Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 28-11-2024

0
Thursday November 28, 2024 - 09:27:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 28-11-2024

    ..........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..........

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta, iyaga oo kawada hadlay dardargalinta mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Jamhuuriyada Turkiga iyo shacab keeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed gaar ahaan fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca Amniga, sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa Turkiga uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta ayaa balan qaaday in Dowladda Turkiga ay cusboneysiin doonto mashariicda dib udhiska la xariira gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, iyo xarumaha danta guud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay muhiimada ay u lee dahay dib udhiska Wadooyinka Caasimadda, shaqa abuurka dhallinyarada iyo hirgalinta xaruma lagu daryeelo caruurta darbi jiifta.

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda gabdhaha gadaal ka raaca Mooto Feykonta

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Daraad meel fagaare ah uga dhawaaqay in mamnuuc ka tahay gabdhaha ku nool magaalada Muqdisho iney gadaal ka raacaan mootooyinka laba lugaaleyda ee loo yaqaano Feykon-ta.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa amarkaan shaaciyay isagoo boqolaal dadweyne ah Daraad kala qeyb galay isku soo bax balaaran oo lagu taageeray xeerarkii doorash-ooyinka dalka oo dhawaan ansixiyen labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

"Waxaan hortiina ku mamnuu-ceynaa shalay kadib gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceysa in gabadhana ay xarig tahay, mootadana lala wareegi doono” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiye madaale ayaa sidoo kale sheegay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono dhalinyarada wadooyinka Muqdisho ku sameeya waxyaabaha anshax darada ah.

"Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidadka magaalada ku dhex sameynaya fasaadka iyo heesaha keenaya, kuwaasna waa mamnuuc oo ma aqbali doono faafinta fasahaad iyo waxii la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulka gobolka Banaadir soo saaro amaro lagu mamnuucayo waxyaabo la xariira anshax darada, waxaana maamulka gobolku uu horay gudaha magaalada Muqdisho uga mamnuucay isticmaalka waxbaayaha maanka dooriya, gaar ahaan Xashiishka, shiishada iyo Taanbuuga.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Waaran soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo 25-kii bishaan dib loogu doortay madaxwenaha maamulka Jubaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Cabdullaahi Cismaan inuu soo xiro Axmed Madoobe, islamarkaana si deg deg ah u horgeeyo Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in amarkan lagu soo saaray codsi ka yimid Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasoo Axmed Madoobe ku eedeyay inuu galay dambiyo waa weyn oo ay ka mid yihiin Khayaano Qaran iyo falal liddi ku ah midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Lama oga sida uu ku dhaqan gali doono amarkaan kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ee la xariira in lasoo xiro Axmed Madoobe oo markii sadaxaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.

Wakiilka Bankiga adduunka ee Soomaaliya oo booqatay xarunta lagu diyaarinayo qorshaha isbadalka Qaranka

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay wehliso Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson ayaa shalay booqday xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiirka iyo Wakiilka, ayaa kulan la qaatay mas’uulyiinta hormuudka ka ah Barnamijka diyaarinta Qorshaha Qaranka, iyaga oo Warbixin ka siiyey habsami u socodka howsha iyo howlaha qabsoomay intii ay shaqadu socotay.

Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa bogaadiyey shaqada maalinlaha ah ee howl wadeennada dowladda iyo khubarada caalamiga ah ay halkaan ka wadaan, taas oo lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay isugu yimid kalfadhi wadajir ah, kaaso ay ku ansixiyeen xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee doora-shoyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fadhiga shalay waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana kooram ahaan uu fadhigan ku furmay xildhibaano gaaraya 175 Mudane.

Ajendaha fadhiga shalay oo ahaa in xubnaha Guddiga lagu ansixiyo ayaa durba waxa ay mudanayaasha cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta Guddiga, waxaana taageeray 169 mudane, 6 mudane ayaa ka soo horjeestay, mana jirin cid ka aamustay sida uu shaaciyay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Guddigan oo ka kooban 18 xubnood ayaa habeen hore waxaa fadhi deg deg ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya lagu ansixiyay.

Arinta xiisaha leh ee Baarlamaanka shalay ka dhacday ayaa ahayd, in mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka degaan ahaan laga soo doorto Jubaland ay seeri ama firimbi ku dhex yeerinayeen gudaha Golaha Shacabka iyagoo diidan codka loo qaadayay oo jawigii baarlamaanka uu isku badalay buuq iyo sawaxan xoogan.

Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ahaa xildhibaanadii shalay seeriga ka yeerinayay aqalka Baarlamaanka ayaa sheegay in hadii ay Dowladda Soomaaliya kasoo celin magaalada Raas-kambooni inay aag dagaal ka furi doonaan magaalada Muqdisho.

SoDMA oo u diyaar garoobaysa ka jawaabista abaar laga cabsi qabo

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shalay guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.

Shirkaan oo laba qeyb ahaa ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abartaan, sidii loo kordhin lahaa wacyigalinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowlada hogaminayso la iskulana shaqeynaayo sidii looga jawaabi lahaa abaartaan, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hay’adda SoDMA iyadoo si dhow ula shaqayneeysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, sidoo kale, shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarha ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Md George Conway oo ay wehliyaan Hay’adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA. Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta in loo diyaar garoobo abaarta La-nina iyo in ay dhinacayadan iyo SoDMA si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa sameenta ay ku yeelan karto abartaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada nugul.

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo shir caalami ah uga qaybgalay dalka Qatar

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay shirka wasiirrada ee hay’adaha fulinta sharciga ee la-dagaallanka musuqmaasuqa, oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo ayna soo qaban-qaabiyeen dalalka xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, laguna dhiirrigeliyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Wasiir Xasan Macallin oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer caalami ah si loo ilaaliyo cadaaladda loona yareeyo musuqmaasuqa, asagoo soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo hormarinta hufnaanta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay is-dhaafsadaan khibradaha iyo farsamooyinka la-dagaallanka musuqmaasuqa, si loo gaaro yoolalka guud ee lagu xaqiijinaayo cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Baaqa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa qeyb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan.

Shir looga hadlaayo Gaaritaanka

Hoos u dhac ku yimid miisaaniyadda uu Bangiga Adduunka ku taageeri jirtay Puntland

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu hoos u dhac ku yimid miisaaniyadda mashaariicda uu Bangiga Adduunka (World Bank) ku taageeri jiray Puntland.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka jeediyay kulankii uu baarlamaanka Puntland ugu gudbinayay miisaaniyadda sanadka 2025, si loo ansixiyo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin sababta keentay hoos u dhaca, Hase ahaatee, waxaa arrintaan lala xiriirinayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in miisaaniyadda guud ee ka imaanaysa hay’adaha caalamiga ah ay korortay 18%.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu walaac ka muujiyay in hoos u dhaca miisaaniyadda World Bank uu saameyn ku yeelan karo mashaariicda muhiimka ah ee laga fulinayo Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay fasaxday mashaariic horey ugu xayirnaa Puntland, kuwaas oo xayirnaantooda ay sabab u ahayd diidmada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sida ay sheegtay dowladda Federaalka.

Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay si dhow uga doodaan arrintan, iyadoo qorshaha miisaaniyadda 2025 uu noqonayo mid xasaasi ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee haatan ka jira Puntland.

Maxkamada Sare ee Somaliland oo Go'aan kasoo Saartay Natiijada Doorashada

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in natiijada ay guddida doorashooyinku kasoo saareen doorashadii madaxtooyada ee dhacday 13 November ay ansaxtahay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxkamada isla markaana uu warbaahinta u akhriyay Gudoomiye Adan Xaaji Cali, waxay maxkamadu meelmarisay natiijadii doorashada madaxtooyada.

"Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani" ayaa lagu yidhi qoraalka maxkamada.

Maxkamadu waxa ay sheegay in anay wax cabasho ahi ka iman dhinacyadii doorashada ku tartamay sidaa darteedna ay waafaqday natiijadii hordhaca ahayd ee ay soo saareen Koomiishanka Doorasho-oyinka Somaliland.

Doorashada oo ahayd tii ugu daganayd ee Somaliland ka dhacda, ayaa lagaga guulaystay xisbiga Kulmiye oo muddo 15 sanno ku dhaw ka talinayay Somaliland, iyada oo Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisuba ay u hambalyeeyeen xisbiga Waddani oo ay guushu raacday.

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta tamarta

Shirkadda Tamarta ee dawladda Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi) iyo Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta kaarboon-carbon ee si wadajir ah Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis heer sare ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, xilli uu magaalada Ankara booqasho ku tagay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

"Heshiiskan, waxaan ku fulin doonnaa hawlgallo cilmi baaris oo saliid iyo gaas ah oo ku saabsan dhulka Soomaaliya," ayuu yiri Wasiirka Tamarta, Bayraktar.

Madasha Tamarta ee lagu qabtay Istanbul todobaadkii hore, ayuu Madaxweynaha Turkiga, Erdogan, sheegay in markabka Turkiga "Oruc Reis” uu bilaabay inuu ka shaqeeyo saddex goobood oo ku yaalla biyaha Soomaaliya.

Warku waxa uu intaa ku daray in Turkigu uu sahaminta Shidaalka iyo Gaaska ka samayn doono Badda Soomaaliya ee saddex meelood oo cayiman.

Turkiga ayaa noqday saaxiibka dhow ee dowladda Soomaaliya ee iskaashiga tamarta sannadihii u dambeeyay.

Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa shalay magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Dowladda Soomaaliya ay hadda qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.

Wasiir Biixi Imaan Cige, oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hananka dib-u-habeynta Maaliyada, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajiodka Deyn Cafinta Soomaaliya waxuu kale uu xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.

"Dowladda Soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa burburka dowladeeni kuyimid oo keenay inay hay'adihii dowliga naga dumeen, amni darida baahdo iyo heerka saboonimadu baahdo, kabayaashii dhaqaale ay meesha kabaxeen arimahaasi oo dhami laisku geeyay ayaa waxa ay noqdeen kuwa dhibaato dhaqaale nagu haayo, dadkeeni waxa ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha, isbadalada cimilada ayaa sidoo kale na sameeyay dhaqaale ahaan, waxaan ognahay inay barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed, culeeysy-adaasi oo aan la tacaaleenay, ayaan waxaan dhisnay Hay'addaha Dowliga si baahiyahaasi looga jawaabo," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu wasiirka shaaca ka qaaday in dagaalka lagaga xoreeyay Al-shabaab degaano badan oo dalka ah inay keentay baahiyo badan oo ay kamid tahay in dadkaasi labaro dowlad wanaaga, cadaalad ay helaan, waxbarasho ay helaan waxaas oo dhami waxay u baahan tahay ayuu yiri dakhli gudaha ka yimaada oo la isku haleen karo.

Wasiirka waxa uu sheegay in awood badan ay geliyeen dakhli uruurinta gudaha labadii sano ee lasoo dhaafay inasto aysan ahayn wali sidii la rabay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka, Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda, Xafiiska arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay Ururada Bulshada Rayidka, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Biden oo shaaciyay in Israel iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen xabad joojin

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Israel iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen 60 maalmood oo xabad joojin ah, oo dhaqangeli doonto subaxnimada Arbacadan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiska u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel uu keenayo in colaadda labada dal la soo afjaro.

Madaxweynaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sida uu dhigayo heshiiska ay Xisbullah ka tagi doonto xuduudda, isla-markaana ay isugu tagi doonto waqooyiga Webiga Litani, halka Ciidamada Israel ay iyana ka bixi doonaan goobaha ay kaga sugan yihiin koonfurta dalkaasi.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dhulka ay ka baxayaan Xoogaga Xisbullah la gayn doono Ciidamada Dowladda Lubnaan.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa sheegay in 5,000 oo askari oo Ciidamada Lubnaan ah la gayn doono halkaaasi.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in heshiisku uu ogolanayo in shacabka labada dal ee ka barakacay deegaanada xuduudda ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

"Heshiisku wuxuu kor u qaadayaa madaxbannaanida Lubnaan, taasoo u ogolaaneyso waddanku inuu cagta saaro dhabaha mustaqbal u qalma oo taariikh muhiim ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa carabka ku adkeeyay inaanan la ogolaan doonin in Xisbullah ay dib u soo dhisto kaabeyaasheedii militari ee xuduudda, isagoona Xisbullah iyo ururada kale ee dalkaasi uga digay in ay ku xadgudbaan xabad joojinta.

Biden ayaa sheegaya in Israel ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, haddii Xisbullah ama cid kale ay jebiso heshiiska.

Biden ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo Faransiiska ay iska kaashan doonaan hirgelinta heshiiska xabad joojinta, iyadoo aan loo baahneyn ciidamo Mareykan ah oo halkaasi ku sugan.

Xabad joojinta oo ku bilaabaneysa lixdan cisho ayaa laga sii shaqayn doonnaa, sidii ay u waari lahayd, iyadoona Washington iyo Paris ay xaqiijin doonaan in heshiiska si buuxda loo hirgeliyay.

Paris iyo Washington ayaa gacan ka gaysan doona tayaynta Ciidamada Dowladda Lubnaan, maadaama ay iyagu aamini karaan, marka loo eego Xisbullah.

Raysal Wasaare Netanyahu oo digniin adag u jeediyay Xisbullah

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan uga digay inay carqaladeeyaan heshiiska xabad joojinta ee labada dal.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa habeen hore sheegay in Israel ay haysato xorriyadda ay ku weerari karto Xisbullah, haddii ay ku xadgudubto buu yiri xabad joojinta.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Xisbullah ay la gudboon tahay in ay si sax ah u dhaqangeliso heshiiska lixdanka maalmood, si uu bilow wanaagsan ugu noqdo xabad joojin waarta.

"Haddii Xisbullah ay jebiso heshiiska oo ay isku daydo inay dib isu soo hubeyso, waan weerari doonnaa. Haddii ay isku daydo in ay dib u dhisto kaabeyaasha militari ee xuduudda, waanu weerari doonnaa.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay tobanaan sano dib u dhigtay Xisbullah, ka dib markii ay dishay sida uu yiri Hassan Nasrallah iyo kumanaan ka tirsan dagaal-yahanadeeda, isla-markaana ay burburisay inta badan kaabeyaashii militari ee ururka.

Netanyahu ayaa ku waramaya in xabad joojinta ay awood u siin doonto lixdan kun oo Israeliyiin ah, oo ka barakacay waqooyiga Israel inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dadka qaar ayaa shaki ka qaba in xabad joojintan ay dhab ahaantii ka dhigan tahay in dhinacyadu ay soo afjari doonaan weerarada labada dal.

Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, illaa laga wiiqayo awoodda Ururka Xamaas, lagana soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Netanyahu ayaan sheegin inay wax ka bedelayaan qaabka dagaalkooda, aan ka ahayn inay dardargelinayaan. Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan ayaa ah dadka rayidka ah.

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Khamiistii soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant. Maxkamadda ayaa sheegtay in loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Dhanka kale heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xisbullah ayaa waxaa bilowgii si weyn uga horyimid Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela Xukuumadda Netanyahu, balse uu Netanyahu markii dambe ku qanciyay in aanu heshiisku ahayn mid dhameystiran, balse uu yahay mid KMG ah, si fursad loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda, ayna eegayaan waxa ka fuli doona.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo Netanyahu uu la qaatay Wasiirada Amniga Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich uu ka dhaadhiciyay in muddada ay xabad joojintu socoto ay Israel xaq u leedahay inay garaaci karto goobaha ay khatarta u aragto ee dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Netanyahu uu mar kasta u nugul inuu tixgeliyo rabitaanka labadan Wasiir, bacdamaa xukuumaddiisa wadaagga ah ay ku tiirsan tahay taageerada xisbiyadooda midigta fog.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa marar badan Wasiiradan ku eedeeyay in ay diidan yihiin heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas. Siyaasiyiintan ayaa Netanyahu ku dhalleeceeyay in danta guud ee qaranka uu ka hormarinayo tiisa gaarka ah, isla-markaana ay xukuumaddiisu halis gelinayso nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

Xulafada Israel ee reer galbeedka, sida Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale labadaasi nin ku eedeeyay inay wiiqayaan wada hadalada nabadda ee Gaza, isla-markaana ay hurinayaan rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiiradan ayaa Netanyahu ku adkeeyay inaanu wax dheg jalaq ahi u siinin cadaadis ay sheegeen in Mareykanku uu ku saarayo in la soo afjaro dagaalka ka soconaya Gaza. Wasiiradan ayaa si joogta ah billihii la soo dhaafay qalabka Warbaahinta uga sheegayay in ay tahay in Xukuumadda Netanyahu ay sii waddo dagaalkan, inta laga burburinayo Xamaas, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumaddiisa, tallaabadan oo soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Netanyahu oo adeegsanaya xeeladihiisa, si uu uga baxsado burbur ku yimaada xukuumaddiisa iyo dacwadda musuq-maasuq ee kaga furan maxkamadda gudaha ayaa dhowr jeer fashiliyay dadaaladii uu Mareykanku horkacayay ee la doonayay in xabad joojinta lagaga sameeyo Marinka Gaza, isagoo marba shuruudo cusub la imanayay miiska wada hadalka, ayna iska diiday Xamaas, keentayna in dagaalka Gaza uu sii socdo.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo billihii June illaa October arkayay in Ben-Gvir iyo Smotrich ay ka masuul yihiin horu-socod la’aanta hareysay heshiiskaasi ayaa waxaa haddana jirin wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen.

Fadeexaddii Xisbiga Dimoqraadiga ee Madaxweyne Biden ka qabsatay doorashadii 5-tii bishan ka dhacday dalkaasi ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay carrada shacabka Mareykanka ay ka muujinayaan xasuuqa ay Israel ku hayso dadka Gaza iyo sida aanu Aqalka Cad waxba uga qabaneynin.

Shacabka Mareykanka ayaa qayb ka ahaa bannaanbaxyadii waaweynaa ee bulshada caalamka ku muujineysay, sida ay uga soo horjeedaan isla xisaabtan la’aanta ee Israel.

Maamulka Biden ayaa dunida iyo shacabka Mareykankaba kala kulmay cambaareyn xoog leh, oo loogu jeedinayo taageeradooda indha la’aanta ah ee Israel.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip