Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, waxuuna sheegay inay Hindise Sharciyeedkan ogolaadeen 29 Senator, wax diiday ama ka aamusay ma jirin.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo intaas kadib la hadlay Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ugu mahad-celiyay ansixinta Hindise Sharciyeedka, kaas oo uu sheegay inuu muhiim u yahay bahda Waxbarashada dalka.
Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mud