Daawo: Madaxweyne DENI oo sameeyay ballanqaad culus oo la xiriira khilaafka DF

0
Thursday January 25, 2024 - 15:25:27 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne DENI oo sameeyay ballanqaad culus oo la xiriira khilaafka DF

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarkiisa ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa sameeyay ballanqaad cusub oo la xiriirka xiisadda kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in uu la fariisinayo madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu dhigayo gogol Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

"Waxaa rabnaa haddii aan nahay Puntland in aan gogol Soomaaliyeed dhigno, waxa lagu kala tabanayo in aan halkan ka sheego ma rabo ee gogol uu madaxweynaha (Xasan) hoggaaminayo ayaa inoo fidsan,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

 

Waxa uu intaas kusii daray "Waxaan ballan-qaadaya in aan midnimada iyo wadajirka Puntland ka shaqeeyo, sidoo kale waxaa ballanqaadaya in aan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya ka shaqeyno.”

Madaxweynaha Puntland oo khudbadiisa soo koobay ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay madaxda iyo marti sharafta kale ee kasoo qeyb-gashay munaasabadda caleemo saarkiisa, "Waa mahadsan tihiin, waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadnaqo hoggaamiyaha SSC.”

Dowladda dhexe iyo Puntland la filayaa inay iskaga soo dhawaadan sidii hore, ayada oo maantana uu khilaafka hoos u dhigay madaxweyne Deni oo marti loo ahaa uuna sheegay in gogol fidsan looga hadli doono arrintaasi.

 

Si kastaba, Saciid Deni ayaa 8-dii bishaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Garoowe, taasi oo uu kaga adkaaday mucaaradkii sida weyn uga soo horjeeday, waxayna maanta munaasabadda caleemo saarkiisa ka socotaa magaalada Garoowe, oo ay ka qeyb-galeen madaxda sare ee dalka, kuwii hore iyo siyaasiyiinta intooda badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip