Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si adag ugu hanjabtay dowladda Itoobiya, isagoo farriin culus u diray shacabka ku nool deegaanada Somaliland, halka weerar culus uu ku qaaday madaxda Somaliland oo Muuse Biixi uu ugu sareeyo.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damadac Itoobiya.

"Dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan ee Somaliland, waxaan leeyahay 30 sano ka hor ayey dhaanka idiin rareen odayaasha idin hoggaamiya, ilaa hadda meel ay idin geeyaan ayey la’yihiin, been ayey idiin sheegeen walaalihiin Soomaaliyeedna waa idinka jareen,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

 

R/Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, sidoo kale wuxuu balan qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn sii doonto horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa aad u weeraray madaxda Somaliland isagoo sheegay inay Oromo sheegteen iyagoo ka cararaya Soomaalida walaalahood ah, "Oromo nagaa, ayey idin geeyeen 30 sano kadib, jinsiyadii ayey idinkaga dheeleen, dhulkiiniina waa dhiibeen,” ayuu yiri Xamsa oo maanta farriintaan u diray shacabka gobollada waqooyi.

"Dhulkii aad diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan, Addis Ababa ayuu Muuse Biixi Xabashi ugu saxiixay, Muuse siduu u sii waday reerkiisa Oromo ayuu dalaq siiyey.”

 

 

Xamza oo soo daliishay Aayad Qur’aan ah ayaa sheegay in Fircoon uu hadda ka hor halaag ku hoggaamiyey dadkii qaadan jiray amaradiisa ee hoggaanka uu u hayey, hadana Muuse Biixi uu dadkiisii qiimaha badnaa Xabashi ku daray, sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Shacabka Somaliland waxaan leeyahay waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen odayaasha idin hoggaamiya,” ayuu yiri Xamza.

 

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa shacabka gobollada waqooyi uga mahad celiyey sida ay u diideen in dhulkooda la bixiyo, "Inta yar ee wali lasii qaldayo waxaan leeyahay odayaashaan isaga hara meesha ay idin gaarsiiyeen waad aragtaane, shacabow dalka idinkaa masuul ka ah ee difaacda, waa fashilmeen kuwii aad talada u dhiibateen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu Itoobiyaanka uga digay damaca ay ku raadinayaan dhul Soomaaliyeed, wuxuu u cadeeyey intaasi aysan dhici doonin, isagoo wacad ku maray in sharciga hadii ay soo dhaafay ay Soomaalidu gacan ula tegi doonto Itoobiya.

Rw Xame Muuse Biixi Waa Fircoon Somaliland Halaag ayuu galinayaa - YouTube


Hoos ka daawo