Ninka sirdoonka Israa'iil ugu doonista badan yihiin ee ka soo muuqday tacsida qoys Soomaali ah

0
Sunday January 14, 2024 - 19:32:34 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka sirdoonka Israa'iil ugu doonista badan yihiin ee ka soo muuqday tacsida qoys Soomaali ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

TACSIDA MADAXDA XAMAAS

Sheekh Cabdirishadii iyo Ismaaciil Haniyah goobta tacsida Doxa- Qadar

Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar - halka ay ka mudan tahay teendhada tacsida alaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi, ayaa waxaa tagaya dad maqaam ku dhex leh bulshada oo u badan culimo.

Balse dadkii soo muqday goobta tacsida ayaa waxaa kamid ah nin ay aad u doondoonayaan sirdoonka waddanka Israa'iil - Ismaaciil haniyaha oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta.

"Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida,wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo aniga wuxuu nala joogay saacad ku dhawaad,maqribkii ayuu nala tukaday waaana noo duceeyey” ayuu yiri Cabdixakiin.

Waxaa booqashada gogosha tacsida ku wehiyay Ismaaciil Haniya, Khaalid Mashcal oo ahaa madaxii hore ee garabka siyaasadda Xamaas hadana qayb ka ah madaxda uruka.

"Wax weyn ayey noo ahayd qoys ahaan in iyaga oo xaalad adag ka socoto Qasa in Madaxdoodii tacsi noogu yimaadee wayba na ilowsaysiisay wixii nagu dhacay waana wax weyn" ayuu intaas ku daray Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo qaabilaya Ismaaciil iyo ragii kale ee la socday. Muuqaalkaas ayaa waxaa duubay nin dhallinyaro ah oo kamid ah dadka agdhaw Sheekh Suufi oo lagu magacaabo Xasan Cabdalla Sanka.

Sanka wuxuu sheegay in markii ay soo galeen goobta Ismaaciil iyo Khalid in hal mar la wada kacay markii ay soo galeen goobta si garaa ay dadku ugu farxeen goobta joogay.

"Haniyah wuxuu jecel yahay Sheekh Cabdirashiid"

Hugaamiyaasha sarsare ee Xamaas ayaa degan dalka Qadar, iyaga oo nabadgalyo shaqsiyadeed joogista dalka yar ee Qadar.

Dhanka kale dalka Qadar waxaa ku nool qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed sida Sheekh Cabdirashiid oo ah qaari aad loo jecel yahay codka uu quraanka ku aqriyo, isaga oo imaam ka noqda inta badan masaajidda.

Gudashada waajibaadka diiniga ah, gaar ahaan salaadda ayaa noqtay sabab ay kulansiisay culimada iyo hugaamiyaasha Xamaas sida uu noo sheegay Cabdixakiin.

"Ismaaciil Haniyah iyo Khalid Mashcal labadu Sheekha Cabdirishadiid ayey la tukadaan bisha Ramadan taraawiixda iyo tahajudka waana is naqaanay mar hore,” ayuu BBC da u sheegay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Dhanka kale Sheekh Xasan Waajidi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Qadar ayaa qudhiisa sheegay in xiliyo badan uu kula tukaday Masjidka uu iimaanka ka yahay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ninka madaxda ka ah ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

GEERIDA QOYSKA SHEEKH CALI SUUFI

Qoraalka sawirka, Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo mid ah qoyska qaabilay Madaxda Xamaas

Waa kuma Cabdixamiid Sheekh Cabdirashiid alaha u raxmadee

.

Qoraalka sawirka,  Alaha u raxmadee Marxuun Cabdixamiid (midig) iyo Aabihiis Sheekh Cabdirashiid

Dhawaan waxaa magaalada Doxa ee dalka Qadar ku geeriyooday Cabdixamiid Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo sida ehelkiisu noo sheegeen ku timid geeri degdeg ah.

Geerida Cabdixamiid ayaa taabatay Soomaalida maadaama wiilkju ahaa xaafidul quraan iyo qaari inta badan safaro dibada ku waheliyey aabihiis Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi oo ka mida qaariyada loogu jecel yahay dunida muslimka.

Cabdixamiid Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi ayaa dhashay sanadkii 1997-dii, wuxuuna ku dhintay da'da 26 sano.

Wuxuu wax ku bartay waxbarashadiisa aasaasiga dalka Qadar isagoo dalka Urdun ku qaatay heerka koobaad ee Jaamacada oo uu qaanuunka ka bartay.

Qosykiisu waxay ku tilmaameen inuu ahaa mid loogu yeero Suldaan sida uu jeclaa isku aruurinta dadka iyo inuu jeclaa inuu mar walbo la socdo Aabihiis.

.

XIGASHADA SAWIRKA,XASAN AL-WAAJIDI

Qoraalka sawirka,   Sheekh Xasan Al-waajidi oo muddo dheer ay yaqanay Marxuunka

Sheekh Xasan Macalin Ibraahim Al-Waajidi ayaa BBC-da u sheegay in Marxuunka ahaa shaqsi ku sifeysnaa wanaag.

"Anigu waxaan aqaanay muddo dheer waayo waxaan ka mid ahaa ardayda Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi. Markasta wuxuu jeclaa inuu dhinaciisa ahaado aabihis oo safarada uu la aado una khidmeeyo. Wuxuu kale oo ku caan ahaa inuu xiriiriyo dadka Sheekh Cabdirashiid uu jecelyahay” Ayuu yiri Xasan Waajidi.

Marxuunku kama tagin caruur iyo xaas laakiin siday ehelku sheegeen waxay ka mid ahayeen qorshihiisa inta uusan geeriyoon.

Sidoo kale Culimada caanka ka ah dalalka Islaamka ayaa ka qayb galay aaskii iyo tacsidii Marxuunka.



XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip