Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 01-12-2024

0
Sunday December 01, 2024 - 09:36:22 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 01-12-2024

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka madaxweynahaasha dalalka bariga Afrika

Madaxweynaha Jambuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC).

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta guud.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.

Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay shirka EAC

Madaxwwenaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha 24 ee caadiga ah oo ay yeelanayaa dalalka ku bahoobay Urur gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,shirkan ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa daraad ka qayb galay xuska 25-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ururka Dhaqaalaha bulshada bariga Africa.

Hal ku dhiga shirka sannadkan ayaa ah dhiiri-gelinta ganacsiga, hurumarka waara, nabbada iyo amniga si loo helo nolol fiican.

Dhamaadka Shirka Madaxda ayaa saxiixaya qoddobo muhiima oo ay mid tahay wax ka bedelka hoggaanka meertada ururka oo lagu dooran doono guddoomiye iyo xoghaye cusub.

Soomaliya ayaa ururka xubin rasmi ah ka noqotay sannadkii hore 2023, waxana si xawli ah ku socda hab-raacyada kale ee dhameystirka u ah.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo weli ku sugan Belgrade Serbia ayaa shalay booqaday Matxafka Marshal Josip Broz Tito, aasaasihii Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia.

Howl-wadeenadda Matxafka ayaa si qoto dheer uga faalooday taariikhda Marshal Tito, laga soo bilaabo dhalashadiisa sanadkii 1892, wax barashadiisii, baarkiisa, waxqabadkiisii inta uu hoggaamiya ahaa iyo saameyn uu ku lahaa Siyaasaddaha iska soo horjeeda laga soo bilaa 1943 ilaa 1980.

Marahal Josip Broz Tito Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia, waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalkeenna Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Tito waxaa uu Soomaaliya Booqasho ku tagay in ka badan 5 jeer.

Wasiirka Amniga Gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa u mahadceliyay Maamulka xarunta keydka xusuus-dhowrka Marshala Tito sharaxaadda ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana Wasiirka uu sheegay in weli uu xusuusto aasaasikii ururka isbaheysiga Siyaasadda dhax-dhaxaadka ee loo yaqaanay Non Aliged Movement (NAM) 1961, ee xarunta Belgrade.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salah Ahmed Jama oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum), oo ah madal muhiim ah oo lagu gorfeynayo doorka internet-ka ee horumarinta Soomaaliya.

Madashan ayaa ujeedadeedu yahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.

Mudane Salah Jama ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa sido kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed oo qeybo badan oo noloshooda dhaqan dhaqaale ay ku xidhan tahay adeegga internet ka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa daraad booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo.

Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay warqado (documents) uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqada khibradda iyo Machadka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulmay magaalada Belgrade Serbia.

DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay shirguddoomiyay kulanka Guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgalinta argagixisa ayaa shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha maalgelinta argagixisada iyo dhaqista lacagaha, iyadoo si gaar ah looga arrinsaday diyaarinta siyaasadaha, shuruucda iyo xeerarka nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo arrimahan.

Wasiir Biixi oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaanta in ay macaamillaan kooxaha al-shabaab oo dhawaanahaan la soo warinayay in bulshada ay si qasab ah uga doonayaan lacago baad ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo la macaamisha kooxaha argagixisada oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

”Waxaan idinku soo dhoweynayaa shirkeennii caadiga ahaa guddiga ka hortagga maalgelinta iyo lacag dhaqista argagixisada oo had iyo jeer diiradda lagu saaro sidii wax loo qaban lahaa arrimahaas haddii ay tahay dhanka diyaarinta siyaasadaha shuruucda iyo xeer nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo maalgelinta argagixisada iyo la dagaalanka lacag dhaqista iyo tallaabo kasta oo wax lagaga qabanayo arrimahaas,waxaa runtii inoo qabsoomay howlo waa weyn walina runtii qabyooyin badan ayaa jira, waxaad ogtihiin argagixisadu in ay tahay cadowga koowaad ee dadka Soomaaliyeed, siyaabo kala duwan dowladda dagaalkeedu ay ugu jirto haddii ay tahay dhanka ciidan hubeysan, dagaallagu in guulo waa weyn laga soo hoyay meelo badan laga xoreeyay walina dagaalku uu socdo rajeyneyna runtii la ciribtiro oo la soo afjaro,”.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ay tallaabooyin waa weyn ka qaaddo arrimaha maalgelintooda iyo lacagaha baadda ay ka uruursadaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Wuxuuna wasiirku adkeeyay in ay shacabka ka fogaadaan la macaamilka argagixisada arxanka daran.

”Wejiga saddexaad aan u fadhino shalay waxaa weeye in maalgelintooda tallaabooyin waa weyn laga qaado oo shaqooyin badan ka qabsoomeen kana socdaan, dadka Soomaaliyeed haddii ay tahay ganacsayada iyo haddii ay tahay shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan ka waantoobaan in ay macaamil la yeeshaan nimankaas, haddana maaddaama lagu jiro xilli nimankaas ay sheegtaan in ay uruuriyaan Baadda ay tahay in si gaar ah runtii looga digtoonaado aan wax macaamilaad ah lala yeelan baan dadka Soomaaliyeed fareynaa, cid kasta oo la ogaado in ay si uun xiriir ula sameeysayna tallaabo sharci ah ayay Dowladdu ka qaadeysaa, hay’adaha amniga ee quseeya howlani dabagal joogta ah ayay ku hayaan,”.

Shirka waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgelinta argagixisa, kuwaas oo ka kala socdayWasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Bangiga Dhexe,Taliska Nabad Sugidda,Xafiiska Xeer-ilaaliyaha iyo Hey’adda FRC.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip