Dr. Baadiyow: Abiy iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

0
Wednesday January 17, 2024 - 08:45:42 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Baadiyow: Abiy iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow, ayaa ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee ku aadan bada Soomaaliya.

Dr. Baadiyow ayaa ku tilmaamay heshiiska is-afgaradka ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay galeen inuu yahay wax ay kala kulmi doonaan wajigabax iyo mustaqbal mugdi ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay in la kala qaado shacabka Itoobiya iyo Abiy Axmed, oo aan cadaawo gaar ah loo qaadin shacabkaas.

 

"Waa shacab kali-taliye ku habsaday oo colaad la dhax-dhigay. Sidoo kale waa in la kala soocaa shacabka Somaliland oo intooda badan ka soo horjeeda heshiiska uu soo galay Muuse Biixi iyo rabitaanka Muuse Biixi, oo ku salaysan inuu helo ballan-qaad ictiraaf been ah oo horseeda in mar kale loo doorto madaxtinimada Soomaliland,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow.

"Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in taako dhulka Soomaaliyeed ah uusan jirin qof bixin kara. Heshiisku wuxuu xadgudub ku yahay gobonnimada iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri Dr. Baadiyow.

"Arrinka gooni isu-taagga Somaliland, oo uu ku dhashay aqoonsi-raadiska socda 33 sano, waxaa ka furan wada-hadal ay la gasho dowladda Soomaaliyeed. Haddaba, halganka waa in lagu jiheeyaa rajiimka Abiy Axmed iyo rajiimka Muuse Bixi oo kali ah.”

 

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Cabdi shaqsi ku fashilmay maamulka Somaliland, oo doonaya in uu ku haysto xoog awoodda.

Waxa uu yiri in marka ay u dhamaatay shan sano, uu shacabka Somaliland u soo jeediyey been lugo leh oo uu mar kale xilka ku sii joogo.

Baadiyoow oo ah aqoonyahan wax ka yaqaana shuruucda caalmaka, ayaa Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku tilmaamay shaqsiyaad ayaga oo soo jeeda riyoonaya.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow

Dr. Baadiyow: Abiy iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah


W/Q: Cabdixakim Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
cabdixakiin441@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip