Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 05-12-2024
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.
Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Riyadh uga qeyb galay shirka COP16
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika. Madashan oo xoogga saareysay Helidda Imkaaniyaadka lagu soo saaro Biyaha Hoose ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey hay’adda UNDP, Sanduuqa horumarinta ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka (IDB).
Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya, Mudane Mr. Sultan Al-Marshad ayaa madasha uu uga dhawaaqay mashruuc lagu horumarinayo helidda biyaha hoose ee Soomaaliya.
Mashruucan waxa waxa uu bedeli doonaa isku halleynta iyo amniga biyaha hoose ee dalkeena, waxa uuna naga taageeri doonaa in aynu iska caabinno, una adkeysanno abaaraha, iyo sidoo kale in ay shacabkeennu helaan biyo nadiif ah.
Wasiirka caafimaadka dalka oo daah-furay mashruuc lagu badbaadinayo carruurta
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dowladda Ingiriiska Hey’addeeda FCDO iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya Hey’adeeda gargarka (king Salman Relief), ayaa qeyb ka ahaa shalay madashada lagu daahfurayey Mashruuca lagu yaraynayo Nafaqo-darada Caruurta Soomaaliyeed.
Mashruucani ayaa ujeedadiisu tahay in la helo adeegyo iyo qorshayaal looga hortagayo laguna dawaynayo Nafaqo-darada taasoo laga fulinayo 15 degmo oo khatarta Nafaqo-darada ugu sarayso dalkeena.
Wasiirku wuxuu si qoto dheer ugu hadlay in dawaynta kaliya (treatment of Malnutrition) aan lagu xalin karin nafaqadarada ee ay muhiimaddu tahay in la iska kaashaado dhammaan dhincayada ay khusayso sida Caafimaadka, Beeraha, Biyaha, Fayadhowrka iyo Waxbarashada, iskaashigaasi waxa u horseedi karaa horumar waara, kaasoo suurta gelinaya natiijooyinka Nafaqada iyo Caafimaadka guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu mahadceliyey Dowladaha Ingiriiska iyo Sucuudiga taageeradooda joogtada ah ee ay markasta la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan qeybta Caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gabagabeysay Tababar Ku Saabsan Dhimirka
Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo gabagabeysay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay ardayda layli caafimaad (internship) qeybta psychiatric. Tababarkan, oo ka tirsan barnaamijka caalamiga ah ee Mental Health Gap Action Programme (mhGAP), ayaa diiradda lagu saaray sidii ardayda loogu bari lahaa xirfadaha lagu aqoonsado, lagu daryeelo, laguna daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka, gaar ahaan meelaha aan heli karin adegyada takhasuska cafimadka.
Tababarkan oo ka dhacay hoolka Nova Diagnostic ayaa ardayda lagu baray xirfado waxtar u leh oo ka caawinaya in ay fahmaan baahiyaha caafimaadka dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loogu baraarujiyay muhiimadda in la dhiso awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka si wax looga qabto caqabadaha sii kordhaya ee caafimaadka dhimirka.
Intii lagu jiray munaasabadda xiritaanka tababarka, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo tababarada noocan ah si loo gaaro adeegyo caafimaad oo tayo leh. Waxay tilmaameen in tababaradan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dhimirka, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyadda guud ee caafimaadka ee dalka.
Danjiraha JFS ee Kenya oo qaabilay Siihayaha Safiirka Uganda ee dalka Kenya
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigenyi oo halkaas booqasho ku timid.
Danjire Jabril Ibrahim Abdulle iyo Danjire Eunice Kigenyi ayaa Wadahadalada dhexmaray labada dhinac diiradda ku saaray arrimaha danaha u ah labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyadda ay wadaan hay’adaha UNEP, UN-Habitat ee fadhigooda yahay Magaalada Nairobi.
Sidoo Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigeny ayaa ka hadlay Ajendaha qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo adkeynta xiriirka labada safaaradood.
Soomaaliya oo Turkiga ka taageereysa Marti-gelinta Shirweynaha 31-aad ee Isbedelka Cimillada Adduunka
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhiggeeda Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga, Mudane Murat Kurum.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wasaaradood, iskashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo horumarin lahaa ajendaha cimilada.
Labada wasiir ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Soomaaliya uga qeyb qaadan lahayd taageeridda Turkiga oo doonaya in uu martigeliyo shirweynaha caalamiga ah ee #COP31.
Wasiir Khadiija ayaa ballan qaaday in ay Turkiga ka caawinayaan ololaha ay ku doonayaan in shirkan lagu qabto Turkiga, iyadoo Soomaaliya codkeeda si buuxda ugu taageerayso Turkiga.
Kulankani waxa uu iftiiminayaa sida muhiimka ah ee ay Soomaaliya u daneyneyso iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarinta ajendaha cimilada ee caalamka, iyadoo qayb ka ah taageeridda xalalka waara iyo iskaashiga caalamiga ah.
Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland
Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa daraad xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti.
Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay JFS, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska hay’adaha Dawliga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo tayeynta adeegyada kala duwan bulshada sida Caafimaadka, iyo waxbarashada.
Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Dar dargelinta Dadaaladda firfircoon ee Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, sida iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.
Danjire Xaashi ayaa iftiimiyay Muhiimadda Ay leedahay Xubinnimadda ka Soomaaliya ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay sanadka 2025-ka, kaas oo Soomaaliya siin doona gogol ay uga dooddo Nabadda, Amniga, iyo horumarka.
Danjire Guilietti ayaa xaqiijiyay sida ay Switzerland uga go’an tahay taageeridda rabitaanka Soomaaliya isagoo qiray dadaallada lagu horumarinayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee Cahdiga jineefa.
Ciidamadii ka baxay Jubaland oo loo diiwaangaliyey xuquuqda ciidanka xoogga dalka
Boqolaal ka tirsan ciidan ka tirsanaa daraawiishta Jubaland oo maalmahan si isdaba joog ah ugu biirayey ciidanka xoogga dalka ayaa shalay diiwaange-lintooda laga bilaabay deegaanka Raaskambooni, si ay u helaan xuquuqda ciidanka XDS.
Ciidamadan ayaa loo diray inay la dagaalamaan xoogga dalka, balse waxa ay qaateen inay diidaan danaha siyaasadeed ee looga horgeynayo dowladooda.
"Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada shalay la diiwaangeliyey.
Tallaabadan ayaa ciidamo badan oo ka tirsanaa Jubaland ku dhiirigelisay inay diidaan u dagaalamidda dano siyaasadeed oo gaaban.
Ciidamo cusub oo ka tirsan xoogga dalka oo gaaray Raaskambooni.
Cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka ayaa shalay gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo todobaadyadan ay ciidanku ka wadeen dhaqdhaqaaq xooggan.
Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedada ay ciidanku halkan u yimaadeen inay tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo inay qaataan masuuliyadda ilaalinta ammaanka xuduudaha, maadaama saldhigyo gobolkaas ku yaal ay baneeyeen ciidamada ATMIS.
Waxa uu xusay Taliye Ciraaqi in ciidamadan aysan duulaan ku ahayn deegaan deegaan nabad ah, balse masuuliyadoodu ay tahay ciribtirka Al-shabaab iyo difaaca shacabka
Maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Jubaland ayaa si isdaba joog ah ugu biirayey ciidamada xoogga dalka ee Raaskambooni ku sugan.
23 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fuliyay howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacy Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo ka dhacay daraad deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Afgooye ayaa lagu khaarajiyay 23 ka tirsan Al-shabaab maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa helay xogta maleeshiyaadkan, kuwaas oo isku uruursanayay deegaankaas, iyadoo Hay’adda shacabka Soomaaliyeed ku wargalisay inay ka fogaadaan goobaha al-shabaab ku sugan yihiin.
Horjooge sare kana tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay duleedka Buur-Hakaba
Ciidamadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed ayaa daraad howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buur-Helede oo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay kusoo qabtay Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab Al-Shabaab.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Caliyoow Isaaq oo Al-shabaab u qaabilsanaa Lacaga Baad ah ee ay ka qaadaan Shacabka iyo Gaadiidka ayaa in muddo ah dhib ku haayay dadka Shacabka ah ee halkaas ku dhaqan.
Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta degmada Buur-hakaba Dhamme Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa sheegay in markii ay soo qabanayeen Horjooge Caliyoow uu ku howlanaa inuu lacago Baad ah ka qaado gaadiid safar ah.
Xoogga dalka ayaa Al-shabaab ka soo qabtay horjoogayaal halis ku ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo kuwa kale oo intaas ka badan laga khaarajiyay, waxaana guud ahaan ka socda goobaha ay kuu dhuumanayaan Al-shabaab howlgallo ka dhan ah.
Wasiirka Warfaafinta Jubaland oo sheegay inay la wareegeen saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada ATMIS
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo waresysi siinayay BBC-da Laanteedi Afka Somaaliga ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubaland ay la wareegeen saldhigyadii Gobolka Jubadda Hoose ee ay baneeyeen ciidamada Midowga Africa ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socday dalka Kenya.
Wasiir Cabdifitaax ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay lacago ku bixineyso sidii ay u kala jabin lahayd ciidanka Jubaland, waxaana uu shaaca ka qaaday in lacagaasi looga baahan yahay inay kula dagaalanto Kooxda Al shabaab.
Isagoo hadalkiisi sii wata ayaa waxa uu Wasiirka warfaafinta Jubaland uu ka dhawaajiyay inaysan jirin wararka maalinlaha ee ay Dowladda sheegto kaa oo ku saabsan ciidamo tira badan oo Jubaland uga goostay dhanka Dowladda, Wasiirka waxa uu sidoo kale xusay in Ciidamo tira yar oo aan badneen uuna watay Taliye Fanax oo joogi jiray Raas-Kambooni iyo askartii uu hogaaminayay ay dhinaca Dowladda mareen oo aysan jirin Ciidamo joogey Kismaayo oo isku dhiibay Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Dowladda aysan Raas Kambooni u tagin Howlgal amaan balse ay wadaan dano siyaasadeed oo guracan sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka waxa uu xusay in wafdiga uu hogaaminayo ay Badhaadhe u joogaan sidii ay u dhiirigelin lahaayen Bulshada degaanka ku nool kuwaasi uu sheegay inay walaac xoogan ka muujiyeen Ciidamada Dowladda ee ku daabuleeyso degaanada Jubaland.
Ugu dambeyn waxa uu wasiirka cadeeyay in Jubaland ay joojisay diyaaradaha ka dega Raas Kambooni kuwa hadda tagayna ay ku tageen ka warqab la'aan balse ay ka digeen in degaankaasi ay ka taagan tahay saan saan colaadeed oo aan ku habooneeyn inay duulimaadyo rayid ah tagaan.
Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag ee Somaliland oo ku Biiray SSC Khaatumo
Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sanaag ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, ayaa saaka ku biiray SSC Khaatumo.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu tagay degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag halkaas oo ay ku suganyihiin ciidanka SSC Khaatumo, sidoo kale waxa uu la goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay.
"Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa" ayuu yidhi G. Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay.
Waxa dhawaanahan magaalada Ceerigaabo ka taagnaa qulqulatooyin isir salka ku haya oo sababay amaan daro, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaalada, Somaliland ayaa sheegtay in kooxo nabad diid ahi ay masuul ka yihiin hurinta colaada, dhinacakale SSC Khaatumo, ayaa Somaliland dusha u sartay masuliyada amaandarada Ceerigaabo.
Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan markii labaad magaalada kusoo rogtay bandow, kadib markii ay sheegtay in kooxo hubaysani ay soogaleen. Badhtamihii sannadkan ayaa magaalada nabad lagu soo dabaalay kadib markii xukuumada Somaliland, iyo waxgaradka deegaanku ay heshiis dhexdhigeen dadkii colaadu dhextaalay.
SSC Khaatumo ayaa dhankeeda si wayn u danaynaysa in magaalada Ceerigaabo ay gacanteeda soogasho, halka ay Somaliland-na u aragto magaalo aan marnaba laga jari karin dhulkeeda.
SSC Khaatumo oo si adag u beeniysay inuu jiro kulan qadka taleefoonka ah oo dhexmaray Firdhiye iyo Cabdiraxmaan Cirro
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si xooggan u beeniyey wararka ay saxaafada faafiyeen, oo ku saabsanaa in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye uu khadka taleefanka kula xidhiidhey madaxwe-ynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro si ay uga wada hadlaan xiisadda ka taagan magaalada Ceerigaabo.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in warkan ay faafiyeen dad ay ugu yeereen cadawgooda, kuwaas oo doonaya inay khal-khal gelin ku sameeyaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu caddeeyey in arrintan ay ku wargaliyeen laamaha sharciga, si baaritaan iyo caddaalad loo marsiiyo cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadda lidka ku ah jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo.
SSC-Khaatumo waxay sidoo kale caddeeyeen in aysan jiri doonin wax xiriir ah, toos ah ama dadban, oo dhex maraan maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland, oo ay ku tilmaameen mid dhibaatooyin dagaal u geystay shacabka reer SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sheegay in aanay jirin wax suurtagal ah oo wadahadal ama gorgortan oo looga gali karo qayb kamid ah dhulka SSC-Khaatumo.
Xoogaga ka dagaalamaya Suuriya oo kala jaraya Magaalooyinka Dimishiq iyo Hama
Kooxaha fallaagada ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan magaalada istiraatiijiga ah ee Hama, taas isku xirto Caasimadda Dimishiq iyo Xalab ama Aleppo, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Suuriya.
Kooxahan oo Jimcihii weerar ku galay Magaalada Aleppo ayay Sabtidii u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynteeda, iyagoona markaasi ka dib bilaabay inay culeys soo saaraan Magaalada Hama.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay ku sii siqayan magaalada bartamaha Suuriya ku taala ee Hama, isla-markaana ay iska caabin kala kulmayan Ciidamada Dowladda iyo kooxaha taageersan.
Kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo Talaadadii ku durkay magaalada weyn ee Hama ayaa sidoo kale wajahaya duqaymo uga imanaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Suuriya.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhige-edu yahay dalka Ingiriska ayaa shegtay in dagaal-yahanada ay horkacayaan Hayat Tahrir Al-Sham ay la wareegeen tuulooyin ku yaala dhanka waqooyi ee Hama.
Haddii kooxahan ay qabsadaan Magaalada Hama ayaa waxay kala jari doontaa gurmadkii ciidamada iyo isu socodkii Dimishiq iyo Hama, Hama illaa waqooyi bari ee dalkaasi.
Abu Abdo Al Hamawi oo ka mid ah Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ayaa sheegay inay u socdaan, sidii ay si buuxda ula wareegi lahaayeen magaaladaasi.
Al Hamawi ayaa sheegay inaysan ku hakan doonin Hama, isla-markaana ay uga sii gudbi doonan Magaalada Homs.
"Ka dib Hama waxaan aadi doonnaa Homs, ka dibna Dimishiq iyo inta kale ee Suuriya oo la xoreyn doono, Ilaahay idinkii.” Ayuu yiri Al Hamawi.
Weerarkan ayaa baqdin ku keenay bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Suuriya ee degan duleedka galbeed ee Hama.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in dowladdu ay ciidan xoojin ah gaysay aagagga uu ka socdo dagaalka Hama.
SOHR ayaa sheegeysa in Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada ay xulafada yihiin ay qaadayaan weeraro ay isku dayayaan in ay dib ugu qabsadaan dhulka looga qabsaday dagaalkan.
Weerarkan ayaa cadaadiska ku kordhinaya Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad iyo taageereyaashooda Iran iyo Ruushka, oo isku dayaya in la wiiqo kooxaha sida la yaabka leh ay awoodooda u soo noolaatay.
Hama oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn dalkaasi ayaa muddo dheer ku jirtay gacanta Dowladda Suuriya, inkastoo bilowgii dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sanadkii 2011 ay saldhig u ahayd kooxaha Islaamiyiinta.
Tehran iyo Moscow oo garowsan in gulufka militari ee fallaagada uu dhibaato ku yahay jiritaanka dowladda dalkaasi ayaa ka wada shaqeynaya, sidii loo samatabixin lahaa. Labaduba ma doonayaan in meesha laga saaro nidaamka ka arrimiya dalkaasi.
Iran waxay sheegtay inay ciidamo u diri doonto dalkaasi, haddii ay dowladdu soo weydiisato. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa tibaaxay in Tehran ay ka go’an tahay in la difaaco dowladda dalkaasi.
Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu ku booriyay isbahaysiga in la joojiyo weerarada ka imanaya kooxaha argagixisada.
Ruushka, ciidamo dhulka ah kama joogaan dalkaasi, balse kuwiisa cirka ee duqaymaha ku haya kooxaha abaabulan ayaa saldhig weyn ku leh Magaalada Latakia, waana Saldhigga Hmeimim oo ku yaala bariga magaaladaasi.
Awoodda hawlgalada hawada ee Rushka ayaa horaan Militariga Suuriya ka caawisay inay dib u qabsadaan dhulkii ay fallaagada ku qabsatay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Militariga Suuriya oo garabsanaya maleeshiyada Shiicada ee gobolka, taageerada xagga cirka ee Ruushka iyo caawinta militari ee Iran ayaa keentay in Maamulka Bashar Al Assad uu sanadkii 2020 soo afjaro joogitaankii fallaagada ee inta badan dalkaasi. Fallaagada oo ku uruurtay dhulka waqooyi galbeed ee Suuriya ayaa waxaa halkaasi muddo sanado ah ku ilaalinayay Turkiga. Ankara oo ciidamadeeda ay aag nabdoon ka sameeyeen gudaha xuduudda Suuriya ayaa halkaasi dib u dejin ugu sameysay mallaayiin Suuriyaan ah oo la soo barakaciyay.
Xaaladda waxaad mooddaa in ay ka adag tahay sidii hore, maadaama Ruushku uu hadda dagaal kaga furan yahay dalka Ukraine, halka weerarada Israel ee muddooyinkii u dambeysay ku haysay Ururka Xisbullah ay hoos u dhigtay awooddii militari ee ururkaasi. Xisbullah waxay ahayd xoogga ugu weyn ee Shiicada gobolka ee Iran taageerto ee ka dagaalamaya gudaha Suuriya.
Weerarada rogaal celinta ee fallaagada ayaa astaan u ah duulaankii ugu ballaarnaa ee muddo sanado ah.
Dagaalka oo shalay galay toddobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 600 oo qof, sida ay xaqiijisay SOHR.
"Tan iyo markii uu dagaalkan bilowday 27-kii November, SOHR waxay diiwaangelisay dhimashada 605 qof.” Ayay SOHR ku sheegtay qoraal ay Arbacadan soo saartay.
SOHR ayaa xustay in dadka dhintay ay isugu jiraan garabyada dagaalamaya iyo dad shacab ah, iyadoona tirada dhimashada rayidka ku sheegtay 107 qof.
Kudhowaad 150 qof oo ku geeriyootay isbuurasho ka dhacday dalka Guinea
Urur maxalli ah oo ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay, in ilaa 135 qof ay ku dhinteen kaddib marki ay dumeen darbiyada garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dhinaca koofurbari ee dalka Guinea Axadii.
Tirada hadda la helay ayaa laba jeer ka badan tan ay dowladda shaacisay Isniintii oo aheyd dhimashada ilaa 56 qof.
Go’aan garsoore oo muran dhaliyay ayaa sababay rabshado garoonka ka dhex billowday. waxaa xigay booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa, taasoo keentay in isbuursi uu ka dhaco garoonka kubadda cagta ee magaalada Nzerekore.
Kooxda wadajirka ah ee xuquuqda aadanaha ee gobolka Nzerekore, ayaa Talaadadi sheegay in warbixinta ay soo saareen ay ku saleeyeen, xogo ay kasoo ururuiyeen isbitaallada, goob-joogayaal, masaajidada iyo kaniisadaha, qoysaska dhibanayaasha iyo warbaahinta macalliga ah.
Dadka dhintay ayaa intooda badani ay da’dooda ka yareyd 18 sano. 50 kale ayaa la la’yahay sida warbixinta lagu sheegay.
Dowladda milatari ee xakunta Guinea ayaa Isniinti sheegtay in ay billaabeyso baaritaan arrintan lagu sameynayo.
Shiinaha iyo Ingiriiska oo la kala saftay Ruushka iyo Mareykanka
Ingiriiska iyo Shiinaha ayaa la kala saftay Mareykanka iyo Ruushka, intii uu socday kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu habeen hore ka yeeshay dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya.
Labada quwadood ee is diidan waa Ruushka iyo Mareykanka’e ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu hurinayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Kuxigeenka Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobey, James Kariuki oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Rushka, Iran iyo Dowlada Madaxweyne Bashar Al Assad ku eedeeyay in ay ku suntan yihiin dhibatada ka jirta dalkaasi.
James Kariuki oo ka gaabsaday inuu cambaareeyo dagaalka ay hoggaami-nayaan Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham ee ka dhanka ah dowladda dalkaasi ayaa sheegay in saddexda dowladood ay diidan yihiin in hannaan siyaasadeed xal lagaga gaaro dagaalka Suuriya.
"Dowladda Suuriya oo garabsaneysa taageereyaasheeda Ruushka iyo Iran ayaa abuuray shuruudo xasillooni darro iyo inay sii kordhiyeen xiisadda hadda ka jirta dalkaasi, iyagoo diidan ka qaybgalka xalka siyaasadeed.” Ayuu yiri Kariuki.
Fu Cong, Safiirka Shiinaha u jooga Qaramada Midoobey oo cambaareeyay kooxaha fallaagada ayaa sheegay in weeraradooda ay wiiqeen xasilloonida dalkaasi.
Safiirka ayaa sheegay in kooxahan ay dhibaato ku yihiin nabadgelyada dalkaasi, isla-markaana ay uga sii darayaan xaaladda dalkan.
Ambassador Cong ayaa sidoo kale dhalleeceyay mowqifka reer galbeedka ee ka hortaga sida uu yiri argagixisada Suuriya.
Dhammaan dhinacyadu waxay isku waafaqsan yihiin in baahi degdeg ah loo qabo in la soo afjaro dagaalkan, waxayse isku maandhaafsan yihiin dhabaha loo marayo.
Reer galbeedka oo kooxaha fallaagada u aqoonsan kuwo mucaarad ah ayaa qaba in ay ka qayb qaadan karaan xaqiijinta nabada iyo xasillonida dalkaasi, haddii la helo hannaan siyaasadeed oo la isla ogolyaahay oo lagu soo afjarayo colaaddan.
Dowladaha Ruushka, Iran iyo tan ka jirta Suuriya ayaa dhankooda waxay kooxahaasi u arkaan kuwo argagixiso, oo aysan habbooneyn in miiska wada hadalka lala fariisto.
Si kastaba ha-ahaatee Ingiriiska ayaa xulafo la ah Mareykanka, halka Shiinuhu ay isbahaysi yihiin Ruushka, waxayna afartuba ka mid yihiin 5-ta dal ee joogtada Golaha Ammaanka ee leh awoodda diidmada qayaxan ee Veto. Faransiiska ayaa ah dalka shanaad ee leh Veto.
Ruushka iyo Mareykanka oo dood adag ay ku dhex martay Golaha Ammaanka
Labadan dal ayaa habeen hore hadalo adag isku dhaafsaday kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xiisadda ka soo korortay dalka Suuriya.
Mareykanka iyo Ruushka ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo dagaalada sokeeye ee Suuriya, oo dib u soo laba kacleeyay daba-yaaqadii bishii November, ka gadaal markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay toddobaadkii hore qaadeen weeraro lala yaabay, dhul ballaarana ay ku qabsadeen.
Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suuriya, Geir Otto Pedersen oo sheegay in xaalad adag ay ka soo korortay dalkaasi, waxaana uu ka digay in xaaladda Suuriya looga sii darro.
Wakiilka ayaa sheegay in aysan jirin wax xal militari ah oo illaa iyo hadda laga gaaray dagaalka dalkaasi, isagoona codsaday in la dejiyo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.
Safiirka Rushka u fadhiya Qaramada Midoobey, Vassily Nebenzia ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa ku eedeeyay in ay gacan siinayaan, waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee Suuriya.
Safiirka ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo kuwa ku daaban ay ka masuul yihiin qulqulatooyinka ka jira dalkaasi, maadaama ay hubeynayaan, isla-markaana ay tababarayaan sida uu yiri Hayat Tahrir Al-Sham, oo ah ururka hoggaaminaya Xoogaga Sunniyiinta ee dagaalka kula jira Dowladda Shiicada ee uu hoggaamiyo Bashar Al Assad.
Waxa kaloo uu sheegay in Ukraine ay ciidamo ka joogaan Suuriya, isla-markaana ay tababaro u fidiyaan kooxaha hubeysan ee dagaalka wada, sida uu yiri.
Danjire Nebenzia ayaa wax ceeb ah ku tilmaamay in dalalka reer galbeedka oo Mareykanku ugu horreyo ay cambaareyn waayaan kooxaha argagixisada ee dhibaateynaya buu yiri dad si nabadgelyo ah ku nool.
Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Robert Wood ayaa dhankiisa ku eedeeyay Ruushka, Iran iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan inay ka dambeeyaan dhibaatada Suuriya.
"Mareykanka ayaa si dhow ula socda xaaladda Suuriya. Sanado badan ayay Dowladda Suuriya ku jirtay dagaal sokeeye oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo Xisbullah.” Ayuu yiri Kuxigeenka Safiirka Mareykanka oo saddexduba ku dhaliilay in ay ku lug leeyihiin dagaalo meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Maamulka Madaxweyne Assad uu diiday in xal siyaasadeed lagu dhameeyo colaadda Suuriya, sababtu tahay ku tiirsanaanta Ruushka iyo Iran.
"Runtii diidmada joogtada ah ee Taliska Assad, ee ah in hannaan siyaasadeed lagu dhameeyo xiisadda, iyadoo la raacayo qaraarka 2254 ee Golaha Ammaanka iyo ku tiirsanaanta Ruushka iyo Iran ayaa abuuray xaaladda hadda soo korortay, oo ay ku jiraan burburka khadadka Taliska Assad ee waqooyi galbeed ee Suuriya.” Ayuu yiri Robert Wood.
Robert Wood Ayaa yiri "Weeraradii ugu dambeeyay ee fallaagada oo Mareykanku aanu wax lug ah ku lahayn ayaa waxaa hoggaamineysa kooxda Hayat Tahrir Al-Sham oo loo yaqaano (HTS), oo Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ay u aqoonsan yihiin koox argagixiso. Sida cad waxaanu walaac ka qabnaa kooxdan.”
Wood ayaa intaasi ku daray "Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada inay ka go’an tahay mabaadii’da xorriyadda, sharafta iyo badbaadada dhammaan Suuriyaanka. Waxaan ku rajo weynahay in Mucaaradka Suuriya ay door ka qaadan karaan xaqiijinta mabaadii’daas.”
Safiirada Iran iyo Suuriya oo iyana kulanka ka hadlay ayaa xulafada Mareykanka ku dhalleeceeyay in ay iyagu yihiin kuwa taageerada ku bixinaya rabshadaha ka dhacaya dalkaasi.
Intii uu kulanka socday ayaa laga akhriyay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka Carabta, oo adkeeyay baahida loo qabo in la itixraamo madaxbannaanida qaranimada iyo midda dhuleed ee Suuriya.
Hadi Hachem, Kuxigeenka Safiirka Lubnaan ee Qaramada Midoobey ayaa akhriyay bayaanka, isaga oo ka wakiil ah 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta.
Kulankan degdegga ah oo ka dhacay Magaalada New York ayaa waxaa codsatay Suuriya, waxaana taageeray Ruushka, Shiinaha iyo Algeria.
Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 05-12-2024
....