HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA OKTOOBAR 2023-KA

0
Wednesday October 18, 2023 - 08:31:21 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA OKTOOBAR 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kul may ganacsatada

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Ca bdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leey ihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soo maaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ay aa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaar ka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wad ajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

"Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ay na ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo ku wa guduhuba”

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaar ka loo leeyahay, baahida loo qabo in la samee yo isbed del dhan walbo ah, si isbeddelkaas lo oga mirro dhaliyana ay lagama maar maan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaaruhu ganacsatada inay kaalin tooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegya da bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Guddoomiye Sheekh Aadan Mado obe oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaal iya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay dalka dib ugu soo laa btay ka dib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga wa xa ay kulan la qaat een mas’uuliyiinta Baarla maanka dalka Taliya aniga, iyagoo yeeshay kulamo kala gedisan oo looga hadlaayay horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya iyo soo celinta iskaashiga labada gole sharci dejin ee Soomaaliya iyo Talyaan iga.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddada laamiga ah ee Via Moscow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka howlaha guud iyo Guddoomiye Ku xig eenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Ban aadir ayaa dhagax-dhigay wadd ada laamiga ah ee Via Moscow oo isku xirta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Maga alada Muqdisho. Munaasabadda dhagax-dhi gga ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudd oom iyaha degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiya ha degmada Waaberi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daar may sha cabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, dadaafadda iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horreyso waddooyinka dib loo dhis aayo.

Saalax Axmed Jaamac "Waxaa loo baahan yahay in laga mira dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Cas

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DFS, Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jihey nta Dowladnimada Cariga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuum adda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Msudane Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaam ka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku ima nayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.

Shirka ayaa Shalay xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u ho gaansanaanta sharciga hantidho wrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.

Guddiga Baarlamaanada u qaabilsan saaxi ibtinimada Baarlamanka Qatar oo la kulmay safiirka Qatar

Guddoonka guddiga saaxiibtinim ada Lab ada aqal ee Baarlamaanka jam huuriyadda fed eraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qadar ayaa Shalay kulan hordhac ah la qaatay saf iirka dow ladda Qadar u fadhiya Soomaaliya dan jire Dr. Cabdulalhi bin Saalim Al-nuca ymi.

Kulanka oo ku saabsanaa isbara sho iyo soo dhowayn ayey sidoo kale xubnaha guddiga saaxiibtinimada iyo safiirku ka wada hadleen sidii loo ad keyn lahaa iskaashiga xiriirka laba da dal iyo xoojinta wadashaqaynta labada Baa rlamaan oo hadda samaystay gud diyo saax iibtinimo oo ka shaqay naya horumarka iyo isku xirka Baarlam aan ka Soomaaliya iyo Majlis Shuuraha Qadar.

Wariye Qeys oo Shalay lagu aasay Muqdisho

Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah mas uuliyiinta warbaahinta dalka ayaa Shalay ka qeyb galay Aaska Allaha u naxariistee Agaasim ihii TV-ga Somali Cable Muqdisho, Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo Habeen hore ku geeriy ooday qarax ismiidaamin ah oo ay khawaarijtu ka geysatay Muqdisho. Aaska marxuum Qeys oo ka dha cay xabaalo ku yaalla degma da Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa hal kaasi tacsi ka diray qaar ka mid ah ba hda sax aafadda iyo dad weynihii ka qayb galay jinaa sada iyo aaska marx uum Qeys.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq oo ku heshiiyay iskaashiga arrimaha Cadaaladda

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa Shalay kulan kula qaatay magaalada Baqdaad ee Caasim adda dalka Ci raaq dhigiisa dalkaas Wa siir Khalid Shwani.

Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaala dda dalka Ciraaq ay ku leedahay mag aalada Baqdaad waxayna kaga hadle en labada mas uul arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka arrimaha Cadaaladda, Sharciyada iyo in la is weydaarsado qibradaha labada dal.

Wasiir Xasan Macalin Maxamuud ayaa si doo kale ugu warbixiyay wasii rka Cadaalada dalka Ciraaq dagaalka dowladda Fedaraalka iyo dadka shacabka ah ay kula jiraan kooxda Al-shabaab iyo waliba sida ay uga go’antahay dowladda Soomaaliya in xooga la saaro kor u qaadista daadajinta adeegyada Cadaaladda iyo kala sareynta Sharciga.

Wasiirka Cadaalada dalka ciraaq Khalid Shwani ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlada ahaan ay diyaar u yihiin adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo lab ada shacab ee walaalaha ah.

Gabagabadii labada Wasiir ayaa isla meel dhigay in si wadajir ah ay is aga kaashadaan horumarinta hay'ad aha Cadaaladda ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Mareykanka oo 5 Milyan Dolar dul dhigay Abuukar Cali Aadan oo Alshabaab ka tirsan.

War ka soo baxay wasaarada arima ha dib ada Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in 5 Milyan doolar la siin doo no qofkii abaar ka ke ena Abuukar Cali Aadan oo ka mida madaxda Alsha baab.

Mareykanka waxay sheegeen in Abuukar Cali Aadan uu Alshabaab ka yahay ninka labaad ee ugu sareeya dagaalyahanada Alsha baab islamark ana uu sanadihii ugu danbeeyay soo hayay xilkaan.

"$5 milyan ayaa la siinayaa qofkii bixiya mac luumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsada Abu ukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hog aamiyaha Alshabaab”ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha diba da Mareykanka

Dhanka kale Warbixintaan waxay ku sheeg een in qarashkii hore loo saaray madaxooda la kordhiyay labada hoga amiye ee kala ah Axm ed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar

Madaxweyne Guud-laawe oo gudoomiyay shir looga hadlaayay dagaalka socda

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xakameynta dhaqdh aqaaqa ficilada guracan ee cadowga iyadoo shirkaan warbixinno looga dhageystay saraak iisha amaanka oo ka warbixiyay amniga guud ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka amniga gudaha ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha iyo dhismaha ciidanka, Dufcada 1aad ee Ciidanka Nabad sugida ee tababarka loogu soo xiray Magaalada Bele dweyne kuwaas oo xoojin doona xasilinta Mag aalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay geesiya asha Ciidanka Qalabka sida iyo Xoogga dib u xoreynta deegaanka ee dhulka miyiga ah ku baacsanaya Khawaarijta arxanka daran isagoo tilmaamay in la joogo waqtigii ugu dambeeyay ee khawaarijta loona baahan yahay midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Puntland oo Gaalkacyo ka wada ku lamo lagu heshiisiinayo Beelo dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Feysal Sheekh Cali ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay dallada Dhalin yarada iyo Horu marinta Gobolka Mu dug waxaa goob joog ka ahaa isudu waha Wasaarada Arimaha Guddaha.

Dallada ayaa ka wa rbixisay sha qada nab adaynta iyo is dhe xgalka ee ay muddo kawadeen Guud ahaan Gobol ka Gaar ahaan Magaalada Gaalka cyo iyo inay wali ka go’an tahay inay siiw adaan shaqaadaas si naf hurnimo ah.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaa diyay shaq ada ay kawadaan Gobolka, asagoo u balan qa aday inuu ku garab istaagayo shaqada Nabada ynta iyo is dhexgalka Bulshada, guddo omiya ha ayaa guud ahaan dhalinyara da magaalada kula dardaarmay inay xoojiyaan Nabada ayna Gacmaha isq absadaan lana qabto shirar Na bada lavu xoojinayo.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beel eed, iyada oo badi xalinta dagaaladaas ay ku guuleysteen mas’uuliyiinta Mamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaal iya oo cambaareysay dilka weriye Cabdifitaax qeys

Safaaradda Maraykanka ee Sooma aliya, ayaa camabareysay weerarkii ka dhacay ma gaalada Muqdisho ee galaa ftay nolosha wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’.

Weriye Cabdifitaax Macallin Nuur qeys oo ahaa agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa Muqdisho, ayaa kamid ahaa dhowr qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo Habeen hore ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

"Waxaan aad uga xunahay weerarkii ka dhacay magaalada Muqd isho ee galaaftay nol osha wariye C/fita ax Macalin Nuur ‘Qeys’. Wa xaan tacsi u diraynaa eheladiisa. Waxaan ca mbaareyneynaa falkaas waxuushnimada ah, ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdi sho ayaa sidoo kale sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Sooma aliyeed oo ka go’an inay hel aan nab ad, cadaalad iyo barwaaqo.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuul iyadda qaraxa lagu dilay weriye Cabdifitaax Qeys, oo Shalay aas ball aaran loogu samee yay M/Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qorshe lagu xakamaynayo sicir bararka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay ku hawlanyihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen qiimaha Shillinka Somal iland oo hoos u dhac ku yimid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoos u dhaca qiimaha shilinku uu dhiba ato ku yahay dadka shaqeeya ee mus haarkooda ku hela shilinka, kuwaasi oo lacagtoodu anay hadda u goynayn wixii hore ay u jari jirtay.

Biixi waxa uu xusay in Wasaarada Maalli yada oo uu hoggaaminayo Wasiir Sacad Cali Shirre, shirkadaha waa wayn iyo baananku ay ku hawlanyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa qiim aha Shil linka Somaliland.

"Dowlada iyo wadaagayaasha dhaq aalaha oo uu Sacad hoggaaminaya ma alahan waxay ku hawlanaayeen sidii sicir bararka wax looga qaban lahaa, iyaga iyo shirkaha iyo baananka waa lala tashaday, waxanan rajaynaya in todo bbaadka soo socda la joojiyo" ayuu yidhi Mada xweyne Biixi yidhi.

Kadib markii ay xukuumada Mada xweyne Biixi ku guulaysatay in ay kor u qaado isla mar kaana dajiso qiimaha Shillinka Somaliland, oo sannado badan aan daganayn, mar kale ayuu dhawaan qiimaha shill inku hoos u dhacay. Halka dollar oo awal u dhigmayay 8,500 oo shil lin ayaa hada qiimihiisu kor u kacay, iyada oo uu gaadhay 8,750 shillin, tani ayaa ka dhigan in uu hoos u dhac ku yimid qiimaha shillinka, taasi oo saamaysay nolosha dan yarta.

Nin dilay Sheekh Soomaali ah oo lagu max kamadeynayo dalka Mareykanka

Maxkamad ku taalla magaalada COLUMB US, ee gobolka Ohio kasoo muuqday John Wesley oo loo heysto dilka Sheekh Mohamed Hassan Adam, oo ahaa Iman Masjid oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Sheekha oo imaan ka ahaa Masjidka Abu Hurairah ee magaalada COLUMBUS ayaa la waayay xili uu Gurigiisa kusii jeeda bishii Dece mber 2021, iyadoo maalmo kadibna la helay meydkiisa oo ka muuqda dhaawacyada rasa astii lagu dilay isagoo gaarigiisa saaran.

Booliska ayaa u xiray dilka John Wesley, oo ah ninka ku eedeysan dilka heekh Mohamed Hassan Adam oo gilgilay Jaaliyadda Soomaaliy eed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mar eykanka, oo dalbaday cadaalad inuu helo Sheekha la dilay.

John Wooden ayaa dhowr jeer la xiray isa goo geystay dembiyo kala duwan oo dhac iyo dil ay kamid ahaayeen, waxayna booliska shee geen inuu yahay shaqsiga dilay Sheekh Moha med Hassan Adam. Maxkamadda ayaa la fil ayaa inay xukun ku rido marka ay dhamaato dhegysiga kiisaska horyaalla.

Gudoomiyihii hore ee Aadan-yabaal oo lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyihii hore Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Shalay la gu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan dee gaanka Daaru-salaam.

Marxuum oo lagu magacaabi jirey Max amuud Sheekh Xasan waxaa be egsaday oo dilay kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxay yihiin waxa ase baaritaano wada ciidamada Dowlada oo goobta gaaray.

Kooxaha masuulkaani hore dilay ayaa si doo kale waxay dhaawaceen Haweeneey maq aaxi ku lahayd isla deegaanka Daaru-salaam taasoo lagu magacaabo Canab Axmed Cali.

Dilkaan wuxuu ku soo aadayaa xili bilahaan danbe uu aad usoo hagaa gaayay amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan sidii ay u howlgaleen Ciidamada Booliis Milataariya kuwa asoo waxqabadkooda aad looga daree may guud ahaan caasimada waxaana lagu xasuus taa sidii ay uga adkaadeen kooxihii ciyaar weerarada


Xoogagga Xamaas oo baqdin geliyay Xoghaye Blinken, xilli uu booqasho ku joogo Israel

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa la sheegay in Isniintii uu wajahay xaalad halis ah, wax yar uun ka dib markii uu ka degay Magaalada Tel Aviv, oo uu wada hadalo kula leeyahay Madaxda Israel.

Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa wee rar gantaalo ah ku ekee yay Magaalada Tel Aviv, waxaana illaa fiidnimadii Habeen hore magaalada asi laga maqlayay dhawaqa digniinaha ee gan taalada amaba inuu weerar jiro.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo kulan la lahaa Raysal Wasaaraha Israel, Be njamin Netanyahu ayaa la sheegay in labadaba loola cararay goob ammaan ah, ka dib markii si lama filaan ah magaalada looga maqlay dar yanka gantaalada iyo dhawaqa digniinaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykan ka ayaa sheegtay in Xoghaye Blinken iyo Ray sal Wasaaraha Israel ay in doora ku sugnaay een goobta badqabka, ayna ka soo baxeen markii ay khatartu yaraatay, kulankoodiina uu mar dambe u soo idlaaday.

Booqashadan ayaa noqonayso tii labaad ee Blinken uu ku taggo Israel muddo afar maalm ood gudahood ah. Blinken ayaa Khamiistii ka degay Tel Aviv, si uu taageero ugu muujiyo Isr ael, ka dib weerarkii khasaaraha badan gayst ay ee ay dhawaan Xoogaga Xamaas ku qaad een Israel. Blinken ayaa sidoo kale booqasho ku soo kala bixiyay lix dal oo Carbeed, ka hor inta aanu Isniintii ku laaban Israel.

Khatarta amni ee haatan uu la kulmay Bli nken ayaa lagu sheegay tii ugu horreysay ee uu wajaho, tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

Israel ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay ho wlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Isla Dorraad Xarunta Baarlamaanka Israel ee Magaalada Jerusalem ayaa lagu kala car aray, xilli ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Isr ael, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee waxa loogu yeeray dagaalka, kuwaa oo qayb ka noqon do ona doorka hoggaamineed ee dagaalka Israel kula jirto Xamaas. Golahan ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore looga dhawaaqay Israel, ka gadaal weerarkii Xamaas ay 7-dii bi shan ka fulisay dhulka ay Israel maamusho.

Xilli Raysal Wasaare Netanyahu uu khadbad ka jeedinayay Xarunta Baarlamaanka ayaa mar qura Magaalada Jerusalem laga maqlay dha waqa digniinaha, taas oo keentay in xaruntaasi lagu kala cararo.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay si degdeg ahi madaxda ku geeyeen goob amni oo dhulka hoostiisa ah, looguna talagalay in am nigooda lagu sugo, xilliyada ay rabshaduhu jiraan.

Wararka ayaa sheegaya in nidaamka difaa ca hawada ee Israel uu ka hortegay inta badan gantaaladii weerarka loo adeegsaday, balse gantaalada qaarkood oo dhinac maray ayaa ku soo dhacay magaalada, lama na soo sheegin cid wax ku noqotay.

Netanyahu oo weerarkaasi ka dib ku laa btay Xarunta Aqalka Baarlama anka ee loo ya qaano (Knesset) ayaa sii watay khudbaddiisii uu ugu talagalay in goobtaasi uu ka jeediyo.

Netanyahu ayaa mar kale ku hanja bay in Ururka Xamaas ay ka ciribtiri doonaan gobolka, isagoona yiri "Dagaa lkan waa mid u dhaxeeya iftiinka iyo mugdiga.”

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Isr ael ayaa Dowladda Iran iyo Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan uga digay in ay dagaalka ku gacan siiyaan Xamaas, haddii kal ena ay la kulmi doonaan waxyeelo aad u dar an, sida uu yiri.

Subaxnimadii Isniinta ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Xamaas iyo Israel ay he shiis xabad joojin ah ka gaareen koonfurta Ga za, si ay ugu nabad galaan dadka ay Israel ku amartay in ay isaga barakacaan waqooyiga Gaza, balse labada dhinac ayaa mar dambe be eniyay wararka sheegaya in la gaaray heshiis xabad joojin ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa la hadalhaya in Arbacada berrito ah uu booqan doono Israel, ka dib markii uu casuumaad ka helay masuuliy iinta maamulkaasi.

Kuuriyada Waqooyi oo ka hadashay hubka la sheegay inay siisay Xamaas

Militariga Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay inay dabogal ku hayaan ast aan iyo raad muuj inaya in dowladda Waqo oyiga Kuuriya ay hu bsii say koox da Xamaas ee dagaalka kula jirta Israel.

Hubkaas ayaa la ru meysan yahay in loo ad eegsaday weerarkii ay Xam aas qaaday labada toddobaad kahor ee wlei socda.

Sarkaal u hadlay ciidamada Koo nfur Kuuri ya ayaa sheegay inay arkeen cadaymo muuji naya inay Koo nfur Kuuriya ay hub u dirtay dal alka bariga dhexe iyo kooxaha xagjirka ah.

Waxa uu intaas ku daray in xadka Israel si doo kale laga helay nooca madaafiic 122mm ah oo ay Kuuriyada Waqooyi samaysay, ku wa as oo la rumeysan yahay in ay adeegsatay Xamaas.

Iran oo u digtay Israel iyo tilaabo ay qaadi karto saacadaha soo socda

Iran ayaa ka digtay suurtagalnimada "tall aabo hor dhac ah” oo ay qaado saacadaha soo socda”, iyadoo Israa’iil ay isu diyaarinayso wee rar dhanka dhulka ah oo ay ku qaado Marinka Qasa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in Israa’iil aan loo ogolaan doonin in ay waxay doonto ka sameyso Qasa cawaaqib la’aan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa kacsan tan iyo markii Israa’iil ay billowday aargoo siga ka dhanka ah Xamaas ee Qasa. Cabsida halkan ka jirta ayaa ah in tani ay noqon karto waji cusub oo dagaalka ah , kaas oo ay ku lug leed ahay Xisbullah. Iran ayaa taage erta kooxda Xisbullah.

Maraykanka ayaa uga digay Iran inay sii hur iso colaadda, waxayna Israa’iil sheegtay in had dii Xisbullah ay ku lug yeelato dagaalka, inay bixin doonto jawaab ba’an.

Hoggaamiyaha Xamaas oo sheegay in Mareykanka masuul ka yahay xas uuqii Xa lay ka dahcay Isbitaalka Gaza

Hogaamiyaha Xamaas oo Xalay ka hadlaa yay duqeymaha Yuhuuda ka gaysteen isbitaalka Gaza ee shcabku ku jireen ayaa mare ykanka dusha ka saaray.

Hogaamiyaha Ismacil Han iya wuxuu daboolka qaaday in Xasuuqa Xalay uu masuul ka yahay Dalka Mareykanka oo Isra a’il siiyay hubka iyo diyaara daha shacabkooda lagu xasuuqay.

Isbitaalkaan oo lagu magacaabo Al-Hilaal waxaa saacad gudaheed ku dhintay 900 ruux oo dhamaantood ah shacab reer Falastiin ah ka dib duqeyn bini’aadanimada ka baxsan.

Mareykanka iyagaa leh masuuliyada weer arka isbitaalka sababtoo ah waa hubka uu sida gardada leh u siinayo Israel,” ayuu yiri Ismacil Haniyeh.

Hogaamiyaha Xamaas Haniyeh wuxuu int aas ku daray weerarkaan iyo xasuuqa ay gayst een Yuhuudu una gaysteen shacabka isbitaal ka ku jirey uu cadeyn u yahay guuldarada ka soo gaartay weerarkii Xamaas ee 7-dii bisha aan Oktoobar ku qaaday Yuhuuda.

Ugu danbeyn wuxuu ugu baaqay shacabka reer Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto inay u

bannaan baxaan sida ay isugu soo baxeen shacabka Ramalah.

Yuhuuda oo Xalay Xasuuqii ugu ba ’naa ka wada dhulka Gaza xili kun ruux ay dileen

Aftermath of deadly Israeli air raid on al-Ahli Arab Hospital Xalay waxa ka socda Magaalada Gaza xas uuqii ugu ba’naa ee abid Yuh uuda u gaysatowaqtiyadaan danbe dadka reer Falastii

Duqeyn arxan daro ah ayaa Xalay saacado xiriir ah ku socota iyadoo ilaa iminka oo 11-15 saq dhexe sii mareyso ay wali wadaan xasuu qa.

Alle SWT waa caadil waxaan rajeyn eynaa in Caddowga Gaalada ee isbaha ystay uu ka qabto dadka muslimiinta ee shacabka ah islam arkaana aan waxba Shalaysan sidoo kale wax aan u rajey neynaa inta ku baxdana inay Alle naxa riistiisa helaan.

wararkii ugu danbeeyay ayaa shee gaya in tirada dhimshada shacabka reer Falastiin ay cagta galisay kun ruux iyo kasisi badan iyadoo daqiiqado ka hor 800-900 xisaabtu ahayd.

Duqeymaha iyo xasuuqa ay Yuhuu du ka wado Magaalada Gaza wee reer Falastiin wixii ku soo kordha warark eena xiga ayan idinku

soo gudbineynaa insha Allaah.



SIDEE AYAY U SHAQEYSAA RAJABEETADA LAGU OGAAN KARO KANSARKA NAASAHA?


Kansarka naasaha Bal malee isticmaal ka qalabka ultrasound-ka ee ku xirmi kara rajab eetada kaas oo ka baari kara naasahaaga bur ooyin marka aad cabayso koob kafee ah.

Dhaqtarad u dhalatay Turkiga oo lagu magacaa bo Dr. Canan Da ğdev iren ayaa iyada iyo kooxde eda oo ka tirsan machadka teknoolajiyada ee Massachusetts (MIT) Media soo saaray farsmadan.

Qalabkan waxaa lagu sharfayaa eeddada dhaqtaraddan oo u dhimatay kansarka naasa aha. Qalabku wuxuu u oggolaanayaa in si joo gto ah loola socdo bukaannada khatarta sare leh inta u dhaxaysa mammograms, oo ah raajo lagu baaro naasaha.

Kansarka naasaha ayaa ah nooca ugu badan ee kansarka ku dhaca haweenka iyadoo 2.3 milyan oo haween ah laga helay, halka 685,000 ahna ay naftooda ku waayeen san adka 2020-kii, sida ay sheegtay hay’adda caa fimaadka adduunka ee WHO. Waa sababta 2aad ee ugu badan ee dhimashada haweenka.

Marka kansarka naasaha la ogaado goor ho re ama xilliga billowga heerka badbaadada sha nta sano waa 99%, sida ay sheegeen Ururka Kansarka Mareykanka.

Dr Dagdeviren ayaa sheegaysa in aaladda ay gacan ka geysan karto kor u qaadidda hee rka badbaadada maad daama heerka badbaad ada uu yahay 22% kaliya haweenka laga helo marxalad dambe.

Kansarka naasaha

Qoraalka sawirka,

Dr Dagdeviren waxay bare ka tahay Massachusetts Institute of Technology

Sidee ayuu qalabku u shaqeeyaa?

Kansarka naasahaXIGASHADA SAWIRKA,MIT

Qoraalka sawirka,Qalabkan yar ee ultrasound-ka ayaa la dhex gelin karaa mid ka mid ah lixda god si sawir looga qaado naaska

njineeradda Canan Da gdeviren iyo saynisyah anka agabka MIT ayaa markii ugu horreysay la yimi.

Saynisyahanka agabka MIT iyo injineer Can an Dagdeviren ayaa markii ugu horreysay la ti mid fikradda markii ay ag fadhiisatay sariirta eeddadeed ee isbitaalka.

Habaryarteed ayaa laga helay kansarka naa saha oo aad u daran, inkastoo lagu sameeyay baaritaan naasaha caadiga ah, waxayna geeri yootay lix bilood ka dib. Waa balaastar dabac san oo dib loo isticmaali karo oo lagu dhejin ka ro rajabeetada, iyada oo aan loo baahnayn hawlwadeen.

Waxaa jira ilaa lix godad oo qalabka sida xa bag barsheedka u sameysan iyo kaamiro yar oo ultrasound ah oo dhexdooda lagu dhaqaajin karo si aad uga aragto gudaha naasaha dha mma anba dhinacyada. Waxay shaqeysaa iya doo aan loo baahan jeelka ultrasound.

Dr Dagdeviren ayaa sheegaysa inay arki ka rto finan yaryar oo 0.3 cm ah, waana cabbirka burooyinka marxaladda hore maraya. "Waxay la micno tahay waa sax in la ogaado wax wal boo aan caadi ahayn," ayay tiri.

Waa maxay mammogram?

Kansarka naasaha

Habka badanaa loo adeegsado baaridda kans arka naaska waa mammogram halkaasoo naas ahaaga la saarayo raajo iyadoo shucaac la dhex marsiinayo jirkaaga si sawir looga qaado.

Si kastaba, mammograms ayaa sidoo kale ay ku kacdaa lacag badan, dalal badanna, ka ma mid aha adeegyada caafimaad ee dowlad du bixiso.

Maxay haweenka qaar u dareemaan xanuun?

"Qof walba naasihiisu waa kuwo u gaar ah qofkaas, kala duwanaanshaha iyo xaddiga xiid maha ayaa sidoo kale ah kuwo gaar ah," ayay tiri Helen Yule, oo la taliye dhanka raajada ah isla markaana madax ka ah guddiga la talinta UK ee shaqadan.

Haweenka leh xiidmo badan oo kuwa caa naha ah ayaa laga yaabaa inay diiqad dareem aan marka lagu sameynayo mamm ogram, marka loo eego kuwa naasahoodu dhan ay bar uur yihiin. Sidoo kale qaadashada dawooyinka hoormoonka ayaa saameyn kara arrintan.

La taliyahan dhanka raajo saaridda ayaa she egtay in filashada haweenka ee sida uu noqon doono mammogram ay sidoo kale door weyn ka cayaarto.

Waxaa jira habab fudud oo looga hortagi ka ro diiqadda inta lagu guda jiro mammogram si da isku dayidda inaad sameyso mammogram toddobaadka ka horreeya amaba inta ay caad ada kuu joogto amaba inaad qaadato paraceta mol oo uu kuu diyaarsanaado.

Yaa loogu talogalay qalabkan la xiran karo?

Daraasado ayaa muujinaya in fiixyada naasaha ee soo muuqda marka la sameynayo mammo grams joogto ah, oo sidoo kale loo yaqaanno kansarka ay muddada u dhaxeyso, ayaa dha mmaanba kiisaska kansarka naasaha ka ah 20-30%. Kooxda MIT ayaa sheegtay in fii xyadan ay aad uga daran yihiin kuwa la helo marka la sameynayo baaritaannada caadiga ah. Qalabka ayaa la siin karaa haweenka aad ka khatarta ugu jira kansarka naasaha wuxu una ka caawin karaa inay ogaadaan fiixyada in ta lagu ogaan karo labo mammogram amaba inay iyagu is baaraan.

Balse baarayaasha ayaa ka digaya in "had dii xaalad aan caadi ahayn la arko, weli loo baa han yahay mammogram".

Rajabeeto

Halkee lagu sameeyay?

Kooxda MIT ee ka shaqeyneysa qalab caafimaad oo la xiran karo ayaa lix sano iyo bar ku howlanaa soo saaridda qalabka. An sixin ayay bishii Aug ust ka heleen Marey kanka waxaana soc da tijaabooyin aadmi ga lagu tijaabinayo.

Halkii qalab wuxuu qii mihiisu yahay $1,000 balse kuwa soo saaray ayaa sheegaya inuu hoos uga dhici karo intaas maadaama ay soo saarayaan xaddi aad u badan. Muddada tan la gaarayo ayaa noqon karta afar ilaa shan sano.

Hal baarid ayaa qaadan karta "wax ka yar in ta aad koob qaxwe ah ka cabeyso haddii aad maalin walba baarto xiidmahaaga", ayay yira ahdeen kooxda daraasadda.

Kansarka naasaha

XIGASHADA SAWIRKA,MIT

Qoraalka sawirka,

Waa naqshadeynta ay Dr Dağdeviren ka sa meysay qalabka iyadoo dhinac joogta sariirta eeddadeed

Rajo u timid haweenka

Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in baaridda oo laga daaho, adeegyada caafimaad oo yar, ay yihiin saba baha ugu waaweyn ee ay aad ugu badan tah ay dhimashada kansar ka naasaha ee dalalka soo koraya. Sida laga soo xigtay xogta WHO, muddo shan sano ah oo laga badbaado kans arka naasaha ee dalalka uu dakhligoodu sarre eyo ay ka badan tahay 90%, marka loo barbar dhigo 66% oo Hindiya ah iyo 40% oo Koofur Afrika ah.

Kansarka naasaha

,DR CANNAN DAGDEVIREN

Qoraalka sawirka,

Dr Dagdeviren iyo eeddadeedii ku dhiirrigelisay soo saaridda qalabkan

Qalabkan ayaa sidoo kale lagu baari karaa qeybaha kale ee jirka, iyadoo Dr Dagdeviren ay u adeegsatay inay ku baarto ilmaheeda mar ay uur lahayd sanadkii hore.

"Eeddadey aad ayay u yareyd, keliya 49 sa no ayay jirtay. Dhimasho waxay ahayd waxa ugu dambeeya ee niyaddeeda ku jiray. Ka war ran haddii eeddadey ay xiran lahayd rajabeeto sidan oo kale ah?" ayay is weydiisay.

XIGASHO:-BBC


XAGGEE AYAY KU DAMBEEYEEN DIYAARADIHII DAGAALKA EE SOOMAALIYA?


Horin diyaaradihii dagaalka Mig21 ee Soom aaliya, Qoraalka sawirka, Horin diyaara dihii dagaalka Mig21 ee Soomaaliya

Article information, Author,Ahmed Cadceed

Role, Saxafi madax bannaan, Twitter ,@Ahmed Adeat Reporting from Nairobi – Kneya Ciida mada Cirka ee Soom aaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoo dda badan qara dda Afrika, waxaynka ku qa labaysnaaye en, diyaa rado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhan ka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaa radda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ah ayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Sooma aliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaata meeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliy eyaal diyaaradaha dagaalka.

Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xag ay ku dambeysa? Qal abkii iyo diyaaradhii daga alku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonn aa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977

Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruu shka oo markaa hoggaaminay ey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofi yeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.

Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bil owday xiriirka Soomaal iya iyo midowga Soo fi yeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soom ali ya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysay nayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.

Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxa muud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u war ramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruu shku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xillig aas casri ahaa.Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidama da Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaa liya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soom aaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridi sta, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diya aradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysn aayeen.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diya aradood kasoo riday Soomaa liya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cir ka, qaybihii dambe ee dagaalka.

Xagey ku dambeeyeen diyaradihii dagaalka ee Soomaaliya?

Mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka eee Soom aaliya oo khraab ah

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,

Mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka eee Soo maaliya oo khraab ah

Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, "Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali.

"Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid.

Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan.

"Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sar eeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cir ka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaa lka ayaa sidaasi yiri.

Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti daw ladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Sooma aliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan. "ganacsatada Soomaa lida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu.

Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula same eyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan.

Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka.

Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya.

Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso "in la dhiso ciidankii cirka”.

Billowgii xiriirkii Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya

Duuliye Somali ah

Qoraalka sawirka,

Turkiga iyo Eretrea ayaa wada dadaal ay tababarro ugu fidinayaan ciidamad cirka ee Soom aaliya

Xiriirka diblomaas iyadeed ee Midowgii Soo fiyeeti iyo Soomaali ya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.

Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirs an milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.

Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada So omaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xil ligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed.

Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qab ashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgur eeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufu tay, lana keenay koonfurta Soomaaliya.

July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi. XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip