war dambeysay, isagoo Axaddii diyaarad ka raacay Magaalada Dimishiq, ka dibna la waayay halka uu jaan iyo ciriba dhigay. Saacado ka dib markii uu ka ambabaxay Dimishiq ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in diyaaraddii uu la socday ay lumisay xiriirka, markii ay mareysay Magaalada Homs, taasoo keentay in dadka qaarkii ay shaki geliyaan inuu nool yahay.
Warbaahinta Ruushka ayaa habeen hore caweyskii shaacisay in Madaxw-eynihii la afgembiyay ee Suuriya uu nool yahay, isla-markaana uu ku sugan yahay Moscow.
Aqalka Kremlin-ka ee Rusuhka ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Assad iyo qoyskiisuba ay heleen magangelyo siyaasadeed.
Assad ayaa ka cararay dalkii uu 24-ka sano xukumayay, ka dib kacdoon aan horey noociisa loo arag oo uu kala kulmay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladdiisa.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa so dhaweeyay dhicitaanka nidaamka Assad, wuxuuna ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo dadka Suuriya ay ku dhisan karaan mustaqbal wanaagsan.
Madaxweyne Biden ayaa Suuriyanka uga digay inay lumiyaan fursaddan dahabiga ah, isla-markaana aanay dalkooda u horseedin, waxa uu ku tilmaamay xaalad khatar ah.
Qabsashada mucaaradka ee Suuriya ayaa dalka u jiheynaysa jid cusub, ka dib dhowr iyo konton sano oo Dowladda Shiicada ay ka arrimineysay dalkaasi.
Is bedelkan ayaa talada dalka dib ugu soo celinaya Sunniyiinta u badan dalkaasi.
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 10-12-2024
.........