Subax u xun Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed iyo Caalamka oo kahor-yimid

0
Thursday January 18, 2024 - 09:47:49 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Subax u xun Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed iyo Caalamka oo kahor-yimid

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ka dib dedaalka Madaxda Qaranka, Soomaaliya waxeey taageero buuxda ka haysataa dhamaan ururada Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Wadamada Islaamka ah

Sidaas oo kale waxaa si aan leexleexasho lahayn taageero noogu muujiyay dalalka dunida ee saamaynta badan kuwaas oo ay hugaaminayaan kuwa leh Codka Diidmada Qayaxan (Veto)

Micnaheedu waa in aan si dhamaystiran ugu guulaysanay in Adduunku fahmay duulaanka Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed kaas oo wajahaya go’doon Dublamaasiyadeed meel cidlo ahna uga haray Dunida oo dhan.

Shalay warka kasoo baxay Jaamacadda Carabta wuxuu ahaa Mid lagu qoray luuqad iftiiminaysa waxa uu filankaro Horjooge Abiy, intaas kuma ekaan ee Dalalka Carbeed Mid Mid ayay Wasaaradahooda arrimaha dibaddu usoo saarayaan Bayaanaad muujinaya taageeradooda waxaana ugu danbeeyay, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo xalay ku celiyay aragtidooda ka dib kulankii Shalay.

Waxaa ka horeeyay Shalay oo afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanku uu ficilka Abiy ku tilmaamay mid halis galinaya deganaashaha Adduunka oo taageeraya Argagixisada isla markaana aan sina Loo aqbalokarin.

Saaka Horjooguhu wuxuu ka maqanaandoonaa Shirka Madaxda Igad taas oo iyana ah waji gabax taariikhi ah

Gudaha Dalka waxaa fariin isku mid ah diray dhamaan Heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dawladda, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada iyo Shacabka Soomalaiyeed oo ay ugu horeeyaan shacabka Gobolada waqooyi.

Gudaha Dalka Ethiopia waxaa ka socda dood balaaran oo inta badan Qawmiyadaha Ethiopia ay ku diidanyihiin falka qar iska tuurnimada ah ee Abiy iyaga oo u arka in uu fashilka Gudaha ku qarinayo Duullaan aan guuli ka muuqan oo uu ku aado Soomaaliya.

Isla shalay wuxuu dhadhamiyay fashilkii uu kala kulmay socdaalkii Tahriibka ahaa ee uu kooxdiisa ugu diray Hargaysa.

Marka la isku geeyo waxa ka dhalanaya jawaabaha kore waa in uu jilbihiisa ku ooyidoono Abiy waqti aan fogayn insha allaah.

Dadkeenna waxaa nala gudboon in aan ka shaqayno labo arrimood oo kala ah, in aan sii xoojino midnimadeenna iskama caabino dicaayadaha raqiiska ah ee Abiy isla markaana diyaar u ahaano marxaladda xigta.

Guul insha allaah.

Alle ayaa mahadsanid.

W/Q Wasiir kuxigeenka Warfaafinta DFS Cabdiraxmaan Al Cadaala




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip