Jabhaduhu waxa ay ku dagaalamayeen Hub fudud, laakin dhinaca Dowladda waxaa laga soo ridayay Madaafiic culus, oo loo qeybinayay xaafadaha magaaladda inta badan, waxaa laga soo ridayay Villada.

     Ciidamada koofiya casta ee waddada marayo Dadka aragti ayey ka tooganayeen. Xafiisyadii Dowladda intaan Jabhaduhu soo gaarin ayaa ciidamadu bililqeysteen, kadibna dab ayey ku qabteen qaar sida Bangiyadii.

bacdamaa aan u yaraa Da’ ahaan Dadka Joogay Hotel Maka. Odayaashaa Nabadda u socday ee Villada aadayay qaarkood ayaan guryahooda ka doonay si nabad loo helo.

Nafteeyda ayaa khatar ku gashay, weliba markii aan u socday Guriga Xaji Axmad Raage oo markaa deganaa guriga u dhaw Hotel Jabuti oo u dhawaa Guriga shaqaalaha.

koofiya cas dhax igu qabteen. Waxaan u sheegay in aan u socdo odaygaan oo laga rabo in uu tago Hotel Maka si uu u aado Villada oo madaxweynuhu ku sugayo, weyna iska keey deeyeen. Maalintaa waxa aan nafteeyda khatarta u galiyay waxa ay aheyd in Nabad la helo.

Waan waantaa waxba kama soo bixin, sababta ugu weynna waxa ay aheyd labada dhinacba, Gacantooda markaa taladu waa ka baxday.

Waan ka xumahay, Dhalin yaro aan maalintaa joogin oo si kale wax loogu sheegay…….

FG: Aragtidaa xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir

Video Player