Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 30-11-2024

0
Saturday November 30, 2024 - 09:33:37 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 30-11-2024

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh & wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay dalka tanzania.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay Xuska 25-Guurada Aas-aaska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dabaal degtay Sannad-Guuradii 25aad ee EAC

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u dabaal degtay Munaasabada sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ururka Bulshada Bariga Afrika, munaasabada ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, Wakiilo ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed, Madax ka socotay Ururada Bulshada Rayidka, iyo qaar kamid ah Ardaydayda Jaamacadaha Dalka, iyagoo dhamaantood hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika iyo sida ugu haboon ee ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto.

W/Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS "Sharciga doorashooyinka iyo wax ka baddalka qodobada dastuurka waa kuwo iswaafaqaya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku soo bixisay meelmarita doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacda Gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo dhaqaaqo horumarka dadka iyo dalka,isla markaana aan dib loo eegin marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dastuurka dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur ayaa sheegay in meesha laga saaro casida laga qabo doorashooyinka qof iyo codka ah, isagoo Ku taliyay in cid kasta oo daneyneysa doorashadaasi ay galaangal ku yeelato siyaasadda dalka,gaar ahaan sidii loo kasban lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay Xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xuska waxaa lagu soo bandhigay bandhig farshaxan oo heersare ah oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo soo jiitay ka-qaybgalayaasha kuna muujiyay dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saareeysaa dadaalkeeda ku aaddan isku xirka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqan ee u dhexeeya Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo yeeshay Guddoomiye KMG ah

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha oo ku kulmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa yeeshay Guddoomiyaha ku meel-gaar ah ee Guddiga.

Marwo Aamina Sheekh Cismaan Maxamed oo ah qofka ugu da’da weyn xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa noqotay Guddoomiyaha Ku Meel-gaarka ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, sida uu qabo qodobka 12-aad faqradiisa 3-aad ee Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas oo Qaahira uga qaybgalay Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, mudane Axmed Aboul Gheit.

Ambassador Ilyaas ayaa Xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si gaar ah in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka.

Wasiir Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagantahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, waxuuna ka codsaday in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro al-shabaab.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’ideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya, sidoo kalana lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, waxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.

Ambassador Ilyaas ayaa horay kulamo ula qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari iyo Wasiirka arrimaha baaralmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi.

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar ugu soo xiray Serbia Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la barey Baarista Dambiyada

Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

Danjire Jabril oo ka qeybgalay heshiis ay Nairobi ku kala saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka

Waxaa shalay heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IFC, taas oo hoostimaada Bangiga Aduunka.

Heshiiska iskaashiga kaabayaasha Broadband ee u dhexeeya labada hey’addood ayaa ah mid lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya, iyada oo hay’adda IFC ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha iyo farsamadda.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Iskaashigaani uu calaamad u yahay tallaabo muhim ah oo loo qaadayo dhanka horumarinta isku xirnaanta iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray, "kobcinta hal-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u baahan in loo helo isgaarsiin casri ah oo la jaanqaadi karta caalamka”.

Internet xawaarihiisu sarreeyo oo dhawaan laga hergaliyay gudahada dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxa uu ka beddelay noloshada dadka iyo tan ganacsiga, korna u qaaday qeybo kamida ganacsiga, kaas oo abuuray fursado shaqo oo cusub. Heshiiskani waa wax ka badan hal-abuur — waa himiladii Soomaaliya oo horseedka u ahaan lahaa barwaaqo iyo horumar ay Soomaaaliya gaarto.

Waxaa iska kulankaan ka hadlay Mustafa Yuusuf Sheekh oo ah Maamulaha Guud ee hay’addda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxa uuna uga mahadceliyay hay’adda IFC taageerada ay la garab taagan tahay horumarka isgaarsiinta Soomaalida

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Uganda oo waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magcaawday dalka Uganda Amb Fardowso Maxamed Qanyare ayaa shalay nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem.

Kulan kooban oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana Danjire Fardowso Maxamed Qanyare ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta xariirka soo jireynka ah, sidoo kale waxaa ay ka mahad-naqday sida wanaagsan ee dowladda Uganda mar walba u garab taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka arrimaha Baarlmaanka dowladda Masar

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi, ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka labada wasaaradood, horumarinta iyo daadejinta federaaleynta dalka iyo in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawiso geedi-scodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka si loo helo dastuur la jaan-qaadaya dunida casriga ah, loona daboolo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada wasiir ayaa kulankooda uga hadlay isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, gaar ahaan in dowladda Masar oo ka mid ah dowladaha ugu facaweyn dunida ay Soomaaliya usoo dirto khubaro dhinaca sharciga ah oo ka caawiya dib-u-habeynta sharciyada iyo abuuridda sharciya cusub oo la jaan qaadaya hannaanka federaalka ee dalku qaatay.

Wasiir Ilyaas ayaa Maxamuud Fawzi uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, waxaana wasiirka arrimaha baarlamaanka Masar oo bogaadiyay heerka horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo ka go’naanta hiigsiga hadafka sare, waxaana uu u cadeeyay in Masar ay Soomaaliya ku garab taagantahay xaqiijinta hadafkaas weyn ee qaran.

Wasaaradda Dhalinyarada oo Muqdisho ka daahfurtay dood cilmiyeed ku saabsan doorka dhalinyarada ee kor u qaadista Afka Carabiga

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo kaashaneysa Jaamacadda Carabta ayaa Muqdisho ka furtay dood cilmiyed ku saabsan kaalinta dhallinyarada ee kor u qaadista Afka Carabiga, maadaama ay tahay luuqadda labaad ee dalka.

Dood cilmiyeedka waxaa ka qeybgalaya Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Safiirrada dalalka Carabta ee Soomaaliya, khubaro ku xeeldheer Afka Carabiga iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo saxiixday heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku saxiixay Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay wada saxiixdeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskaan muhiimka ah ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamulka wanaagsan.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskaan uu caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga ah

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya.

"Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada shalay aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

Lataliye sare oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra'iisul Wasaare Xamse oo is casishay

La-taliyaha Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xafliska Ra'iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, Shamsa Abdulkadir Haji Dahir ayaa bartee Facebook ku qortay qoraal ay ku sheegeyso inay iska casishay xilka lataliyenimo oo ay ka haysay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

"Anigoo ah Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna La-taliyaha Sare Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqel Insaanka ee Xafliska Ra'iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, waxan halkaan ku caddaynayaa inaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafliska , kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, Duudsiin xuquuq lyo Caburin Shaqo oo la xiriirta Shaqadii La ii igmaday iyo beegsi inaan ahay shaqsi kasoo jeeda Degaanada Jubaland laguna dulmiyay xuquuqdiisi Shaqo ee dastuuriga ah." ayeey tiri Shamsa Abdulkadir Haji Dahir.

Qoraalkeedi sidoo kale waxa ay sii raacisay inay u dulqaadan waayday beegsiga sida gaarka loogu haayo bulshada dowlad goboleedka Jubbaland oo si sharci daro faragalin ugu heyso xukuumadda sida ay hadalka u dhigtay.

Tani waxa ay imaanaysaa iyadoo wali aan wax xal ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Jubaland, badelkeedi waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka kadib markii ay Dowladda Soomaaliya ay ciidamo u daabushay dhinaca magaalada Raas Kambooni soona saartay warqad waaran ah oo lagu soo xirayo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe.

Horey waxaa u jiray xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubaland oo ka horyimid tallaabooyinka Dawladda Federaalka ay u qaaday dhanka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya

Talyaaniga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Keydad Sharciyo iyo Daraasado laga sameeyay 1950-1990

Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Talyaaniga waxa ay Dowladda Soomaaliya ku gudoonsiiyay keydad Shuruucdii ay Soomaaliya lahayd intii u dhaxeeysay 1950 ilaa 1990kii iyo daraasad ku saabsan horumarinta Afka Soomaaliga ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Cadaalada ee Soomaaliya.

Madashaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqadir iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaalada iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale.

Howshaan waxaa dadaal galisay haweeyneeda la yiraahdo Prof. Annarita Puglielli, Agaasimihii hore ee Xarunta Daraasaadka ee Jaamacadda Roma, waaxana ay ka dhalatay iskaashiyo ay sameeyeen Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacada Roma.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inay tani xoojineyso xiriirka labada Dowladood ayna taarikh ahaan keydkaan muhiim u yahay tariikhda shuruucda iyo mida cilmiga af Soomaali Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku tilmaamay arintaan mid jiilka jooga iyo kuwa soo socdaba anfici doona waxaana uu uga mahadceliyay dadaalka ay Dowladda Talyaaniga ay kubixisay keydinta dhaxal Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed & Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo si ay u fuliyaan olole wacyigelin ah oo ku saabsan sahminta, soo saarista shidaalka iyo saameynta ay ku yeelan karto deegaanka.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Safarkaan shaqo ee wafdiga waxay qayb ka tahay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, kaas oo xooga saaraya in bulshada lala wadaago xog ku saabsan sahminta shidaalka ee 3D, faa’iidooyinka dhaqaale ee laga filan karo, iyo muhiimadda ilaalinta deegaanka.

Inta badan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray howlgallada dowladda ee ka socda Jubbooyinka

Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Al-shabaab ee ku sugan degaanada Jubbooyinka.

Shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow ayaa soo dhoweeyay hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale shacabka ayaa dhanka kale taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha al-shabaab ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni, waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip