Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 27-11-2024

0
Wednesday November 27, 2024 - 09:01:26 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqrisoo wararka wargeyska mogdishutimes 27-11-2024

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Dowladda Fedaraalka oo bilaawday xakameynta hubka sharci darada ah iyo Calaamadeynta Rasaasta

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoo-miyay kulan looga hadlayay arrimaha xakameynta hubka sida sharci darrada ah kuso gala gudaha dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiir amniga Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray xakameynta hubka sharci darada kusoo gali jiray dalka oo ay ka faa'ideysan jireen kooxaha lidiga ku ah amniga guud ee dalka.

"Si looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyada oo la isticmaalayo tiknoloojiyadda casriga ah" ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Ku xigeenka La taliyaha amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa dhankiisa ka sheegay kulanka in ka xafiis ahaan ay ka go’an tahay xaqiijinta la dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta.

"Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shalay shirka looga hadlay waxaa ka mid ah, qiimeynta qorshaha Qaran ee sanadlaha kaasoo aan ka fiirinay guulaha ay dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomay" ayuu yiri ku xigeenka La taliyaha Amniga Qaranka Mukhtar Maxamed Xasan.

Kulankaan looga arrinsanayay xakameynta hubka sharci darada ah iyo calaamadeynta rasaasta ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay marar badan xaduudaha dalka uu la wadaago dowladda Itoobiya ay kasoo galeen gudaha dalka hub sharci daro ah.

Aqalka sare oo ansixyey sharciyo muhiim u ah dalka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shalay shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 23-aad iyo 24-aad oo ajandihiisu ahaa:

1- Akhrinta saddexaad iyo u codaynta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare,

2- Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka

3- Akhrinta labaad ee sharciga Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Ugu horrayn, waxaa la gudagalay ansixinta sharciga Tacliinta Sare ee dalka, ka dib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle uu Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta labaad iyo sida ay u soo qaabeeyeen sharciga Tacliinta Sare, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar, wax diiday ama ka aamusayna ma jirin.

Ajandahaas markuu xirmay, waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciyada Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka iyo akhrinta labaad ee sharciga Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla shalay la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islashalay labadaas sharci akhrinta Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo labada sharci, 27 Sanatar ayaa oggolaaday hal Sanatar ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin, sidaas ayayna labadaas sharci isla shalay uga gudbeen Golaha Aqalka Sare.

Wasiirrada Wasaaradaha Waxbara-shada iyo Beeraha XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka shalay goobjoog ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiyadii ka shaqeeyay sharciyada shalay la ansixiyay uga mahad celiyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada omaliyed.

Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somalia ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka oo ay golaha horkentay Wasarada Waxbarashada Xukumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, waxuuna sheegay inay Hindise Sharciyeedkan ogolaadeen 29 Senator, wax diiday ama ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbar-ashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo intaas kadib la hadlay Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ugu mahad-celiyay ansixinta Hindise Sharciyeedka, kaas oo uu sheegay inuu muhiim u yahay bahda Waxbarashada dalka.

Shacabka Gobolka Banaadir oo taageeray in dalka laga qabto Doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax balaaran oo Bulshada Caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen Go’ankii labada Aqal ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii Door-ashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka.

Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxw-eynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday Dorasho Qof iyo Cod, si muwadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee u ku dooran karo madaxda dalka.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoom-iyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Dhalin-yarada, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee saxeexayaashii 135-ka

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federa-alka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali(Xoosh) aya ku martigeliyey xarunta Wasa-arada odeyasha dhaqanka Somali-yed ee 135-ta.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaar-adda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir mudane Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer e doorashada ee Baarlamanka anisiyey sida;

(1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashoyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

(2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyasada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

(3.) Xeerka Dorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Dara-asaadka Siyaasadda ee Heritage ee daraad ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maalgashiga uu u leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

"Haddii sharciyada UN, AU, iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqangeliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda, wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xadgudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay Xarunta AU Addis-Abbaba ee dowladda Ethiopia kula kacday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

"Mar uu Madaxweynaheena H.E. Hassan Sheikh ka qeybgalayay shir ka dhacay Xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xadgudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayaa ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’

Madashan ayaa inta ay socota Waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip