Dowlada Kenya oo soo bandhigtay Magacyada,Sawirada iyo Dalalka ay u dhasheen 35 ka mida Alshabaab.

0
Wednesday October 18, 2023 - 19:32:22 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Kenya oo soo bandhigtay Magacyada,Sawirada iyo Dalalka ay u dhasheen 35 ka mida Alshabaab.

    War ka soo baxay Dowada Kenya ayaa lagu shaaciyay magacyada iyo sawirada 35 ra ah oo ay sheegeen inay ka mid yihiin Alshabaabka Soomaaliya iyo Kenyaba ka howlgala. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay xubnahaan inay dhibaatooyin argagaxisanimo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay Dowada Kenya ayaa lagu shaaciyay magacyada iyo sawirada 35 ra ah oo ay sheegeen inay ka mid yihiin Alshabaabka Soomaaliya iyo Kenyaba ka howlgala. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay xubnahaan inay dhibaatooyin argagaxisanimo ka gaysteen Ismaamuka Lamu ee gobolka Xeebta. Sida ay sheegtay idaacada Starfm Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in 35 qof ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad sanadkii 2020-ka weerar ku gaystay saldhigga ciidamada Maraykaka ee Manda Bay ee dowlad deegaanka Lamu. 35 qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:- Macallin Ayman, Ramadhan Kioko, Cabdullaahi Banati, Andreas Martin Muller, Abu Amar, Suleymaan Maktum, Yuusuf Anau, Jamalo oo u dhashay dalka Tanzania. Cabdiweli Yaasiin Ciise, Idiris Dhul Kifir, Silla, Ibraahim Magag, Xasane Tijana iyo Fahad oo u dhashay Bangladesh. Shakhsiyaadka kale ee lagu raadjooga ayaa kala ah Sheekh Nganglangalam, Rasuul, Janagale Huteiba oo Itoobiyaan ah. Bashiir Mursal Maxamuud, Abu Khatal, Maalik Alim Jone oo u dhashay Boqortooyada Ingiriiska, Abu Saciid Abu Anan, Mzee Mashella, Warsame Cali, Maxamad Mwanjama Saalim iyo Cabdiqaadir. Dadweynaha ayaa laga codsaday inay xog walba oo ay ka hayaan shakhsiyaadkan xiriirka la leh Al-Shabaab la soo wadaagaan laamaha ammaanka, si loo guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo aysan dowaladda caddeyda.


XIGASHO:- RADIO STARFM.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip