
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA NOVEMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee London
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad khu dbad ka jeediyay shi rka caalamiga ah ee looga hadlayo cun no yarida dunida ee ka furmay Maga alada London.
Shirkan oo ay martigelinayso Dowla dda Britain ayaa waxaa ka qaybgalay madax kala duwan, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliya oo Habeen hore gaaray Caasimadda London.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaalada caalamiga ah ee dab ar-goynta macluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay xoreeyeen degmooyin iyo deegaano hodon ku ah dalaga beeraha, balse ay curyaamiy een maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay nolosha u diideen sida uu yiri dadkii beeraleyda ahaa.
Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak oo daahfuray shirka ayaa ku dhawaaqay in Boqo rtooyada UK ay boqol milyan oo dollar ku maa lgelin doonto mashaariicda horumarineed, kaab eyaasha dhaqaalaha iyo horuma rinta beeraha ee Somaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo heli lahaa cunno ku filan dadka, isla-markaana la isku haleen karo, iyadoo markaasi laga hort aggayo wax yaabaha keena macluusha.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Ray sal Wasaaraha Bri tain ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudna anta siineyso in gargaarka la siiyo Somaliya loo weec iyo dhanka horumarinta, si dadka Soo maaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay caq abad aha ku xeeran nolosha dadka Soo maali yeed iyo dadaalada ay ku bixisay dowladdu la tacaa lidda macluushii ay la kowsatay sanadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dal ka, ee ay sababeen daadadka roobabka ee barakiciyay kumanaan qoys.
Shirka London ayaa imaanaya, iya doo mee lo badan oo caalamka ah ay ka jiraan rabshado iyo colaado, oo sida la sheegay saameeyay cunnada iyo nol osha guud ee bulshada caalamka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yee shay madax ka tirsan Dowlad Gobaleedka Jubbaland
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka Jubbaland Md. Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmoo yinka iyo waxgar adka deegaanka. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandh igay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degm ooyinka gob olka Gedo, oo hadda wajahaya xaala dda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da’ay dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u balan qaa day bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in DFS ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhis eyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burbu ray Roobabkii ka da’ay gobolka.
Kulanka uu la yeeshay madaxda dowlad go baleedka, kan gobolka ayaa waxaa Ra’iisul Wa saaraha ku weheli yey Wasiirro ka tirsan Xuku umadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’ adda Maareynta Musiibooyinka.
Md.Farmaajo oo markii ugu horey say ka hadlay Roobabka iyo Fatahaadaha
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxam ed C/laahi Farmaajo ayaa ma rkii ugu horeysay ka hadlay roobabka waa weyn iyo fatahaadaha wabiyada ee sameynta ku yeeshay dalkeena Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigar bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-
Dhibaatada soo food saartay kuman naan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaan teen in aynu u istaagno.
Dadka Sooma aliyeed oo lagu ya qa anno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaq ayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalah ooda dhibaatey san, lana abaabulo gurmad iyo garga arka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan.
Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiina yaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo ba dan oo ka tirsan dalka, waxaana adkey nayaa in loo hogaansamo taloo yinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mare enka ah. Alle ha ammaansado dadkeenna.
RW ku xigeenka dalka oo London kaga qeyb galay shirweynaha cunno yarida
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Ax med Jaamac ayaa magaalada London kaga qeyb galay shirweynaha cunno yarida oo looga hadlayay sidii loo sugi lahaa cuntada addu unka.
Shirkan oo wada qabteen Dawladda Soom aaliya iyo Ingiriisku waxaa isugu yimaadeen Dawlado, ururo caalami ah, saynisyahano, hay’ ado iyo ganacsato si looga arrinsado dhiba atada cuntada adduunka.
Raiisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Md. Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo cunno yarida, Isagoo sidoo kale sha rraxay dhibaatooyinka ay ka dhashay isbedelka cimilada oo ay kamid yihiin abaaraha, daada dka iyo
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isga arsiinta Raadiyaha Adduunka
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soo maaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehl iyaan Maar eeyaha Guud ee Hay’adda Isgaa rsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaar siinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo Dorraad ka furmay magaalada Dubai.
Shirkan oo la qabto afartii sanaba mar, wa xa uu dalalka adduunka siina yaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeey aan isticma alka hirarka raadiyaha iyo ware egyada dayax-gacmeedka.
Wasiir Jaamac Khaliif oo ka hadlay mada sha ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaa liya u leedahay ka qeyb galka Shirka, ayaa yiri, "ka qeyb-galkee nna waxa uu ka tarjumayaa si da ay nooga go’an tahay in aan hubinno istic maalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iska ashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan.”
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo ka hadlay shirka ayaa yiri, "Ka qeybgalk eenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra’yigeena, isku-dha afsanno aqoon iyo khibrad, isla markaana gac an ka geysaneyno qaabeynta mustaqbalka ma araynta hirarka ee heer caalami,” isagoo intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaa riyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya.
Wafdigaan uu hoggaaminaya Wasiirka Isga arsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya ayaa muddada uu socdo shir ka waxa ay ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa’ideysanayo isticmaalka hirarka.
Madaxweynaha JFS oo sheegay in ciidanka XD ay xorreeyeen in ka bad an 70 degmo & deegaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingi riiska Mudane Rishi Su nak ayaa soo ba ndhigay sida Soomaaliya ay mu dnaanta u siin ayso in ma shaariicda gargaarka deg degga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soo maaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaal idda macalu ushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaa qay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda hor umar ineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horu marinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrab ka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.
hanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caa lamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafo oyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caa lamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqi ijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.
Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soo maaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beer aha, kuwaas oo argagixisada Alshabaab ay cur yaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay dhisayso buundooyinka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xa msa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roo babka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degm ada Doolow ee Gobolka Gedo.
Ra’iisul Wasaare Xa msa Cabdi Barre oo meel fagaaro ah kula hadlay madaxda gobolka iyo shacabka magaalada ay aa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto heegan, waxa uu xusay in goobaha la’isga gudbi waayey ay dowladdu gaarsiisay dooman.
"Daadadku weli way socdaan, dadka in ay meeshaan ku soo noqon ayaa loo baahan yah ay oo ay ka digtoonaadaan, in la’iska warqabo ayaa loo baahan yahay, illaahay idinkiis waan dadalaaynaa,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xa msa Cabdi Barre.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in safaro kale uu ku imaan doono maga alooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buu ndooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan gobol lada dalka ay ka da’een Roobab wata fatahaa do iyo dabaylo kuwaas oo saameen ku yeesh ay dadka iyo isusocodka, waxaana burbur ku yi mid deegaano dhawr ah, iyada oo ay xirmeen qaar ka mid garoomada dalka.
Nin ku eedeysan dilka Hooyo iyo Carruurt eeda oo maxkamad ciidam ada lasoo taagay
Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan Al Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha mag aalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhin teen. Maxkamadd a ay aa waxaa lasoo taag ay eedeysane lagu mag aca abo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedee yay inuu Al Shabaab u qa abilsa naa dhanka amni yaadka, uuna ka howl galayay caasimadda, ga ar ahaan waddada dhe er ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay deg mada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo la gu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa
Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkam adda Cii damada Qalabka Sida, Gaasha anle Axmed Ca bdalle ayaa sheegay inuu ninkahalis ahaa, isl a-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u bee gsan lahaa dadka shacabka ah ee mara wadd adaasi.
"Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo a an qaan gaar ahayn iyo hooya dood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.
Maxkamadda waxaa sidoo kale kasoo mu uqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eede eyay inay hubka u kaydin jirtay argagix asada taas oo laga soo qabtay deega anada Ceelasha Biyaha,lana shaqeyneysay ee deysanaha.
Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda ka codsa tay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodoba da ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khat ar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/ Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.
Dadka ku geeriyooday deegaanada Jubala nd oo sii kordhay
Waxaa sii kordhay tirada dadka ku geeri yoo naya daadadka ka dhashay roobabka Elnino iyo fatahaa daha Wabiyada deegaana da Maamulka Jubaland.
xildhibaan Mustaf Ma amoow Geedi oo ka mid ah golaha wakiilada Jubb aland una waramayay Idaacada VOA So mali ayaa tilmaamay in dhimashadu hada kor dhaaftay 20 ruux xili maalmo ka hor Mad axweyne Axmed Madoobe shaaciyay dhima shada 14 ruux Sidoo kale waxaa barakacay 20 kun oo qo ys oo qaarkood wali ku go’do onsan yihiin deegaanada jubaland qaarkood, gaar ah aan dhanka shishe ee wabiyada sida Dooloow ee gobolka Gedo. "Waxaa laga deyrinayaa xa alad da dadkaas ay ku nool yihiin kuwaasi oo aanan helin samitixin, waxaana ay qarka u saa ran yih iin in ay macluul u dhintaan”ayuu yiri xil dhibaan Mustaf Maamoow Geedi oo ka mid ah golaha baarlamaanka Jubbalan oo wareysi siinayay VOA
Golaha Ammaanka oo cusboonays iiyay cu naqabataynta hubka ee Soomaaliya
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabate ynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.
Golaha Ammaanku waxay kordh inta cunaqabataynta hubka ee Somaliya,ku ansi xiy een kulankoodii 9477th, 15kii Noofamb ar 2023.
Iyagoo ka hadlayay xa aladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaa ladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusboo neysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabat aynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Dise embar 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cuna qabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaal anto kooxda Alshabaab.
Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wad ajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya.
Hay'adda sirdoonka Puntland PISA oo qara xyo kusoo bandhigtay magaalada Bosaso
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Pu ntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qa raxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shaca bka magaalada Bosaso iyo hantidooda,
Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashil isay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.
Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaa day, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay'adda PISA ma aysan sheegin goob aha bartilmaame edka u ahaa qaraxyadan.
Waxay kusoo beegmeen qaraxya dan, iy adoo muddooyinkii ugu dambe eyay la barti lmaameedsanayay xarum aha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gu daheed ah la gubay dhowr shirkadood.
Maalmo hor, qarax ayaa lagu weera ray xa run ay leedahay shirkadda isgaar siinta ee Go lis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lac ago baad ah looga qaado shirkadaha ganac siga.
Xamaas Oo Dab Ka Dhex Shidday Netany Ahu Iyo Qoysaska La Haysteyaasha
Ururka Xamaas ayaa sheegay in uu go’ay xiriirka iyaga iyo ciidamadooda gacanta ku ha ya la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu hayo Marinka Gaza. Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa warsaxaafade ed uu soo saaray ku sheegay inay la’yihiin xiriirka xoogaga ay shaqadoodu tahay inay ilaaliyaan maxaabi ista lagu hayo Gaza, sababo ku aaddan isgaar siinta magaalada ee tan iyo Khamiistii go’an.
Afhayeenka ayaa tilmaamay inaysan la soc on xaalad kasta oo ay xilligan ku sugan yihiin maxaabiista, isla-markaana aysan jirin meel ay kala xiriiraan xoogagaasi, waana xilli Israel ay Sabtidii dib u soo cusbooneysiisay duqaymah eeda baahsan ee Gaza, oo Dorraad ay dad fa ra-badan oo rayid ah ku dhinteen.
Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la hayste yaasha ayaa socod qaatay shan maalmood oo ay kaga soo baxeen Magaa lada Tel Aviv wa xay Sabtidii ku taggeen Magaalada Qudus (Jer usalem).Dadkan oo kumanaan qof gaaraya ayaa isu gu soo baxay Xafiiska Raysal Wasaar aha Isra el, Benjamin Netanyahu, iyagoo cada adiska ku kordhinaya, si maamulku ay kuwii ay jeclaaye en uu dib ugu soo celiyo guryahooda.
Dadkan ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ku dhaliilay, sida ay u maareysay dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza. Waxa kaloo ay Net anyahu ku dhalleec eeyeen in iyagoo kor iyo ho osba ugu shee gay in Xamaas lala galo heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, si loo badbaadiyo nolosha dadkaasi uuba khatar sii gelinayo nol osho la haysteyaasha.
Dibadbaxayaasha oo Habeen hore hor dhoo b aa Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa waxaa ku biiray dad badan, oo sita buufino jaale ama huruud ah, isla-markaaa ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ku dalbanayaan in dadkaasi laga shaqeeyo sii deysmadooda.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa markii da mbe dibadbaxayaasha u sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada ee waxa loogu yeeray dagaa lka ay la kulmi doonaan guddiga qoysaska la haysteyaasha.
"Waan idiin la socdaa, dadka Israel-na way idiin la socdaan. Waxaan ballanqaadayaa ma rka aan helno wax aan dhahno, waan idiinku wargelin doonnaa.” Ayuu yiri Netanyahu.
Hase yeeshee dadkan oo dareenkooda muujiyay ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee dagaalka ku eedeeyay waxa ay ku tilmaameen hufnaan la’aan ku saabsan qorshe kasta oo samatabixin ah. Wararka ayaa sheegaya in dib adbaxayaashu aanay kalsooni badan ku qabin ballanqaadyada Netanyahu, bacdamaa kulamo hore oo ay yeesheen uu ugu sheegay inaanu maamulku halis gelin doonin nolosha maxaab iista lagu hayo Marinka Gaza, uuna samayn doono wax kasta oo badbaadadooda ah.
Bannaanbaxan ay Sabtidii sameeyeen ay aa noqonaya kiisii ugu weynaa ee lagu dal banayo in iyagoo nabdoon guryahooda lagu soo celiyo la haysteyaasha.
La haysteyaasha oo tiradooda lagu sheegay 240 qof oo reer Israel ah, balse qaarkood hays ta laba dhalasho ayaa lagu afduubay weerarkii lama filaanka ahaa ay Xamaas 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel ka arrimiso.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Netanyahu uu ku khasban yahay in hadda uu meel uun u jiheeyo arrinta la haysteyaasha.
Hadalkan ka soo yeeray Xamaas ayaa sida la sheegay waxa uu walaaca ku kordhiyay qoysaska iyo ehelada dadkaasi.C
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntl and oo isku dhiibay Mucaaradka Danab
Ciidamo Tiradooda lagu sheegay 120kana tirsnaa Daraawiishta Puntl and ayaa isku dhiibeen Ciidamada Kumaandooska Danab ee mucaaarad san siyaasada Madaxweynaha Punt land Saciid C/llaahi Dani.
Ciidamadaan Danab ayaa Garowe ku leh Saldhig Ciidan iyadoo dhowr marna ay isku dhe ceen Madaxweyne Saciid Dani arimo ku saa bsan khilaa faadka dhanka Amniga.
Sarkaal u hadlay Ciidamada soo goostay ay aa sheegay inay uga soo tageen Saciid Dani mushaar la’aan 9 bilood ah iyo daryeel la’aan intaba.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay uga soo tag een xiisad abuurkiisa xili sida uu sheegay uu dhulka maamulka Puntland u horseedayo dag aalo iyo barakac shacab.
Hadaba halkaan ka daawo muuqaal uu diya ariyay TV-ga Universal kaasoo lagu faahfaahi nayo warbixintaan.
Israa’iil oo baahisay muuqaal ku saabsan dadka Xamaas afduubatay
Milatariga Israa’iil ayaa siidaayay muuqaal kaamirooyinka CCTV-ga ah oo muujinaya lah eysteyaal Israa’iiliyiin ah oo la geynayo isbita alka al-Shafa, oo ah isbitaalka ugu weyn Qasa, ka dib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la qafaashay oo ahayd haweeney aska riyad ah lagu dilay halkaas.
Waxa uu sheegay in 19-sano jir ka tirsane ed ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabi jiray Captain Nova la dilay ka dib markii isbitaalka la keenay iyadoo dhaawac fudud ah. Israa’iil ayaa ku celcelisay in Xamaas ay isbitaalka al Shifa ka dhigtay saldhig, balse Xamaas ayaa arrintaa beenisay.
Wasaaradda Caafimaadka Qaza oo shaaci say wadarta Falastiiniyiinta ku dhinta weerarrada Israa’iil
Wasaaradda caafimaadka ee Xam aas ay maamusho ee Qaza ayaa shee gtay in 13,000 oo qof ay hadda ku dhin teen dhulka falastiini yiinta tan iyo markii uu billowday dagaalka Isra a’iil.
Israa’iil ayaa olole aargoosi ah ka billowday Qaza ka dib markii dagaalyah annada Xamaas ay ka gudbeen xadka Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof in ka ba dan 200 oo qofna ay qafaasheen.
Waxaan si joogto ah uga warbixinay tirada dhimashada ee Qaza, asxaabte ena BBC Ve rify ayaa sharax ay sida dadka dhintay loo tiri yo.
Booliska oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aa dan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yara an 20 qof oo ku eedeysan dembi yo kala duwan.
Afhayeenka ay aa sheegay in xu bnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka ku wo kalena ay weli baaritaano ku socdaan.
Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaana da Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daa cish.
Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey in ay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu sha aciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxa ana la sheegay inay u socdeen kooxda Daac ish ee ku jirta buuraha Calmiskaad.
Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa Dorr aad lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadi isa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhig ay qaraxii ay Shabaab la damacsan aayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusama reeb.
Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caa fimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo bo olis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashi liyeen.
Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa hab eeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyo oday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya.
CIZU DIIN AL-QASSAM WADAADKA LOOGU MAGAC DARAY KOOXDA HUBAYSAN EE XAMAAS
Cizu diin Al qassam
Ilaa 7 Oktoobar, 2023, magaca "Cisu Diin al-Qassam" oo ah magaca rasmiga ah ee garabka hubaysan ee Dhaq dhaqaaqa Xaamas ayaa caan ka ahaa wargeysyada iyo warbaahinta caalamka.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qisadii wadaa dkii Suuriyaanka ahaa ee asta anta u noqday halgankii hubaysnaa ee lag aga soo horjeeday maamulkii Ingiriiska iyo Soo galitaanka Israa’iiliyiinta ee dhulka Falastiin qarnigii tegay, shakhs iyaddiisii iyo taariikh nololeed kiisi, iyo waxaa dib dib u soo cusboon aysiiyay dagaalka hadda socda. Cizu diin al-Qassam waxa uu ku dha shay magaalada Jableh ee dalka Su uriya, koonfurta magaalo-xeebe edka Ladiiqiya, sannadkii 1882-kii, wax aa wax baray Aabihii, Sheekh C/qaadir Al-Qassam oo ahaa Imaamka Masjidka Mansuuri ee magaa lada xeebta ee Suuriya.
Markii uu gaaray da’da 14 sano ayuu u wareegay Magaalada Qaahira si uu wax uga barto Al-Azhar, halkaas oo uu kula kulmay Sheekhii wey naa ee isbedel doonka ahaa Muxammad Cabdow Rashid, iyo culimo kale oo lagu yaqaan dhaqdhaqaaqa "Islaamka isbedel doonka ah kuwaa s oo si weyn uu saameeyayay hab fikirisa”.
Toban sano ka dib, wuxuu ku laabtay magaaladiisii Sanadkii 1906 si uu wax uga dhigo dugsigii aabihiis ee Jalen, waxaana loo magacaabay imaam iyo daaci Masjidka Ibraahim bin Adam.
Markii ciidamadii Talyaanigu ay galeen Liibiya 1911, Sheekh Al-Qass am wuxuu fuulay minbarka Masjidka Al-Mansuuri, isagoo ku baaqay jiha ad. Waxa uu si degdeg ah u qoray tobaneeyo dhallinyaro ah si ay uga dagaallamaan Magaladda Tripoli, waxaana hogaamiye dhalinyarada u noqday wadaad da’yar oo lagu magacaabo Sheikh Abdulqadir Kiwan, ka as oo markii danbe ay dileen ciidamada Faransiiska markii ay soo galee n Suuriya 1920. Waan ka xishoonayaa inaan fiiriyo xaaskayga marka ay subixii dhaqeyso go'a aan ku seexannay"
kooxda Al Qassam ee Xamaa kooxda Al Qassam ee Xamaas
Qaadashada hubka ee Sheekh al Qassam
Al-Qassam waxa uu sameeyay koox yar oo huba ysan si ay ula dagaallamaan Faransiiska ka dib mar kii ay qabsadeen Suuriya, waxaana uu ku biiray ko oxda Cumar Al-Bitaar, kuwaas oo hawlgallo millatari oo ka dhan ah ciidammadii gumaystaha Faransiiska ka waday buurale yda Sayhuun intii u dhaxaysay 1919 ilaa 1921 gobolka Ladiiqiya .
Bilo ka dib markii Faransiiska uu qabasaday Suuriya waxaa las oo sa aray amar lagu soo xirayo, taasoo ku qasabtay inuu u baxsado Magaa lada Xayfa sanadkii 1921-kii isagoo sii maray Bayruut.
Cizu Diin al-Qassam waxa uu degay Masjidka Istiqlaal ee ku yaalla Xayfa kaas oo ay ku noolaayeen dad beeraley masaakiin ah oo ka bara kacay tuulooyinkoodii sababo dhaqaale dartood.
Al-Qassam waxa uu isku dayey in uu wax baro oo uu la dagaallamo wax-akhris la’aanta baahsan isaga oo u soo dhigi jiray Casharo xilliga habeenkii ah .
Al-Qassam waxa uu ku biiray dugsigii islaamiga ahaa ee Xayfa, ka dibna waxa uu xubin ka noqday ururka dhalinyarada muslimiinta ee hal kaasi ka jiray, waxaanu noqday guddoomiyaha ururka sannadkii 1926-kii. Waxaa uu bare ka ahaa Dugsiga Al-Burj iyo Masjidka Al-Istiqlaal ee Xayfa , sannadkii 1928-kii, waxa uu ku biiray Maxkamadda Shareecada ma gaaladda isaga oo aas-aas iyo madax ka ahaa koox la magac baxday "Muslimiinta Dhallinyarada ah” ee Falastiin, isagoo ka duulaya waayo-aragnimadii uu ka helay ururka walalaha muslimiinta ah ee Ikhwaanul Muslimiin ee uu hogaamiye u ahaa wadaadkii lagu magacaabi jiray Xasan Al-Banna oo ka jiray Dalka Masar.
Soo galintaankii dadka Israa’iilyinta ah ee dhulka reer Falastiin ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, iyadoo tirada dadka Israa’iilyiinta ah ee Falastiin ay kor u kacday waxaan al Qassam ku dhawaaqay in hubka la qaato, xilligaas waxaa soo baxday koox hubeeysan oo bilaabay hawlgalo militari oo ka dhan ah xarumaha Ingiriiska iyo Israa’iilyiinta ee Falastiin, waxaana hogaaminayay Axmed Daafish .
Kooxda soo shaac baxday ayaa qaaday weeraro isdaba joog ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Ingiriiska iyo Israa’iil, bishii Oktoobar 1929, iyagoo taageero ka helay dagaalyahannada Durza lagu magaca abi jiray oo ka jiray dalka Siiraya oo ay ka wadeen kacdoon ka dhan ah Faransiiska .
Al-Qassam oo ka faa’iidaystay waaya-aragnimada kooxdii ka soo sha ac baxaday ee reer Falastiin waxaa uu bilaabay in uu sameeyo urur kale oo firfircoon oo ku sugan magaalooyin, waxaan ururka loo loogu maga cadaray "Ururka Mujaahidiinta Suuriya" iyo "Ururka Hubka".
Dagaalyahannada Ururka Mujaa hidiinta Suuriya ayaa howlgalk oodii ugu horreeyay qaaday sanadkii 1931-kii, ka dib markii ay weerar gaad mo ah ku qaadeen gaari ay la socdeen xubno Israa’iilyiin ayaga oo dilay sadex, Istaraatiijiyada ururku waxay ahayd in ay fuliyaan hawlgalo ka dhan ah bartilmaameedyada Israa’iil iyo Ingiriiska.
Dabayaaqadii sanadkii 1935-kii, Al-Qassam wuxuu khudbad uu ka jeediyay Masjidka Istiqlaal kaga dhawa aqay billaabidda tallaabo milateri oo ka dhan ah ciidamadii Ingiriiska.
Qabriga Sheekh Cizu diin Al qassam
XIGASHADA SAWIRKA,TWITTE, Qabriga Sheekh Cizu diin Al qassam dagaalkii uu ku dhintay iyo halka lagu aasay.15-kii bishii Noo fambar sanadkii 1935-kii Sheekh Al-Qassam waxa uu u jihaystay isa ga iyo 11 ka mid ah xertiisa tuula da Yacbad oo ku taalla inta u dha xaysa magaalooyinka Jenin iyo Nablus,oo ah daanta Galbeed ee dhulka falstiiniyiinta. Ciidamadii Ingiri iska ayaa ogaaday halka ay kooxdaasi ku sugan tahay, ayaga oo weerar culus ku qaaday waxaan dagaalka u dhaxe eya uu socday 6 saacadood.
Dagaalkaasi ayaa lagu dilay Al-Qassam iyo saddex ka mid ah kooxdiisa, waxaana aas ah loogu sameeyay 21-kii November sanadkii 1935-kii Magaalada Xayfa ayada oo lagu aasay qabuuraha tuulada Balad Al-Sheekh, ee duleedka Magaaladda iyada oo ay kumaan qof ka qeyb galeen.
Qabriga Al-Qassam waxaa si isdaba joog ah u burburiyay oo weerar ku qaaday kooxaha xagjirka ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaasi oo burburiyay sannadkii 2014-kii.Al-Qassam waxa uu guursaday ina-adeertiisa oo lagu magacaabo Aamina Nanoua, waxay u dhashay saddex gabdhood. XIGASHO:-BBC
Sidee UK ugu bixisay lacag ka badan $1 milyan tarxiilka wiil Soomaali ah?
Yacquub Axmed, waa wiil Soomaali ah oo dowladda Ingiriiska ay tarx iilkiisa kaga baxday lacag ka badan hal milyan oo dollar.
Kiis dacwadeedkan oo muddo bad an socd ay ayaa waxaa ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka soc otay dalkaasi, taasi oo ugu dambeyn tiina kusoo dhamaatay musaafur inta Yacquub.
Yacquub ayaa waxaa muddo dheer ku soco tay dacwad la xiriirta kufsi, taasi oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale. Kiiskan ayaa ka dhacay dhisme ku yaal London, halkaasi oo kufsiga loo gu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay, qiyaastii 15 sano kahor.Marxaladaha uu soo maray kiiska iyo tarxiilka ka dhashay ee Yacq uub, ay aa waxa uu caro xooggan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, ayada oo warbaah inta Ingiriiska ay si adag uga hadashay kiiskaan.
Yacquub ayaa ugu dambeyn laga tarxiilay Ingiriiska bishii hore, kadib sanado uu baaqday, iyada oo ay ku ba xday dhaqaale badan oo caro dh aliyay, tan iyo intii uu socday kiiska.
Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga Ingiriiska, oo ah in ka bad an hal milyan dollar ayaa ku baxday muddada ay socotay dhageysiga heerarka kala duwan ee dacwaddaan. Lacagtaan ayaa iskugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Ya cquub, mid lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay sida; hoyga iyo adeegyo kale afar iyo tobanka toddob aad ee ugu horeysa marka lagu soo cesho dalka.
Dadweynaha Ingiriiska oo arrintaan si weyn uga carooday ayaa shee gay in lacagtaan tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuur ta laga qaado la siiyo dad dalkooda danbi ka galay. Si kastaba, kiiska dacwada Yacquub ayaa banaanka hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee dalka Ingiriiska, taasi oo mararka qaaray
ku baxdo lacag aad u badan.
‘WAXAAN BIXIYAY £30K SI AAN GABADHEYDA YAR UGA DIFAACO AABBAHEED’
UKMarkii aabbaha gabadheeda la dhigay xabsi sababo la xiriira tacaddi galmo, Bethan ayaa aad uga naxday inay ogaato in wlei loo oggolaanayo inuu arko gabadhooda kaddib marka lasoo daayo. Wuxuu ahaa khatar aysan dooneyn inay qaadato.
Bannaanka maxkamadda Cardiff ee dal ka Ingiriiska, haweeney si cajiib ah u lebi san ayaa fadhisay oo si walwal leh u suge ysay. Bethan weligeed hore uma aysan tegin maxkamad qoys, balse waa tan isku dayeysa inay difaacayo gabadheeda – oo aabbaheed lagu eedeeyay dembiyo la xiriira kufsiga carruurta haatanna xabsi ku jira.
Markii la xukumay, bilooyin kahor, waxaa la siiyay amar ka mamnuu caya inuu mustaqbalka wax xiriir ah la sameeyo carruur – balse mamn uuciddaas kama hor istaageyso inuu la xiriiro ilmihiisa.
Isaga iyo Bethan way is qabeen markii gabadhooda ay la dhalatay sid aas darteed xuquuq waalidnimo ayu uku leeyahay, taasoo ugu yaraan u oggolaaneysa inuu wax ka dhoho caafimaadka ilmihiisa, waxbarashada iyo habka nolosha.
Bethan "gebi ahaanba way ka argagaxsan tahay" waxa dhici doona marka laga soo daayo xabsiga. Waxay ka baqeysaa inuu gabadhooda maalin uun iskuulka kasoo kaxeeyo iyadoon ogeyn, sida keliya ee ilmaha looga soo celin karana ay tahay in la maro maxkamadda qoyska. Inta uu gabadha haayana laga yaabo inuu ku sameeyo waxa uu carruurta kale ku sameeyay.
"Weligaa naftaada ma cafin doontid," ayay tiri.
Iyadoo kaashaneysa waaliddiinteeda, Bethan ayaa qaadday tallaabo ay maxkamadda uga codsaneyso inay meesha u ga saarto xaqa waalidnimo ee ninkeedii hore ayna ka mamnuucdo dhammaanba inuu xiriir mid toos ah iyo midaan ahaynba la yeesho ilaa ay abahdooda ka gaarto 18 sano. "Waan ka xishoonayaa inaan fiiriyo xaaskayga marka ay subixii dhaqeyso go'a aan ku seexannay"
Iyadoo ay jirto sida ay u adag yihiin dembiyada ninkeedii hore, hadd ana Bethan ayaa lagula taliyay in hannaankan uu adag yahay. Waxay ku tilDorraady mid macangag ah waxayna ka baqeysaa inuu awood u yeesho qancinta maxkamadda.
Xaq uma lahan iyada gargaar sharci ah, xitaa dhegeysigii hore, khara sha adka ayaa ku badnaa.
Kiiska Bethan ayaa lagu dhegeysan doonaa maxkamadda qoyska, halkaasoo murannada waaliddiinta – ee aalaaba la xiriira carruur aan wa xba halabsan – lagu dhegeysto. Ilaa mar dhow, kiisaska ayaa loo maa reyn jiray si gaar ah weriyeyaashuna looma oggoleyn inay tebiyaan.
Balse tan iyo bishii January, weriyeyaal oggolaansho heysta ayaa loo oggolaa gudaha maxkamadaha qoyska ee magaalooyinka Leeds, Carlisle iyo Cardiff – taasoo u oggol aaneysa inay si dhow ula socdaan falalka maamullada iyo maxkamadaha.
BBC News ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay la socotay kiiska Bethan. Gudaha maxkamadda, Bethan ayaa is qarineysay si aan loo arag. Aabbaha ilmaheeda – oo aan qareen heysan – ayaa muuqaal uga soo qeyb galay maxkamadda. Wuxuu u muuqdaa qof gaaban oo fadhiya miis dheer gadaashiisa, hortiisana ay waraaqo tuban yihiin.
Waxaa sidoo kale la jooga dad ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo la taliyeyaal carruurta iyo qoyska ah.
Seygii hore ee Bethan ayaa maxkamadda u sheegay inuu oggol ya hay inuu xabsi ku jiro sababo la xiriira dembiyo "aad u adag" wuxuuna sheegayaa inuu "doonayo inuu ilmihiisa waqti la qaato", haddii ay doon eyso inay isaga xiriir la yeelato. Toddobaad walba ayuu warqad u qoray ay, kuwaasoo uusan haatan u diri karin.
Markii dambe, wuxuu diray codsi murugo leh oo ah inuu yahay aabbe jecel ilmihiisa, iyadoo codkiisu go’go’ayo ayuuna maxkamadda u shee gay inuu rajeyn lahaa inuu la joogo gabadhiisa. Bethan iyadu "uma dul qaadan karto" inay dhegeysato, waana "xanuun daran" in la isku dayo in lala heshiiyo ninkan oo tacaddiyo xun u geystay carruurta.
UKIlmaha Bethan wuxuu ka mid yahay in ka badan 80,000 oo layskula soo qaaday maxkamadaha qoyska. Sanadkii 2022, celcelis ahaan mudd ada kiiska qoyska ee gudaha England iyo Wales waxay qaadan jireen 10 bilood, amaba ilaa 45 toddobaad – waa hab "aan dhisneyn", sida ay qabaan Law Society.
Balse xuquuqda waalid waa mid keliya lagu maareyn karo amar maxka madeed, sida ay qabto Hannah Markh am KC, guddoomiyaha Ururka Family Law Bar.
"Xitaa haddii qof uu xabsi ugu jiro dembiyo kufsi carruur oo daran, way lahaanayaan mas’uuliyadda waalidn imo," ayay tiri - iyadoo Bethan ku tilma antay "geesiyad" maaddaama ay xaala ddan mareyso.
Toddobaadyada soo socda haween eydan ayaa waqti la qaadan doonta Bethan iyo gabadheeda, iyadoo aabba hana ku booqan doonta xabsiga.
Kiiskan ayaa degdeg ku socday, Bethan ayaana kusoo laabatay Xarunta Caddaaladda Qoyska ee Cardiff saddex bilood kadib.
Warbixinta haweeneyda bulshada u shaqeysa ayaa aad xasaasi ah kuna saabsan ninkii hore ee Bethan. Wuxuu u muuqdaa mid barooranaya kana xun inuusan noqon karin aabbaha ilmihiisu uu u qalmo, kahor inta uusan u mahadcelin maxkamadda.
Wuxuu rajeynayaa in dib qiimeyn loogu sameeyo marka lasii daayo wuxuuna codsanayaa warbixin sanadle ah oo la xiriirta xaaladda gabadhiisa.
Bethan iyadu, noocan xiriir ee aan tooska ahayn uma cuntamayo. Iyadoo kiisku uu sii socday, biilasha Bethan ayaa cirka isku shareeray. Waaliddiinteeda ayaana caawinaad u sameeyay.
"Waan u damqanayaa dadka aan iska bixin karin lacagtaas," ayuu yiri aabbaha Bethan. "Xaalad adag ayay ku jiraan."
UK
Kiiska ayaa saameyn ku yeeshay noloshooda, balse marka loo barba rdhigo kiisas badan oo maxkamadaha qoyska ah, kan dhaqso ayuu u socdaa – dhegeysiga ugu dambeeya waa wax ka yar labo toddobaad.
Aan ku laabanno maxkamadda, qaadiga ayaa soo koobaya warbixinta qofka u shaqeeya bulshada. Bethan "nafis weyn ayay dareentay" markii la go’aamiyay in ilmahooda ay mar walba iyada la noolaadaan, iyadoo mas’uuliyadda waalidnimo ee ninkeeda hore la xannibay.
Waxaa loo arkay inuu yahay qof aad khatar u ah sida uu xaakimku sheegay, lamana oggolaan codsigiisa ah inuu helo warbixin sanadle ah.
Waa la ogeysiin doonaa haddii ay gabadhiisa xanuun daran woo wajaho, amaba ay dal kale u guuraan.
"Aad ayaan uga mahdinayaa," ayay tiri.
Waaliddiinta Bethan ayaa sidoo kale aad ugu qanacsan.
"Markii ugu horreysay muddo saddex sano ah waxay gabadheyda u xoreeyeen inay gabadheeda u korsan karto si caadi ah, farxad leh, oo caafimaad leh," ayay tiri hooyada Bethan.
Marka laga soo tago saameynta dareen ee kiiskan uu yeeshay, wax aa sidoo kale ku baxday lacag ka badan £30,000. XIGASHO:-BBC
Magaalo lacag abaal-marin ah siiney sa qofkii soo sheega xogta qof tuug sanaya !
Warbaahinta dalka Hindia ayaa aad u hadal heysa ammar kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Hyderabad ee ku taalla Koonfurta dalka Hin dia, kuwaa oo doonaya in magaaladaasi laga mam nuuco dadka tuugsanaya.
Maamulka magaalada ayaana sheegay in qorsheenayaan kahor 15-ka bisha December ee sa nnadkan in magaalada laga sifeeyo gabi ahaan dadka tuugsanaya, ku waa ay ku eedeeyeen in ay wax u dhimeen sumcada magaalada iyo dadkeeda.
Waxaana loo ballan-qaaday dadka soo sheega sidoo kale keena xogta dadka magaalada ku dhax tuugsanayo in la siinayo abaal-marin lacageed oo dhan 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolarka Mareykanka.
Taliyaha booliiska ee magaaladaHyderbad ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuuc ayo dadka tuugsada, waxa ayna booliiska bilaabeen in meelaha qaar ka qab qabtaan dadka tuugsada.
Tallaabadan booliiska iyo masuuliyi inta magaalada Hyderbad qaadeen ayaa la sheegay in ay salka ku heyso booqasho magaaladaasi ku tageyso Ivanka Trump oo ah gabadha madax weynihii hore ee
Mareykanka, waxaana arrintan beeniyay masuuliyiinta maga alada


0 


HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 21-KA NOVEMBAR 2023-KA
..