halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 7-12-24
Madaxweyne Xasan Sheekh: "Horumarka dalka looma hakin doono hal qof dartii”
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaalia, Dr. Xasan Sheekh Maxamud, ayaa salaaddii Jimcaha kaddib ka hadlay xaalada Jubbaland iyo go’aanka dowlada ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Axmed Madoobe uu diiday wada-hadallo la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo muddo xileedkiisii hore dhamaaday.
Wuxuu sidoo kale sheegay in inta uu haayay talada Jubbaland uusan xureyn degmo ka mid ah mamulkas, islamarkana ka hor yimid dadaallada dowlada ee dib u xorreynta dalka, isagoo amray ciidammo weerar ku qaada kuwa qaranka e ku sugan Raas Kaamboni.
Si kastaba ha ahaatee, madaxwenaha ayaa tilmaamay in ciidamadii la amray inay weeraraan kuwa qaranka ay diideen amarka Axmed Madoobe, isla markaana ku biiren howlgalka ka socda Jubbaland.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isago ku booriyay shacabka Somaliyed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Shirka Golaha Wasiirada oo lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta ciidanka qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.
Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).
Hay’adda xuquuqul insaanka Amnesty International oo ka warbixisay xasuuqa ka socda Gaza
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo sida uu uga hor-imaanayo heshiiskii qaramada midoobay ee sanadki 1948 lagu mamnucay adeegsiga waxa loo yaqaanno xasuuqa.
Warbixintaan oo ka hadleysa Xasuuqa Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ayaa la daabacay shalay ,iyadoo la sheegay in ay wadato wareysiyo, markhaatiyaal ,falanqayn, caddeymo, muuqaallo ,sawirro iyo hadallo ay bixiyeen xukuumadda Israa’iil iyo saraakiil ciidan.
Amnesty waxa ay sheegtay in milatariga Israa’iil ay sameeyeen ugu yaraan saddex ka mid ah shantii fal ee lagu mamnuucay heshiiskii QaramadaMidoobay ee dhacay sanadkii 1948-dii.
Heshiiskaasi waxaa ku jiray in la mamnuucay dil aan loo meel dayin oo loo geystay dad rayid ah,in qofka aan loo geysan Karin waxyaabo jir ahaan iyo maskax ahaan dhaawacaya,in ay mamnuuc tahay barakicinta dadka,burburinta hantidooda iyo in la galiyo xaalad nololeed oo khatar ah.
” Israa’iil waxay ula dhaqantay Falastiiniyiinta Gaza sida koox ka hooseysa bini’aadanimada oo aan u qalmin xuquuq iyo sharaf "ayeey tiri Agnes Callamard, xoghayaha guud ee Amnesty International.
Haweeneydaasi waxay daaha ka qaadday in muddo bilo ah Israa’iil ay ku adkaysatay inay sii waddo falal xasuuq ah, iyadoo si buuxda uga warqabta dhibaatada aan laga soo kaban karin ee ay u geysanayso Falastiiniyiinta Gaza.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Liibiya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hogaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Somaliyed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).
Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 ka mid ah waxaa ay gaareen magaalada Hargeysa halka 87 ay gaareen magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.
Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha J.F.S u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilshalayy doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.
Barnaamijkan Dib u soo celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.
Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay xiritaanka kalfadhiga 5-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in kalfadhiga shanaad uu si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka u xirmayo laga bilaabo 6da December 2024, halka kalfadhiga lixaadna uu dib u furmi doono 6da February 2025.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada sida sharafta leh ee ay waajibaadkooda u guteen intii uu socday kalfadhigii shanaad, isagoo u rajeeyay nabadgelyo iyo caafimaad inta lagu jiro fasaxa.
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay kulan muhiim ah
Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shalay ka qeybgalay xafladda daahfurka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.
Xafladda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.
Xaruntan ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.
Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya
Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU. Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle
Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU ayaa kulan gaara la qaatay taliyaha ciidanka, Taliye, Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.
Wadahadalada ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray hannaanki loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.
Wadashaqeynta Safaraadda iyo ciidanka GSU ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ballaaran ee sii kordhaya ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Amniga ayaa weli ah mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirkan ku dhisan yahay, iyadoo labada waddan ay ka go’an tahay wax ka qabashada khataraha gobolka iyo kobcinta xasilloonida ee mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Jabriil ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee GSU, taas oo sii xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kalsoonida labada dal iyo labada shacab.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha oo shir muhiim ah uga qeybgalay Serbia
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo ka soo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa kasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Afrika ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaaradda oo dhisan in ka badan 100 sano.
Fursada ayaa ah mid looga gol leeyahay faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaaradda Afrika.
Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Agaasime Dr. Yuusuf ayaa u hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay qarankoodda ugu shaqeeyaan.
Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda
Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa shalay booqasho ugu tagtay Safiirka u jooga Uganda Dowladda aan dariska nahay ee Kenya Amb. Joash Maangi.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalalka Bariga Afrika guud ahaan iyo xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada safiir isku raaceen in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo walaalo ah oo wax yaabo badan ka dhaxeeyaan.
Amb. Joash Maangi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda xariir dhawna yeeshaan labada Safaaradood
Dhankeeda Danjire Fardowsa ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee uu Safiirka Kenya ee Uganda u soo dhaweeyay, kana shaqeeyn doonto in ay xariir dhaw yeeshaan labada safaaradood.
Wasiir Maareeye "Ma jiro dhaawaca gaaray beeraha iyo beeraleyda Soomaaliyeed meel kale oo uu gaaray
Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in burburkii ku habsaday dalka uu saameyn ku yeeshay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay ku caanbaxeen dadla Soomaaliyeed.
Wasiirku waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in beeraha iyo beeraleyda ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan daryeel la’aan iyo barakac ku yimid dadkii aqoonta u lahaa wax soo saarka dalagyada.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay waddo dadaal ku aadan sidii loo soo nooleyn lahaa adeegyada lagama maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan hagaajinta beeraha iyo daryeelkooda.
Dhowaan ayeey aheyd markii wasaaradda Beeraha ay soo bandhigtay gawaari cagaf-cagaf ah oo gaaraya labaatameeyo, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero beeraleyda Soomaaliyeed.
Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo al-shabaab ah
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maleeshiyad ka tirsanaa Al-shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
Howlgalkaan oo asi qorsheysan looga fuliyay duleedka tuulada Jambaluul ee Degmada Afgooye, waxaa lagu dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa al-shabaab, kuwaas oo qaablsanaa ururinta lacagaha baadda ah ee sida qasabka ah looga qaado dadweynaha.
Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa Macalin Nuur oo al-shabaab u qaabilsanaa marin habaabinta dhallinyarada deegaankaasi.
2-Liibaan oo isna qaabilsanaa ururrinta lacaga baadda ah.
3-Cali Yare oo ahaa mid ka mid ah waxa loogu yeero xisbada.
4-Bilaal oo isna ahaa xubin ka tirsan maleeshiyaadka Xisbada.
Sidoo kale howlgalkaasi waxaa lagu dhaawacay Kuusoow iyo Caddoow oo iyaguna ka tirsanaa Kooxahaasi.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in aymeel kasta ku beegsadaan kooxaha al-shabaab, sidaa daraadeed, waxaa lagu wargaliyay in dadweynaha ay ka fogaadaan goobaha lagu tuhmayo maleeshiyaadkasi nabad-diidka ah.
Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboledka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Shir saddex maalmood socday oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarinta luqadda Sawaaxiliga, taas oo muhiimad weyn u leh isku socodka iyo ganacsiga bulshada Bariga Afrika.
Intii shirku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado ku saabsan xoojinta barashada luqaddan oo ah mid rasmi ah oo ay ku hadlaan dalal badan oo Bariga Afrika ka tirsan. Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga.
Xoghayaha fulinta – Guddiga Sawaaxiliga ee Ururka Bariga Afrika, Marwa Caroline Asimwe ayaa warbixin kooban ka bixisay waxa ay u taagantahay Guddiga.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan halkaan marti uga nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah xubinteenna ugu cusub ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Bariga Afrika, waxa uu ka shaqeeyaa isku dubaridka horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo horumarka waara.
Ujeedka aan halkaan u joognay sadexdii maalin ee la soo dhaafay waa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga, oo ah mid Afrika laga leeyahay, gaartayna heer caalami. Sawaaxiliga waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida lagu ansixiyay shirkii 24-aad ee Madaxda Ururka ee ka dhacay Arusha.
Waxaan sidoo kale aan ka wada hadalnay doorka Guddiga ee horumarinta Sawaaxiliga dalalka xubnaha ka ah si aan uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalalka Sawaaxiliga ku hormaray. Luqaddan waxa ay muhiim u tahay ganacsiga, shaqo abuurka, iyo isku socodka xuduudaha, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa barwaaqada gobolka.
Sawaaxiliga waxa uu helay aqoonsi heer caalami ah, iyadoo UNESCO u aqoonsatay 7-da Luulyo Maalinta Caalamiga ah ee Sawaaxiliga. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo adeegsiga luqaddan muhiimka ah, taasoo xoojinaysa isdhexgalka iyo horumarka waara ee gobolka.
Caasha Axmed Xirsi Madaxa xogheynta xafiiska Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, ee Wasaaradda arimaaha dibadda
"Waxaan ku faraxsanahay inaan martigelinay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.
Guddiga ayaa halkan u joogay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shiraan horumarinta luqadda sawaaxiliga ee mutaqbalka Soomaalidu u adeegsan karaan dhinaca isku socodka iyo ganacsiga iwm.
3 maalmood, ayaa is weydaarsannay fikrado qaabka luqadda Sawaaxiliga oo barashadeeda ay muhiim u tahay ganacsatada iyo guud ahaan is dhexgalka bulshada ku wada nool bariga africa.
Tallaabo wanaagsan ayaa horey u qaadnay, waxaan fileynaa in Soomaalidu ay fahmi doonaan muhiimadda ay noo leedahay ka faa’iideysiga barnaamijyada ururka goboleedka bariga Africa, oo luqadda saxaaligu tahay tan koowaad ee ay ku wada hadlaan.
Ujeedka kulankaan sadexda maalin ee aan la laheyn guddiga anagoo mataleyno Dowladda Somalia, luqadda Sawaaxiliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee Bulshada Gobolka Bariga Afrika.
Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururkan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlaha lagu xoojinayo wada shaqeynta Ururka.
Muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday shirkan aqoon-kororsiga ah, waxaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo kor u qaadista barashada iyo ku hadalka luqadda Sawaaxiliga. Luqaddan ayaa runtii muhiim noo ah, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada isdhexgalka ganacsiga, fududeynta adeegyadda bulshada, iyo isku socodka.
Luqadda Sawaaxiliga waxay faa’iidooyin badan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho ku suntan shaqo iyo ganacsi, isla markaana kaalin weyn ku leh ganacsiyada ka jira guud ahaan gobolka Bariga Afrika.
Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta dowladda ee ku matalay shirkan, iyo sidoo kale Ururka Bariga Afrika, kuwaas oo halkaan ku soo bandhigay adkeysi iyo ka-go’naansho dhab ah.”
Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda
Gudomiyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-degga ah ee NEOC waxa uu tababar muddo 5-cisho socday ugu soo xiray 39 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha SoDMA iyo Hay’adda Qatar charity.
Tabarkaan waxaa hay’adda SoDMA ka gacansiinayay hay’adda Qatar Charity, waxaana inta uu socday lagu bartay u diyaar garowga sida loola tacaalo arrimaha la xariira Musiiboyinka, si gaar ah aqoonta aas-aasiga u ah fahamka u diyaar garowga iyo ka jawaabista degdegga ah iyo hanaanka caalamiga ah ee yareeynta qataraha Musiiboyinka.
Siminarkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda, SoDMA ee ah in ay si wax ku ool ah uga jawaabto caqabadaha kala duwa ee soo food saara shacabka Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, waxaana xiritaankiisa guddoomiyaha ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity iyo masuuliyiin kale.
Mid ka mid ah ardaydii siminaarka loo soo xiray, macalimiintii bixinayay iyo lataliye sare hay’adda Dr Cabdiraxmaan Waxiid ayaa ka mahadceliyey qabashada siminaarkan.
Guddoomiyaha Hay’adda qatar Charity Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay inay joogteynayaan tababarada nuucaani oo kale ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka ka faa’iidaystay in aqoonta la baray ay bulshada ugu adeegaan.
Xubnaha 2-da gole oo ka qeybgalay salaatul janaasa loo sameeyay marxuum Senator Gaagaab
Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka qeybgalay tukashada salaatul janaasa oo loo sameeyay allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhowaan ku geeriyooday Dalka Turkiye.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatul janaasada kadib ayaa yiri”Senoter Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadlay ayaa yiri "Senoter Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.
Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa, iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan
Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland.
Danjirayaasha Soomaalaiya iyo Yugaandha oo Tansania ku yeeshay kulan muhiim ah
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo Danjiraha Uganda ee dalkaasi, Amb. Col. Fred Mwesigye ayaa yeeshay kulan gaar ah oo la xiriiray arrimaha labada dal.
Dhinacyadaasi waxaa Kulankaasi ay kaga hadleen adkeynta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yuganda.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan oo booqasho sharafeed ugu tagay danjirahaasi ayaa ka mahadnaqay sida Yuganda laf-dhabar ugu tahay howlgalka Midowga Afrika iyo sida diiran ee dalkiisa loogu soo dhaweeyo ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Ciidamada Cirka oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Jubbaland
Ciidamada Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku biiray howlgalada milateri ee ka socda deegaanada Jubaland, kuwas oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Raas Kaambooni, halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiil sare, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 80-aad ee Kumaandooska Gorgor, Xasan Ciraaqi.
Taliyaha ayaa sheegay in ku biiritaanka ciidamada cirka ay muhiimad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in howlgalada cirka ay si weyn u fududeyn doonaan hawlgallada dhulka ka socda.
Diyaaradaha ayaa hadda ka howlgala Raas Kaambooni, halkaas oo loo diyaariyay saldhig ay ku jiraan adeegyada muhiimka ah sida keydka shidaalka, farsamayaqaanno, iyo qalab kale oo muhiim ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku hawlanayd dib u qalabeynta iyo xoojinta ciidamada qalabka sida, iyada oo soo iibsatay gaadiid dagaal iyo diyaarado si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Xeerka Ciisaha oo lagu daray xeerarka caalamiga ah ee u diiwaan gashan UNESCO
Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeerka Ciisaha, oo ah xeer dhaqameed afka ah oo ay qarniyo badan ku dhaqmayaan bulshooyinka Ciisaha ee dega Djibouti, Ethiopia, iyo Somalia.
UNESCO ayaa ku tilmaamtay xeerka Ciisaha inuu qayb ka yahay hiddaha iyo dhaqanka aan la taaban karin.
Xeerka Ciisaha waa xeer dhaqameed qarnigii 16-aad lagu sameeyay buurta Sitti ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah, Dastuur qeexaya awood qaybsiga iyo go'aan qaadashada, xeerka ciqaabta oo xoogga saaraya dib-u-heshiisiinta iyo magdhawga, iyo xeer dhaqan bulsho oo mideeya qiyamka bulshada.
Aqoonsiga Xeerka Ciisaha, oo ay si wada jir ah u soo gudbiyeen Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya, ayaa la ansixiyay intii lagu guda jiray kalfadhigii 19-aad ee Guddiga Caalamiga ah ee Ilaalinta Dhaqanka ee hay'adda UNESCO uu ku yeeshay magaaalada Asunción ee dalka Paraguay.
Hay'adda UNESCO waxay iftiimisay sida uu Xeerka Ciisaha xoogga u saarayo mabaadi'da caalamiga ah sida ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ilaalinta deegaanka, iyo xallinta khilaafaadka nabadeed.
Calawiyiinta uu ka soo jeedo Madaxweynaha Suuriya oo barakaceysa
Ka dib markii Xoogaga Islaamiyiinta ay la wareegeen Magaalada Hama ayaa waxay taasi baqdin badan ku keentay bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al Assad ee ku nool Magaalada Homs.
Dardarta iyo gaabis la’aanta ay ku socdaan jabhadaha ka soo horjeeda dowladdiisa ayaa tobanaan kun oo Calawiyiinta ku riixday inay ka baxsadaan Homs.
Calawiyiinta ayaa ka baqdin qaba in la bartilmaameedsado, iyadoo laga aargudanayo xasuuqii ay Dowladda Shiicada ah u gaysatay bulshada ugu badan Suuriya ee Sunniyiinta.
Calawiyiinta oo ah bulsho laga tira badan yahay ayaa xusuusan dhacdadii bishii April ee sanadkii 2014 lagu dilay ugu yaraan 100 qof oo u badnaa dad rayid ah, ka dib weeraro mataano ahaa oo ka dhacay xaafadda ay Calawiyiinta ku badan yihiin ee Magaalada Homs.
Weeraradaasi ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Nusra, oo ahayd garabka Al Qaacidda ee Suuriya, xilligaas oo uu hoggaaminayay Abu Mohammed Al Jawlani, oo hadda ah Hoggaamiyaha Hayat Tahrir Al-Sham (HTS), inkastoo sanadkii 2016 uu ku dhawaaqay in kooxdiisu ay xiriirka u jartay Al Qaacidda, waxaana uu bishii January ee sanadkii 2017 uu aasaasay Hayat Tahrir Al-Sham (HTS), oo ah ururka ugu weyn ee hoggaaminaya kooxaha hadda doonaya inay ridaan Dowladda Bashar Al Assad.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in tobanaan kun oo Calawiyiinta ay ka baxeen magaalada saddexaad ee Suuriya ugu weyn.
SOHR ayaa ku warantay in dadka faraha badan ee ka baxay Homs ay aadeen dhinaca xeebaha dalkaasi ee dhaca Badda Mediterranean-ka.
Abu Mohammed Al Jawlani, Hoggaamiyaha Hayat Tahrir Al-Sham ayaa ballanqaaday inaanu jiri doonin wax aargoosi ah, isagoona shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isla-markaana ay taageeraan kacdoonka.
"Waxaan Allaha awoodda leh ka baryaya in uu hawlgalkayagu noqdo mid lagu guuleysto, iyadoo aanu wax aargoosi ah jirin.” Ayuu yiri Jawlani.
Dardarta xoogga leh ay ku socdaan kooxaha fallaagada iyo dhulka ballaaran ee ay dagaalka ku qabsanayaan ayay Calawiyiinta Homs is tuseen in kooxahaasi ay si dhakhsa ah ku soo gaari karaan magaalada.
Islaamiyiinta oo isku dayaya in ay kasbadaan taageerada shacabka, xoogagoodii Khamiistii la wareegay Magaalada Hama ayaan wax xargudub ah kula kicin Calawiyiinta ku nool duleedka galbeed ee Hama.
Madaxweynihii hore ee Suuriya, Hafez Al Assad iyo wiilka uu dhalay ee Bashar Al Assad ayaa labaduba ku lug leh xasuuq loo gaystay Sunniyiinta dalkaasi
Burcad-badeedda Soomaalida oo markab kalluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha ka afduubatay xeebaha Puntland
Burcad-badeed hubeysan ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen 18-shaqaale ah, sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR.
Afduubka markabkan ayaa ka dhacay xeebaha waqooyi bari ee Puntland, iyadoo afduubkaan uu ka dhigan yahay in ay dib u soo cusboonaadeen falalka burcad badeedda ee xeebaha degaanada Puntland.
Kooxaha burcad badeedda ee qabsaday markabkan ayaa ku hubeysnaa AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Lama sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalaha la socda markabka, sida lagu sheegay war kasoo baxay EUNAVFOR.
Afduubka markabka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marinka Bab el-Mandeb oo ku qasbay maraakiibta inay dib ugu laabtaan isticmaalka biyaha Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarrada fallaagada Xuutiyiinta.
Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in arrimahan oo kale ay ka dhigaan biyaha Soomaaliya kuwo si weyn ugu nugul burcad-badeednimada.
EUNAVFOR ayaa ka warbixisay 43 dhacdo oo la xiriiraa budhcad-badeednimo intii u dhaxaysay November 2023 iyo Oktoobar 2024, iyada oo la xaqiijiyay 27 weerar.
Kiisaska ugu dambeeyay waxaa ka mid ah afduubkii markabka MV Abdullah, oo la sii daayay ka dib markii la bixiyay lacag madaxfurasho ah oo dhan 5 milyan oo dollar.
.
Maraykanka oo diiday warbixin Amnesty International ay ka soo saartay xasuuqa Gaza
Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saareen hey’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ,taas oo sheegtay in ay jiraan caddeeymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuqa Israa’iil ee ay u getsatay Falastiiniyiinta Gaza.
"Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintaan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha la xiriira xasuuqa inay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenkaasi waxa uu qiray doorka muhiimka ah ee NGO-yada iyo ururada xuquuqul insaanka sida Amnesty International laakiin wuxuu ku tilmaamay natiijooyinka ay ka heleen ee dhinaca xasuuqa Gaza inay yihiin fikrad.
Amnesty oo fadhigeedu yahay London ayaa Khamiistii sheegtay in ay heshay caddeymo ku filan oo lagu soo gabagabeynayo in Israa’iil ay geysatay oo ay sii waddo xasuuqa ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza.
Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadanimada.
Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda kadib markii loo soo gudbiyay falal xasuuq ah oo loo geystay dadka Gaza.
halkaan ka aqeriso wararka wargeyska mogtimes 7-12-24
.......