Madaxweyne GEELLE oo war kasoo saaray weerarkii xerada Jeneral Goordan

0
Sunday February 11, 2024 - 09:15:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne GEELLE oo war kasoo saaray weerarkii xerada Jeneral Goordan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa war kasoo saaray toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay saraakiil Soomaali iyo Imaaraad.

Waxa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

 

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli ma aanay bixin faah-faahin dhameystiran oo la xiriira weerarkan, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka ugu tegay dhaawacyada, isaga oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyay Imaaraadka.

 

Si kastaba, weerarkaan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.
Madaxweyne GEELLE oo war kasoo saaray weerarkii xerada Jeneral Goordan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip