halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho,times

0
Wednesday October 30, 2024 - 10:29:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho,times

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xarigga ka jaray Xarunta Daryelka Dhaawacyada iyo Xaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeelloba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina.

Xarig-jarka xaruntaan caafimaad oo markiiba qaabili karta 200 oo qof oo u baahan gargaar deg-deg ah, ahna xaruntii ugu weyneed ee dalka laga hirgaliyo ayaa ku soo aadday laba sano kadib qaraxii Soobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022.

Xaruntan ayaa waxaana lagu dhisay dhaqaale uu Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaraddo heer Federaal ah, Hay’adda SoDMA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka aruuriyay dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa qeyb ka ahaa, Wasiirroo ka tirsan Xukuumadda JFS, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, madax ka socota Ururrada Bulshada, Saraakiil matalaysa Ciidanka Boliiska, qaar ka mid ah ehellada dadkii uu saameeyay weerarkii Soobe 2 iyo marti kale oo kaalin weyn ku lahayd dhismaha xarunta iyo guud ahaan howlihii gurmad ee ka dhashay musiibooyinkii dalka ka dhacay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo kormeeray madasha diyaarinta qorshaha isbeddelka Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xieenka 2-aad ee XFS mudane Abdisalaan Abdi Ali Dhaay aya shalay kormeray madasha diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka oo si habsami leh uga socda xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyoone isagoo warbixin ka dhageystay howl wadeennada hormuudka ka ah.

Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim ayaa warbixin ku saabsan habsami usocodka diyaarinta qorshaha isbadalka Qaranka NTP siiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, intaa ka dibna waxaa uu soo kormeeray Sheybarada ay shaqadu ka socoto isagoo ka xog wareysanayay howsha Qaran ee ay hayaan.

Mudane Dhaay ayaa bogaadiyey hawlwadeennada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in qorshahaan uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya, waxaana ganacsatada uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan oo ay qeyb ka noqdaan diyaarinta qorshaha.

DFS oo hambalyo ku aadan Maalinta Jamhuuriyadda Türkiye u dirtay Madaxda iyo shacabka dalkaasi

Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya waxay ugu hambalyenesa Madaxwen Recep Tayyip Erdogan iyo shacabka geesiyaasha ah ee Türkiye Munaasa-badda 101-aad ee Maalinta Jamhuuri-yadda Türkiye. Maalintani waxay u tahay dabaldeg xooga, midnimad, iyo dadalka jogtada ah ee Jamhuriyada Türkiye.

Halgan geesinimo leh oo loo galay xorriyadda, oo uu horseeday Ghazi Mustafa Kemal Atatürk, wuxuu boos sharaf leh ka haystaa taariikhda caalamka. Go’aankii aan la daboolin e shacabka Turkiga ay ku xaqiijinayen xoriyadoda iyo aasasidda jamhuriyad madaxbannaan wuxuu dhiirigelin u ahaa ummadaha caalamka oo dhan. Safarkooda geesinimada leh wuxuu tusaale u yahay awoodda adkeysiga, aragtida fog iyo hoggaaminta togan si loo gaaro himilooyinka qaran.

Soomaaliya waxay garab tagantahay Türkiye, iyado aqoonsan xidhiidhka saaxiibtinimo iyo qiyamka wadaagga ah ee mideeya labada dal. Waxaan rajeynaynaa inaan sii xoojino iskaashiga aan ku raadinayno nabad, barwaaqo, iyo horumar ay wada gaaraan shucuubta labada dal.

Wasiirka Amniga XFS oo Doha kula kulmay wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Adullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha wadankaas Qatar Abdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gudaha, Sidoo kale waxay ay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya.

"Waxaan shalay magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS abdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Wasiirka Hawlaha guud XFS oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka qaran

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagestay Agaasimeyaasha iyo hawlwadeennada Wasaaradda ee ku sugan xurunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

Wasiir Cilmi ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan kooxda ka socota Wasaaradda, Waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan inta ka harta shaqada ay u hayaan qaranka.

Dhanka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa booqday Wasaaradaha kala duwan ee qeybta ka ah diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Wafdi Ka socda DFS iyo QM oo Booqday Mashaariicda Sanduuqa Wadajirka ee Ka Socda Baydhabo

Wafdi ka socda Wasarada Qorshenta, Malgashiga io Hormarinta Dhaqalaha ee Soomaaliya io Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa daraad booqday mashaariic muhiim ah oo laga maalgeliyo Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya (SJF) kuwaas oo ka socda xarumo ku yaala magaalada Baydhabo. Mashaariicda la kormeray waxaa ka mid ahaa Mashruuca Saameynta, Barnaamijka Cadaalada iyo Hagaajinta, Barnaamijka Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo in si dhow loo ogaado guulaha iyo caqab-adaha mashaariicdan, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo saamaynta ay ku leeyihiin adeegyada muhiimka ah ee bulshada Baydhabo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, oo ay wehliyeen Wasiirada Haweenka iyo Biyaha, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, iyo Madaxa Sanduuqa Maalgelinta Mashaariicda Qaramada Midoobay, Peter Nordstrom.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ku soo dhaweeyey dhigiisa Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka aynu walaalaha nahay Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Soo dhoweynta wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa safiirka walaalaha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo barbaarta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa, isaga oo sheegay inuu joogo dalkiisa labaad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wafdiga walaalaha Jabuuti kusoo dhoweeyay dalka, ayaa waxa uu sheegay in maalmaha ay joogaan wada qaadan doonaan kulamo ku saabsan dardargelinta iskaashiga baarlamaanadda labada wadan.

Booqashada wafdiga ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ay shalay kusoo gaareen dalka ayaa ka dambeysay ka dib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Hawlgallo lagu naafeeuey Al-shabaab oo gobollada dalka ka dhacay

Afhayenka wasaarada gaashandhiga dowlada FS Sheikh Abukar Maxamed oo ka warbixiyey hawlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab iyo khasaaraha lagu gaarsiiyey ayaa sheegay in degaanka Gerille oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxayna halkaas ku dilen 12-dhagarqabe, halka dhaawac la gaarsiiyey labaatameeyo kale.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubaland oo ka dhacay deegaanka Dasheeg-waamo waxaana lagu dilay horjooge lagu magacaabo Maxamuud Cali Xuseen oo ku magac dheer qayliyow ama Goobe.

Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen gobolada Gedo, Baay iyo Bakool ayey isku fureen waddo muhiim ah oo xiriirisa degmooyinka Luuq, Bardaale iyo Qansaxdheere.

Ahaayeenka ayaa xusay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab ay isi soo dhiibeen, ka dib markii ay u adkaysan waayeen dagaalka ay kala kulmayaan ciidamada qaybahooda kala duwan.

Shir ku aadan Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka hordhaca qeybta farsamada si loogu diyaar-garoobo daahfurka Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Project) ayaa daraad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Inta uu socday Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno hordhac u ah qorsha keydinta biyaha Jowhar, waxaan halkaas lagu bixiyey tilmaamo muhiim u ah qorshaha, iyadoo la soo bandhigay Cilmi Baaris lagu sameeyay hanaanka ugu sahlan ee lagu keydin karo loogana faa’ideysan karo biyaha wabiga Shabeelle ee isaga kal goosha 3 gobol ee ee Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo mid Hoose.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS iyo Hay’adda FAO, waxaa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha JFS, Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada JFS, Agaasimaha Waaxda Xalka-waara ee Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga Caalamiga JFS, Hey’adda SODMA, Wakiilka FAO ee Soomaaliya iyo madax kale oo ka socotay dowlad gobolleedyada dalka.

Mashruucan ay dowladda Soomaaliya wado ayaa noqon doono mid muhiim wayn u leh dadka Soomaaliyeed hadii la her galiyo, taaso meesha ka saari doonto biyo yarida iyo fatahaadaha soo laab-laabto ee ka dhaca wabigaShabeelle, waxyu muhiim gaar ah u sii yahay beeraleyda oo iyagana wax-saar joogta sameyn doonp.

Xubnaha labada aqal ee tagay Garowe oo sheegay talada dalka inay kusoo ururtay madaxtooyada Soomaaliya

Xildhibaano labada aqal ah oo dhawaan tagay magaalada Garowe ayaa ka dhawaajiyay in aanay wax shaqo ahi ka socon labada gole ee baarlamaanka, iyagoo sheegay in awoodda dalka ay kusoo arurtay madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo Garowe shir wadashi ah kula yeeshay xildhiba-anada iyo guddoonka baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay, in labadii sano ee ugu dambeysay labada aqal ee baarlamaanka aanay awood u lahayn inay xeerarka kasoo baxa xukuumadda dib u sixid ku sameeyaan.

Senator Farxaan Cali Xuseen oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee tagay Garowe, ayaa warbaahinta ka sheegay in golahooda uu haatan noqday mid fadhiid ah. Wuxuu tilmaamay xeerarka uu aqalka hoose meel mariyo in aqalka sare uusan waxba ka beddeli Karin.

Wuxuu sheegay talo soo jeedintii ay xildhibaanadu ku darsadeen wax ka beddelka dastuurka in aan waxba lagasoo qaadin, islamarkaasna xukuumaddu ay u meel marsatay sida ay rabtay.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee ku jira labada aqal ayaa u kala jabay labo garab o tabacsan dowlada Federalka iyo Puntland. Waxaana saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee Deni iyo Xasan Sheikh.

Soomaaliya iyo Abu Dhabi PORTS Group oo Heshiis Maalgashi Kalluumeysi ah kala Saxiixday

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group.

Heshiiskan ayaa lagu gorfaynayaa in la maalgashado kalluumeysiga iyo horumarinta dekedaha, si loo xoojiyo guud ahaan qeybta kalluumeysiga dalka.

Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa sida wasaaradu sheegtay, iskaashiga hormarinta dekedaha kalluumeysiga, dhismaha xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, iyo xoojinta kabayasha dhaqaalaha kallumeysiga. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in la hirgaliyo dekado kalluumeysi oo wadaag ah iyo in la abuuro dugsiyo tababar xirfadeed oo kalluumeysiga.

"Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qeybta kalluumeysiga,” ayuu yiri Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadam, ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo kororka iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, isla markaana wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha eek u tiirsan waxsoosaarka kalluunka."

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa sheegay in ay ka faa'iidaysanayaan khibradda Abu Dhabi PORTS Group, oo dhawaan heshiisyo la saxiixday dalal ay ka mid yihiin Masar, Kongo, Angola, iyo Tanzania, si loo horumariyo adeegyada dekedaha iyo saadka ee Soomaaliya.

Faahfaahino kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax geystay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kaaso ka dhacay xaafada Howlwadag ee magaalada Baledweyne.

Goobta qaraxa bambaano uu ka dhacay oo ah Maqaayad inta badan ay fariistaan dad u badan dhalinyaro, gaar ahan kuwa ciyaara kubada cagta oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa 7 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne oo saacado kadib gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano ay ku raadiyaan cida ka dambeysay qaraxa bambaano, hayeeshe lama soo sheegin cid ay u soo qabteen.

Amniga guud ee magaalada Baledweyne ayaa ahaa mudooyinkii dambe ahaa mid si weyn u sii xumaanayay, waxaana xusid mudan in Habeen hore xaafada Kooshin ee magaaladaas kooxo hubeysana iney ku dileen Askari ka tirsana ciidanka NISA oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cali Kaar, islamarkaana ay horay u sii qaateen kooxda dishay qorigii uu watay Askariga.

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo War Kasoo Saaray Taageerayaal Xisbi oo Hub soo qaatay

Koomiishanka Doorashooyinka Somailand, ayaa amar ku bixiyay in lasoo xidho taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee la arkay iyaga oo hubaysan.

Gudoomiyaha Gudida Doorashoyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaar-eeyay falka, isaga oo sheegay in laso xidhi doono dadka falka gaystay.

"Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu halkan kasii daynayaa cambaarayn iyo digniin ku socota cidkasta oo sidata astaan xisbi ama urur oo hubaysan, waxaanu halkan kula kulanay jananka booliiska oo aanu u gudbinay dhacdadii dhacday 27, October, 2024" ayuu yidhi Yuusuf.

Koomiishanku waxa ay booliiska ku amreen in baadhis dhamaystiran lagu sameeyo haybta dadkaasi, isla markaana sharciga lala tiigsado, "Waxa aanu si gaar ah digniin ugu diraynaa xisbiga Kulmiye oo ay calankiisa siteen dhallinyarada huba-ysan ee kaso baxay baraha bulshada" ayuu yidhi.

Dhinaca kale, hay'adda sirdoonkanka ee NIA, ayaa dadka qoryaha sitay ku tilshalay budhcad, waxayna sheegtay in dabagal lagu hayo oo lasoo qaban doono, iyada oo bulshada ka codsatay in ay gacan ka gaystaan soo qabashadooda.

Madaxweyne Mustafe Cagjar " Cid baa qaadacday oo isbaaro u dhigatay uma joogsanayo Shirwaynaha Wadahadallada Itoobiya"

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka waramay arrimo ku saabsan Shirwaynaha muranka dhaliyay ee Wadahadallada Itoobiya iyo dadka qaadacay shirwaynahaas waxa laga yeelayo.

Ugu horreyn Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in Shirwaynahan Wadahadalada Itoobiya uu yahay mid u furan guud ahaan dadka ku dhaqan dalka Itoobiya, shacabkuna kusoo gudbinayaan cabashooyinka ay qabaan, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid ka madax banaan Dowladda oo ay maamulaan guddiyo laga soo kala xulay dhammaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, dhinaca Soomaalida waxa uu Madaxweynuhu sheegay inuu guddidaas u matalo Maxamuud Dirir.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in degaanka Soomaalida laga soo xuley dad gaadhaya 70 xubnood kuwaas oo isugu jira Siyaasiyiin hore, Culima'udiin, Madax dhaqameedyo iyo xubno ka socda Jaamacadaha degaanka Soomaalida ku yaalla, dhammaan xubnahaasi waxay noqonayaan kuwa shirwayna-haas ku matala Dowlad Degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.

Dhinaca dadka ka soo horjeestay qaabka loo wado Shirwaynahan Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwa uusan u joogsanayn Shirwaynahani, isagoo sheegay in guddida howshan wada ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay cid walba oo wax tabanaysa ay uga soo qaybgali lahayd Shirwaynahan wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu sidoo kale sheegay in ONLF garab kamid ah aysan ma talin Shacabka Degaanka Soomaalida, " 30 sano ayay lahaayeen ONLF anagaa matalna Shacabka, ma matalaan Qabiilna kuma matalaan Ururna kuma matalaaan, Urur urur bay ka yihiin Qabiilna meelaha ay sheeganayaan meelo kamid ah oon ahayn ayaa jirta" ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Ugu dambayn Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid shacabku uu si xor ah fikirkiisa ugu soo gudbinayo lagagana doodayo xaaladaha kala duwan ee dalku ku sugan yahay, isagoo xusay in Shirwaynahan Wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya uusan horey uga dhicin dalka Itoobiya.

Waraysigan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay arrimaha ku saabsan Shirwayanaha Wadahadalada Itoobiya oo dhawaan lagu qaban doono dalka Itoobiya, Shirwaynahan oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen ayaa Ururada qaarkood oo ONLF kamid tahay waxay go'aans-aden inay qaadacaan Shirwaynahas, inkastoo Guddida Shirwaynahani ay qaateen inay cid walba ku qanciyaan inay Shirwaynahan ka so qaybgalaan.

Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Sababta Keentay Burburka Shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirkii ay Jabuuti kula yeesheen Soomaaliya uu dhicisoobay, kadib markii ay dowlada Soomaaliya ka maarantay oo ay sii wadi wayday.

Biixi oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay lagu balamay in markale bil gudaheed Jabuuti layskugu yimaado, lakiin dowlada Soomaaliya ay xoortay oo anay balantii fulin.

"Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo aan waxbadan laysku afgaran wuxuu go'aanku ahaa in bil gudaheed layskugu soo noqdo, annagu diyaar ayaabanu ahayne, qolooyinka kale ayaa ka maarmay" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland aanu ahayn soo boodo, lakiin uu in badan soo socday, sidaas darteedna aanu wax xidhiidha la lahayn shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana aanu qorshahoodu ahayn in ay wadahadalada xagal daaciyaan.

Waxa uu sheegay in wadahadaladu muddo badan socdeen, isla markaana lagu daalay oo anay midhodhalin, sidaas darteedna ay Somaliland aqoonsigeeda si madaxbannaan u raadsan doonto, Soomaaliya-na ay la gudboontahay in anay farogalin, lakiin ay markale, dib u bilaabi karaan hadii Soomaaliya ay u baahato.

Waxa uu sheegay in heshiiskii aanu wali noqon mid rasmi ah sababta dib u dhaca keentayna ay tahay buuq badan oo gobolka ka dhashay, oo dowlada Soomaaliya ay horseed ka ahayd, lakiin anay cidna hor istaagi karin rabitaanka shacabka Somaliland.

Sirdoonka Somaliland oo Ka Hadlay Qaar Ka Mid ah Taageerayaasha Kulmiye oo Hub Lagu Arkay

Sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in lagu daba jiro qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo baastoolado iyo qoryo lasoo baxay intii uu socday isu-soo-baxa xisbiga Kulmiye habeen hore.

Hay'adda Sirdoonka ee NIA, ayaa sheegtay in lagu dabo jiro, lana soo xidhi doono ragan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargaysa, intii uu socday olloluhu fiidkii Salaasada.

"Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa" ayaa lagu yidhi qoraal ay NIA ku baahisay X.

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan.

Waxa daraad dhamaaday wareega kowaad ee ollolaha doorashooyinka Somaliland, iyada oo uu xisbiga Kulmiye taageero xoogan kusoo bandhigay fagaareyaasha, waxaana shalay bilaabmay wareega 2aad, dhacdada taageerayaasha hubaysan xiliga ollolaha ayaa ah wax aan hore loogu arag Somaliland.

Militariga Israel oo xiray Isbitaalka Kamal Adwan ee Marinka Gaza

Ka dib hawlgal maalmo qaatay oo Ciidamada Israel ay ka sameeyeen Isbitalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa ku soo idlaaday inuu istaago adeeggii caafimaad ee isbitaalku uu bixinayay.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay xirxireen, isla-markaana ay dileen qaar ka mid ah bukaankii lagu daweynayay isbitaalkaasi, xubno ka mid ah eheladooda iyo shaqaalaha caafimaadka.

Ciidamada ayaa amar ku bixiyay in isbitaalka laga daadgureeyo bukankii kale ee lagu daweynayay, xilli ay si weyn ugu baahnaayeen daryeel caafimaad.

Shirkadaha Maraykanka oo fursad u haysta sahminta iyo soo saarista tamarta Soomaaliya

Dadaallada sahaminta dhul badeedka uu Turkigu ka wado Soomaaliya ayaa fursado cusub u furi kara shirkadaha Maraykanka ee shatiga ku haysta gobolka, sidaas waxa yidhi Wasiirka Tamarta Bayraktar oo u warramay wargeyska daily Milliyet.

Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar ayaa sheegay, Shaqada Turkiga inay ujeedadeedu tahay inay saldhig u noqoto ka qaybgalka ballaaran ee caalamiga ah ee sahminta iyo soo saarista tamarta Soomaaliya.

Shirkadaha Maraykanka ah ee haysta shatiga Soomaaliga ayaa horay ula kulmay caqabado ay ugu wacan tahay awoodda ay u leeyihiin hawlga-llada sahaminta ee xaddidan.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa qalabeeyay markabkiisa Oruç Reis si uu u taageero daraasadaha seismic iyo sahaminta labadaba, si ay hawlgalladu shidaal sahminta Somalia u guuleystaan.

Bayraktar waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah shirkadaha yaryar ee Maraykanka ay markii hore ka walaacsanaayeen khatarta sahaminta badda. Si kastaba ha ahaatee, kulamadii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen madaxda Turkiga ayaa u muuqda kuwa kalsooni ku abuuray shirkadaha Maraykanka.

"Hadda way faraxsan yihiin sababtoo ah waxaa Soomaaliya jooga markab [Oruç Reis] si uu u sameeyo daraasado seismic ah oo saddex-cabbir ah. Haysashada shatiga ayaa hadda macno u samaynaysa iyaga,” ayuu yidhi Alparslan Bayraktar.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa todobaadkii hore soo gaaray Soomaaliya si uu u sameeyo sahamin dhinaca shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Shirkadda Shidaalka ee Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan baarista shidaalka Soomaaliya.

Aqalka Knesset-ka oo ansixiyay sharci mamnuucaya in UNRWA ka shaqeyso Falastiin

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa ansixiyay hindise sharciyeedyo sharci ka dhigaya inaysan Hay’ada Qaramada Midobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ka hawlgeli karin Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo gudaha Israel

Xildhibaanada Baarlamaanka Israel ayaa habeen hore fiidkii si aqlabiyad leh ugu codeeyay laba sharci, oo asal ahaan mamnuuc ka dhigaya in Hay’adda UNRWA ay ka sii shaqeyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, xilligan oo dunida ay ka qaylo dhaamineyso xaaladda bani’adanimo ee dadka reer Gaza.

Sharciyadan ayaa si ba’an loogu xakameynayaa dhaqdhaqaaqyada hay’adasi ee Gaza, Daanta Galbeed iyo faraceeda Israel.

Sharciga hore oo ay ansixiyeen 92 Xildhiban aya hay’ada ka mamnucaya inay ka shaqeyso gudaha Israel, halka kan labaad oo 87 Xildhibaan ay u codeeyeen lagu xakameynayo dhaqdhaqaqyadeda Daanta Galbeed iyo Gaza. Sharcigan aya masuliyiinta gobolka ka hor istagaya in lala shaqeeyo hay’addaasi.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in sharciyadan ay wax aan macquul ahayn ka dhigayaan in UNRWA ay ka shaqeyso dhulka Falastiiniyiinta, Tel Aviv la’aanteed, maadaama Israel ay haysato Daanta Galbeed, sidoo kalena ay ciidamadeeda ku sugan yihiin xadka Marinka Gaza iyo Masar.

UNRWA waa hay’adda ugu weyn dhanka samafalka ee ka hawlgasha Marinka Gaza, waana hay’adda isku dubaridda gargaarka la geeyo dhulka go’doonsan.

Hay’addu waxay waxbarasho, daryeel caafimaad iyo gargaarba ay siisaa mallaayiin Falastiiniyiin ah, oo ku nool Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lubnaan iyo Suuriya.

Philippe Lazzarini oo ah Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa ka digay in sharcigu uu u taagan yahay tusaale khatar, isla-markaana uu jebinayo Axdiga Qaramada Midoobey.

"Sharciyadan waxay keliya ay kordhin doonaan dhibaatada haysata Falastiiniyiinta, gaar ahaan dadka Gaza oo ku jiray in ka badan hal sano oo cadaab ah.” Ayuu yiri Lazzarini oo hadalkan ku sheegay warsaxaaf-adeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Ka hor codeynta, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay in tani ay noqon doonto mid masiibo ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa isna sheegay in tani ay yeelan doonto cawaaqib xun.

Dalal dhowr ah oo kuwa reer galbeedka ah oo Mareykanka uu ku jiro ayaan taageerin labada xeer ee lagu curyaaminayo shaqada UNRWA.

Israel ayaa bishii January sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii 7-dii bishii October ee sanadki hore, iyado aan so bandhigin wax caddeymo ah. Bartamihii sanadkan ayay sidoo kale sheegtay in dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin shaqaalaheeda.

Baaritaan ay sameeyeen guddi ay horkaceysay Catherine Colonna ayaa lagu sheegay in eedeymaha Israel ay hay’addaasi u jeedisay ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Catherine Colonna oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha DIbadda Faransiiska ayuu guddigeeda uu UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso, ka dib markii Baarlamaanka Israel uu 29-kii bishii May uu ansixiyay qaraar hay’adda loogu aqoonsanayo urur argagixiso.

Guddiga ayaa ammaanay shaqada ay hay’addu u hayso shacabka Falastiin.

Ururka Xisbullaah oo shalay ku dhawaaqay hoggaamiyahooda cusub

Ururka Xisbullaah ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay hogaamiyahoda cusub ee badalaya hoggaamiyahii dhawaan laga dilay Ururkaas Sheekh Xasan Nasrullaah.

Xisbullaah ayaa u magacaawday inuu noqdo hoggaamiyahooda cusub Naciim Qaasim oo ahaa xoghaye ku xigenki Ururka Xisbullah, islamarkana xubin firfircoon kasoo ahaa Ururka tan iyo markii la aas aasay.

Hoggaamiyahaan cusub Naciim Qaasim oo ah 71 sano jir ayaa kasoo jeeda koonfurta dalka Lubnaan, waxuna ka mid yahay hogaamiyasha Ururka ee ka badbaaday duqeymaha Israa’iil ku beegsanayso madaxda kooxda Xisbullaah.

Magacaabista hoggaamiyahaan cusub ayaa imaaneysa, iyadoo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Septembar duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidanka Israa'iil hoggaamiyahii Ururka Sheekh Xasan Nasrulaah iyo xubno kale oo ka tirsana kooxda.

Ururka Xisbullaah iyo Israa'iil ayaa mudo ka badan 40 sano waxaa soo dhexmaraayay dagaalo xoogan oo dhaliyay khasaaroyin kala duwan, waxaana inta la xasuusto dagaalkii ugu cuslaa uu dhexmaray labadaan dhinac sanadkii 2006-dii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip