Waa soo raacay, markii uu Libaaxii u yimid ayaa Libaaxii ku soo booday, Labada dhagood ayuu ka goostay Dameerkiina waa baxsaday. (F.S:2aad)
Dawacadii ayaa mar kale isla dameerkii u tagtay oo ku tiri: war kaalay Xilka qabo. Waa diiday, waxa uu yiri: Dirqi ayaan ku soo baxsaday Dhagihii ayuuna iga jartay. Waxa ay ku tiri: war Dhagaha waxa lagaaga jaray waa in laguu galiyo Koofiga "Taajka” Boqortooyada, dhagahuna wey celinayaan.
Waxa uu yiri: Taasi waa suura gal, wuu raacay, mar kale ayaa libaaxii ku soo booday Dabadii ayaa u go’day.( F.S: 3aad)
Dameerkiina waa baxsaday. Mar kale ayaa dawacadii loo diray. Waa diiday Dameerkii, waxa ay ku tiri: war Dabada waxa lagaaga jaray waxa ay aheyd in aad kursiga Boqorka ku fadhiisato, Adiga oo Daba dheerna kuma fadhiisa kartid. Waxa uu yiri: waa suura gal. Wuu raacay, Dameerkiina waa dilayay Libaaxii.
Dawacadii ayuu Libaaxii ku yiri: Hilbkiisa dhan qaado, laakin ii keen Saddax Xubnood oo Daawo ii ah, waa: Beerka, Sambabada, iyo Maskaxda. Dawcadii waa qashay Dameerkii, waxa ayna Libaaxii u keentay Wadnihii iyo Sambabadii. Maskaxdiina waa cuntay.
Libaaxii oo careeysan ayaa ku yiri: Aawday Maskaxdii? Waxa ay ku tiri: Maskax maba ku arag Jirkiisa, Hadduu Maskax leeyahay miyuu Saddax mar soo noqon lahaa.
Ujeedo:
Dadka leh Ethiopian Dhul siinaa ma ogeyn Miyaa 1964 Guushii Ciidamadu ka keeneen Dagaal. ( F.S: 4aad)
Dagaalkii 77 oon loo kala harin Rag iyo Dumar iyo Maxaabiistii Ethiopian-ka laga qabsaday. ( F.S: 5-6aad)
Dagaalkii 2006- 2009. Markii Ciidamada Ethiopia Dalka soo galeen, Col. Gabre iyo Guutooyinkiisii ( F.S: 7-11aad)
Mise markii lagu ogaaday in aadan intaaba la socon oo aadan Maskax leheyn ayaa wax aan jirin laguu ballan qaaday?
Qore :Yahya Amir
May be an illustrationNo photo description available.
May be an image of 3 people and text

Qore : Prof. Yahya Amir.