
Dowladda Soomaaliya oo Safiirkii ugu horeeyay u dirtay dalka Eretariya
Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay Safiirkii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya u dirto dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Eretariya Dr Cumar Idiris, kaasoo horey u soo noqday Safiirkii dalka Qatar u fadhiyay Soomaaliya sanadahii 2011 ilaa 2017-kii.
Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Eretariya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo safiirkii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya u fadhiista Eretariya.
"Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah" ayuu ku yiri Danjire Cumar Idiris qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X.
Wuxuu sidoo kale sheegay Danjire Cumar iney ka go'an tahay ka shaqeynta xiriirka walaaltinnimo ee labada dal Soomaaliya iyo Eretariya oo leh taariikh dheer.
Dowladda Soomaaliya oo Safiirkii ugu horeeyay u dirtay dalka Eretariya
Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay Safiirkii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya u dirto dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin do