halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 9-12-24

0
Monday December 09, 2024 - 10:44:08 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 9-12-24

    ..........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..........

Wasiirka Gaashaandhigga "Guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeyb galayay shirka madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta ayaa sheegay in warbaahintu ay kaalin wey ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab iyo sidii bulshada looga wacyigalin lahaa fariimaha qaldan iyo ka been sheegida diinta islaamka.

"Guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah maadaama ay soo bandhigtay boobka ay dadka u geysteen” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamad Nuur.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in dowladda ay guula wawey ka gaartay dagaalka lagula jira al-shabaab,waxa una warbaahinta dhamman ugu baaqay in laga wada shaqeeyo mideynta fariimaha dowladda iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Shirka madasha Istiraatiijiyadda iyo xiriirka warbahinta Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfafinta ayaa ujeedka ugu muhiimsan waxa uu yahay sidii loo mideyn lahaa fariimaha dowladda iyo ka shaqeynta qorshaha hormarinta dalka, waxana ku biiray shalay wasiirro iyo xubno katirsan beesha caalamka

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo Maalintii labaad ka socdo Muqdisho

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo galay maalintii Labaad,waxaa hoolka shirka kusoo biiray Wasiirro ka tirsan Xukuumada fadaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Cabdirahmaan Yusuf Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS, Mohamud Beenebeene,Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qayska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Madax ka tirsan Dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, SSC Khaatuma, Wakiilo ka socda Beesha caalamka iyo Marti kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafint Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maalintii labaad ka qeyb galayo shirka ayaa sheegay in dowladda aya dadaal badan ku bixisay sidii loo mideyn lahaaa fariimaha dowladda.

"Sanad iyo barkii lasoo dhaafay XFS waxa ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa farriimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Madashaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

Xoghaya joogtada wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdalka joogtada ahayn iyo saamentiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’adanimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha hormarineed ee Soomaaliya. Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip