inta ka aqriso wararka wargeska mogdishotimes

0
Monday November 25, 2024 - 10:30:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    inta ka aqriso wararka wargeska mogdishotimes

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiir Fiqi oo dib u furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa daraad si rasmi ah dib ugu furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye. Talaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida Wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah.

Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah, ahna Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah, kaas oo hadda loogu talagalay in si amaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed. Danjire Dr. Maxamed Ibraahim Cawaale (Charles), Agaasimaha Waaxda Xasuus-dhowrka, ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda.

Dib-u-furitaanka Xarunta Kaydka Wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo. Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Soomaalidii ka badbaaday musiibaddii Jaziirada Madagascar dalkoodi dib loogu soo celinayo

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daud Aweys ayaa shir jaraa'id uu shalay ku qabtay Xafiiskiisi kaga warbixiyay Tahriibayaal Soomaali ah oo doomihii ay la socdeen ku degtay Jaziirada Madagascar, waxaana uu ku faah faahiyay Shirkiisi Jaraa'id qoraal kasoo gaaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar.

Wasiir Daud ayaa shaaca ka qaaday dhowr tallaabo oo ay Dowladda Soomaaliya ay qaadeyso oo ay ugu horeeyso in xubno ka socda Dowladda Soomaaliya ay tagi doonaan Madagascar sidoo kale ay xiriir la sameeyn doonaan mas'uuliyiinta Dowladda Madagascar si looga war haayo xaalada Caafimaad ee kuwa doomaha ka badbaaday.

Waxaa jira warar soo baxaya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Madagascar ay sheegtay in suurta gal ay tahay in dadka qaar aan wali lahubin inay Soomaali yihiin iyo in kale taana ay kasoo war bixin doonaan xubnaha Dowladda ee tagi doona Madagascar sida uu xusay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Daud ayaa sheegay in ay Dowladda dadkaasi dib ugu soo celinayso Soomaaliya oo bad qabkoodi isku xilsaari doonto, waxaana Daud Aweys uu sheegay inay sameeyn doonaan baaritaan ku saabsan cidii ka dambeeysay tahriibinta Soomaalidaan.

Ugu dambeeyn Wasiirka Warfaafinya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay safarada noocaani oo kale ah ee mukhalisiinta dadka tahriibinaya taa oo khatar weyn ku ah nafta shaqsiga inuu badda ku bimeeyo badda caalamiga ah, waxaana shacabka uu ugu baaqay in kuwa falalka noocaasi oo kale ah ka shaqeenaya inay lasoo wadaagaan macluumaadkoodi Dowladda federaalka si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay iska hor imaadkii Kismaayo ee lagu dilay sarkaal ka tirsana ciidanka Booliiska

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay iska hor imaadkii Daraad ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee uu ku dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka Booliiska.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in Taliska uu wado baaritano dheeraad ah oo la xariira sida uu u dhacay iska hor imaadka uu ku dhintay sarkaalka, islamarkaana sidoo kale sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ku lug yeelata dhacdadaas.

"Boliiska Soomaaliyeed markasta waxa ka go’an sugidda nabadda iyo badbaadada bulshada. Falalka noocan oo kale ahna lagama aqbali doono cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Warkaan kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya, iyadoo Daraad uu magaalada Kismaayo iska hor imaad uu ku dhaxmaray ciidanka Booliiska Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ahaa senator Ilyaas Gaboose oo ka mid ahaa Musharaxiinta madaxweynaha Jubbaland.

Dowlada federaalka ayaa iska hor imaadkaas Daraad Kismaayo ka dhacay ku eedeysay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in markale dib loosoo doorto kadib doorasho maalinta berito ah Kismaayo ka dhici doonto.

In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay doonyo siday in kabadan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Mudane Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa labo ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in kabadan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeyn, Kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaas hadalkiisa ku daray in safaardda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa, isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacayda ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar

Ugu dambeynta Safiirka ayaa waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaalo lagu ogaanayo halka laga soo kaxeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Shir looga hadlayo Tiknolojiyadda caafimaadka oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisal wasaare ku xigeenka 2-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa shalay ka furay magaalada Muqdisho shirka Caafimaadka ee Tiknoolajiyada casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkani ayaa diiradda saaraya horumarinta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, si loo helo nidaam caafimaad oo ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Furitaanka shirkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay isbeddelka dhanka tiknoolajiyada iyo caafimaadka, iyadoo laga duulayo sidii loo hagaajin lahaa adeegyada caafimaad ee dalka iyo kor u qaadista tayada daryeelka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cai Dhaay oo ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay in horumarinta tiknoolajiyada iyo adeegyada caafimaad ay muhiim u tahay mustaqbalka caafimaadka bulshada, loona baahan yahay wada shaqeyn dheeraad ah oo ka dhaxaysa dowladda, hay’adaha caafimaadka iyo shirkadaha Tiknoolooyiada gaarka loo leeyahay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa isticmaalka teknoolojiyada casriga ah si loo xoojiyo nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya.

Xoogga Dalka oo shacabka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magalada Beladweyn ayaa iyagoo kashanaya maamulka gobalka Hiiraan waxa ay shacbaka ku garab siinayaan siidii looga hortagi la, haa fatahaad uu wabiga Shabelle ka geeysto magaalada Baladweyn.

Askar iyo saraakiil intuba waxa ay si iskumid ah ugu qeeyb qaadanayaan kahortagida fatahaada wabiga waxana ay caratuur dhigayaan goobaha laga cabsi qabo inuu karkaarada jabsado wabiga shabelle.

Taliye xigeenka Ururka 294 aad guutada daljir ee qeybta 27 aad ee ciidanka XDS

Laba xidiglle muuse maxamed cadow (shaarib) ayaa hoggaaminayo askarta iyo saraakiisha shacabkooda ka caawinayo in laga hortago fatahaada wabiga Shabeele.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Tahriibayaal Soomaali ah oo dooni kula degtay Jaziirada Madakaskar

Safiirka Midowga Afrika u fadhiya dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Warfaa oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay doonyo siday in ka badan 70 qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo ku qalibmay Jaziirada Madakaskar.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa laba ay saarnayeen 70 qof, waxaa ku Geeriyootay in ka badan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay jaziirada ay musiibadu ka dhacday ee Madakaskar.

Warfaa ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda ay waddo qorsha ah in dadka inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa ay ka shaqeyneeyso ayna si dhaw ula socon doonaan dadka qaba dhaawacyada ee hadda gacanta ku heyso xukuumadda jaziirada Madakaskar.

Ugu dambeeyn Safiirka ayaa si guud waxa uu tacsi ugu diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi Soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaallo lagu ogaanayo halka laga soo ka xeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Ma ahan markii ugu horeeysay ay Soomaali tahriibayaal ay naftooda ku waayaan biyaha caalamiga ah waxaana ay iyagoo nolol wanaagsan raadinaya ay naftoodi ku haligaan badda si ay wadamada Yurub u gaaran.

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga Baledweyne

Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne.

Deegaanada kala Deefoow, Qooqane iyo Lafoole oo dhamaantood dhaca dhanka Waqooyi ee Baledweyne ayuu wabiga ka sameeyay fatahaad, waxaana halkaas isaga barakacay dadkii degana deegaanadaas.

Fatahaada wabiga ayaa sidoo kale la tagtay dalagyo kala duwan oo ku beerna dhul beereed baaxad leh oo la filayay in dhawaan laga goosto dalagyada ku beerna.

Mid ka mid ah dadka beeraleyda ah ayaa HOL u sheegay in fatahaadu ay ka baabi'isay dhamaan dalagyadii ugu beerna beertiisa oo ku taala deegaanka Qooqane oo qiyaas ahaan Baledweyne u jira 16 KM.

"Deegaanka waxaa looga barakacay Fatahaada oo dadku waxay u barakaceen dhulka buuraleyda ah, aniga beerteyda iyo beeraha la mid ka ah waxaa cagta mariyay dalahyadii ku yaalay biyaha wax ka badbaaday oo beero ah ma jiraan" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah beeraleyda deegaanka Qooqane.

Fatahaadaan uu wabiga Shabeele ka sameeyay deegaanada Waqooyi ee Baledweyne ayaa kusoo aadaysa, iyadoo shacabka ku dhaqan Xaafadaha magaalada Baledweyne cabsi xoogan ka qabaan inuu ku fataho wabiga oo wada biyo faraha badan.

Puntland oo degaanadeeda ka mannuucday isticmaalka Qamaarka 1XBET

Puntland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo adeegyada shirkadda khamaarka ee 1xBet iyo isticmaalka kaararka gaarka ah (Private Numbers) ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in adeegyada shirkadda 1xBet ay kasoo horjeedaan hab-dhaqanka bulshada iyo shuruucda Puntland, sidaas darteedna si buuxda looga mamnuucay dhammaan deegaannada maamulkaas.

Sidoo kale, shirkadaha isgaarsiinta ee Golis, Somtel, iyo Amtel ayaa lagu faray inay si degdeg ah uga shaqeeyaan hirgelinta awaamiirta ku cad wareegtadan. Waxaa lagu amray inay joojiyaan isticmaalka adeegsiga kaararka loo yaqaan Private Numbers, kuwaas oo loo arkay kuwo carqalad ku ah amniga.

Go’aankan ayay madaxtooyada Puntland ku sheegtay inuu qayb ka yahay dedaalka lagu xaqiijinayo ilaalinta hab-dhaqanka bulshada, xoojinta amniga, iyo u hoggaansanaanta sharciga.

Dhawaan ayay ahayd markii shirkadaha isgaarsiinta Puntland ay sheegeen in aysan awood u lahayn joojinta qamaarka 1XBET, iyagoo sheegay in aysan xakamayn karin.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan soo jeediyay in shirkadaha isgaarsiinta lagu qasbo inay hawada ka saaraan Apps-ka shirkadaha Qamaarka.

28 qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday labo doonyood oo kula degay xeebaha jasiiradda Madagascar

28 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa nolashooda ku waayay markii ay dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha waqooyi-galbeed ee jasiiradda Madagaskar.

Wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay geerida dadkan.

Musiibadan ayaa dhacday kadib markii labo doonyood oo siday isku darka 66 rakaab ah ay ka ambabaxeen Soomaaliya 2-dii Nofembar, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay gaaraan jasiirada Mayotte ee uu Faransiisku maamulo.

Labada doonyood ayaa lagu soo waramayaa in ay soo wajahday cilad dhanka matoorka ah, taasi oo keentay in ay badda ku go’doomaan. Kalluumeysatada Malagasy ayaa helay mid ka mid ah doonyaha, waxayna keeneen halka loo yaqaano Nosy Be.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika Cabdullaahi Warfaa ayaa xaqiijiyay in ay socdaan howlgallada baaritaannada, wuxuuna caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Madagascar si loo helo loona caawiyo dadka kale ee suurtagalka ah in ay badbaadaan.

48 qofka badbaaday musiibaddan ayaa hadda ku jira xarumaha caafimaadka Madagaskar., sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Dhanka kale, maamulka dekedda Malagasy ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Nosy Be inay soo sheegaan haddii ay arkaan burburka doonyaha, si ay gacan uga geystaan gurmadka.

Wadaad Yahuudi ahaa oo lagu dilay dalka Emirate-ka Carabta

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa shalay xaqiijiyay in Saraakiisha Emirate-ka Carabta ay heleen meydka hoggaamiye diimeedka ay u yaqaanaan (Rabbi), oo lagu magacaabi jiray Rabbi Zvi Kogan.

Ninkan oo ka mid ahaa wadaadada Diinta Yahuudda fidisa ee Chabad ayaa la sheegay in meydkiisa laga dhex helay gaarigiisa, ka dib maalmo la weysanaa.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo ka tirsanaa Xarunta Chabad ee Magaalada Abu Dhabi ay laamaha amniga meydkiisa ka heleen gaarigiisa oo yiilay meel cidlo ah oo ku taala Magaalada Al Ain, oo qiyaastii 150km u jirta Caasimadda Abu Dhabi.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in dilka Zvi Kogan uu ahaa fal argagixiso iyo naceyb ka dhan ah bulshada Yahuudda.

"Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah oo lagu heli karo in caddaaladda la horkeeno gacan ku dhiigleyaasha.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda Israel ee Abu Dhabi ayaa sheegtay in ninkaasi la la’aa tan iyo Khamiistii, shalayna uu soo saaray warka sheegaya in la dilay.

Safaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in ay la xiriirtay qoyska Zvi Kogan ee ku nool Abu Dhabi iyo Israel, isla-markaana ay la wadaagtay geeridiisa.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israel ayaa qoray in ay jiraan calaamado muujinaya in ninkaasi lagu dhex dilay gaarigiisii.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Saraakiisha Emirate-ka Carabta ay tuhunsan yihiin in dilkiisa ay gaysteen muwaadiniin u dhashay dalka Uzbekistan oo Iran ay adeegsaneysay, isla-markaana ay u baxsadeen dhinaca dalka Turkiga.

Sarkaal magaciisa la qariyay ayaa TV-ga Channel 12 ee Israel u sheegay in qaranku uu ka carreysan yahay dilka wadaadka Yahuudiga ahaa loogu gaystay dalkooda, isaga oo intaasi ku daray in dowladda dalkaasi ay waddo baaritaano la xiriira falkaasi.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo cambaareeyay dilka Kogan ayaa sheegay in uu ka murugeysan yahay, waxa uu ku sheegay weerarka argagixiso.

"Weerarkan xun ee naceybka ah waa mid xusuusin u ah bani’aadantinimada iyo cadowga Yahuudda.” Ayuu yiri Madaxweyne Herzog oo intaasi ku daray in weerarada naceybka ee ka dhanka ah dadka Yahuudda aanay ka joojin doonin sida uu yiri xiriirka xoogeysanaya ee ay la leeyihiin dalkaasi iyo shaqada wadaadada Chabad ee adduunka oo dhan.

"Waxaan ku kalsoonahay in Dowladda Emirate-ka Carabta ay samayn doonaan wax walba oo ay awoodaan, si ay caddaaladda u horkeenaan gacan ku dhiigleyaasha.” Ayuu yiri Herzog.

Gideon Saar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa isna sheegay in Tel Aviv aysan nasan doonin, isla-markaana aanay aamusi doonin, illaa kuwii dilka gaystay ay ka dhadhamiyaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid oo falkan ku qeexay weerar argagixiso ayaa sheegay in ay Abu Dhabi kala shaqeynayaan baaritaanka.

Kogan ayaa abti u ahaa Rabbi Gavriel Holtzberg, kaas oo isaga iyo xaaskiisa lagu dilay weerar 26-kii bishii November ee sanadkii 2008 ka dhacay Magaalada Mumbai ee dalkaasi India.

Khasaaraha shacabka Lubnaan oo si aad ah u kordhaya (Tirada dhimashada & dhaawaca)

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa mar kale garaacay bartamaha Magaalada Beirut, iyadoo ay sii socdaan duqaymaha ay ka gaysanayaan dalkaasi Lubnaan.

Ciidanka Cirka Israel ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii duqaymo ka gaystay bartamaha Beirut, xilli aanay jirin wax digniin ah ama wargelin loo jeediyay dadka deegaanka. Waa markii afaraaad oo diyaaradaha Israel ay garaacaan bartamaha magaalada, tan iyo markii Israel ay si qoto dheer weeraradeeda ugu ballaarisay dalkaasi oo dhan.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay ugu yaraan 20 qof ay ku dhimatay weerarka xagga cirka ee Israel, oo u muuqday isku day lagu doonayay in lagu bartilmaameedsado Ururka Xisbullah. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in 66 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa burburiyay dhisme sideed dabaq ka kooban oo ku yaala Degmada Basta oo dadku ku badan yihiin.

Kooxaha samatabixinta ayaa illaa habeen hore burburka dhismaha ka baadigoobayay, bal haddii ay jiraan cid uun ka badbaaday duqayntaasi oo nool, kuna hoos jirta burburka.

Diyaaradaha Israel ayaa garaacaya inta badan dalka Lubnaan, taasoo sare u qaadday khasaaraha dadka rayidka ah.

Weerarada Israel ka waddo dalkaasi ayaa galaaftay nolosha in ka badan 3,670 qof, halka 15,413 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Inta badan dadkan ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay weerarada socda, ka dib markii Israel ay 23-kii bishii September ay duqaymaheeda ku fidisay dalkaasi oo dhan.

Duqaymahan ayaa barbar socda dagaal culus oo Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.

Israel ayaa isku dayeysa in ay kordhiso weerarada ay ka gaysaneyso dalkaasi, iyadoo Mareykanka uu ku howlan yahay, sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojineed.

Mareykanka oo mar kale Israel ku cadaadinaya in la kordhiyo gargaarka Gaza

Dowladda Mareykanka ayaa dib u soo cusbooneysiisay in Israel ay ku cadaadiso inay ogolaato in wax laga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel, Israel Katz ayaa ka dalbaday in Tel Aviv ay hagaajiso xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Wasiir Austin uu ku cadaadiyay Wasiirka Gaashaandhigga Israel in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo gargaarka lagu gaarsiinayo dadka reer Gaza.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa sheegay in Austin uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo tallaabooyinka lagu hagaajinayo xaaladda ba’an ee bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Mareykanka ayaa warqad uu 13-kii bishii October u diray Israel ugu sheegay in ay muddo 30 cisho ah kor ugu qaaddo gelitaanka gargaarka ee Gaza ama ay halis ugu jirto in Washington ay ka joojiso qayb ka mid ah kaalmadii militari ee la siinayay.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in muddadaasi la dhaafay , isla-markaana aanay Israel waxba ka qaban xaaladda bani’aadantinimo ee dadka Gaza, inay uga sii dartay mooyee.

Israel ayaa si weyn hoos ugu dhigtay gargaarkii yaraa ee markii horeba ay hay’aduhu gaynayaan Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay horaantii bishii October ay hawlgal militari ka bilaabeen deegaanada dhaca waqooyiga Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel waxay sheegeen in hawlgalka ay kaga hortagayaan in Xamaas ay dib ugu xoogeysato waqooyiga Gaza, balse Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeysay in ciidamadeeda ay gebi ahaanba xanibeen gargaarkii la gaarsiinayay dadka aadka u nugul.

Kooxaha gargaarka iyo khubarada hubinta cuntada ayaa sheegay in gaajo aad u daran ay ka jirto dhulka waqooyiga oo dhan, waxayna ka digeen in macluuli ay durbaba ka dilaacday meelo ka mid ah dhulkaasi sida weyn loo go’doomiyay.

Iyadoo dadku ay halgan ugu jiraan wixii ay quudan lahaayeen, si ay u noolaadaan ayaa haddana loogu daray dil, dhaawac, gaajeysiin, barakacin joogta ah iyo weliba xarig aan dhammaad lahayn.

Hay’adda Caalamiga ah Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa baaritaankii ay dhawaan sameysay ku ogaatay in Ciidamada Israel ay Marinka Gaza ka gaysanayaan xasuuq iyo dembiyo dagaal.

Dad badan ayaa qaba in Mareykanka uu si dhakhsi ah Israel uga joojin karo dembiyada ay gaysaneyso, balse uu u muuqdo mid aysan ka go’neyn in uu si dhab ah u cadaadiyo maamulkaasi.

Mareykanka ayaa Arbacadii gooni ka noqday dunida inteeda kale, ka dib markii uu is hortaagay qaraar qabyo ahaa oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku dalbanayay in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 14 ka mid ah 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, iyadoona Mareykanka uu dhaqangelinta qaraarkaasi uu ku hor istaagay awooddiisa Veto.

Mareykanka ayaa noqday dalka keliya ee ka horyimid in la soo afjaro dagaalkan, waana xilli xulafadiisa ugu muhiimsan ay u codeeyeen in la joojiyo dagaalka ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Tani waxay noqoneysaa markii afaraad oo Mareykanku muddada uu dagaalka Gaza socdo uu Veto ku diido qaraar lagu codsanayay in lagu joojiyo dhiigga dadka Gaza ee daadanaya.

Haweeney Israel ahayd oo lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in haweeney ka mid ahayd la haysteyaasha Israeliyiinta ay ku baxday gacanta Ciidamada Israel.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa habeen hore sheegay in haweeneydaasi ay ku dhimatay waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ay weerareen goob lagu hayay.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in nolosha haweeney kale oo Israeli ah ay halis ugu jirto inay dhimato. Haweneydan oo lala haayay haweeneyda kale ee geeriyootay ayuu sheegay inay dhaawacantay.

"Nolosha haweeney kale oo maxbuus ah oo iyada lala haayay ayaa khatar ugu jirto inay dhimato.” Ayuu yiri Afhayeenka Al Qassam oo muujiyay in dawo la’aanta ka jirta Gaza ay keeni karto in haweeneydaasi ay u geeriyooto dhaawaca soo gaaray.

Abu Ubaida ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay khatar dhab ah ku tahay nolosha maxaabiista Israeliyiinta.

Abu Ubaida ayaa sidoo kale Netanyahu ku eedeeyay in xukuumaddiisu ay wiiqeyso wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.

Xamaas ma sheegin magaca haweeneyda geeriyooday. Militariga Israel waxay dhankoodu sheegeen inay baarayaan warka Xamaas ee ku saabsan in haweeneydaasi lagu dilay hawlgal ay ciidamadoodu ka fuliyeen waqooyiga Marinka Gaza.

Haweeneydan ayaa ka mid ahayd 101 Israeliyiin ah oo muddooyinkan ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku hayeen gudaha Gaza, waxayna ka mid noqoneysaa tobanaan Israeliyiin ah oo ku baxay gacanta Ciidamada Israel, muddada uu socdo dagaalka Gaza.

Dadkan ayaa qayb ka ah Israeliyiintii lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ay Xamaas ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho. Maxaabiista lagu soo qafaashay weerarkaasi ayaa tiradooda lagu sheegaa illaa 250 qof.

Bishii November ee 2023, heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo dhex maray Xamaas iyo Israel ayaa lagu sii daayay 80 Israeliyiin ah, iyadoona ay Xamaas ku bedelatay 240 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa hal toddobaad oo xabad joojin ah oo xilligaasi laga sameeyay Marinka Gaza.

Tan iyo xilligaasi ayaa waxaan jirin wax heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo labada dhinac dhex maray, inkastoo ay marar badan guuldareysteen isku dayo caalami ah oo lagu doonayay in Gaza lagaga sameeyo xabad joojin, la iskuna dhaafsado maxaabiista. Dadaalada xabad joojinta ayaa waxaa wiiqay Israel oo dooneysa xabad joojin ku-meel-gaar ah iyo Xamaas oo ku adkeysaneysa xabad joojin dhameystiran oo dagaalka lagu soo afjarayo.

Milatariga Israel oo soo saaray awaamiir kale oo lagu barakacinayo dadka Gaza

Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray amar cusub oo dadka rayidka ah looga barakacinayo deegaanka Shujayea ee Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqaymo ka gaysteen deegaanada ku dhow dhow deegaankaasi, ayna ku dhinteen tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayuu militarigu soo saaray awaamiirta shacabka looga rarayo guryahooda Shujayea.

Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah u sheegay in ay banneeyaan deegaanka ku yaala bariga Magaalada Gaza, isla-markaana ay raadsadaan goobo kale oo gabaad ah, iyagoona uga digay in deegaankaasi la garaaci doono.

Wararka ayaa sheegaya in qoysasku ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyaga oo ku sii jeeda bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza, waana xilli aysan jirin goob ay dadku ku badbaadi karaan oo ku taala dhulka ay colaaddu halakeysay.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in dadka rayidka ah lagu khasbay inay lugeeyaan, ka dib markii gaadiidkii ay heli jireen ay aad u yaraadeen, taasoo ay ugu wacan tahay bay tiri shidaal la’aan iyo Israel oo burburisay kumanaan baabuurta shacabka.

"Inta badan dadka deegaanka ayaan haysan wax kale oo aan ahayn inay masaafo dheer lugeeyaan.” Ayay WAFA ku warantay.

Israel ayaa marba barakacineysa qayb ka mid ah dadka reer Gaza, si ay uga sii darto xaaladda aadka u liidato ee dadka rayidka ah. Inta badan dadka reer Gaza ayaa marar fara-badan lagu khasbay inay qaxaan. Barakacinta khasabka ah ayaana ah dembi dagaal, marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Sabtidii sheegtay in 14-ka bilood ee dagaalkan uu socdo ay Ciidamada Israel dileen 44,176 qof oo shacab ah, 104,473 kalena ay dhaawaceen.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaalka Israel ee Gaza uu liddi ku yahay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo dagaalka.

Iyadoo dunida ay ka marqaati kaceyso in waxa ka socdaa Gaza ay yihiin dembiyo dagaal, haddana Israel ayaa diidan in ay jebineyso xeerarka caalamiga ah.

Madaxda Israel waxay gebi ahaanba dafirsan yihiin in ciidamadooda ay wax xasuuq ah ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Amiiradii Muslimada aheyd ee Hinidya ee toogan jirtay shabeelka

Abida Sultan waxay aheyd amiirad caadi ah, waxay gadaal ka xiri jirtay timaheeda gaaban. Waxay toogan jirtay shabeelada, waxayna sidoo kale ciyaari jirtay ciyaaraha iyadoo fardaha la fuulo kubadda lagu dheelayo usha. Diyaaradaha ayey raaci jirtay, waxayna sidoo kale waday gaariga Rolls-Royce iyadoo sagaal jir ah.

Waxay dhalatay 1913-kii iyadoo ka soo jeeda boqortooyo geesiyaal ah oo qarniyaal xukumi jiray gobolka waqooyiga ee Bhopal. Abida sida haweenka lagu yaqaanay, gaar ahaan Muslimiinta uma dhaqmin. Ma aysan qaadan xijaab sida haweenka kale ee Muslimiinta. Waxayna boqortooyada dhaxashay iyadoo 15 jir ah.

Abida waxay madax u noqotay golaha wasiirada aabaheed in ka badan 10 sano. Waxay xiriir dhow la sameysay dadkii xorriyada u soo dagaallamay. Ugu dambeyn waxay qaadatay aragtida naceybka iyo rabshadaha dalka ka dilaacay kaddib markii dalka la kala qeybiyay 1947-dii oo la sameeyay Pakistan.

Waxaa loo diyaariyay iyadoo yar in ay xukunka qabato waxaana la socday ayeeydeed, Sultan Jehan oo madax ka aheyd Bhopal.

2004-tii buugga nolosheeda waxaa ku xusan in xusuus qorka amiirada ay ku jireen waxay qabato sida in ay toosi jirtay afarta habeenimo si ay Qur’aanka u aqriso, kaddibna waxay geli jirtay howlo maalmeedkeeda oo ay ku jireen barashada isboortiga, muusigga iyo farda fuulka. Sidoo kale waxay qaban jirtay shaqooyinka guryaha laga qabto sida nadaafadda dhulka iyo musqulaha.

"Hadii aan gabdho nahay in aan liidasho dareeno lama ogoleyn. Wax kasta waa loo sinnaa. Waxaan dhammaanteen haysanay xorriyad la mid ah tan wiilasha. Waan dheeleynay, geedaha ayaan fuuleynay iyo wixii aan doono. Xayiraad ma jirin” sidaas ayey ku tiri wareysi laga qaaday oo ku saabsanaa carruurnimadeeda.

Abida waxay aheyd qof madaxbannaan yaraanteedi, waxay ayeeyadeed ka diiday in ay xijaabka xirato iyadoo 13 jir ah. Aabaheed ayaana qeyb ka qaatay in dhaqankaas ay ka baxdo.

Waxaa guursaday Sarwar Ali Khan oo ay carruurnimada saaxiib ku ahaayeen kana talinayay Kurwai.

Nolosha guurka aad ayey ugu adkeyd Abida. Ma aheyn oo kaliya in ay da’deeda yareyd balse waxaa jiray sida lagu soo koriyay oo aheyd mid qalafsan.

"Markii aan guursaday waxaan galay duni welwel leh. Ma ogeyn galmada guurka in ay naxdin igu reebi doonto” ayey tiri Abida. Intaa wixii ka dambeeyay weligeed ma aqbalin nolosha guurka.

Kaddib markii uu guurkeeda burburay, Abida way ka tagtay gurigeeda Kurwai, waxayna dib ugu soo noqotay dhulkeeda Bhopla. Wiilka kaliya ay dhaleen, Shahryar Mohammad Khan, ayey iyada iyo ninka ay kala tageen isku qabsadeen cidda hayneyso. Go’aan adag ayey qaadatay sidaas ayey haynta cunuga kula wareegtay. Sidaas ayey ku noqotay hooyo kaligeed korisa wiilkeeda.

Golaha wasiirada waxay xukumeysay intii u dhexedysay 1935 ilaa iyo 1949 kaddib Bhopal waxa uu ku darsamay gobolka Madhya Pradesh.

Abida waxay ka qeybqaadtay kulamo muhiim ah oo lala yeeshay Britian kuwas oo looga hadlayay mustaqbalka Hindiya. Halkaas Abida waxay kula kulantay hoggaamiyayaal badan oo ay ku jiraan Mahatma Gandhi iyo Jawaharlal Nehru oo markii dambe noqoday raysalwasaarihii ugu horeeyay Hindiya. Sidoo kale waxay goobjoog u aheyd xiisadda ka dhexeysay Hinduga iyo Muslmiinta iyo rabshadihii kaddib ku xigsaday ee keenay in Hindiya labo loo kala jaro.

Abida waxay xusuus qorkeeda ku qortay takoorka ay qoyskeeda kula kulmeen Bhopal halkaas oo loola dhaqmay sida shisheeye iyagoo jiilal badan ku noolaa.

Waxay xusuusatay dagaal dhexmaray Hinduuga iyo Muslmiinta markii uu yimid tareen siday qaxooti Muslimiin ah oo yimid Bhopal. Dhammaan rakaabkii saarnaa waa la dilay. Rabshadahan iyo aaminaad la’aananta ayaa keentay in ay u guurto Pakistan 1950-kii iyada iyo cunugeeda.

Pakistan waxay ka noqotay hoggaamiye siyaasadeed oo taageera dimuqraadi-yadda iyo xuquuqda haweenka. Abida waxay ku geeriyootay Karachi sanadkii 2002-dii. Dhaxalkii ay ka tagtay waxaa meesha looga saaray sababo la xiriira siyaasad diimeysan balse magaceeda waa mid aan la ilooweyn.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip