HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2 DECEMBER 2024
Madaxweyne xasan sheekh oo magacaabay lataliyaha arrimaha dhallinyarada iyo cyaaraha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.
Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyrada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuu-d ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mar-wo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaa-liya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.
Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Waki-ilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.
Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley arrimaha la xiriira horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameyneyso dhibacyada siyaasadda, amniga, dagaalka Al-shabaab, la wareegista DFS ee goobaha ay ka baxayaan ciidammada ATMIS iyo ballaarinta fidinta adeegyada bulshada.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa si mug leh u dul istaagey tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho Qof iyo Cod ah ka hirgeliso dalka, iyo meel marinta sharciyada muhiimka u ah gaarista hadafkaasi oo dhowaan Baarlamanka Federaalka uu ansixiyay.
Ambassador Souef ayaa dhankiisa bo-gaadiyay hawlaha muhiimka ah ee la xiriira dowlad dhiska ee ay Soomaaliya ku guuleysatey, isagoo intaa raaciyay in Midowga Afrika uu mar walba uu taageero buuxda la garab taagan yahay Soomaaliya.
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay hoggaannada ururka dhallinyaradda Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay hoggaannada ur-urka dhallinyaradda Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha ururka dhallinyarada mudane Cumar Cab-diraxmaan Macow.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin sanadeed lagaga dhageystay hoggaannada ururka dhallinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u degsan sanadka soo socda ee 2025.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay hoggaanka dhallinyarada Gobolka Banaadir in ay dardargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska, iskuna diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod.
Wasiirka Warfaafinta oo aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta u furay howlwadeenno ka socday hay’adaha dowladda
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay hawlwadeennada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka.
Tababarkani oo soconaya muddo saddexmaalmood ah ujeedkiisu waa kor u qaadista hagaajinta xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in tababarkan diiradda lagu saarayo horumarinta hab warbaahineed ee xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo furay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helidda caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha warfaafineed ee dowladda.
Wasiir Daa’uud ayaa intaa ku daray in tababarkani uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda Warfaafinta oo kaashanaysa hay’adaha dowladda ay ku xoojinayso la falgalidda dadweynaha, fududeynta xog helidda warbaahinta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda iyada oo laga fogaanayo isbarbar yaaca farriimaha dowladda lana xoojinayo farriin mideynsan, si fiican loo diyaariyay, una qaabaysan gudbinta ajandaha dowladda ee gaarista Soomaaliya nabad ah, barwaaqo ah, iskuna filan.
Askar kale oo katirsanaa jubbaland oo ku biiray howlgalka Ciidanka XDS ee Raaskambooni
Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Al-shabaabah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.
Ciidanka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay sarakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ayna qaarkood oo la ha-dlay warbaahinta sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeygalka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabee ciidanka.xoogga ka wadaan degaannada jubbaland.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowa-an howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaabka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Guddoomiye Madaale oo kulan la qaatay wafdi ka socda WFP
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Muda-ne Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan cunada ee WFP oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Marco Selva.
Madaxda Gobolka Banaadir iyo Hey’adda WFP ayaa ka wada hadlay xoojinta xiirirka labada dhinac, dardargelinta Howlaha Bani’aadannimo, taageerida Barakacayaasha iyo dadka nugul ee ku nool Gobolka Banadir, iyadoona labada dhinac ay kala saxiixdeen Hes-hiis dhigaya Wadashaqeynta, Tayaynta kor joogtaynta iyo la socodka mashaariicaha laga fulinayo Gobolka Banaadir.
Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac
wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.
Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu xaqiijiyey taageerada uu ka geysanayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, amniga badda, iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Dawldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho taasoo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. labada dhinac waxay ka wada hadleen baahida loo qabo la dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.
Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka qeyb galayay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu maryo meel sare kaddib markii labada Dowladood ay kordhiyeen cilaaqaadka ka dhaxeeya ee dhinacyada Waxbarashada, Militariga, Ganacsiga, Teknoolajiyadda & kuwo kale ayuu sheegay in ay xoogga saareen Dowladaha Soomaaliya & Turkiga si aanay looga daba harin dunid kale ee horumarka ka sameysay dhinacyadaan.
Dowladda iyo Shacabka Turkiga ayuu ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sare u qaadista Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu rajeeyay in Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ay ka shaqeyn doonnaan xoojinta iskaashigooda saldhigtay sida uu hadalka u dhigay.
"Xiriirka Labada Dal waxa uu ka gudbay heerar kala duwan oo maanta uu marayo heer istaraatiijig ah oo aan is weydaarsaneyso dhaqaalaha, Amniga & Culuumta kala duwan ee Teknoolajiyadda, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Turkiga sida ay ugu hiilisay Dadka Soomaaliyeed”ayuu wasiirka Gaashaandhigga
Munaasabada ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda soomaaliya iyo tan Turkiga,waxaana xafladda lagu abaalmariyay dhalinyara soomaaliyeed oo wax ku soo baratay Dalka Turkiga.
Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Qaadacday Xog uu Isbigaalka Guud ee Hargaysa kaga Hadlay cudurka AIDS-ka
Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa beenisay xog uu soo saaray Isbitaalka Guud ee Hargaysa, oo sheegaysay in tiro aad u badan oo dad ah uu xanuunku soo ritay sannadihii u danbeeyay.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka D.R. Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska AIDS-ka, ayaa sheegay in 0.15% kali ah oo kamid ah shacabka Somaliland uu hayo cudurku, tiradaasi oo hoos u sii dhacaysay sannadihii u danbeeyay.
Waxa uu beeniyay warbixinta oo uu isbitaalku ku sheegay in laga soo bilaabo 2004 ilaa 2024 ay dad dhan 3,206 uu xanuunku soo ritay, kuwaasi oo 2,481 kamid ah loo bilaabay dawooyin halka 725 kamid ahi aanay dawo qaadan sababo iyaga u gaar ah awgeed.
Sidookale warbixinta isbitaalka waxa kamid ahayd in ay sannadkan ka baadheen cudurka HIV-AIDS dad gaadhaya 714 qof, halka laga helay xanuunka 103 qof (64 dumara iyo 39 Rag ah).
"Waxan halkan ka caddaynayaa in anay dadku sas ka qaadin xogtaa soo baxday, oo ahayd xog si qalad ah usoo baxday, isbitaalkuna aanu runtii xaq u lahayn in uu soo saaro" ayuu yidhi Agaasime Xergeeye.
Wasaarada Caafimaadka ayaa horay ugu gacansaydhay warbixin uu sarkaal booliis ahi ku sheegay in ay kordhayso tirada dadka ee qaadaya cudurka.
DFS oo mar kale ku celisay Mowqifkeeda ku aaddan damaca Itoobiya ee Badda Somalia
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyas Ali Hassan ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee damaca Itoobiya
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X/ twitter ayuu ku sheegay in mowqifka Soomaaliya uu halkiisii yahay. Waxa uuna yiri:
"Somaliya waxay soo dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, mowqifkeedu wuxuu weli yahay mid aan isbeddelin: Ilaa heshiiskii is-afgarad ee Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid waxba kama jiraan ah, islamarkaana la xushmeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dhammaan dadaallada lagu xallinayo arrintan ay noqdeen ma-dhalays, sababo la xiriira aamin-darrada Itoobiya.
Ciidanka Israa’il oo Gaza ku dilay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka
Ciidamada Isra’il ayaa duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey’adda hey’adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen.
Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki.
Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa.
Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza.
Baabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza.
World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa, isla markaana sheegtay in aysan waxba kala socon in shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarki 7-badi October.
Hey’addan samafalka ayaa dhanka kale sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana sheegtay in ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta.
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza.
Goor danbe oo xalay aheyd, ayay hey’adda caalamiga ah ee dhanka gargaarka ee Save the Children shaacisay, in mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Axmed Feysal Isliim oo 29 jir ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku qaadday Khan Younis shalay.
Ciidamo horleh oo ka tirsan Maamulka Jubland oo ku biiray Ciidamada DFS
Ciidamo wata afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Dawlada Fedraalka Soomaaliya eek u sigan Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.
Ciidanka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay sarakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ayna qaarkood oo la hadlay warbaahinta sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeygalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ciidankaxoogga ka wadaan degaannad Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan howlgal lagula dagaalamayo Alshabaab ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga saaeo Alshabaab.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .
Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay in ay kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Itoobiya
Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadlayay Shir Madaxeedka 24-aad ee Caadiga ah ee Madaxda dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ku beegan sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii EAC ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud, iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.
"Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay shirka ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
"Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay.
Ruto ma sheegin goorta iyo halka uu kulanku ka dhacayo.
Kani ayaa noqonaya isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Jannaayo Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland.
Dhowr wareeg oo wadahadal ah oo labada dal ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa fashilmay.
Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo, Somaliland waxa ay oggolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.
Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan fadhin iyo dagaal dhuleed, iyadoo laba dagaal uu dhexmaray dabayaaqadii qarnigii 20-aad.
Dowladda Masar oo baareysa 6 Qof oo Soomaali ah oo ku Geeriyootay dalka Masar
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 6 Ruux oo isku Qoys ah oo ku Geeriyooday dalka Masar kadib markii ay ku qabintimeen Gaaska guryaha ee la adeegsado xilliyada qaboobaha oo isagoo furan ay ka seexdeen sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada dadkaan musiibadu ku dhacday.
Xasan Xirsi Xuseen oo la ehel ah dadkaan ayaa u sheegay TVga Universal in dadkaan xogtoodi ay waayeen wixii ka dambeeyay galinkii dambe Jimcihii, waxaana kadib uu sheegay inay bilaabeen inay safaarada Soomaaliya ee Qaahira la xiriiraan kadibna sidii lagu jabiyay albaabka Guriga ay deganaayeen.
Waxa uu xusay xubno kamid ah qoyskaan inay dhowaan kasoo laabteen dalka Turkiga halka kuwa kalana ay ka tageen Soomaaliya, hadda waxa uu shaaca ka qaaday in lagu xareeyay talaagad oo ay saraakiisha caafimaadka Masar ay baarayaan.
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in laamaha amaanka Masar ay baaritaan ku wadaan dhacdadii ay ku geeriyoodeen 6da qof ee Soomaaliyeed oo isku qoys ka ahaa.
Qunsulka waxa uu sheegay in qoyskan ay ahaayeen kuwa muddo 5 cisho uun deganaa Qaahira una yimid arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in saraakiisha Masaarida ay kala cadeenayaan hadii dadkaan waxay u dhinteen kaliya uu ku egyahay Gaaska ama hadii ay jiraan wax kale oo dheeri ah.
Jubbaland oo beenisay in ciidamadii Saakay iska dhiibay Raas kambooni iney ka mid ahayeen ciidamadeeda
Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay ineysan jirin ciidan kasoo goostay Jubbaland oo isku dhiibay kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka lagu soo bandhigay Raas kambooni iney yihiin ciidankii dhawaan dowladda Fedaraalka ay diyaaradaha ku geysay deegaankaas.
"Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan. Ciidankaan ayaa ah ciidamadii Diyaaradaha lagu geeyay deegaanka Raas-kaambooni, kuwaas oo hadba koox inta doon la saaro la leeyahay waxa ay iska soo dhiibeen ciidamada Jubaland" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.
Warsxafadeedkaan Jubbaland ay ku beenisay in ciidankeeda ay isku dhiibeen kuwa dowladda ee ku sugan Raas Kambooni ayaa imaanaya, iyadoo saakay dowladda Fedaraalka ay soo bandhigtay ciidan ka tirsana kuwa Jubbaland oo ilaa afar doomood saarna, kuwaas oo saraakiil u hadashayna ay sheegeen iney ka tirsanayeen ciidamada maamulka Jubbaland.
Tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe 25-kii bishaan waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
Ciidamada Suuriya oo isaga baxay magaalada Xalab
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa isaga baxay magaalada Xalab kadib weerar ay ku qaadeen fallaagada kasoo horjeeda maamulka Bashaar Al-Asad.
Ciidanku waxa ay qireen in fallaagada ay qabsadeen "qaybo badan” oo magaalada labaad ee ugu dalka Suuriya, balse waxa ay wacad ku mareen in ay qaadi doonaan weerar rogaal celis ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay.
In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 qof oo rayid ah, ayaa la dilay tan iyo markii ay bilaabatay Arbacadii, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK (SOHR).
Isagoo hadlayay Sabtidii, Madaxweyne Assad wuxuu wacad ku maray inuu "difaaci doono xasiloonida [Suuriya] iyo wadajirka dhuleed ee ka dhanka ah dhammaan argagixisada iyo taageerayaashooda”.
"[Dalku] wuxuu awood u leeyahay, isagoo kaashanaya xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, inay ka adkaadaan oo ay baabi’iyaan, si kasta oo ay u xooggan yihiin weerarradooda argagixisanimo,” xafiiskiisa ayaa oo isaga soo xigtay ayaa warkaasi baahiyay.
Dagaalka sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah ee ka dhanka ah dowladda uu hoggaamiyo Bashar taas oo ay ku eedeeyeen inay cadaasi iyo cabrin ku hayso.
Colaadda ayaa inta badan yaraatay tan iyo markii xabbad-joojin lagu heshiiyay 2020-kii, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran.
Idlib waxa ay 55km u jirtaa Xalab, oo lafteedu ahayd xarun ay fallaagada ku xooganaayeen ilaa ay gacanta u gashay ciidamada dawladda sannadkii 2016kii.
Ruushka oo duqeymo hor leh ka fuliyay Suuriya, iyadoo Jabhadda ay koonfurta ka soo riixayaan Xalab
Ruushka ayaa qaaday shan weerar oo cirka ah oo xiriir ah oo lala beegsaday xero qaxooti oo ku taal xaafad ku taal Idlib, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka ee Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK.
Duqeymaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid ah kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay hay’addu.
Mar sii horreeysay, SOHR waxay sheegtay in Ruushka uu garaacay qaybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Hama halkaas oo kooxda hogaaminaysa weerarka fallaagada "ay dhawaan la wareegeen".
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dawladdu u dirtay "gurmad ballaaran”
Idlib iyo Hama waxay ku yaalaan dhanka koonfurta Xalab. Xoogaga mucaaradka ayaa weli gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran.
Shalay, Idlib iyo nawaaxigeeda waxaa lagu garaacay sagaal gantaal.
Aamina: Xanuunka Alle ayaa keena laakiin waa nala takooraa oo guryaha xitaa nagalama kireynayo
Xuska maalinta xanuunka HIV/AIDS-ka, oo adduunka sannad kasta laga xuso kowda bisha diisambar, iyadoo hal-kudhiga sanadkan ee xuska caalamiga laha dhigay" Raac wadada saxan: Caafimaadkayga, Xaquuqdayda"
meelaha xuskan maanta lagu qabtay waxaa ka mid ahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo lagaga hadlay dhibaatada haysta dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo sida looga hortegi karo faquuqa ay la kulmaan dadka cudurkan la nool.
Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Somaliland, ayaa sheegay in dadka la nool xanuunkan uu hoos u dhacay marka la eego 20 sanno ka hor, oo uu ahaa boqolkiiba laba, hase yeeshee uu iminka marayo boqolkiiba (0.15), sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.
"Somaliland waxay ku jirtaa meelaha ugu hooseeya, marka la eego dalalka geeska Afrika, oo cudurkan HIV/AIDS-ku ku badan yahay. Somaliland wakhtiyadii hore uu gaadhay boqolkiiba laba (2%), halka uu imika uu marayo boqolkiiba eber dhibic shan iyo toban (0.15), taas oo macnaheedu yahay in tobankii kunba, shan iyo toban qof qabaan"
Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee Somaliland
Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, ayaa wajaha takoor iyo faquuq ay kala kulmaan bulshada ay la nool yihiin, kuwaas oo qaarkood guryaha laga kirayn waayo halka kuwo kalena laga eryo shaqooyinka ay hayaan, sida ay BBC-da u sheegtay Aamina oo ka mid ah haweenka xanuunkan la nool ee Hargeysa degan
"Xanuunkan Ilaahay baa keena, laakiin dhibaato ayaanu qabnaa, oo waa la na takooraa, oo haddii qofka la ogaado inuu xanuunkan la nool yahay guryihii ayaa laga saarayaa, oo lagama kiraynayo, waa lana takoorayaa." Ayey tidhi Aamina,
waxaanay intaas ku dartay "Caruurtii ayaa Iskuulkii laga soo eryayaa, waa lagaa shakiyayaa, ehelkii ama asxaabtii ha noqoto, waxa la odhanayaa qofkaas xanuunkii ayuu la nool yahay waa laga cararayaa"
Gabadhan, waxa ay tilmaantay in aanay dhibaatada haysta waxba ka qaban Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, balse Agaasimaha Komishankan oo ay BBCdu waydiisay dhibaatooyinka ay dadka Xanuunkan la nool ka cabanayaan iyo waxyaabaha ay ka qabtaan, ayaa yidhi "Cabashooyin badan ayaa noo yimaada, oo meelo ay ka cabanayeen waanu ka kulanay, sida Hay'adda shaqaalaha oo marka shaqaalaha la qaadanayo ay yidhaahdeen caafimaad ayaa loo diraa, marka laga helno shaqada la naga joojiyaa, mararka qaarkood waa been abuur ama marar ay dhacdaa. Markaa arrimaha xeerar iyo sharciyo ayey u baahan yihiin, taasna waan wadnaa"
Haweenaydan waxa kale oo ay BBC-da u sheegtay in haweenkan gaadhaya 48 oo ay ka mid tahay oo cudurkan la nool ay isu abaabuleen sidii ay uga shaqayn lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan.
Tirada Dadka la nool xanuunkan ee ku nool deegaannada Somaliland
Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof,
Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof,
Dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS-ka, ee qaata dawooyinka ee ku nool deegaannada Somaliland, ee xuskan lagu soo bandhigay ayaa tiradoodu gaadhaysa 2, 92 qof, kuwaas oo iyagu xarumaha caafimaadka si toos ah uga qaata dawooyin.
Sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Ismaaciil Muxumed Aye, dadkan maaha tirada rasmiga ah ee xanuunkan la nool , isaga oo xusay in ay jiraan dad badan oo aan si baadhin, goobaha caafimaadkana aan tegin.
"Tiradan maaha mid ka turjumaysa Somaliland oo dhan, oo ma odhan karo dadka qaba xanuunka ee Somaliland ku nool waa intaas, waayo waxa jira dad aan la arag oo xanuunkan la nool, kuwo dhuumanaya ayaa jira, waxa jira kuwo dalalka Itoobiya ama Jabuuti ama xagga Puntalnd iyo Somalia u doonta dawada oo dadkan garanaya ka baqaya ayaa jira"
Maxaa keenay inuu hoos u dhaco heerka faafista xanuunka HIV/AIDS-ka Somaliland?
Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob,Xigashada Sawirka,Suleiman/BBC
Qoraalka sawirka,Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob.
Sida uu BBC-da u sheegay Ismaaciil Muxumed Aye, Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, waxa hoos dhacan sabab u ah labada qodob, "in dadka cudurkan qabay ay qaadanayaan dawadii, taasina ay yaraysay gudbintii ay xanuunkan gudbinayeen. tanLabaadna waxa weeye aqoonta dadka iyo fahanka ay fahmeen iska ilaalinta xanuunkan" ayuu yidhi Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.
Bashaar Al -Asad, Madaxweynaha Suuriyaoo wacad ku maray inuu difaaci doono Suuriya
Saacado ka dib markii dagaalyahannada fallaagada ay bilaabeen in ay barta Internet-ka ku baahiyaan muuqaallada muuqaalka ah iyaga oo la wareegaya aagagga muhiimka ah ee Xalab, Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa u soo jeediyay xoogaga dowladda ka soo horjeeda canaan xooggan.
Madaxweynaha Suuriya waxa uu wacad ku maray in uu "difaaci doono xasiloonida [Suuriya] iyo wadajirka dhuleed ee ay wajahayaan dhammaan argagixisada iyo taageerayaashooda".
"[Dalku] wuxuu awood u leeyahay, isagoo kaashanaya xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, inay ka adkaadaan oo ay baabi'iyaan, si kasta oo ay u xooggan yihiin weerarradooda argagixisanimo," xafiiskiisa ayaa isaga ka soo xigtay warkaasi.
Xusuusin ahaan, dagaalka sokeeye, oo ay ku dhinteen ku dhawaad nus malyuun qof, ayaa billowday 2011 ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah oo ay kula kacday cadaadis naxariis darro ah.
HALKAN KA AQRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2 DECEMBER 2024
.