HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA OKTOOBAR 2023-KA

0
Saturday October 28, 2023 - 08:57:48 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA OKTOOBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

MW Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya

Madaxweynaha JFSMd.Xasan Sheekh Max amuud ayaa Maata M/Bruss els ee dalka Belgi um kaga qaybg alay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha DFS ee ku aaddan in deeq aha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdeg ga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo masha ariic horumarineed iyo maa lgashi.

"Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidan ka Amni ga Soomaaliya ayaa ku guul eystay in ka bada n 80 degmo in ay ka xoreeyaan Al Shabaab. Magaalo-xeeb eedyada sida Xarardheere” ay uu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Mada xweynaha "waxaan dib u soo celinnay waxbara shadii tooska ahayd muddo toban sano ah ka dib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiy ada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda wa xay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Madaxweynaha JFSa ayaa inta uu ku sug an yahay magaalada Brussels ee dalka Belg ium waxa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb ga shay shi rka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arri maha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha GSh B JFS Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dal ka Mare ykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaay een Baarla maanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-mar kaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinac yada horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Mado obe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shur uucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, ha naanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiila da dalka Mareykanka ayaa Baa rlamaanka Soo maaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarine ed iyo shaqo oyinka horutabinta u leh hann aan ka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan, waxayna tilmaameen in uu Marey kan ka la sameeyn doono bog cusub oo iskaa shi ah.

Guddoomiyaha GShBJFS ay aa ugu damb eyn u mahad cel iyay Golaha Wak iilada iyo gu ud ahaan D/Mareykanka taageerada joog tada ah ay siiyaan shacabka iyo dow lada Soomaal iya. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomi yaha ugu jiro soo celinta iyo hagaaj inta xirirka wadashaqeyn uu BS la leeyahay Baarlamaan ada Aduunka.

R/W/re Xamsa oo magacaabay G/Han naan ka Casriyeynta iyo Isbed delka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha JFS Md.Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Ca

sriyeynta iyo Isbeddelka Soomaa liya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kob ciyo isbeddelka hor seedaya Horumar waara, isla mar kaana saldhig u noqon do ona Soom aaliya xasiloon, Ma amul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbedde lka Soo maaliya ayaa abuuraya dada alo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuum adda, Dowladaha xubi nta ka ah Dowla dda Fede raa lka, Saaxiibada Caalamiga ah, Uru rrada aan Dowliga ahayn, Gana csatada iyo Bul shada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamul ka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, dar ye elka bulshada iyo in la dhiso kaab ayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha Golaha Hannaanka Casri yeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban:-

Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliy adda Md.Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarash ada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Md.Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrim aha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasi irka Qorshaynta

Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxa med, Wa siirka Batroolka iyo Macdanta

Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doo dishe), Wasiirka Amniga Gudaha Md. Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo War aabka Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Was iirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Sha qada iyo Arrimaha Bulshada Md. Jaamac Takh al Cabbaas, Was iirka Biyaha iyo Tamarta

Md.Axmed Xasan Aadan, Wasi irka Kalluum eysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Md.Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo War shadaha

Marwo Khadiija Maxamed Almakhsu umi, Wasi irka Deegaanka iyo Isbeddel ka Cimillada

Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona R/ Wasaaraha XFFS, waxa ayna yeelan doo naan Xoghayn ka kooban:-

Md.Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolb ool), Agaasimaha Golaha Wasii rada ee XRW

Md.Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrima ha Amniga RW Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaami jyada ee XRW. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW

Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumari nta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowla dda ee XRW.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha JFSoomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhig giisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordog aan oo kulan gaar ah ku ye eshay magaalad Istanbuul ay aa ka wada hadlay xiriirka lab ada dal, xoojinta isk aashiga, wadajirka iyo wax wada qab siga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah Madaxweynaha ayaa la wadaagay Mada xweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argag ixisada, iyadoo Ciida mada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliye ed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadke enna Soomaaliyeed sannado badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinim ada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uu na uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagi xisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordog aan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’ an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan wala alahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta ma shaariicda horumarineed ee hore ay u kala sax iixdeen labada dal.

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay Shirka 147-aad ee Baarlama annada Adduunka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabd ullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 147-aad ee Baarlam aannada Adduunka "Inter-Parlaim en tary Union” Qeybtisa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhiba anada Labada Aqal ee Baarla maanka Jamhuu riyadda Federa alka Soomaaliya, Xoghayaha guud Aqalka Sa re iyo Xoghaye ku xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Midnima da, Maamul Wanaagga, Maalg elinta, Horuma rinta, Isbedelka Cimil ada, Dimoqraadiyadda Qodobo kale.

Shirirkaan isdaba jooga ah oo Guddoomiye ku xigeenka 2ad ee GShBJFS C/hi Cumar Ab shirow kaga qeybgalayo dalka Angola waxa uu socon doonaa 27/ 10 /2023, waxaana lafilayaa in uu qudbad ka hor jeediyo ka soo qeyb gala yaasha gabg aba da Shirka 147-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.


Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhism aha wadda Laami ah oo isku xirta Dabaka aya Madow & Macalin Nuur

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Du qa Magaalada Muqdisho Mud ane Yuusuf Xus en Jimcaale (Mada ale) ayaa Shalay dhagax dhigay dhism aha wadda Laami ah oo isku xira Dab akaaya Madow iyo Macalin Nuur ee degm ada Dharkeenley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta galbeed.

Duqa Muqdisho oo la hadlay warba ahinta ayaa yiri, "Meeshaan culeys ayaa ka jiray ha ddase waa laga baxay, waxaana u sabab ah maamulka degmada Dharkiinley, waan dadaa laynaa dalk eenana hal dollar ayaan ku dhisa naynaa.”

Dhismaha waddadan ayaa ah mid iskutashi ah oo ay iska kaashan doon an dadka reer Dharkeenley, rugta gana csatada iyo maamul ka gobolka Bana adir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu horeys ay oo Laami la saari doono taas oo hirglinteeda ay baahi u qabeen bul shada reer Madiina.

Muddooyinkii dambe waxaa isbadal ku yi mid qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, iyada Gudoomiyaha Go bolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu waddooyin dhowr ah dhagax dhigay, halka qaar kood xarr iga laga jray.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan la yeeshay sii hayaha safaara dda Maraykanka ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliy eed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Kulan la qaatay siihayaha Safaaradda Maray kanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon,S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa siihay aha Safaaradda Maraykanka ee Soo maaliya wax ay a wadda hadleen Sara u qaadista tababar ada ay siiy aan Cii danka Xoogga Dalka Soo maaliyeed gaar haan Kum aand ooska Danab iyo Qalabey ntooda. Kul ankan ay yeeshe en taliyaha ciidan ka xo ogga dalka iyo siihay aha safa aradda Mara ykanka ee Soomaaliya ayaa imaanay xilli ay dowladda Soomaaliya ay wado dagaal ka dhan ah maleeshiyada Khawaarijta ee Al shabaab oo looga saarayo deegaan ada ay ku harsan yihiin.

Wasiir Biixi oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Safiirada & Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Md.Biixi Imaan Cige ayaa Shalay M/Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadl ay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soo maal iya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu Shalay la kulmay sidii D/a Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta. W/W.Maaliyadda XFS Md.Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Go’aamo kasoo baxay Shirkii Shalay ee Golaha Wasiirada Xukuu madda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS ayaa Shalay shirkoodii todobaadl aha ahaa ku yees hay Muqdisho, waxa ana shir guddoominayay Ra’iisul Was aaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre

Shirka Golaha Wasiirada ay aa waxaa lagu soo Ban dhi gay warbixinno kala du wan oo la xiriira amniga, dhaqa alaha, deyn-caf inta iyo aqoon-is-weyda arsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasi irrada.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qar anka iyo dadweyn aha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan da gaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Intaas kadib golaha ayaa go’aam iyay in bishaarkooda oo dhan loo jaro ciidamada dow ladda iyo kuwa Macawii sleyda ee howlgallada ka wada dalka, sida uu shaaciyay Afhayeenka xukuu madda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay shirka golaha.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Soomaal iya ayaa shirkooda ku ans ixiyay warbixinya sa nad maaliyadeed ka 2022, taas oo ahmiyad u leh dalka iyo nidaamka guud ee dhaqaal aha.

Md. Guuleed "dowla da waxay xoogga sa arey saa waxba rash ada amniga iyo midn imada dalka”

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed ay aa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay raa dinta midnimada dalka iyo qancinta cid kasta oo qabta dareen tabasho.

Ergayga ayaa qiray in aysan jirin Wax isba dal ah oo ku yimid siyaasadda DFS ee ku aadan Wadaha dal lada Soomaal iland.

Ergayga Madaxwey naha JFS ee Arrimaha So maliland waxa uu xusay in wadajir la’aanta umadd a ay horseedi karto gaa bis ku yimaada dhanka horum arka bulshada iyo dhismaha heykalka dowladnimo.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed, wa xa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso arrimaha waxbarashada amn iga iyo midnimada dalka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in gacan laga geysto taa bagalinta howlah aasi.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Sha cabka J FS Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Go laha Shac abka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Marey kanka Qaar kamid ah maamulka Jaaliyada So omaaliyeed ee ku nool M/Washington ayaa wa xay Guddoo miyaha Golaha Shacabka iyo waf digi isa la wadaage en xaaladda guud ee dadka Soomaalida iyo ka alinta ay ka qaataan haddey ahaan laheyd dhinac yada horumarkaee ka socda Soom aal iya. G/Sh.Aadan Madoobe oo gu nnaa nadka kulanka ka hadlay ay aa boggaadiyay jaaliyada Soomaal iyeed ee ku nool Dal ka Mareykan ka, isagoo ku boo riyay inay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro horum arinta dalka.

Saciid Deni oo Shuruudo ku xiray masha ariicda Puntland laga fulinayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddo omiyey Shirka Golaha Wasii rada oo 7baadkan looga had lay Amniga, dhameystirka fariisinta Goley aasha deegaanka degmooyinka Puntl and, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale.

Madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu faray dhammaan golaha wasiira da in mashaariicda horuma rinta ee laga fuliyo Puntl and, la waafijiyo siyaasad da VMaamulka, Qorshaha horumarinta 5-ta sa no ee Puntland iyo Mabaadiida aasa asiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxi so si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: 1- Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fuli nayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)

2- Qoondada Puntland ee Mashru uca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta

3- Maamulka iibka (procurement) mashruu ca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka ma shruuca ee Puntland

4- Hantidhawraha Guud ee Puntland waa in uu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka ful aya Puntland

5- Lacagta mashruuc kasta waa in lagu ma amulo khasnadda mideysan ee Puntland (TSA) iyada oo la isticmaal ayo Bangiga Puntland.

Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).dalka looga xoraynayo Alshabaab.

Mreykanka oo duqeeyey saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ilaalada kacaanka Iran

Dayuuradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday goobo lagu keydiyo hub ka iyo rasaasta ay isticm aalaan ciidamada Iran. Weerarka oo Habeen hore la fuliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Abu Kamal ee ku taalla xuduudka Cir aaq, wax aana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Weerarkan ayaa jawaab u ah diyaarado aan duuliyaha lahayn oo Maalmihii la soo dhaafay gantaallo ku garaacay saldhigyo milatari oo Ciraaq iyo Suuriya ku yaalla kuwaasoo ay ku dhaawacmeen 21 askari oo Maraykan ah, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. skartaan waxaa soo gaaray dhaa wacyo fudud, in kasta oo wararka qaar sheega yaan in qof shaqaale rayid ahaa uu dhintay.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysi ga ayaa ugu yaraan 12 jeer lagu weeraray Cira aq iyo afar jeer oo Suuriya ah, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Saraakiisha Mareykanka ayaa weer aradan u aaneynaya kooxaha ay taagaeerto Iran ee ka howlgala gobolka. Iran ayaa ku taag eerta Xama as iyo Xisbullah hub iyo sidoo kale dha qaale.Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, halka 2,500 ay ka joo gaan dalka ay jaarka yihiin ee Ciraaq. Khamiis tii, Mareykanka ayaa sheegay in 900 oo askari oo dheeraad ah ay geeyeen gobolka.


Madax ka socotay golayaasha dowl adda oo ka qeybgalay xuska 25-aad ee aasaaskii dugsiga Axmed Gureey

Wasiirka Waxbarashada iyo Hidd aha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ayaa ka qaybgalay munaasab loogu dabaal-dagayay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dugsiga sare ee Iimaan Axmed Gurey.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen xubno ka socday maaulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay,waxaa ka hadlay Xildhibaan Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guurre

Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qa adir,waxa uu ka waramay ahmiyadda waxbarashadu ay u leedahay bulshada iyo doorka ay ka ciyaari karto horumarka dalka iyo dadka.

Xafladdaasi waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriiray aasaaskii dugsiga sare Axmed Gureey halkaasi ka soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi.

Sheegow iyo 22 askari oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey

Sheegow Axmed Cali iyo askartii difaaceysay ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay ayaa lasoo taagay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

23 nin oo Sheegow uu ugu sareeyo ayaa ka soo muuqday maxkamadda, kuwaas oo loo heysto wixii ka dhacay guriga uu Sheegow ka degan yahay degmada Dharkenley, halkaas oo dagaal culus uu ku dhex maray ciidam ada Sheegow iyo kuwa dowladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkmadda ciidamada Soomaaliya oo raggaan ku soo oogay dacwada ayaa ugu horeyn Sheegow ku eedeeyey inuu ka been abuuray darajooginka ciidama da, isla markaana uu sheegtay daraj ada Jeneraal oo aan la siinin.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in nink aan ay dowladu ka dhigtay labo xidigle, isla markaana uu ku darsaday daraj ooyinka kale, ilaa uu ka gaaray Jener aal, iyadoo aysan cidina dalacsiin.

Eedeymaha culus ee loo soo jeedi yey Sheegow waxaa ka mid ahaa in maalintii uu socday dagaalka ka dhac ay gurigiisa uu gacantiisa ku dilay askari, isla markaana uu dhaawac cul us u geystay nin sarkaal ah.

Dowladdu waxay maxkamadda ka hor cadeysay in Sheegow mar hore laga saaray liiska ciidamada Soomaal iya, ka dib markii la ogaaday inuu musuq ku sameystay darajooyin uusan gaarin, sidoo kalena uu galay qaladaad badan oo mamnuuc ka ah ciidamada.

Qareenadii difaacayey Sheegow ayaa ku dooday in ninkaan lagu weera ray gurigiisa, isla markaana uu is difaa cay, waxay kaloo sheegeen in dowla ddu ay halkaas ku dishay qaar ka mid ah ciidamadii la joogay, kuwaas oo dhiigooda aan waxaba la iska weydiin.

Ugu dambeyntii, waxaa maxkamad da soo xiray G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, wux uuna sheegay in go’aanka kiiskaan ay dib ka soo sheegi doonto maxka maddu.

Ciidamada dowladda oo jawaab ka bixiyay dagaalo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaali yeed oo kaashanaya Ciidamada dega anka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan ka wada deg aano katirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo Dorraad dagaalo saacado badan qaatay uu ka dhacay.

Dagaalada ayaa Dorraad sigaar ah waxaa ay uga dhaceen degaanka Caag-sibiri oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay weerareen Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda iyo degaanka Ceel-cadde ee Galbeedka Gobolka Hiiraan kadib markii ay weerareen Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaal iyeed oo kaashanaya Ciidamada degaa nka ee Macawiisleyda ayaa Shalay ilaa Habeen hore howlgallo ka wada degaannada lagu dagaalamay, waxaana saraakiisha ciidamada degaanka ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan Gobolka Hiiraan looga xorreyn lahaa Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannadii lagu dagaala may ayaa waxaa ay sheega yaan in xaaladu ay tahay mid degan, marka laga reebo howlgallada ay wadaan Ciid amada dowladda iyo kuwa degaanka

Masuuliyiin QM iyo AU oo Muqdisho ku kulama

Wafdi heer sare ah oo ka socday AUC-PAPS waaxda Howlgallada Taa geerada Nabadda (#AUPSOD) ayaa shaley la kulmay madaxda ugu sareysa Qaramada Midoobay, oo ay hogaamin ayso SRSG & Madaxa UNSOM, Cat riona Laing. Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada nabadeynta ee ka socda #Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxa ay wadaan qii meyn lagu ogaanayo waxqabadka iyo casharada laga bartey howlgallada Mid owga Afrika ee 15-ka sano Soomaaliya ka socday.

Somalia oo looga guuleystay doora shada Madaxweynaha Baarlamanka Adduunka

Waxaa Shalay caasimadda dalka Angola ee Luanda ka dhacday doora shada tartanka Madaxweynaha Baarla maanka Adduunka oo sanadkaan markii ugu horreysay ay ka qeybgashay Soomaaliya.

Tartanka ayaa waxaa sanadkan loo kali yeelay Haweenka kujira Baarlam aanka Afrika, waxaana ku tartamay afar Haween ah oo ay ka mid tahay Xil dhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo kati rsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Shalay soo dhamaaday do orashada Tartankii Madaxwaynaha Ba arlamaanka adduunka, iyadoo Sooma aliya oo guuldareysatay ay heshay codadka ugu yar.

Waxaa codadka loo kala helay sidatan:

Tanzania 172

Malawi 61

Senegal 59

Somalia 11

Tanzania ayaa sida muuqata noqo tay Madaxwaynaha Baarlamaanka adduunka oo heshay 172

"Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ku tartameysay magaca Somalia wey da daashay laakiin Madaxda dowladeeda ayaa lugta ku dhagay oo u diiday inay garab siiyaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Natiijadan ayaa ku soo beegantay xili saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada qabsatay warqad uu qoray Guddoomiyaha Golaha Shacabka She ekh Aadan Maxamed Nuur (Mad oobe) taasoo lagu sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi ay tartanka ka baxday, hase yeeshee Xildhibaannada ayaa sheegtay in warqadaas markii ay ar agtay ay fajac ku noqotay, isla marka ana aysan jirin inay tartanka ka hartay.

Waxaa ay sheegtay Xildhibaan Ma rwo Cabdi Bashiir inay tartanka ka qeyb galeyso, balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la xiriirtay uu u sheegay in Madaxda sare ee dowladda Ammar kasoo baxay uu Warqadaasi u soo saaray.

Siyaasiyiin farabadan ayaa ka fal cel iyay Qoraalka ka soo baxay Guddoomi yaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee uu ku sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ka hartay tartanka Madaxweyn aha Baarlamaanka Adduunka, waxaa na kamid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo sheegay hadii ay libin ka keeni weyso Xildhibaannada uu mas’uul ka yahay Gudodomiye Aadan Madoobe.


Eeyo lagu soo kordhiyey ciidamada Somalil and oo lagu soo bandhigay Hargeysa

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka, sida lagu xusay barta hay’adda si rdoonka ee Somaliland, waxay hay’addu sheegt ay in Eeyahaani ka shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa.

Waxay eeyuhu kala shaqayn doonaan inay qabtaan qaraxyada la dhigo meelaha u dhow dhismeyaasha, meelaha gaadiidka la dhigto, meelaha u dhow xafiisyada, gaadiidka, xirmoo yinka, dadka iyo xarumaha dawladda.

Waxaa kale oo barta sirdoonka Som aliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed Xasan uu "salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan Eeyo tabab aran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Eeyahaan oo seddax xabo ah ayaa hordhac u ah cutub eeyo ah oo ay yeelan doon to NIA, Somaliland ayaa soo bandhigtay sawir rada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwa as oo laga keenay dalka Mareykanka.

Askarta lasoo bandhigay waxaa u xiraa waji yada, lamana sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois.

Noocas loo yaqaano Belgian Mali nois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hog aamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, ka dib markii lagu sii daayey godkii uu ku cara ray Abu bakar Al Baqdaadi.

Dhaawac ayaa ka soo gaaray hawlgalkaas Conan oo ah eeygaas godka ka daba galay Al Baqdaadi, waxaana billad Sharaf guddoonsii yey madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Donald Trump.

Eeyuhu waxay leeyihiin dareen aad u xoog badan oo ay wax ku urin karaan. Waxay ku xir an tahay qofka tababaraya sida uu u baro inuu qaban karo waxyaabaha sharci darrada ah.

Eeyga waxaa la baraa waxyaabaha ay car ruurtu ku cayaarto, waxaana la siiyaa wakhti fi ican oo uu ku barrto aaladaas. Marka dambe waxaa la mariyaa daroogo, kadibna waxaa eeyga la baraa urka daroogada.

Natiijadu waxay noqonaysaa in eeygu uu qofka xarigga u haya ku soo jeediyo marka ay u soo uraan wax lamid ah urka daroogada.

Marka eeyaha la barayo qaraxyada way ka yara dhib badan tahay, waayo qaraxa wuxuu ka kooban yahay dhowr waxyaabood oo la isku geeyey. Eeyaha waxaa si gaar ah loo baraa inay aqon san karaan nooc kasta oo ka mid ah isku dhisyada qarax uu ka koobnaan karo.

Kadib waxaa lagu galiyaa meel qarsoon, sida in lagu aaso god dhowr dhudhun ah ama in la mariyo barafuun carfaya ayadoo la eegayo sida uu eygu u soo saari karo. Inta badan eeyaha haw shaas loo tababara yo iyo qofka xarigga u haya waxay sameeyaan 12 toddobaad oo tababar ad ag ah. Eeyaha wax baadigo oba waxaa loo tabab araa inay baara an dadka la la’ yahay iyo meydad ka.Xigasho:-Caasimadda.Net Abiyi Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay xoog iyo duulaan u adeeg sa to sidii ay bad ku heli lahayd Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo Shalay ka qayb galay munaasabad loo qab tay Ciidamada Militariga Itoobiya oo lagu xu sa yay sannadguur adii 116aad ee kasoo ware eg tay Aasaaskii Ciidamada Militari ga Itoobiya, ay aa ka hadlay dho wr arrimood oo ay kamid tahay damaca Itoob iya ee ah inay hesho bad ay danaheeda u isticmaa sho.

Abiyi Axmed waxa uu ugu hor reyn sheegay in Itoobiya ay wada hadal u adeegsanayso wax wal ba oo ay rabto, marnaba aysan dagaal iyo xoog u adeegsanayn hadafkeeda iyo waxa ay ubaahan tahay inay hesho, "Itoob iya marka ay leedahay waxyaaba ha qaar aan ka wada hadalno waxaa la maqlaa in la leeyah ay Itoobiya duulaan iyo dagaal ayay usocotaa oo ay wax ku raadinaysaa" ayuu yiri Abiyi Axmed.

Isagoo hadalkiisa sii wata Abiyi Axmed waxa uu sheegay inaysan marna suurtagal ahayn in Itoobiya ay duulaan wax ku raadiso, " waxaan arrinkaas uga jawaabayaa in Itoobiya xoog iyo duulaan aysan ku rabin inay ku gaadho waxa ay u baahan tahay amase ay rabto inay gaa dho".

" Inagoo eegayna danta guud iyo waxa aynu ka wada faa'iodayno ee aynu ku wada barw aaqoobayno ayaynu walaaladeen ka wada had laynaa arrimahan badda, ee marnaba uma soc ono xoog iyo duulaan inaan wax ku raa dsano" ayuu kusoo gunaanaday Abiyi Axmed hada lkiisii.

Hadalka Abiyi Axmed ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu helo bad, taas oo hadal hayn badan dhalisay, inkastoo khudbadda Abiyi Axmed ee Shalay ay u badnayd Ciidamada Militariga Ito obiya iyo waxyaabihii ay soo qabteen, haddana waxaa imbadan khudbadiisa ka muuqatay mid uu ugu jawaabayo dalalka deriska la ah Itoob iya ee uu ka damacsan yahay inuu ka helo bad uu sheegay inuu si wadahadal iyo nabad ay ku dheehan tahay uu u marayo helitaankeeda.

Itoobiya ayaa ah dalka ugu weyn qaaradda Afrika oo aan wax bad ah lahayn, waxaana Itoo biya bad ugu dam baysan qiyaastii 30 sano ka hor wakhti gaa oo Eritariya ay kamid ahayd dal ka Itoobiya, wixii intaa ka dambaysay oo Eritar iya ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Itoob iya, Itoobiya waxa ay isticmaashaa dekadda Ja buuti oo ay u isticmaasho waxa ay dhoofinayso iyo waxa ay soo dejinayso.

Isku aadka tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo Banaadir oo lasoo saaray

Xiriirka kubbada cagta Soomaali yeed ayaa Habeen hore wuxuu si rasmi ah u shaaciyay qabashada tartanka kub adda cagta ee dowlad goboleed yada iyo gobolka Banaadir.

Sanadkan isbedel wayn ayaa ku yimid tartanka. Maamu lka SSC-Khaa tumo oo ay dha waan dowlad du u aqo onsatay ma amul KMG ah ayaa ka qeyb galaya tarta nkan.

Sidoo kale maamulka Puntland ay aan ka qeyb galaynin tartankaan, iya doo loo aanayno khilaafka siyaasad eed ee ka dhex taagan dowladda feder aalka iyo Puntland. Tartanka a yaa bilaaban doona bart amaha bisha Dece mber sanadkan. Wa xaana lagu bilaabido ona an Galmudug iyo Hirshabeelle. Sanadkan tarta nku waa is wada arag. Dhammaan kooxaha ayaa kulmaya. Waxa ana kasoo baxaya afarta ugu saraysa oo usoo gudbaya wareega semifinalaha.Labadii sano ee ugu dambeysay tartan lama qaban, wuxuuna u baaqday dhaqa ale la’aan si da uu sheegay gudd oomiyaha xiriirka kubadd a cagta Soo maaliyeed, Cali Shiine.

Saddexdii jeer ee tartankan la qabtay waxaa ku kala guulaystay Punt land, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Kenya oo D/Soomaaliya uga jawaabtay qunsul ay dhawaan u magaca wday Somaliland

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qunsulka ay dhawaan Somaliland u magacawday, uu yahay qunsul guud isla markaana, Kenya anay aqoonsa nayn Somaliland.

Kenya oo ka jawaa btay codsi Wasa ara dda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu dalbanayay in lacadeeyo jagada iyo shaqada uu qabanayo Cab diwali Muxumed Xuseen oo dhawaan Kenya u magacawday xafiiskeeda Har gaysa, ayaa sheegtay in uu yahay qun sul guud, ee ayna Kenya u aqoons aneyn Somal iland dal.

"Wasaaradu waxay markale cadda ynaysa aqoonsiga buuxa ee Dowlada Kenya ay u hayso midnimada Jamhuu riyada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna caddaynaysa in Kenya ay Somaliland u aqoonsantahay dowlad goboleed Soomaaliya kamid ah".

Kadib safar uu ku tagay Madaxw eynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dalka Kenya 13, December, 2020, ayaa horseeday in Kenya xafiis ka furato magaalada Hargaysa, taasi oo ka cadhaysiisay dowlada Soomaaliya.

Hadaba, dhawaan ayay dowlada Kenya qunsul usoo magacawday Soma liland, iyada oo isla markaana safiir cusub u magacawday Soomaaliya.

Duqeymo weli ka socda Gaza iyo Xa maas oo shuruud xabbad-joojin ah ku xirtay maxaa biista ay heyso

Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa’iil ay ku hayso bartilmaamee dyada Qasa,ayaa mas’uul u hadlay Xamaas waxa uu sheegay in aan la sii deyn doonin maxaabiista ay hayaan illaa lahelo xabad-joojin ka dhaqang asha Gaza.

Xubin ka tirsan wafdiga Xamaas ee booqanaya Ruushka ayaa sheegay in kooxdu aysan sii deyn karin maxaabiistii lagu qabtay weerarkii 7-dii October ilaa ay xabad joojin ka dhacdo Gaza.

Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa, iyadoo garaaceysa dhismayaal la deggan yahay, waxayna dishay daraa siin Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa daabacday magacyada kumanna an falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil,halka Madax weyna ha Mareykanka Joe Biden uu su’aal gal iyay kalsoonida lagu qabi karo tirada dhimashada.

Ugu yaraan 7,028 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii October, xilli Israa’iil ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto duullaan ka ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ku qaadeen Israa’iil,waxaana dhinaca kale,Mara ykanka ay sheegeen in ay duqeeyeen goobo ku yaalla dalka Suuriya oo ay

maamulaan Iiraan.


Tirada Guud ee Barakacayaasha Caa lamka oo kor u dhaaftay 114 milyan oo qof

Warbixin ay Hay’adda QM ugu qaa bilsan Arr imaha Qaxootiga ee UNHCR soo saartay Dorraad oo Arbaco ahayd ayaa lagu sheegay in Tirada Guud ee dadka Caalamka ee ka barakaxay Hoygooda ay gaartay in ka badan 114 milyan is qof.

Lixdii bilood ee sanadkan 2023-ka waxay cola ado ka dhaceen dalalka Ukr aine, Sudan, MySanmar iyo Koongada Dimuqraadiga ee DRC, Qalalaasaha Aadminimo ee dalka Afghanistan.

Warbixinta UNHCR waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday inay dad badan oo Somali ah ay ku barakaceen Abaar, Fatahaad iyo Amni-Xumo, waa sida lagu xusay Warbaahinta UNHCR.

Dhanka kale, Tirada Guud ee Barakac ayaasha Caalamka ee sanadkii hore ee 2022-kii waxa uu ahaa 108.4 milyan oo qof, halka 9-kii bilood ee ugu horeeyey sanadkan ay kor u dhaafeen 114 milyan oo qof.

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabi lsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi waxa uu sheegay inay Dowladaha Caalamka haatan diirada saarayaan Masiibada Aadminimo ee ka jirta magaallada Qasa ee Duqeymaha ba’an lagu hayo

Sida laga soo xigtay Hay’adda QM ee Isku-xirka Arrimaha Gargaarka Aadminimada ee OCHA, tirada dadka ku barakacay magaalladda Qasa lagu qiyaasaa 1.4 milyan oo qof.

Si kastaba, dalalka ugu badan ee Qaxootiga soo dhaqeeya ayaa kala ah: iran, Turkiye, Germany, Columbia iyo Pakistan.

Guud ahaan Caalamka, 1.6 milyan qof oo Magangelyo-doonayaal cuaub ayaa qortay Codsiyadooda muddadii u dhexeysay bilihii January ilaa June ee sanadkan 2023-ka.

540,600 qof oo ka mid ah dadkaasi waxay Magangelyo weydiisteen dalka Maraykanka, 150,200 kalena dalka Jarmalka, halka 87,100 kalena Codsiy adooda Magangelyo-doonka ka dhiib teen dalka Spain.

DAYAX MADOOBAAD LA SHEEGAY INUU HABEEN DAMBE KA DHICI DOONO QEYBO KA MID AH DALALKA..

Khubarada Cilmiga Xiddigiska waxay sheegeen in habeen dambe ee bishan October 28-da uu dhici doono Dayax madoobaad, waa sida ay sheegeen, balse, Ilaahay baa og Xaqiiqda waxa dhici kara

. Haddii ay rumowdo Saadaashaasi waxay noqon doontaa inuu yahay Day ax Madoobaadkii Labaad ee la arko sanadkan gudihiisa.

Qeyb ka mid Dayaxa ayaa mad oobaan doonto, iyadoo laga arki doono Africa, Europe, Asia, Australia, North America, Northeast South America, Pacific, Atlantic, Indian Oceans, Arctic and Antarctica. Dalalka Carbeed iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka Kala-bar ayuu Day axu madow noqon doonaa habeenka Sabtida ee ay Axadu soo galayso (October 28 ilaa 29).

Waxaa kaloo suurtogal ah in dalalka Carbeed arko Dayaxo oo gebi ahaan Madow wada noqday.

Khubarada waxay saadaaliyeen inuu Dayax madoobaadka bilaaban doono 06:01 daqiiqo ee xilliga GMT ( بتوقيت غرينتش) oo u dhiganta 09:01 ee xilliga Geeska Afrika, ama 08:01 ee xilliga Qaa hira (توقيت القاهرة).

Dayax-Madoobaadka waxa uu socon doonaa ilaa 10:27 daqiiqo ee xilli ga Greenwich Mean Time (GMT) oo u dhiganta 01:27 ee Saqda Dhexe ee xilliga Afrikada Bari (EAT) waa sida ay Khubarada saadaaliyeen.

Si kastaba, mar sii horeysay ee bilowga bishan October waxay Khuba rada Cilmiga Xiddigiska saadaaliyeen inuu Dayax Madoobaadka dhici doono Abaaro 22:01:44 ee xilliga dalka Azerbaijani oo u dhiganta 23:01:44 ee xilliga Afrikada Bari (East Africa Time (EAT)

Booliska Mareykanka oo weli raadi naya nin hubeysan oo dad badan laayey

Dadka deegaanka Maine ee dalka Mareykanka oo argagaxsan ayaa guryahooda ku sugan iyadoo boqolaal booliis ah oo aad u hubeysan iyo FBI-da ay si xooggan u baadigoobayaan Robert Card oo ah nin hubeysan oo 24 saac ka hor 18 qof ku dilay degaank aas kaasoo noqday dilkii ugu xumaa ee taariikhda gobolka

Inta badan baaritaankii Khamiista ayaa diiradda lagu saaray beer weyn oo uu leeyahay mid ka mid ah qaraab ada ninka baxsadka ah oo ku taalla miyiga degaanka Bowdoin, halkaasoo ay buux dhaafiyeen baabuur ay ka buu xaan askar hubeysan oo ka socda FBI iyo hay’ado kale.

"Waxaad u baahan tahay inaad had da dibadda u soo baxdo adigoo aan waxba gacantaada ku jirin. Gacmah aaga oo hawada ku jira,” ayuu booliisku ku yiri cod-baahiye. hase ahaatee halk aas waxba lagama helin

Dhibanayaasha toogashada waxaa ka mid ah Bob Violette, oo 76 jir ah, ha wlgab ahaa oo tababare u ahaa horyaa lka kubbadda cagta ee dhalinyarada, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa qof daacad ah, loo dhowaan karo oo nax ariis badan.

Xildhibaanka magaalada Auburn Leroy Walker ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkiisa, Joe, oo maamule ka ahaa baar uu u dhintay.

Dugsiyada, xafiisyada dhakhaatiirta iyo dukaamada raashinka ayaa la xiray dadkuna waxay ku sugnaayeen guryah ooda oo xiran Magaalada ugu weyn gobolka ee Maine.

Hogaanka Siyaasada ururka Xamaas oo qabtay shir jaraaid oo xasaasi ah

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ayaa ka hadlay khudbad laga sii daayay taleefishinka

Haniyeh waxa uu sheegay in weerarada Israel ee ka socda Qaza ay waxyeelo u keeni doonaan xasiloonida gobolka oo dhan, isaga oo intaa ku daray in aanay cidina saadaalin karin sida ay wax u dhici doonaan.

Labaatan maalmood markii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee Israa’iil, wuxuu sheegay in iska caabinta ay hogaaminayaan guutooyinka Qassam ay sii wadi doonaan weerarada. Waxa uu xaqiijiyay in iska caabinta Gaza ay si fiican u socoto oo aaney ciidamada Israel ku dhicin iney gudaha u galaan.

Waxaa Nuu ugu baaqay dowlada Islaamka iyo kuwa carabta inay cadaadis ku saaraan Yuhuuda dariiq kasta si loo joojiyo weerarada joogtada ah ee Gaza.

Waxa uu sheegay in iska-caabbinta ay tahay dhaqdhaqaaqa xoreynta qaran ee doonaya inuu xoreeyo dadkiisa iyo dhulkiisa”. Waa maxay "argagixisada”, ayuu yiri, isla isaga ayaana ka jawaabay oo yiri "Waa kuwa taageera gardarrada iyo kuwa ka aamusa xasuuqa Israel ay geysatay.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo furo dhammaan xudduudaha, oo ay ku jiraan marinka Rafax ee Masar, iyo in si shuruud la’aan uu soo soo galo gargaarka aadka loogu baahan yahay.

"Waa wax aan la aqbali karin in cadawgu uu xakameeyo waxa laga rabo iyo waxa aan la gelin karin mari nka Gaza”, ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay dadka isugu soo baxay "meel walba” inay sii wadaan kor u qaadista codkooda si ay u dalbadaan joojinta dagaalka Gaza.

Biden oo shaki geliyey tirada badan ee dhimashada Gaza & jawaab cad oo la siiyey

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa daabacday magacyada kumannaan falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo tirada dhimashada ay wasaaradu soo saarto

Liiska falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka Qaza ayay Wasaarada Caafimaadka Gaza ku soo daabacday in ka badan 150 bog, mararka qaar waxaa ku jira tobanaan qof oo isku magac ah: Qoysaskaas oo dhan ayaa lagu baabi’iyay weerarada cirka ee Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin iyiinta ee Gaza ayaa soo saartay liiskan iyadoo diiwaan gelisay dhimashada in ka badan 7,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ku dhawaad 3,000 oo carruur ah, tan iyo markii uu dagaalku billowday 7-dii Oktoobar.

In ka yar 24 saacadood ka hor, Mad axweynaha Mareykanka Biden ayaa shaki geliyey tirooyinka, isagoo shee gay inuusan kalsooni ku qabin tirada ay Falastiiniyiinta isticmaalayaan.

Heyadaha u dooda xuquuqda falas tiiniyiinta ayaa sheegay in hadalka Bid en uu qayb ka yahay dadaalka maamul kiisa ku doonayo inuu ka dhimo khasa araha Falastiiniyiinta, iyadoo Washin gton ay sii waddo taageerada ololaha duqaynta Israa’iil.

"Hadalada Madaxwaynuhu waa kuwo aad looga xumaado, mas’uuliyad darro ah, ayna ka muuqato cunsuriyad cad iyo falastiin naceyb ah,” ayey tiri Ze ina Ashrawi Hutchison oo u dhaqdh aqaaqa xuquuqda falastiiniyiinta.

Xafiiska bini’aadantinimada ee Qara mada Midoobay (OCHA) ayaa ka jawa abay shakiga maamulka Biden uu ka qabo tirada dhimashada ee Gaza, isa goo sheegay inay sii wadayaan adeeg siga tirooyinka ay soo saartay Wasaar adda Caafimaadka ee Gaza.

"Q/Midoobay waxay ku tiirsan tahay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ah isha laga helo tirada dhaawacyada iyo dhimashada aaggaas,” ayuu yiri afh ayeen u hadlay OCHA oo ku sugan dhulka Falastiiniyiinta.

Kooxaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa qiray in tirooyinka wasa aradda caafimaadka Gaza ay yihiin kuwo la isku halayn karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip