Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 03-12-2024

0
Tuesday December 03, 2024 - 09:26:51 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 03-12-2024

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho.

Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiirka hawlaha guud oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda Tis +

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda TIS+.

Kulan oo ahaa mid isbarasho, xog waraysi iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee u dhexeeya wasaaradda iyo Hay’adda TIS+ ayaa madaxa Hay’ada looga dhegestay warbixino la xiriirta mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyey shaqada ay hay’addu hayso, waxaana uu sheegay in wsaaradda hawlaha guud ay ka go’antahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wsiir ku xigeenka wasaaradda Maxamed Cali Maxamuud (Taam), wasiiru dowlaha wasaaradda Siciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo agaasimahaa Guud Mahdi Sheekh Cabdullahi.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka qeybgalay furitaanka Shirka #COP16 oo ka furmay Riyadh.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamedbayaa ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee #COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Riyad, ee Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha isbeddelka cimilada. Waxa kale oo ay xoogga saareysaa in la xoojiyo adkeysiga deegaanka si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay.

Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka cimilada sii xumaanaysa ayadoo markii ugu horeysay Soomaaliya ku dhex yeelaneyso Ardaa xarunta uu la socda Shirka.

Hantidhowraha Qaranka oo ka qaybgalay shirweynaha 2-aad ee hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad kooban, waxa uuna si gaar ah u tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay SICPA ku leedahay horumarinta xirfadda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta, daahfurnanta maaliyadeed iyo dowlad wanaagga iyo xaqiijinta kalsoonida nidaamka maaliyadda Soomaaliya.

Hantidhowraha Guud waxa uu, sidoo kale, bogaadiyay dadaalka SICPA ee ku aaddan dhiirigelinta xisaabiyeyaasha, isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan hawlahooda diyaarinta xirfadlayaal la jaanqaadi kara kuwo caalamka.

Shirkan ayaa dhiirigelinaya wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha maaliyadda iyo kuwa xisaabiyeyaasha, si loo gaaro horumar dhaqaale oo ku saleysan isla-xisaabtan iyo hufnaan.

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo doortay guddoon cusub

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa shalay dooratay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa loo doortay Cabdikariim Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeenka isna loo doortay Saaqada Abshir Garaad.

Gudoomiyaha Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan oo hadlaya ayaa yiri ” "waxaan balan qaadaynaa in Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed aan ka gudbino doorashadii dadbaneed.”

Munaasabadda doorashada waxa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha faderaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda, kuwaa oo bagaadiyay sida hufan ay doorashada u dhacday.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa guda gali doonno howlaha ka shaqeynta sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayd Doorasho qod iyo cod ah shacabka ay soo doortan cidda hoggaamineeyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip