Madaxda lagu hungoobayow waa Maxay "Hiigsi"?

0
Thursday August 27, 2015 - 19:00:31 in Maqaallo by Mogadishu Times
  • Visits: 954
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda lagu hungoobayow waa Maxay "Hiigsi"?

    Gasariir baa ka muuqda ereyada warbaahintu adeegsato. Waxaan akhriyey ereyga "hiigsi" oo loo la jeedo tiigaasha yool loo gol leeyahay. Higso iyo hiigsi waa ka la duwan yihiin sida aan ogahay oo ka hore waa wax si dhakhso ah la tiigsaday, ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gasariir baa ka muuqda ereyada warbaahintu adeegsato. Waxaan akhriyey ereyga "hiigsi" oo loo la jeedo tiigaasha yool loo gol leeyahay. Higso iyo hiigsi waa ka la duwan yihiin sida aan ogahay oo ka hore waa wax si dhakhso ah la tiigsaday, ka dambe waa jilcinta haragga ama hilibka. Miyiga waxaa la aslaa "hiige", ama wax af leh, oo lagu jilciyo hilbaha. Saamaha waxaa laga sameeyaa harag la hiigay. Dhagax-lool baa lagu afeeyaa birta wax lagu hiigo (xoqo). Marka haddii ujeeddadu tahay dal cagahiisa ku istaaga dhakhso erey waxaa ugu dhow "higsi". ha-1 Waa guul haddii madaxdeennu hilib noo jilcinayso oo maatada baahan baa ku miran, balse dhan walba waa lagu hungoobay madaxda Soomaaliyeed oo ay ugu horrayso cambaarta wejigooda ku dheggan marka ay ku "hadaaqaan” hadal aan laga fiirsan, tiraab ka maran han hogotusaalaysan wanaagsanaantooda ama teenna intaba sababta oo ah umad walba waxay helloontaa hoggaanka ay u qalanto oo ku caddaysaa dadnimadeeda. Qofka bulshada hormuudkeeda ah oo ay u dhiibato talada dalka waxaa lagama maarmaan ah in uu bulshada la hadli karo oo si wadar ah ugu faahfaahin karo qorshe. Qofka leh "hiigsi” malaha asaga baa u baahan jilcin, malaha asaga baa kakan oo u bislayn hoggaamin.

                     Weylaalis baa guddiyaalku garta ku gorfayn jireen oo goleyaashu qaadaadhigi jireen gocashooyinka bulshada ku na talo bixin jireen gogoldhigga isla markaas. Haddii maanta sidaas la yeelo ayada oo daaro (yaryar) noo dhisan yihiin weliba ayaa waxay noqon lahayd boor-ka-jaf dhaqan dhalasheed tusaaleeya wanaagsanaanteennii waayihii fiyoobaanta maankeenna, ayaduba waa astaan loo baahday oo wax ku oollan. Halkaan waxaa ku yoto’an gumaynta hiddewaale iyo garaadlaaweyaasha guulallowsanaanshahooda. Nolosha garashaysan marka ay silloonto waxay dib-u-jalleecdaa hidderaaca ab’ogaaga samatabax ahaan oo ka dheehataa wanaag ay waa’ ku liibaantay.
                Maxaa lib-seege u sheegan karaa duruufaha oogan maanta? Qofka, tusaale ahaa, leh;

Waxaa drive-gareeyey

Waxaan plan-gareeyey

Waxaan call-gareeyey

Waxaan fund-gareeyey
                      Isku qaska ereyada Soomaaliga iyo kuwa shisheeyeed wax ka dharban ma leh oo qofka sidaas yeelay waxaa la gudboon in uu meesha u banneeyo qof ku habboon hawsha caynkaas ah. Gasariir (ama abaar daran) baa ka muuqata ereyada siyaasigu adeegsado oo waxay dhimaashaa xaafiiska shaqo oo qofnimadiisa ayay liiddaa waxay na hoos u dhigtaa yididdiillada dadweynaha. Taliyenimo waa xul iyo keni-adkaansho, hodantinnimo qofeed leh waayo’aragnimo iyo indheergarasho. Bulsho walba waxaa u kacay foolaad, sagsaaggu haddii uu foolaad isu moodo waa gabaaraggaddoon. Hadalkuna waa xiriirka koowaad oo talise la leeyahay bulsho. Aftahannimo, inkasta oo aan loo wada dhalan, waa hodantinnimo hoggaamiyeed kaalinta koowaad ku leh maamulka—oo la mid ah kartida, aqoonta, dad-dhexgalka iyo fulinta—oo masuulku hawaawi yeelo.
                      Ereyga "hiigsi”oo si khaldan loo adeegsaday waxaa durba amaahday weriye-ku-sheegga ka arradan talaxtegga weriyenimo oo wuxuu u diiwaangalay hab kale, aqoonyaraanta iyo khayrul-masuulnimada "foolaadkeenna” awgood. Waxaa in badan la isweydiiyay "sidee burburka looga baxaa” ayada oo la laalay ogaanta in madax-madax loo socdo oo aan qumaati loo istaagi karin teer la engeg bixiyo gaallanaanta afka tashiga lagu wadaago. Taliyaha ku liita afka waxa uu adeegsan karaa afyaqaan ku talaxtegay isgaarsiinta; haatan waxaa tifaftirka muhiimad ku leh afafka qalaad.
                    Tixgelinta afafka shisheeyeed waa garasho leh afku waa seeska dawladda waa na toolmoonaan soo-jiidasho leh. Madax dadka aan hadal la wadaagi karin wax ay soo kordhiyaan baa yar. Haatan madaxweynaha lagu hungoobay—Xasan Sheekh—dareen bulshada lama xiriiriyo oo waa afgarooc. Afgobaadsi se waxaa lagu mutaa kal oo kolka talisku taban yahay waa sed u gaar ah qofka og oo isku taxalujiya adeegsigiisa marka uu doono. Isla haddana ayada oo talisku wanaag leeyahay baa marka uu dhankaan gaabiyo waxaa dhasha is-afgaranwaa baahiya tuhun aan dhab ahayn. Mar walba muhiimadda hadalku talis u leeyahay waa mid weyn oo guubaabisa bulshada ama niyad jebisa. Hawl ahaan waa lagu sabsabaa oo lagu soo-jiitaa dadweynaha oo loogu filaa saadaal wacan oo lagu toosiyaa tubta toosan.
                      Ereyga kale oo "hiigsi” oo kale si gurracan loo adeegsado waa "mooshin [motion]”, waxaa laga wadaa "bareere” ayada oo loo turin afka. Af Soomaaligu waa maaddo barasho ahaan qof ku qaadan karta dhammaanshaha noloshiisa, waa farshaxan sida Amiin Caamir loogu kala horumaro oo aan guntiisa la gaari karin. Haddana qof walba afka uu u dhashay inta uu ka barto ayuu garaadkiisu yahay oo tilmaamaa halka uu bulshada uga jiro, heerka waxbarashadiisu gaartay iyo inta uu dal/dad ugu fadhiyo.
                     Maamul goboleedyada dalka teedsan waa ku eedeysan yihiin dhaawaca afka Soomaaliga. Warmurtiyeedka ay soosaaraan waxaa marmar lagu qoraa afaf shisheeyeed ayada oo dadku Soomaali yahay. Afyaqaan (afceliye, afhaye, iyo afjaaq) wax badan buu tari karaa baaxaaddegnaanta arrimaha dalka waxaa na baaqan lahaa dhalashada is-afgaranwaaga iyo wareerka ku lammaan oo noqday gedka nolosha Soomaalida. Booskiisu waa bannaan yahay.
               Wacnaan lahayd helloonsho taliye dawga og, hidde dadnimo leh oo u dhuundaloola oo daacad u ah danaha oo isu rogin duuflaal marka uu habeen u hoydo Villa Soomaaliya, garaadle hadalkiisu hiraal muujiyo.

Waxaa Qoray: Mahad Kooshin
E-mail: mahadkooshin@hotmail.com
xigasho somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip