halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 8-12-24

0
Sunday December 08, 2024 - 10:41:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 8-12-24

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweynah JFS: Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada daraad salaadii Jimcaha kaddib ayaa ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo kamid ah maamulkaas ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

"Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, isagoo tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka in goobo dalka kamid ah la yiraahdo ma imaan kartiin inaysan sax aheyn.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay "Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan.”

Istaraatiijiyaddu waxey salka ku heysaa mabda’a cadaaladda muwaadinka ay u adeegayso uu aasaas ka yahay, iyadoo u hiilineysa shacabka qaybihiisa nugul sida haweenka, carruurta, waxeyna si cad u qeexaysaa waddada loo marayo dhismaha hannaan cadaaladeed isku dhafan, la jaan-qaadaya nidaamka federaalka, kuna saleysan qiyamka, dhaqanka iyo diinta suuban, isla markaana tixgelinaya duruufaha iyo baahiyaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay waajahayaan.

Ra’iisul wasaare Xamsa "Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caddaaladdu ay laf-dhabar u tahay nolosha bulshada, haddii aan si wadajir ah looga shaqeynna aan la gaari karin wax horumar ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la helo xeerar iyo sharciyo dhammeystiran oo hagaya hannaanka caddaaladda dalka, si ay bulshadu u helaan garsoor loo wada siman yahay.

"Caddaaladdu nolosha waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, amni ahaan iyo hoggaan ahaan intaba, waa arrin muhiim ah, waxa ayna la xiriirtaa xuquuqda iyo runta oo la caddeeyo, iyada oo aan dadka loo kala sarrey siineyn midab, qabiil iyo awood midna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka ka shaqeynta istaraatiijiyadda Qaran, ayaa kula dardaarmay bahda garsoorka dalka in ay si siman ugu adeeggaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara eex iyo ku takrifal awooddeed.

Kalfadhiga shanaad ee golaha Aqalka sare oo shalay si rasmi ah u xirmay

Kalfdhiga shanaad ee Golaha Aqalka sare ayaa shalay si rasmi u soo xirmay, waxaana golaha u qabsoomay 27-fadhi oo lagu ansixiyay 8-sharci oo muhiim ah.

Golaha Aqalka sare oo 11-fadhi oo ay si wadajir ah ula yeesheen Golaha Shacabka, waxaaa lagu ansixiyay afar sharci iyo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha.

Shuruucda la ansixiyay waxaa si qota dheer uga shaqeeyay guddiyada kala duwan Aqalka oo la-tashiyo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada ay quseeyeen sharciyada la meel mariyay, si loo turxaan bixiyo.

Latashiyada soo-Jeedinta Waxkabadelka Dastuurka oo la gaarsiiyay Soomaalida kunool Qurbaha

Latashiyada Soo-Jeedinta Waxkab-adelka Dastuurka ayaa loo dhaa-dhiciyay Soomaalida kunool Qurbaha, Iyadoo daraad Lugta koowaad ee Shirarka Qurbajoogta lagu qabtay Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Muwaadiniinta Soomalaiyeed ee ku nool dalkaasi Kenya gaar ahaan Caasimaddiisa Nairobi ayaa Waxaa Daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xassan Macallim Maxamuud (Hassan Sheikhali ).

Waxaana Sidoo kale Shirka ka qayb galay Madax Sarre oo katirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS & Hay’adaha uxil saaran Dastuurka, Qorshaha ayaa ah in Laballaariyo Latashiyada Dastuurka Lana gaarsiiyo Waddamo badan oo dunida ah Si Fursad loo siiyo Tallooyinka Muwaadiniinta Soomaliyed ee Kunool Dalalkaasi.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo daah furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbahinta Soomaaliya oo Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay marti-gelineyso.

Madashan waxa ku kulmay Masuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Masuliyiin sare, khubaro, aqonyahano iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqaba-daha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

Dowladda oo Muqdisho ka soo dejisay dhallinyaradii laga soo badbaadiyey xeebaha Madagascar

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka soo dejisay ku dhwaad 100- dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar, kuwaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Qaar ka mid ah Dhallinyarada dib loo soo celiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dib ugu soo noqoshada dalkooda, waxayna tilmaameen in ay dhibaato badan kala soo kulmeen safarkoodii Bada, islamarkana dooni ay saarnayen dad gaaraya 70-Qof ay ku qalibmatay Bada Jaziirada Madasg-arcar.

”13-maalin ayaa waxaan ku jirnay Badda annagoo doomanka ay naga fariisten, bilaa darawal ah, matoradana ay naga halaabeen, Alxamdullilaah Illaah baa naga soo badbaadiyay, Dowladena iyo Dowladda Madagascar aad ayaan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaradii la soo badbaadiya oo dareen hadlayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay diyaarad gaar ah u dirtay dhallinyaradii Soomaaliyed ee laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Madagascar, halkaas oo ay ku geeriyoden in ka badan 20 qof.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay furitaanka tartanka cayaaraha Golaha Sharci dejinta EALA

Danjire JabriIl Ibrahim Cabdullle ayaa shalay ka qaybgalay xafladda furitanka Tartanka Ciyaaraha Golaha Sharci Dejinta ee dalalka Bariga Afrika ee marka la so gabiyo lo yaqaano (EALA). Tartankan aya ka dhacaya magalo xebedka Mombasa e dalka Kenya.

Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxwenaha dalka Kenya Mudane William Ruto iyo dhaman afhayenada baarlamanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC.

Danjire Jabril oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka tartanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo ah xubinta ugu cusub ee ku soo biirtay qoyska EAC, inay u suuragaleen inay tartanka sanadkaan ka qayb-galaan, laakiin Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto diyaar-garowga ka qeybgalka tartanka soo socda ee la qaban doona sanadka soo socda.

"Ma aha oo kaliya in Soomaaliya ka qaybqaadanayso tartanka, laakiin sidoo kale waxaan rajeyneynaa inaan martigelinno ciyaarahan mustaqbalka dhow”, ayuu yiri Danjire Jabriil.

Is dhexgalka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid si wanaagsan u socda, iyadoo ciyaaraha iyo dhaqanka la isweydaarsanayo ay door muhiim ah ka qaadanayaan midnimada dalalka Bariga Afrika.

Safiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday "Waxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Soomaaliya”

Ciidamadii Jubbaland ee ku soo biiray Ciidanka Xoogga Dalka oo Darajooyin Ciidan loo xiray

Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowlad gobolleedka Jubbaland oo dhawaan ku soo biiray ciidanka Qaranka, kuwaas oo dhawaan loo soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa shalay la dalacsiiyay loona xiray darajooyin ciidan.

Ciidamadan ayaa dhammaantood waxay dalacsiiyay heerarka kala duwan ee daroojyinka ciidamada xoogga dalka, qaar ka mid ah saraakiisha Jubbaland ee dhawaan ku soo biiray ciidanka qaranka ee shalay dalacay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay aad ugu mahadceliyeen madaxda qaranka, iyagoo tilmaamay in ay shalay ku faraxsan yihiin in ay yihiin ciidanka Qaran oo u adeegaya ummaddooda.

” Waxaan lee nahay saaxiibadeennu numbarkii xoogga ayaa helnay, darajadaanii baanu helnay, qof kasta wixii uu mudnaa buu helay, saaxiibayal soo dhowaada oo imaada ku soo biira Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyed, Dowladdu wey guda-ballaaran tahay qof kasta meeshuu kaga soo hagaaguu ka dhargayaa,”.

Korneyl Maslax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Qaranka oo Muqdisho ku soo dhoweeyay, islamar-kana u xiray darajooyinka ciidan ayaa tilmaamay in ciidankan ku soo biiray xoogga dalka looga baahan yahay in ay shacabkoda ugu adegan si daacad ah.

Ugu dambeyn, ciidamada shalay dalacay ayaa saaxiibadoodii ay ka soo tageen ugu baaqay in ay ku soo biiraan ciidamada Xoogga Dalka si ay u helaan xuquuqda ay lahaayeen oo muddo fog aysan helin.

30 Qof oo ku Geeriyootay dagaal beeled ka dhacay degmada Cadale ee G.Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ugu yaraan 30 qof ay ku Geeriyoodeen dagaal beeleed xooggan oo Jimcihii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dagaalkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Cadale ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhinacyadii dagaalamay waxaane ku jira dad rayid ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska horimaadkan, balse waxaa muddooyinkan soo jiitamayay xiisad u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

Xaalada ayaa ah mid qasan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhaco maadama labada dhinac ay wadaan abaabulka ciidankooda, degaanka lagu dagaalamay ayaa wali waxa laga daremaya xisaad colaadeed.

Dhacdadan ayaa muujineysa caqaba-daha amni ee Soomaaliya ka jira, gaar ahaan dhulka miyiga ah oo ay ku badan yihiin colaadaha salka ku haya qabiilka.

Inkastoo Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay dadaal ugu jiraan sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa, ayaa haddana waxaa dalka ka socda rabshado qabaailka salka ku haaya gaar ahaan reer Guurada oo isku qabsada Ceel biyood.

Shacabka Gobolka Gedo oo taageeray go’aanka Dowladda ee Jubbaland

Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shacabka isku soo baxay ayaa si weyn u diiday is doorashadii madaxweynihii hore ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo faragelinta iyo iska horkeenka beelaha ay Dowladda Itoobiya ka waddo gobolkaas.

” Anagoo odayaashii dhaqanka ah, shalay waxaynu marxabeyneynaa oo taageereynaa go’aanka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Jubbaland, go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku ansixiyeen heshiiska doorasho ee qof iyo cod iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,’ ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlayay madasha bannaanbaxa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Al shabaab oo ku dagaalamay Deegaanka Buula Xaaji ee Jubadda Hoose

Faahfaahino dheerad ah ayaa laga

helayaa Dagaal Khasaaro dhaliyay oo Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo Xaaji Ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkaan oo socday muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa la xaqiijiyay in Koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Fariisimo Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Birjex Mamulka Jubaland ku leeyihiin Deegaanka Buulo Xaaji ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo sida uu laanta VOA-da afkeedi Soomalaiga u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir.

Afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in laba askari ay kaga geeriyootay dagaalka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray, dhinaca kale waxa uu xusay in Al -shabaab ay goobta dagaalka kaga tageen 9 meyd oo dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, halka uu tilmaamay inay horey usii qaateen meydad iyo maleeshiyaad kale oo dhaawac ah.

Kooxda Al-Shabaab oo ku xooggan Jubbooyinka ayaa markaan loo arkaa inay ka faa’iideysanayso Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka Jubaland.

Xaaladda degaanka Buula Xaaji ah mid haatan degan, Deegaankaan ayaa 65 km dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, dhowr jeer oo Al shabaab ay soo weerartay degaankaan, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare xoogan.

Kooxaha Mucaaradka oo shaaciyay in wax ka yar 20 KM u jirto Caasimadda dalka Suuriya

Xoogaga hubeysan ee Mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa shaaca ka qaaday iney qarka u saaran yihiin iney gudaha u galaan magaalada Dimishiq oo ah Caasimadda dalkaasi Suuriya.

Gaashaanle dhexe Xasan Cabdulqani oo ka mid ah waaxda howlgalada Militariga ee kooxaha Mucaaradka ayaa shalay bartiisa Talegram-ka ku shaaciyay in wax ka yar 20 KM u jirto magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq.

"Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee Caasimadda Dimishiq" ayuu yiri Gaashaanle dhexe Cabdulqani.

Kooxaha Mucaaradka ayaa saacadahii lasoo dhaafay sheeganayay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gobolka Darca oo ah halkii uu kasoo bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne dalka Suuriya Bishar Al-Asad sanadkii 2011-kii

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Suuriya ayaa sheegay iney dib ugu laabanayaan gobolada la sheegay iney gacantooda ka baxeen, gaar ahaan kuwa dhaca Koonfurta dalkaas.

Ugu dambeyntii xoogagga mucaaradka ah ee sida xowliga mudada gaaban ay ku qabsanayaan dhul balaaran ayaa u muuqda mid la mid ah weeraradii ay Taalibaan xukunka dalka Afgaanistaan ay kula wareegtay sanadkii 2021-kii.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo beegsaday xarumaha hubka kiimikada ee Suuriya

Ciidanka Cirka Israel ayaa habeen hore garaacay xarumaha hubka kiimikada ee galbeedka Suuriya, sida uu baahiyay TV-ga Channel 12 ee Israel.

Channel 12 ayaa sheegay in duqaymahan looga gol leeyahay in laga hortago in hubka kiimikada uu ku dhaco gacanta kooxaha kacdoonka ka wada dalkaasi.

Jabhadaha ayaa maalmo yar gudahood hub fara-badan kala wareegay Ciidamada Dowladda Suuriya, waxayna dagaalkan ku qabsadeen Magaalooyinka Idlib, Aleppo, Hama iyo Homs oo hadda ay qarka u saaran yihiin.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Tel Aviv ay isha ku hayso waxa ka socdo dalkaasi, isla-markaana ay ka walaacsan tahay in mucaaradka ay gacanta ku dhigaan hubka khatarta badan ee dowladda dalkaasi haysato.

Warbaahinta maxaliga ayaa sidoo kale qoreysa in Tel Aviv ay ka cabsi qabto in dagaalada sii xumaanaya ee Suuriya ay saamayn ku yeeshaan ammaankeeda.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in ay xoojiyeen ciidamadooda ku sugan xadka ay la leeyihiin Suuriya, si taxadar badan loo muujiyo.

Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay isla daraad duqeeyeen goobo ku dhow xuduudda Suuriya iyo Lubnaan, halkaas oo sida ay sheegeen uu cadowgu hub uga gudbo.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in weerarka lagu beegsaday Unugga 4400, oo ah unug Xisbullah oo ka shaqeeya gudbinta hubka lagu dhibaateeyo bay yiraahdeen shacabka iyo askarta Israel.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Israel ay ka mid tahay dalalka sida dadban u taageeraya kacdoonka xoogan ee lagaga soo horjeedo Dowladda Bashar Al Assad, oo xulafo la ah Iran iyo Xisbullah oo si weyn ay isku hayaan.

Israel ayaa marar badan Suuriya ku eedeysay inay tahay marinka ay Iran hubka u soo mariso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Khasaare kale oo istiraatijiyadeed oo soo gaaray Dowladda Suuriya

Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa isaga baxay gobolka koonfureed ee dalkaasi, ka dib culeys kale oo ka soo fuulay kooxaha mucaaradka.

Xoogaga hubeysan ayaa shalay la wareegay Magaalooyinka Daraa iyo Sweida, iyagoona gacanta ku dhigay xuduudda Suuriya la wadaagto Jordan, waana khasaare lixaad leh oo istiraatijiyadeed oo soo gaaray ciidamada, muddo toddobaad gudihiis ah.

Daraa waxay ku taallaa meel qiyaastii 90km dhinaca koonfurta ka xigta dhanka waddada weyn ee Dimishiq iyo Amman oo Jordan ah.

Ciidamada Dowladda ayaan ku fara-adeygeen dhulka ay ku sugan yihiin, iyadoona ay si fudud uga la wareegayaan kooxaha ka soo horjeeda.

La wareegista mucaaradka ee labada magaalo ee Daraa iyo Sweida ayaa mucaaradka u sahleysa inay sii wadaan hawlgalkooda ku wajahan Dimishiq, waxaana xusid mudan in Daraa ama Darca ay tahay meesha uu 13 sano ka hor ka bilowday kacdoonka lagu diidan yahay xukunka Madaxweyne Bashar Al Assad.

Duulaanka danabeysan ee mucaaradka ayaa muujinaya in dowladdiisa ay ka daciifsan tahay, sidii la moodayay.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay hadda gacanta ku hayaan Magaalooyinka Homs, Dimishiq, Latakia iyo Tartus, waxaana xusid mudan in Homs ay hareereysan tahay.

Ruushka iyo Iran oo ah labada dal ee ugu muhiimsan ee difaacaya Dowladda Madaxweyne Assad ayaa u muuqdo kuwa aan hadda ka dib ninkaasi ku ilaalin karin kursiga, marka aad eegto kooxaha ka soo horjeeda ee sida daadka oo kale u socdo iyo in ciidamadiisa ay difaacan la’yihiin goobaha ay sugan yihiin.

Moscow iyo Tehran ayaa laga yaabaa in sanado ka dib ay taageeraan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2254, kaas oo ku baaqaya in xal siyaasadeed lagu dhameeyo dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Mucaaradka Suuriya oo jabsaday bariga iyo waqooyiga Homs

Xoogaga mucaaradka ee dalka Suuriya ayaa dagaal culus kaga soo gudbay fariisimihii ay Ciidamada Dowladda ku lahaayeen bariga iyo waqooyiga ee Magaalada Homs, ka dib saacado ay ku hareereysnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay jiireen dhufeysyadii adkaa ee ay Ciidamada Dowladda ka sameysteen dhanka waddada ka timaada Magaalada Hama, oo Khamiistii u gacan gashay kooxaha fallaagada.

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan gobolka ayaa warineysa in Xoogaga Ururka Hayat Tahrir Al-Sham ay gacanta ku dhigeen xero ciidan oo ciidamada dalkaasi ay lahaayeen, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo dagaalka ku qabsanaya Homs.

Telefishinka afka dowladda ku hadla ayaa beeniyay in dagaal-yahanada abaabulan ay gudaha u soo galeen magaalada, balse ay weli ku sugan yihiin duleedkeeda.

Telefishinka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka madaadiicda goobta ay garaacayaan aagagga ay ku sugan yihiin kooxahaasi.

Saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah Dowladda Bashar Al Assad iyo ilo kaloo amni ayaa laga soo xigtay in Militariga Suuriya ay bilaabeen inay u ruqaansadaan dhinaca Caasimadda Dimishiq.

Haddiiba mucaaradka ay si buuxda ula wareegaan Homs waxaa iska cad inaysan ka laba labeen doonin inay weeraraan Dimishiq, oo ah difaacii ugu dambeeyay ee nidaamka Bashar Al Assad, inkastoo weli ay ciidamadiisa gacanta ku hayaan magaalooyinka dhaca Badda Mediterranean-ka ee Latakia iyo Tartus, oo ay ku badan yihiin bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Assad.

Xoogaga Sunniyiinta ee kacdoonka sameynaya ayaa si aan horey loo arag isugu ballaarinaya dalkaasi, taasoo noqoneysa guuldaradii ugu weyneyd ee uu la kulmo Madaxweyne Assad, ka dib 24 sano oo dalkaasi uu ka arriminayay.

Tan iyo markii fallaagadu ay toddobaadkii la wareegtay Magaalada Aleppo, difaacyada Ciidamada Dowladda ayaa noqday kuwo si degdeg ah u burburaya, iyadoo ayna mucaaradku qabsadeen magaalooyin waaweyn oo muhiim u ahaa dowladda

Mareykanka oo Turkiga kala hadlay horumarka ay mucaaradka ka sameynayaan dagaalka Suuriya

Wasiirka Arimaha Dibada Marekanka, Antony Blinken ayaa khadka teleefanka kula xiriiray dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, kaas oo u kala hadlay hormarka ay kooxaha fallaagada ka sameynayan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Suuriya.

Dagaal-yahanada uu Turkiga taageero ee loo yaqaano (Ciidamada Xorta Suuriya) ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Dowladda Bashar Al Assad oo uu hoggaaminayo Ururka Hayat Tahrir Al-Sham.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Turkiga kala hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kuwa laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

"Blinken ayaa ka hadlay baahida loo qabo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka, si waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2254.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Warbaahinta ayaa soo xiganeysa in Wasiir Fidan uu sheegay in guulaha is daba jooga ah ay fallaagadu ka gaareyso dagaalka ay Madaxweynaha Suuriya ku riixeyso in uu la heshiiyo mucaaradka, isla-markaana uu wada hadal la bilaabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Bashar Al Assad uu la xiriiray Ankara, uuna ka codsaday in laga joojiyo duulaanka ku socda, balse

aan la garaneyn jawaabta saxda ah ee uu kala kulmay.

Jimcihii, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay xaaladda Suuriya ayaa sheegay inay mucaaradka u rajeynayaan in ay sii socdaan, isla-markaana ay gaaraan sida uu yiri Magaalada Dimishiq.

Xoogaga kacdoonka wada ayaa qarka u saaran inay la wareegaan Magaalada Homs, oo qabsashadeeda ay ka caawineyso inay cagta saaraan waddada Dimishiq.

Muwaadiniinta Mareykanka oo lagu amray inay si degdeg ah uga baxaan dalka Suuriya

Mareykanka ayaa ku wargeliyay dhammaan muwaadiniintiisa ku sugan dalka Suuriya in ay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, sababtu tahay xaaladda ka sii dareysa ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladda Suuriya ay ku sii socoto meel aan la saadaalin karin, sidaasi daraadeedna ay tahay in muwaadiniintooda ay isaga baxaan dalkaasi, inta ay jiraan fursadaha duulimaadyada ee la heli karo.

"Xaaladda ammaanku waxay sii socotaa mid aan xasillooneyn oo aan la saadaalin karin, iyadoo ay jiraan iska horimaadyo firfircoon oo u dhaxeeya dhinacyada hubeysan ee dalka oo dhan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Wasaaraddu waxay ku boorineysaa muwaadiniinta Mareykanka inay hadda ka baxaan Suuriya, iyadoo fursadaha ganacsi ay weli jiraan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in muwaadiniinta doorta inaysan bixin ama aan awoodin inay hadda dalka ka baxaan ay diyaarsadaan qorsheyaal degdeg ah, oo haddii ay xaaladda xumaato ay uga bixi karaan dalkaasi.

Xaalad jahwareer badan ayaa ka jirta dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha la dagaalamaya dowladda ay 27-kii bishii November bilaabeen inay duulaan ballaaran ku qaadaan dhulka ay ku sugan yihiin ciidamada ka soo horjeeda.

Kooxaha fallaagada oo xawaare sare ku socda ayaa u muuqdo kuwa wiiqaya nidaamka dalkaasi ka jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashar Al Assad.

Dardarta ay ku socdaan ayaa ka yaabisay dunida, waxaana la is weydiinayaa halka ay mucaaradku ka keeneen awooddan xad dhaafka ah iyo hubka casriga ah ee ay wataan.

Khubarada amniga ayaa ka digaya in mucaaradku ay haadaan ka tuuri karaan dalkaasi, haddii ay si khaldan u adeegsadaan awoodooda.

Kooxaha jabhadaha ayaa la sheegaya in ay ka mideysan yihiin in la rido dowladda dalkaasi, balse baqdinta ugu weyn ee jirta ay tahay halka looga dhaqaaqi doono, haddii 24 sano ka dib la soo afjaro xukunkii Madaxweyne Assad, waana sababta looga digayo inaanu kala caddeyn masiirka Suuriya.

Dowladda Federaalka oo heshay fursad ay ciidamadii ugu badnaa ku gaynayso Jubbaland

Laga bilaabo shalay, dhowr duulimaad oo ciidamo sida ayaa dhowrka cisho ee ina soo aaddan tagi doona deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Dowladda Federaalka iyo Shirkadaha Diyaaradaha ay Jimcihii isku afgarteen in maalin kasta afar duulimaad oo ciidamo iyo qalab sida ay tagaan Raaskambooni.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in illaa 20 duulimaad ay maalmaha ina soo aaddan ka deggaan Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni, iyadoo la kordhinayo tirada ciidamada ee halkaasi ka jooga.

Dowladda ayaa daraad hakisay duulimaadyadii Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, ka gadaal markii shirkaduhu ay cago-jiid ka muujiyeen inay duulimaadyo u diraan Raaskambooni, tani oo keentay in rakaabkii ka ambabixi lahaa Muqdisho ee ku wajahnaa gobolada ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha ay khasab ku noqotay in Dowladda Federaalka laga caawiyo, sidii ciidamada iyo qalabkaba lagu gayn lahaa Jubbaland, waana xilli Maamulka Jubbaland uu shirkadahaasi ku wargeliyay inaysan tagi karin Raaskambooni, haddii kalena aanu maamulka ka masuul noqon doonin, wixii cawaaqib ah ee arrintaasi ka dhasha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo ay Jubbaland gaysay aagga Raaskambooni ay bilaabeen inay rasaas ku furaan diyaaradaha ka degaya garoonka, si loo carqaladeeyo ciidamada halkaasi lagu daabulayo.

Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu daldalayo Raaskambooni ay qaban doonaan deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay sidoo kale la wareegayaan goobaha ay ka baxeen Militariga Kenya ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Villa Somalia oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sii waddo cadaadiska ay ku hayso maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Villa Somalia ayaa si weyn uga hortimid dib u doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo 25-kii bishii November markii saddexaad loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah, iyadoona Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo ifbaxay isbuucii koowaad ee bishii October, ka dib markii Axmed Madoobe uu ka baxay Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in uu qaadacay in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlam-aanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo markaasi ay Villa Somalia soo magacaabeyso guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.

Khilaafka ayaana meel adag gaaray, markii Jubbaland ay bilowgii bishii November ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban oo ay u madaxbannaan tahay, taasoo toddobaadyo ka dibna lagu soo doortay 75-ka xubnood ee Baarlamaanka iyo Hoggaanka Jubbaland.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegtay in doorashadaasi ay liddi ku tahay qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah, si shacabka ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip